Home » Warar »

Maxay Tahay Ujeedooyinka ka Dambeeya Shirka Dib u Hesiishiinta ee Dowladd Ingriiska u qabaneyso Ummadda Soomaaliyeed

21-kii sanno ee Soomaalida ay ku jirey Dagaalada aan dhamaadka lahayn ayaa waxaa loo qabtey in ka badan Labaatan shir oo dhamaantood laga dhaxley Dhimasho , Dhawaac , Barakacay iyo Hanti ku burburey Ilaa iyo hadda dadka Soomaaliyeed weli ku waaya aragnmo ku qaadan La’ yihiin shirarkaas hadba qolo qabaneyso oo aan lahayn Natiijo dhaxal gal ah.

23 Bishaan ayaa la filayaa in Dowladda Ingiriiska ay Marti geliso shir Dib u heshiisiineed oo la sheegey in loo qabanayo dhamaan Ummadda Soomaaliyeed oo ay ku jirto Maamulka Soomaaliland, hadaba maxay tahay u jeedooyinka ka dambeeya in Dowladda Ingisiirka shir dib u heshiisiin u qabto Shacabka Soomaaliyeed Xiligaan.

Waxay Siyaasiyiin Qurba joog ah sheegeen in Dowladda Ingirisiiska ay dooneyso in ay shirkaas Xoogga ku saarto arrimaha Burcad badeedka iyo dhaqdhaqayada Islaamiga ee ka jira soomaaliya. Hadallada aqoonyahanka Soomaaliyeed arrimahaas ka yiraahdeen waxaa kamid ah:

“Waxba ma dhaamo Shirka Dowladda Ingiriiska ay qabaneyso shirarakii Hore ee loo qabtey Soomaalida waana shir loogu daneynayo Dowladda Kenya waayo Danhii Dowladda Ingiriiska ay ku lahayd Dalka Kenya ayaa haatan halis ku jira waayo shirkadaha waaweyn waxaa iska leh Ganacsato u dhalantey Wadanka Ingiriiska,,waxaana Xaqiiqo in Danihii Dowladda Ingiriiska ay ku lahayd ee Kenya Boqolkiiba 40 % uu hoos u dhacay ku yimid marka shirka Ingiriiska uu qaban qabanqaabinayo waxaa ay si hoose u codsatey Dowladda Kenya ka dib markii 6kii Oktoobar ee Sannadkii ay Ciidamadda Kenya ay galeen soomaaliya waxaana u buuxsamey 100 Maamlmood ilaa iyo hadda wax natiijo ah laga gaarin:ayuu yiri “Xaashi Yaasiin Barre oo Intaa Raaciyey

“Shirkaas Waxaa kaloo iyana Dowladda Ingiriiska ka codsadey Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Qurbaha maadaama Dowladda Ingiriiska ay marnaba ku lug yeelan Dagaaladii ka dhacay soomaaliya islamarkaana Dalkeeda ay ku sugan yihiin Dadka ugu badan ee Soomaaliya waxaa shirkaas lagu martiqaadey Dadka soomaaliyeed ee ku nool Dibadaha gaar ahaan Mareykanka iyo Yurub, waxayna Dowladda Ingiriiska Qorshaha ugu jira in shirkaa ay ka soo qaybgasho Mamulka Soomaaliland waxaa jira warar sheegaya in Maamuka Soomaaliland ay qayb ka noqon doonaan Dowladda Soomaaliya loo dhisyo”

“Waxaan aanmisanahay in Shirkado Ingiriis oo qaabilsan Amaanka ay ka dambeeyaan qaban qaabada Shirkaas waayo in lacag lagu doonayo shirkaas waxaa kuu Cadeynaya markii Masuuliyiin ka tirsan Dowladda ingiriiska ay booqdeen qaar ka mid ah Wadamada Carabta oo la sheegey in ay dhaqaale weydiisateen haddii uu shirka Dowladda Ingiriiska uu ka dhab yahay iyadaa dhaqaale ku bixin lahayd marka waa shir aan waxba dhaamin shirarakii hore u dhacay marka Dowladda Ingiriiska waxay ka tahay “Anna Waa I kan Markeyga ” ayuu yiri Suleymaan Daahir oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo intaa raaciyey

“ Waa shir la doonayo in lagu hagardaameeyo Soomaaliya oo lagu qayb qaybiyo welibana Khayraadkiisa lagu dhacayo marka qofkii moodaya in ay shirkaas wax ka soo baxayaan candhuiufta Dib ha u liqo waxayna Soomaaliaya dhibaatada kaga bixi kartaa iyadoo iyada la is ku daayo”

Waxaa Magaaladda Muqdisho iyo Maamulada jira ay u Xusul Duubayaan sidii ay shirkaas uga qaybgali lahaayen waxayna lagu waramey in qaarkood ay dirsadeen Codsiga ka qaygalka Shirka London sidoo waxaa ka qaybgeli doona Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka, waxaana maanta Muqdisho u yimid Masuul ka tirsan Dowladda Ingiriiska oo lagu wado in uu booqdo Soomaaliland iyo Pundland iyo Deegaano kale oo ka tirsan Soomaaliya iyadoo mar uu la kulmey Masuulkaas Raiisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya la iskula soo qaadey sidii loo dardar gelin lahaa Road Map-ka.

