Home » Faallo »

Waxyaalaha laga faa,iidi karo Maxaadaradii Sh. Cabdiqadir Nuur Farax ee shirkii garoowe.

Sida la wada ogsoonyahay waxaa markii ay taariikhdu ahayd December 21, 2011 ka furmay magaalada garoowe shir loogu magic daray WADA TASHI, shirkaas ayaa waxaa maxaadaro gaaban oo socotay 7 daqiiqo ku furay Sh. Cabdiqadir Nur Faarax. Oo ka mid ah culumada soomaliyeed ee hatan ku dhaqan soomaaliya. Haddaba inta aanan ka hadlin waxyaalihii laga faaiiday kalmada shiikha iyo dacaayado lagu qoray shabakada internetka, aan tilmaamno waxa lag yiri shiih cabdiqaadir. hadda ka hor maqaal soo gaaray shabakada www.qardhaawi.com oo loogaga hadlayey taariikh nololedka sh. Cabdiqaadir nuur faarax, maqaalkaasi wuxuu tilmaamay sidan:

Sheekh Cabdiqaadir Nuur, waa nin si cad u caddeeya mawqifkiisa ku salaysan diinta Islaamka, waa nin aan hadalka munaasibka ah ee xaqa ah la gaban, waxaana uu had iyo jeer Ummada u sheegaa in ay ka shaqeeyaan maslaxadooda iyo horumarkooda si ay u ahaadaan Ummad ay u nabad-gasho diintooda, dalkooda iyo dadkooda” waxaa kalo oo ku qornaa maqaalkaas “Sheekh Cabdi qaadir, waxa u si wayn wakhtigiisa u siiyaa arimaha suluxa isagoo ku seelaya shareecada Islaamka,waxaana  shaku ku jirin in cid-kastaaba ay ku qanacdo xukunkiisa ku salaysan shareecada Islaamka ee eexashada lahayn  ee xaqa ah” waxaad ka heli kartaa taarikhdiisa oo dhamaystiran (http://www.qardhaawi.com/shiikhcabdiqadir.html).

Haddaba hadii aynu aragnay wax yar oo ka mid ah sida lagu yaqaan sheikh cabdiqaadir, aan u soo noqono kalmadii uu ka yiri shirka garoowe ka dhacay, inta aan kalmadaan lagu faafin shabakadaha sida www.halgan.net waxaa la shaaciyey in shiikh cabdiqaadir uu amaanay oo u mahad celiyey Itoobiya, Uganda, Burundi, Black Water Mahiga iyo Beesha Caalamka iyo waxyaale kale oo aan u habooneey in shiikha lagu tilmaamo. Haddaba jawabtu waxay tahay markii uu shiikhu maxaadarad ka aqariyey shirka ma ka hadlay intaa kor ku taal misekama hadlin. Waxaan dhegaysanay maxaadaradiisa laga bilaabo istiftaaxa ilaa iyo gunaanadka. Dabadeed waxaan xusuustay xadiith uu nabigu (nabad gelyo korkiisa ha ahatee) yiri:

 

من رد عن عرض أخيه بالغيب رد الله عن وجهه النار يوم القيامة

Oo macnahiisu yahay qofkii celiya oo difaaca qof walaalkisa cirdigiisa iyo sharaftiisa  ilahay ayaa qofkaa wajigisa naarta ka dhawra. Waxaan go’aansaday inaan wax yar ka irahdo maxaadarada shiikha tilmaamana faaiidada ka dhex muuqata maxadarada uu shiikhu jeediyey.

waxaa ka muuqatay shiikha inuu u hadaly si qof culumo ah u hadlo, waxaa ka muuqatay inuu wacdi iyo waciid uu dadka kula hadlayey, waxaa muuqatay in shiikhu uu dadka ku baraarujiyey arimo badan oo dani ugu jirto bulshada soomaaliyeed aduunka iyo aakhiroba.

Suaal: maku ceebaysan yahay shiikhu inuu tago shir ay wada joogaan muslim, munaafiqiin iyo gaalo isagoo rabo inuu dadka ilaahay xusuusiyo? Jawabtu waxaa weeye arin qofkasta oo daaci ah oo garanaya masuuliyada dacwada uu fahmi karo, waxaa qofka xambaarsan diinta ilaahay wajib ku ah inuu aado oo radiyo fadhiyadaas oo kale kuna xuso ilahay diintiisa, xumaantana dadka u cadayo si ay uga haraan, wanaagana dadku ugu  sheegto si ay u racaan. Nabiga (nabad gelyo korkiisa ha ahaatee) wuxuu soo maray shir ay wada fadhiyaan muslimiin, munaafiqin, iyo mushrikin, wuxu ku dul akhriyey suurad ka mid quraanka kariimka ah. Haddaba arintaas waa mid laga doonayo qof kasta oo daaci ah oo raba dadka inuu diinta gaarsiiyo, arintasna shiikh cabdiqaadir ilahay ajar ha ka siiyo.

