Home » Warar »

Kenya iyo Itoobiya oo Dowladda Ingiriiska ka codsaday in ay Gacan ku yeeshaan Shirka la filayo in uu ka Dhaco London

Iyadoo maalmo kooban ay ka harsan tahay qabashada shirka Magaalada London ayaa haddana dowldaha Kenya iyo Itoobiya waxay qoraalo u direen Dowladda Ingiriiska oo ay ku sheegeen in ay doonayaan in ay qayb libaax ku yeesheen shirkaasi lagu wado in uu ka dhaco Magaalada London maddaama ay yihiin labo dowladood oo deris la ah Soomaaliya.

Waxaa la filayaa in Magaalada London ay dhawaan gaaraan mas’uuliyiin ka tirsan dowladaha Itoobiya iyo Kenya kuwaas oo kulan la soo qaadan doona mas’uuliyiinta Ingiriiska u qaabilsan shirka, iyadoo lagu wado in ay u gudbiyaan talooyin ku aadan qaabka xal looga gaari karo arrimaha Soomaaliya, hase yeeshee Dowladda Ingiriiska oo iyadu wado wadatashi ku aadan shirkaasi ayaa haddana la ogeyn waxa ay ka yeeli doonto Hadalka ka soo yeeray Dowladaha Kenya iyo Itoobiya.

Dowladda Kenya oo horey isaga ilaalin jiray xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhanka faragelinta Milatariga waxayna ku koobneed dhanka siyaasadda, iyadoo horey u qabtay shirkii dib u heshiisiinta Imbagathi,balse waxay si toos ah Soomaaliya faragelin ugu sameeyey 26-kii October ee sanadkii tegay kadib markii ay ciidamada Kenya ay soo galeen gobalo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya iyadoo halkaasi dagaalo kula gashay Xarakada Alshabaab, sidoo kale Dowladda Itoobiya ayaa iyadu weligeen faragelin Milatari iyo mid siyaasadeedba ku haysay Soomaaliya taasina waxay keentay in Ciidamadeedu soo galaan Soomaaliya oo ilaa iyo haatan ay sii wado faragelintaasi, waxay dooneysaa in galaangal Siyaasadeed ku yeelato Arrimaha Soomaaliya

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa dowladda Ingiriiska uga digay in Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ay gacan ku yeesheen shirka 23ka bishan ka dhici doona Magaalada London, iyagoo sheegay in dowladahaasi yihiin kuwo aan sinaba looga jecleyn dalka Soomaaliya isla markaana cadaawad ay kala dhexeyso Soomaaliya taas oo mudo soo jiitameysay, waxayna Dowladda Ingiriiska shirkaasi ku martiqaaday ilaa 50 dowladood oo u badan dowladaha daneeya Arrimaha Soomaaliya, haddaba la arki doonee halka uu ku dambeeyo shirkaasi yo waxa ka soo baxa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Kenya iyo Itoobiya oo Dowladda Ingiriiska ka codsaday in ay Gacan ku yeeshaan Shirka la filayo in uu ka Dhaco London "

  1. warsame says:

    Waxay ilatahay in ka soomaali ahaan aynaan wax rajo ah ka qabin shirkaas ingiriisku hormoodka u yahay hada si toos ah. waa dhici kartaa in ilaahay inoo diro galaadaas oo ay ka shaqeeyaan wanaaga aan qabsan waynay oo ah amaan iyo dawlad nimo ah hesho soomaaliya. balse rajadu ma qurxoona waxaana keenaya rajo xumada soomaaliya oo aan lahayn madax wada tashata ama ha ahaadeen kuwa mogdisho ama ha ahaadeen kuwa gobolada dalka oo dhan. malaha wax xiriir ah oo ay kaga tashadeen aayaha soomaaliya taamacnaheedu waxaa weeye soomaalida oo qabiil iyo koox walbaa wadato inay qolada kale ee soomaalida ah mucaaradaan oo kala socda ayaa tagaya laakiin kama soo horjeedsankaraan waxa looyeeriyo ee gaalkaa ingiris wato.

    Reer yurub waa isku ciidan hal ciidan bay leeyihiin hal u jeedana waa leeyihiin mar waxay kuugu imanayaan iyagoo ah midawga yurub marna waxay kuugu imanayaan ingiir talyaani faransiis hadana hal meel bay wax uwadaan soomaaliduna waa ku dhex wareereen madama ay yihiin dad jaahil ah oo qabiil qabiil isu fiirsanaya makala garanayaan waxa yurub tahay iyo waxa ingiirs yahay iyo waxa talyaani yahay taasoo ah hal dan oo ay afrika ku gumeystaan iyagoo isku mid ah.

    majirto cid u taagan soomaali maxaa dan u ah. miyaad wali ma qasheen wax kale daayoo qabiil soomaaliyeed oo u tashanaya waxay ka yeeli lahaayeen gaalkaa ingiriis ee soomaali isugu yeeraya? qoox soomaali ah oo siyaasiyiin ah oo ka tashanaya shirkaa miyaad maqasheen? dawlada soomaaliya oo ka shirtay oo ka tashanaysa wixii laga yeelilahaa shirkaa miyaad ma qasheen?

    Nin waliba wuxuu hadaba utagayaa shirkaa in uu ku raaco qodabada loo yeeriyo oo uu yiraahdo waa aqbalaya waana sax isagoon akhirinba waxa xataa la amray!!!

    Nacaybka doqonimo iyo qabyaalada xadka dhaaftay iyo badawnimada soomaalidu waxay keentay in soomaaliya loo raadiyo dawlad lagu milo oo aykamid noqdaan taasoo ah doodii xayle salaase ee ahayd reer yurub waxay iga xoogeen dadkaygii oo ah geelay badaw ah kuwaas oo loo bixiyay magaca soomaali laakiin ah itoobiyaan markaa waan soo ceshan maalin maalmaha kamid ah tii oo hada socota sida muuqata.

  2. Omar says:

    Soomaaliyey fashilintii shirka waa bilaabatey durba, mar haddii qolooyinkii aan deriska ahayn warmahooodii soo gurteen oy leeyihiin mudnaan aan afrikaabka kale iyo beesha caalamku lahayn hanala siiyo, waxaan ka codsanaynaa beesha caalamka in nala ka qabto qolooyinkaan arjiyada la cararaya oo wata qorshooyin dahsoon iyo beer laxaysiga ka duwan kuwa caalamku doonayo ayna naga daayaan faragelinka ay nagu hayaan 20ka sano, mar haddii dawladdii boqortooyada ingiriiska oo 20 sano naga aamusnayd maanta Ilaahay nooga hadliyey, Somaliyey codkiina kor u hadla kana codsada adduunka in ay wadamada deriska ahi joojiyaan doc faruurka ay nagu hayaan, siyaasadda somaliyana u daayaan cidda casuntey oo keliya, waxaa loo baahan yahay in aan shirka ka ilaashanno kuwa aan filayno in ay xagal daacinayaan cod dheerna lagu sheego oo weliba farta lagu fiiqo oo aan fadhiga jka kacno, somaliyey toos, somaliya yey noqon qaran lagu dawarsado !!!!!!!!
    towfiiq iyo talo waxtar leh Alla ha ina waafajiyo (aamiin Aamiin