Hadaba dadka Soomaaliyeed ayaa Aaminsan in wax natiijo ah ka soo bixi doonin shirkaas Madaama Shirar hore oo loo qabtey lagu fashilmey isla markaana laga dhaxay Burbur iyo Dhibaatooyin inkastoo dadka Soomaaliyeed qaarkood ay rajo ka muujinayaan Shirka London hadana Dowlado waaweyn ayaa Maalin Cad ka huleelay Soomaaliya Howlgalkooda ku baxay Bilyanis Doolar marka isku Dayga Dowladda ingiriiska la arki doonee halka uu ku dambeeyo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Maxay Tahay Ujeedooyinka ka Dambeeya Shirka Dib u Hesiishiinta ee Dowladd Ingriiska u qabaneyso Ummadda Soomaaliyeed "

  1. saamiya. says:

    walaalo iga raali noqda waxa kaloo jirta in la doonayo somalia in ay markale iska hor imaado oo ay kala go’do sababtoo ah somalia ayada hadda israadsaneyso oo heshiis diyaar la eh iyo midnimo qaran marka hadda waxan arkaa goboladii somalia oo idil in ay isbaheysanayan oo ay shirar mideysan dhiganayaan marka somalia xiligan in uu shisheeye dhexdhexaadiyo looma baahna ayaga is ku filan waayoo casharo badan beynu qaadanay hadana waan ku quusanay oo ma filayo in mardambe somalia iska hor imaado waliba dhalinyarada hadda sobaxeyso oo qabanbaabinayso midnimada qaran marka waa wax aan suurta gal aheyn in hadda ingariiska uu kala habaajiyo somalia.

  2. saamiya. says:

    Asc waan idinsalaamay walaalo salaan dabadeed anigu shirkan london ka furmayo waxan u arkaa in uu yahay mid qayaano waayoo dalkeena inbadan buu burbursanaa wax sidaa inoo eegayana ma aysan jirin shacabkeeniina caalamka oo idil bey qaxooti ku yihiin marka ingariiska hadda ma uusan baran somalia magaceeda ee wuxuu damacsan yahay ulajeedo gaar ah oo noqankara dhaqaalaha dalkeena sida badda iyo beriga marka waxan u arkaa in ay damacsan yihiin in ay ka dhaadhiciyaan idinku wax waad qabsan weydeen ee waa leydiin talin wadankana waa leydin dhisi qaxootiganna waad ka baxeysaan ee saxiixa go’aankan aan gaarnay.

    marka waxa talo ah in laga soo horjeesto haddii ay taasi dhacdo waayoo waxa imanayo gumeysi aan laga baxsan karin walaalayaal wax horumar ah cid noo ogol majirto gaaladana waa cadawgeenii 1aad marka waxan baaq udirayaa madaxda ina meteleysa in ay ufiirsadaan sida uu shirka udhacayo ayagoo waliba talo isku darsanayo oo difaacayo dalka waxii dan inoogu jirtana saxiixayo sidaa baan oran lahaa.

  3. warsame says:

    Waxa umada soomaaliyeed la haray ayaan rabaa inaan bi dhaamiyo.burburkii dawladii dhexe kadib waxaynu ku guul daraysanay inaynu dhisano markale wixii inaga burburay. horta guul daradan waa inaan isla qirnaa intaynaan xal raadin. sababta uugu wayn ee qirasho la aanta keenaysaa waa dadnimo xumo iyo isku kalsooni xumo haysa soomaalida. ma arkaysid hal qof oo qiraya in aynu ku guuldaraysanay ka soomaali ahaan in aan dawlad dhisano. waxaan eeda la tiigsanaa in wadamada dibadu sabab u yihiin in aan wax dhisan wayno macnaha dawlado shisheeye ayaa diiday in soomaali dawlad yeelato sidan baynu isku qancinaa oo marabno in dhabta aan abaaro.

