Home » Warar »

Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Magaaladda Beled weyne oo dad Rayid oo ay ku jiraan Ardey ku laayey Magaaladaas

Magaalada Beled weeyne ee Gobolka Hiiraan Wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiyaanka ah ee halkaa ku sugan ay Maanta Feb 1, 2012 Siddeed Ruux ku Dileen Xaafadda Nuur Xawaad ee Magaalada Beled Weeyne. Mashaqadan xasuuq ah ayaa timi ka gadaal markii Kolonyo Baabuur ah oo ay wateen Ciidamada Itoobiyaanka lagu Weeraray Bambooyinka gacanta laga Tuuro iyo Miino Dhulka loogu Aasay. Qaraxan lala eegtay Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegey inuu ka soo gaaray Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.

Bamkaas kaddib ayaa Ciidamada Itoobiya ay bilaabeen in ay Furaan Tacshiirad aan loo meel dayin iyagoona isla markaasina bilaabay in ay soo qab qabtaan Dadkii goobtaa ka dhawaa. Dadka Maanta Shilkaa ku dhintay ayaa waxaa ku jiray Ardey Dhigata Iskuulada kuwaasoo xiligii uu qaraxu dhacayay ka dhawaa goobtaas.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa Xaafaddaas gebi ahaanba ka Xiraya Wadooyinkii soo galay, Ganacsigii iyo dhaq dhaqaaqii Dadka iyo Gaadiidka.

Dadka ayaa bilaabay in ay Guryahooda isaga Xaroodaan iyagoo ka baqanaya dhibaato ka soo gaadha Ciidamada Itoobiyaanka oo weli tag taagan wadooyinka Xaafaddaas.Qaraxan Maanta ayaa waxaa uu imanayaa Xilli guud ahaan magaalada Beled weeyne ay ka jirto Fowdo iyo degganaansho la’an iyadoo dadka magaladasi ku dhaqana ay haatan soo wajaheen Dhibaatooyin joogta ah oo kaga imanaya dhinaca Ciidamada soo galay Beled Weeyne.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.