Home » Faallo »

Tacsi ku Wajahan Magacii Dowladnimo

Markay ay burburtay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, waxaa durba bilowday magacyo horey ay ka raacsan tahay ‘S’ oo ah magacyo u taagnaa ururo siyaasadeed, waxaana magacyadaasi ay galaafteen kumaan kun oo Somaali ah, kadib markii dadkii magacyadaasi sameeyey ay labo labo isku qabsadeen iyadoo mid waliba uu isagu isku haysto midka saxda ah. Maanta oo aan mareyneyo sanadkii 21-aad ee intaan ku jirnay nadaam la’aanta, waxaana is lahaa in dadka Soomaaliyeed ay ku waayo aragnimo qaadan waxyaabihii laga dhaxlay magacyadii ururadii siyaasadeed ee horey loogu halaagsamay, hase yeeshee arrintaasi laguma waayo aragnimo qaadan oo halkii aan mareynay sagaanshankii ayaan weli mareynaynaa, waxaa hadda soo baxay magacyo la mid ah kuwii aan horey soo aragnay oo ku saleysan Maamul gobaleed.

Kacaanka maamul gobaleedyada ee dilaacay 2011-kii ayaa dadka Soomaaliyeed niyadooda ka dhigtay mid sii dhimatay waayo waxaa markiiba bilowday in labo labo laysku qabsado oo dagaalo dad fara badan ay ku dhintaan ay bilowdaan, waxayna saameysay arrintaani Gobaladii ay nabaddu ku dambeysay, haddii aan deg deg xal loogu helin waxaa bilaaban doonta in maamulo ku dhisan jufo jufo ay sameystaan taasina ay keento in ay sii labo jibaaranto dhibaatadii Soomaaliya.

Anigoo fadhiya meel Baar ah ayaa waxaa soo galay nin aad u labisan, intii uusan soo fariisan ayaa nin agteya fadhiyey oo ay is bar garanayeen wuxuu ku yiri ‘Mudane Madaxweyne soo dhawaaw’, waxaana weydiiyey meesha uu ninkaan madaxweyne ku noqday, wuxuuna iigu jawaabay “ma maqlin miyaa maamul gobaleedka la yiraahdo Far iyo Suul State”, wuxuuna ii sii raaciyey “Anigana madaxweyne ku xigeen ayaan ka ahay”, waan la yaabay hadalka ninkaasi ayan hoosta ka iri “Dun iyo Cirbad State iyana goormaa lagu dhawaaqi doonaa”.

Kacaanka maamul Gobaleedyada waxaa moodaa in marba marka dambeysa sii xoogeysanayaan oo sameyntooda lagu waashay, markaad sii fiirso dadka maamuladaasi Madaxweynaha loga dhigay nin waliba wuu isla saxan yahay oo wuxuu doonayaa in loogu yeero Mudane Madaxweyne, waxayna shacabka Soomaaliyeed aad ula yaaban yihiin sida loo ba’saday magicii dowladnimo, xitaa kuwa sheeganaya in la aqoonsan yahay oo ay dowlad u yihiin dalkaan waxay dhulka ku jiideen magicii dowladnimo, taasina waxay keentay iyaga dhexdooda iska hor yimaadaan oo ay koox koox u kala saftaan, waxaana Magicii dowladnimo sii baabi’iyey idaacadaha faraha badan ee maalin walba lagu gudbinayo maamul gobaleedyo hor leh oo shaqsi uu ku sameysay hoteel dhexdiisa.

Nin odey ah ayaan weydiiyey bal in uu iga waramayo halka uu ku dambeeyey magicii dowladnimada Soomaaliyeed, wuxuuna iigu jawaabay “fiiri kunka maamul Gobaleed ee la sameeyey, 80% waxaa lagu sameeyey dibadda, nin waliba intuu beeshiisa lacag ka soo uruursado ayuu leeyahay Tuuladii aan ku dhashay ayaan Madaxweyne ka noqonayaan, cid ka hor imaan kartana ma jirto oo runta sheegi karta oo dhihi karta sidaani dowladnimo ma ahan ee ha ku ciyaarin magicii dowl adnimo”.

Odeyga caqliga u saaxiibka ah ayaa isagoo aad uga xunay sharaf dhaca ku yimid magaca Soomaaliyeed wuxuu sii raaciyey “waxaan ka cabsi qabaa in dalka lala wareego, waayo fikradda iyo ku dhawaaqista maamul gobaleedyada, waxaa ka dambeeya dowlado shisheeye oo aan dooneyn in Soomaaliya ka dhalato dowlad dhab ah, waxaana si gaar ah uga dambeeya dowladdaha deriska la ah Soomaaliya oo horey u caddeeyey in aysan marnaba dooneyn in soomaaliya ka dhalato dowlad adag, waxaa la yaab leh markii ay soo galeen ciidamada Itoobiya Magaalada Baladweyne, Soomaalidii ay taageerayeen waxay isku qabsadeen Laba labo oo ah Cidii Baladweyne xukumi lahaa, murunkoodii ayaa waxaa ku soo baxay Alifle ka tirsan Ciidamada Itoobiya, labadii maamul markuu dhageystay warkoodii ayuu xabsiga u taxaabay. In sidaas loo galo labadaas iyaga ayaa isku keenay waayo waxay Shaaqaale u noqdeen dowlad aan rabin in Soomaaliya ay ka dhalato dowlad xoogan waayo Itoobiya waxay kari kartey in ay tiraah Magacii Dowladnimo ha lagu shaqeeyo hase yeeshee taasi uma jeedo”.

Haddaba magicii dowladnimada Soomaaliya waxaan dhihi lahaa tacsi ha loo diro waayo wuxuu u muuqdaa mid dhintay oo ay adag tahay in si sahlan dib loogu soo nooleeyo ilaa la helo shaqsiyaad la mid ah kuwii kal hore ifka u soo bixiiyey magicii dowladnimo kuwaas oo aan hadda muuqan in iyagoo la heli karo inkastoo ay jiri karaan dad ay weli ku dambeyso wadaniyadii ay ku aadaneys dib u nooleynta qaranka Soomaaliyeed si loo helo magac dowladnimo oo shaqeeya oo leh astaamihii lagu yaqaanay dowladnimada gacantana ku dhiga Soomaaliya min Raas Kaamboodiya iyo Raas Caseyr.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Tacsi ku Wajahan Magacii Dowladnimo "

  1. dulmidiid says:

    Amiin khasaaro waa ku mahad santahay sida xaqiiqda jirta maanta uga hadashay iyo habka aad qoraalka usoo gudbisay,sababtoo ah waxaan u badan nahay dad waxba qorin.

    Si kastaba ha ahaatee, dowlad isku sheega 21 sanno xal keeni waayeen, deeqda yar la siiyayna ay jeebkooda gashtaan soo qofku xaq uma laha inuu tashto mise waxaad leedahay dhibkaan halagu jiro ilaa weligeed?