Home » Warar »

Shacabka deggan Beledweyne oo dalbaday in Ciidamada Itoobiya laga saaro magaalada

Dadweynaha ku Dhaqan Magaalada Beled Weyne oo Dawladda KMG ka Codsaday in Ciidamada Itoobiyaanka laga Saaro Magaalada.

Waxaa Muddo Bil ah ah laga joogaa Xilligii Ciidamada itoobiyaanku ay soo galeen gudaha Magaalada beled weeyne ee Goblka Hiiraan ayaa waxa isa soo taraya Cabshada ka soo yeereysa Dadka ku dhaqan magaalada Beled Weeyne. Cabdullaahi Cilmi oo ka mid ah Ganacsatada ku dhaqan Magaalada Beled Weyne ayaa war baahinta uga hadlay dhibaatooyinka Ciidamada Itoobiyaanku ku hayaan Shacabka ku dhaqan magaalada Beled weeyne ee Gobolka Hiiraan.

Ganacsadahaan ayaa sheegey in Ciidamada Itoobiyanku ay magaalada ku hayaan falal Cabsi gelin ah isagoona sheegey in mararka qaar Dadka ay iska dilaan sida marar hore dhacday.G anacsade Cabdullaahi ayaa sheegey in Magaaladu ay ka bixi la’dahay jah wareer Baandow aan waqtiyeysneyn oo habeen iyo maalin ah, xayiraad lagu soo rogey meelaha qaar ganacsigii iyo socodkii gaadiidka oo si aad ah u yaraaday gaar ahaana Gaadiidkii degi jiray Gobolada Dhexe ee Soomaaliya.

Ganacsadaha ayaa Xukuumadda Federaalka u soo jeediyay Codsi isagoona sheegey in dawladda ay weydiisanayaan in Ciidamadaas Magaalada laga saaro isla markaana Xal kan dhaama loo raadiyo shacabka ku dhaqan magaalada Beled weyne.

Isku soo duuboo Ciidamada Itoobiyaanka ayaa markii ay gacan ku haynta Magaalada Beled weeyne ay la wareegeen isa soo tarayay falal amni darro oo halkaa ka jiray iyadoona dhowr mar Ciidamada Itoobiyaanka Fariisimadooda lagu weerar qaraxyo taasoo ay iyaguna Rasaas kaga jawaabeen ay ku dhinteen Dad Rayid ah oo aan waba galabsan sidoo kale webiga Magaaladda dhexmara ayaa isgana maalin weliba laga soo saaraa Meydadka dad ay dileen Ciidamada Itoobiya..

Sarkaal Itoobiyaan ah oo la hadlyey Warbaahinta ayaa sheegey in Ciidamadda Itoobiya aysan ka baxeyn Magaaladda Beled weyne inta ay ku wareejinayaan Ciidamada Amisom, hase yeeshee wey adag tahay in Ciidamadda Amisom ay ka Howlgalaan meel ka baxsan Magalada Muqdisho oo weli ay kala kulmayaan weeraro kaga imaanaya Xarakadda Alshabaab

W/D Amiin Yuusuf Khasaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Beesha Cayr oo sheegtay in ay Gen. Yuusuf Indhacade u Doorteen Siyaasiga uga Qaybgalaya Shirka London.

Kulan ay ka soo qeybgaleen waxgaradka Beesha Cayr oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa warsaxaafaded ay ka soo saaren kulankaas waxay ku sheegeen in beeshu ay Gen Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade u doorteen in uu noqdo Siyaasiga beesha Cayr ku matali doona shirka 23-ka bishan ka dhici doona magaalada London ee wadanka Ingiriska.

Warsaxaafadeedkan oo qoraal ah isla markaana uu ku saxiixnaa Wabarka beesha Cayr Cabdulaahi Orey Caraale ayaa lagu yiri “Kadib markii ay shir ku yeesheen beesha Cayr magaalada Xamar, shirkaas oo ay ka soo qaybgaleen bulshada qaybaheeda kala duwan sida Salaadiinta, Nabaddoonada, Aqoonyahanada, Haweenka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Beesha Cayr ayaa waxaa looga arinsanayey sidii loogu diyaargaroobi lahaa waqtiga kala guurka ah iyo dhamaadka xiliga dowladda KGM.

Sidaasi darteed waxay beeshu u dooratay inuu matalo Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade uuna noqdo Siyaasiga beesha Cayr uga qaybgala Shirka lagu qabanaayo dalka Ingiriiska ee looga arinsanaayo arrimaha nabadda Soomaaliya”.Wabar Cabdulahi Orey ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo nabdda Soomaaliya isla markaana taageero fiican la siiyo shirka Magaalada London si loo samatabixiyo dhibaatada dalka Soomaaliya ku jiro

Dowlada Ingiriiska ayaa soo saarin Liiska xubnaha ka qaybgalaya Shirka London inkastoo ay sheegtey in shirkaas ay ka qayb galayaan Saxiixayaashi Shirarkii ka dhacay Magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe ee looga hadlayey Road Map-ka hase yaashee Shacabka Soomaaliyeed ayaa qaarkood waxay sheegeen in haddi ay dhacdo in shirka lagu koobo Saxiixayaashii Muqdisho iyo Garoowe ay tahay arrin Cadaaladdaro ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Shacabka deggan Beledweyne oo dalbaday in Ciidamada Itoobiya laga saaro magaalada "

  1. shacabka baladwayne maxay udhihi waayeen hanala ka saaro shabaab markii ay joogeen shabaabku baladwayne waxan ognahay 3 sano inay shabaab ka talinayeen baladwayne dadkeeduna ay dhuuqayeen barwaqda maxa looga saaray shabaab oo itoobiya loo keenay haday itoobiya ufaaa’iid badnayn maxay uga cabaadeen shacabku war ilaahay halaga baqo oo xaqqa yan indhaha laga tuurin ee shacabkaas dulman haloo gargaaro