    Tan labaad waxa ina sii dilayaa waa FAKHRIGA!! caalamka dalka u fakhrisan baynu waligeen ahaan jiray dhab ahaan hadana fakhri baynu nahay wali. fakharigan iyo gaajadan ku raagtay soomaalida ayaa ah sababta uugu wayn ee keenaysa dadnimo xumuda qabyaalada daciifnimada iyo wadaniyad xumada haysa soomaalida qabiil majiro fakhri baa jira isagaa aabe u ah qabiilka dadnimo xumada liidnimada gunimada waxan oo dhan waa fakhriga. tusaale nin tolkaa ah haduu ladan yahay uma baahna tolnimadaada dagaalna kulama galayo haduu laakiin baahan yahay dagaalka waa safka hore wuxuuna kuu muujin talnimo waayo wuu baahan yahay waxbuu kaarabaa maha in uu aamin sanyahay in aad toltihiin baahidaa wada iyo fakhriga.

    Hada wadamada galbeedku iyagaa u arka inay dalkaan u dhisaan dawlad sab la xariirta dantooda oo ah waxa caalamka badanaya baahida loo qabo shiidaal iyo awooda shiinaha oo soo xoogaysatay taasoo keenaysa in uu afrika ka raadsado oo kala soobaxo shiidaal waayo wuu awooda dhan ciidan iyo dhan aqoon iyo dhaqaalaba tanaa cabsi ku ah wadamada galbeedka oo dada jinaysa in ay meelihii horay kaydka ugu ahaa ilaashadaan sida soomaaliya.

    Hada waxaad ogtihiin in soomaaliya uu joogo ciidan ilaaliya shidaalka oo lasocda dhaqdhaqaaqa dalka kuwaas oo ah maraykan laakiin ku jooga magaca ururka layiraahdo PIS oo jooga mogdisho hargaysa boosaaso iyo dalkoo dhanba. waxaana laga xukumaa xarunta afrika laga ilaashado ee maraykanka ee jabuuti halkaas bay hoos tagaan oo ay fadhiyaan ciidanka ilaalada shidaalka afrika.

    Hada dawlad baa loo dhisayaa soomaaliya maha mid ay soomaalidu dhisanayso waa loo dhisi si dhab ah shidaalkana waa lasoo saaraya waana loo maamuli nidaam baana loo samayn si ay dantooda shidaal u helaan si nabad galyo ku jirto.soomaalidana danbaa uugu jirta mar hadii aysan tashan karin oo fakhri dilooday kaasoo dhalay qabiil iyo jahli iyo isku kalsooni xumo. 22 sanadood oo ay soomareen wali diyaar uma aha inay beeli laheshiiso beel kale mana doonayso inay wax la dhisato nin nin rabaa majiro macnuhu waa magaranayaan danta guud iyo waxa dawladi tahay dhab ahaan waxaa waalay fakhri iyo jaahilnimo.

    Hadaba baahidan daneed ee maraykan iyo saaxiibadii reer yurub wadaan oo ah shidaalka inay la soo baxaan inana aan helo dawlad waa sax waana xalka uugu dhaw shidaalkana wuxuun waa ka helaynaa laynagama wada qaadanayo intaas ayaa inagu filan oo u baahanahay hadaba fikirkaan hala tageero waloow waxba uusan gacan inoogu jirin oo qorshuhu dagsan yahay hadana bal aan dib isugu noqono fahano in dalkeenu qani yahay oo aan fakhriga kabixi karo dhibku waa fakhriga waa cadawga soomaaliyeed sidaa daraadeed reer galbeed aan ka faaiidaysano baahida hada wada iyaga oo aan la shaqayno soo saarida khayraadka ceegaaga soomaaliya oo aan abad hore loo arag shidaal xadkaa gaaray carab oo dhan shidaalka yaala waxaa ka badan kan soomaaliya yaala taasoo caalamkii la yaabay nimcadaa ilahaay halkaa dhigay.

    Waan ka xumahay in awoow yaa sheen ka dhinteen barwaaqada dhulkooda taalay oo gaajo u dhinteen maha cudur gaajo oo kaliya waayo waad ogtihiin in soomaalidu abid keed gaajo u dhimanaysay ilaa maanta. hadaba ma xaqbaa in wali aynu usii dhimano gaajo dhulkaa barwaaqadu hoos jiifto inagoo leh!!!!!!

    Miyaydaan fahmin carabtii saxaraha oonka uugu lee anaysay in ilaahay shidaalkoodii usoo saaray oo gaalo ay ka faa iidaysteen ileen cilmi malaha sideenoo kale ay kula soo baxaane balse aqli bay leeyihiin ay gaalo kaga faa iidaysteen oo ula ganaacsadeen. dhibku waa FAKHRI FAKHRI FAKHRI SOOMAALI WAA WALAALO WAANA ISKU DIIN ISKU DIIR ISKU DAD LAMANA KALA QAADI KARO.sideen ula soobaxnaa khayaraadkaas soomaaliyeey???