Home » News »

Yaxye Shariif wuxuu Dhalan yahay 18 Maalmood wuxuu Dhashey isagoo Dhabarka ka Daloola Maalmo kadibna isku Bedeshay wax u eg Buro wuxuu u baahan yahay Gargaar deg deg ah

Yaxye Shariif Sheekh Cabdullaahi Cali wuxuu dhalan yahay mudo 18 maalmood ah, wuxuu ku dhashay Isbitaalka SOS, markii dibadda looga soo saaray caloosha hooyadiisa ayaa dhakhtarku ku arkay meel weyn oo dalool ah oo u dhexeya Dhabarka iyo Daba-Gaminta, wuxuuna dhakhtarkii ku wargeliyey Waalidkiisa in ay la xariiraan dhakhaatiirta ku shaqada leh arrimahaan oo kale.

Aabbe Shariif iyo Hooyo Sacdiyo waxay markiiba canugooda yar gaarsiiyeen dhakhaatiir u kala dhalatay Wadamada Turkiga, Masaarida iyo Jarmal kuwaas oo u shaqeeya Hay’ado samafal oo ka soo jeeda wadamadaasi kuna sugan Magaalada Muqdisho, waxayna u sheegeen in aysan wax ka qaban Karin maadaama aysan Muqdisho ku haysan qalab dhameystiran oo canugaasi lagula tacaalo.

Waxaan ku arkay iyagoo ka soo baxay Isbitaalka Banaadir, waxaana ka muuqatay murugo weyn waayo maadaama ay yihiin dad Sabool ah, waxay labada waalid ka walwalsanayaayeen sidii wiilkooda u heli lahaa caafimaad dibadeed, waxaana u sheegay in ay nasiibkooda heli doonaan isla markaana aan fariintooda gaarsiin doono Bulshada Soomaaliyeed, Hay’adaha Samafalka, Dowladaha Shisheeye, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, waxaana wajoogada ka muuqatay in ay jeclaan lahaayeen in ay helaan cid ku saacida sidii uu wiilkooda daaweyn caafimaad u heli lahaa.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Hooyo Sacdiyo Cabdulaahi Shiikh Odowaa iyo Aabe Shariif Sheekh Cabdullaahi Cali waxa ay ka codsadeen qaybaha kala duwan ee Soomaalida ee dibadaha ku nool, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Samafalka iyo cid kasta oo gacan ka gaysan karta sidii wiilkooda loogu heli lahaa daaweyn caafimaad Dibadeed in ay ka caawiyaan sidii loo badbaadin lahaa canugooda yar Allaa badbaado lahee.

Haddaba akhrista haddii aad dooneyso in aad u gargaarto qoyskaasi kala xiriir:
Aabe Shariif Sheekh Cabdullaahi Cali waxaa laga heli karaa.
Tel: 00252615555840
Hooyo Sacdiyo Cabdulaahi Shiikh Odowaa Waxaa ka heli kartaa.
Tel: 00252615740044

WD:Amiin Yuusuf Khasaaro
EMail: amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail: amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Yaxye Shariif wuxuu Dhalan yahay 18 Maalmood wuxuu Dhashey isagoo Dhabarka ka Daloola Maalmo kadibna isku Bedeshay wax u eg Buro wuxuu u baahan yahay Gargaar deg deg ah "

  1. naasir says:

    alle ha u dhib yareeyo dhib ka hesto cunaga yar iyo hooyadii dhashay ba alla ne ka bad baadiyo caruuta kale ee dhalaneyso suntas dhaceyo malin walbo iyo baaruda ey gaalda ku xasuuqayan dadka muslimeenta eh ee soomaliyeed