Home » Warar »

Warsaxaafadeed ay DFKMG maanta kasoo saartay duqayntii jilib

Shirkan Jaraa’id waxuu ku saabsanyahay dhacadii ka dhacday Axadii degmada Jilib oo diyaaradaha dagaalka ay geysteen khasaare isla markaana goobtaas lagu dilay 4 wiil iyo gabar oo uu dhalay Abdullahi Macallin Hussein.

Waxaan maanta xafiiskeyga ku qaabilay Abdullahi Macallin Hussein oo aan si shaqsi ah uga tacsiyeeyey dhimashada shantiisa carruur, waxaana EEBBE uga baryey inuu samir iyo iimaan isaga iyo shacabka Soomaaliyeed ka siiyo.

Dowladda Soomaaliya waxey si deg-deg ah u sameyn doonaa baaritaan dhab ah ee la xiriira dhacdadaas iyagoo lala kaashanayo dowladda Kenya.

Kenya iyo Soomaaliya waxey wadaan howlgal ballaaran oo looga soo horjeedo kooxaha nabad-diidka ah ee shacabka ka hor-istaagay gar-gaarka bani’aadanimo iyo nabaddii. Waxaan rajeyneynaa in howlgalladaas lagu guuleysto oo shacabka Soomaaliyeed laga dul qaado cadowgooda Al-Shabaab si shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan nabad waarta.

Markale Dowladda Soomaaliyeed aad iyo aad bey uga xuntahay qasaaraha shacabka waxaana lagu dadaalayaa in dhacadadaan laga faa’iideysto oo la yareeyo ama la joojiyo khasaaraha shacabka.

Dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an in dalka lagu soo dabaalo nabad oo shacabku ay ka tashadaan aayahooda.

– DHAMAAD –

OPM Media

media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Warsaxaafadeed ay DFKMG maanta kasoo saartay duqayntii jilib "

  1. asc. Wr. Salanta islamka ka dib runtii aad baan ugu naxay aabo shantiisa caruurtiisa halgoob ku dhintiin INNA LILLAHI WA INNAA ILEYHI RAJICUUN.

  2. jikaloobe says:

    Dowlad meesha ma jirtee , waa been abuur , Soomaali ha tashato. Wax loo dulqaadan karana ma aha , oo caqilga yeelaayo , Kenya xaq uma laha ineey Somalia kula dagaalanto qof kasta ha noqdee. waana cadow soo jireen ah , waana laga aarsan doonaa ha ogaadeen . weli waa jiraan dad fahmaaya ciyaarta gaalada aay wataan , waa sheekadii ciraaq lagu burburiyey oo kale , filnkaas ayaa weli ku socda muslimiinta aduunka .. GAALADA ILLAAH HA JEBIYO ,,, AAMIIN