Home » Warar »

Xukuumadda Kenya oo Xarakada Shabaab ugu Baaqday in si Shuruud La’aan ah ay ku sii Deyso Saraakiisha ay ka Hayso.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kiinya ayaa lagu sheegayin xukuumaddakiinya si aad ah uga walaacsan tahay Saraakiil ka tirsan Ciidamadeeda oo Xarakada Shabaab hore u sheegatay in ay gacanta ku hayaan.

George Siatoti wasiirka amniga iyo arrimaha gudaha ee dawladda kiinya ayaa sheegey in dawladda Kiinya ay ka go’an tahay sidii ay juhddi badan ugu bixin lahayd sii deynta la haystayasha u dhashay dalkeeda.Xarakada Shabaab ayaa dhawaan dagaal ay ku qaadeen Degaanka Gerileey waxa ay ka soo af duubteen saraakiil ka tirsan Boliiska Magaladaas ka gadaal markii ay Xarakadu weerartay magaalada .

Xukuumadda Nairobi ayaa weeydiisay Xarakada Shabaab in sida ugu dhaqsaha badan ay u soo dayso. Saraakiisha ay ka hayaan Shabaab.Hadalkan Maanta ka soo yeeray Xukuumadda Kiinya ayaa waxa uu imaanayaa xilli Saacadaha soo socda Maamulka Xarakada Shabaab Fagaare ku yaala degaanka ceelasha Biyaha ay ku soo ban dhigayaan Maxaabiista ay ka soo qabsadeen Ciidamada Kiinya.

Xarakada Shabaab ayaa hore sii deynta Saraakiishaas Shuruudo ugu xidhay iyadoona sheegtay sii deynta Raggaas Kiinya laga soo af duubay inay ku xiran tahay in Ciidamada Kiinya ay isaga baxaan Dalka Soomaaliya. Gebi ahaantiisaba.

Xiriirka u dhaxeeya Xarakada Shabaab iyo Xukuumadda Kiinya ayaa waxa uu yahay oo keliya Dagaal lagamana yaabo in sidaa sahalka ah ay ku sii daayaan .Sarkaal ka tirsan Xarakada Shabaab ayaa dhawaan Magaalada Baar dheere ka sheegay in ay hayaan saraakiil ka tirsan Xukuumadda Kiinya xilli waqtigaas Kiinya ay beeninaysey in wax saraakiil ah oo laga qabtay ay jiraan.

Waxaa iminka degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisha ka soconaya qaban qaabada sidii Xarakada shabaab ay u soo bandhigi lahayd Maxaabiistaas oo Gaareysa Afar Sarkaal iyadoo Tiro Saxafiyiina lagu casuumay si ay Caalamka u tusaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xukuumadda Kenya oo Xarakada Shabaab ugu Baaqday in si Shuruud La’aan ah ay ku sii Deyso Saraakiisha ay ka Hayso. "

  1. Cabdullhi says:

    Aad ayaan ula yaabay runti marki aan maqlay Hadalka Saitoti waana. xisaab xumi haleeshay Dowladiisa mana ahan wax sahlan in rag dagaal kaala dhexeeyo aad si sahlan oo aan caqliba ku jirin ku amarto in ay ku sii dayaan dad lagaa qabsaday mana dhacdo inta badan. Waa hubaal inuu xanuun ku gaaray kuwii soo dulay ee dad keena laayey waxan dhihi lahaa ka soo baxa wadankeena kuna laabta halkii aad ka timaadeen. Dowladda FTG dana waxan dhihi lahaa Dadkiinu waa kuwa aad wax ku tihiin ee dib u fiirsada miizaanna saara waxa ka dhacaya wadanka.