Home » Warar »

Ururka Midowga Afrika oo Ku Baaqay in la sii Xoojiyo Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku Sugan

Ururuka Midowga Afrika ayaa la sheegey in xiligan uu dadaal ugu jiro sidii loo kordhin lahaa tirada Ciidamada amisom iminka ka jooga Soomaaliya loona gaarsiin lahaa illaa labaatan Kun oo Askeri.

Ururka ayaa sidoo kale wada dadaalo uu ku doonayo sidii qaramada Midoobay ay u siin lahayd Ciidamadaas waxyaabaha Tashiilaadka ah ee ay u baahan yihiin kana mid yihiin Diyaaradaha Helikobtariska ah.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Ramtana Lamamra ayaa sheegey in codsi ku aadan Kororsiimada Ciidamada amisom uu u gudbiyay Golaha ammaanka ee qaramada Midoobay o hadda indhaha si gaar ah ugu haya arrimaha Soomaaliya.
Lamamra ayaa sheegey in Ciidamada amisom ay guulo ka soo hoyeen dagaaladii ay la galeen Ciidamada Xarakada Shabaab oo inta badan ay ka saareen magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa farta ku fiiqay si Guulahaas la gaaray loo sii xoojiyo in qaramada Midoobay looga fadhiyo sidii ay u bixin lahayd Taageerada looga baahan yahay.
Hadalkan Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa waxaa uu imaanayaa xilli Dagaaladii u dhaxeeyay Xarakada Shabaab iyo Ciidamada Dawladda Kiinya ay cirka isku sii shareereen isla markaana harddan xoog leh uu ka soconayo Gobolada Koofureed.

Lamamra ayaa xusay in xiligan la joogo markii Ciidamada amisom ay u bixi lahaayeen Gobolada ay weli ku harsan yihiin Xarakada Shabaab sidaa darteedna aan qaramada Midoobay looga maarmin sidii gacan xoog leh ay uga gaysan lahayd Taageeridda hawl galka amisom waa siduu hadalka u dhigaye.
Guddoomiyaha Midowga ayaa ku baaqay in Ciidamada Kiinyaanka ah ee ku sugan Gobolada Gedo iyo Jubada Hoose xiligan la doonayo in loo bedelo Koofiyadda isla markaana ay qaataan Koofiyadda Cagaarka ah si ay rasmi ahaan uga mid ahaadaan Hawl galka amisom.

Xoghayaha Guud ee qaramada Midoobay ayaa la sheegey in iminka uu ka fiirsanayo sidii uu ka yeeli lahaa Codsiga uga yimid dhinaca Ururka Midowga Afrika iyadoo Ilo ku dhow dhowina ay sheegeen in ay u badan tahay in Qaramada Midoobay ay aqbasho ama ay tix geliso Dalabkaas.

Si kastaba waxaa iminka la qorsheynayaa sidii Soomaaliya Ciidamada ku sugan oo iminka tiradoodu ay gaarayso Laba iyo Tobanka Kun ee Askeri bilaha soo socda loo gaarsiin lahaa illaa Labaatan Kun oo Askeri.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.