 

Hadaba aan usoo noqono maxaadaradii shiikha oo aan fiirino waxyaalaha shiikhu ka hadlay markii shirka la furayey:

1)      markii uu shiikhu furfurtay maxaadarada wuxuu ku bilaabay oo dadka u sheegay cabsida ilahay, iyo in ilaah oo laga cabsadaa ay qofka u keenayso in ilaahay umuurihiisa u fududeeyo.

2)      in ilahay la adeeco, waxyaalaha ay umadu ku gaarayso wanaaga waxaa ugu wayn inuu ilahii abuurtay adeeco, wuxuu sheekhu meeshaa ku xusay in ilahay noo abuurtay cibaadadiisa oo kali ah wax kale aan lanoo abuuran.

3)      wuxuu shiikhu tilmaamay in Kitaab la inoo soo dejiyey, kitabkaas oo ummada u ah mid xaqa u cadaynaya, raxmad iyo bishaaro u ah muslimiinta meel kasta oo ay joogaan lana doonayo in aynu qabsano kitaabka ilahay subxaanahu wa tacaalaa.

4)      Wuxuu sheekhu dabadeed goob joogayaasha u sheegay xaqa ilahay uu adoomada ku leeyahay iyo xaqa ay adoomadu leeyihiin hadii ay ka soo baxaan xaqa ilahay. Wuxuu yiri ilahay xaq buu nagu leeyahay aan ka soo baxno,  xaqaas oo ah inaan caabudno. Markii cibaadada nala ka helo ilahay wuxuu balan qaadan inuusan cadaabayn qofkii xaqaa ka soo baxo oo caabuda ilahay subxanahu wa tacaalaa.

5)      Wuxuu shiikhu bilaabay inuu yiraahdo waxaan dadka shirkaan isugu yimi u dardaarmayaa ku dhaqanka shareecada. Isagoo hadalkii sii wata ayuu shiikhu yiri shareecada ku dhaqankeedu waa iga dardaaran waa in la hir galiyaa ku  dhaqanka shareecada.

6)      Shiikhu wuxuu celceliyey dadku inay ilaahay u baahan yihiin wuxaana hadaladiisii ka mid ahaa dadow ilaahay baad u baahan tihiin ee ilaahay u noqda, hadaynu xariga ilaahay qabsano waxanynu rabno waan gaaraynaa.

7)      Wuxuu kale uu shiikhu tilmaamay dardaaranka ilahay subxaanaha watacaalaa oo ah in xariga ilaahay la wada qabsado oo aan kala tagin wuxuu akhriyey aayad cadaynaya midnimada lagu midoobo xariga ilahay inay waajib tahay. Wuxuu kale oo uu shiikhu tilmaamay ayad ku jirta suuratul ala-cimaraan oo ilahay nooga digaayo in lakala qaybsamo sidii kuwuu naga horeeyey ay u kala qaybsameen, marka dadaow ogaada iskhilaafka ilaahay wuxuu sheegay aduunkana waa khasaaro aakhira in cadaab lagu mudanayo. War dadow ha iskhilaafinina ha murminina hadaad murantaan oo is khilaaftaana awoodiina ayaa dhumaysa.

8)      Wuxuu shiikhu dadka shirka isug yimi xusuusiyey meesha ay maanta xaalada soomalidu marayso  iyo waxa keenay,  wuxuu yiri waxaynu khilaafnay tacaalimtii ilaahay naga doonayey, waan islaynay, waan kala tagnay, qabaail baan isu laynay, siyaasaad baan isku laynay, casabiyaad iyo tolo’ayey baan isu laynay, goormaynu hadaba fahmi doonaa miraha laga gaarayo? Dhowr iyo labaatan sano ayaan ku jirnaa arintaas, hadaan laga soo noqon, oo aan la towbad keenin, oo danta guud la hor marin (sideedaba danta guud marka la gaaro ..maslaxa caama. Ayaa la heli karaa midda khaaska ah), umadda danteeda guud in laysugu yimaadaa waa laga maarmaan. Ilaah aan ka baqano oo aan xaqeeda ilaalino.

9)      Wuxuu shiikhu tilmaamay in halkan ay isugu yimaadeen dadka sheeganaya inay hayaan hogaanka umadda, waxaa loo baahan in la dareemo masuuliyadda aad umadda u haysaan. Waxaan loo baahan yahay masuuliyadaa in la dareemo oo lagu dhaqaaqo sidii qaranka iyo soomalinimada loo soo celin lahaa.

10)  Wuxuu sheeku ugu dambayntii tilmaamay in nabigu noo sheegay masuuliyada iyo qofka masuulka ah waxaa laga doonayo, wuxuu nabigu (nabad gelyo korkiisa ha ahaatee) yiri dhamaantiin masuul baa tihiin waana laydin waydiinayaa masuuliyadda aad qaadeen. Ummaddu waa muslimiin waxayna xaq u leeyihiin in loo ilaaliyo masuuliyadooda, aniguna waan idinla dardaarmayaa ee ogaada nin xil qaaday eed qaad, ha la toobad keeno oo ilaah ha loo noqdo.

Haddaba haddi aan eegnay shiikha hadaladiisii oo kooban laga bilaabo bilow ilaa iyo dhamaad, waxaa muuqata shiikhu inuu dadka xusuusinayey ilaahay subxaanahu wa tacaalaa iyo in xarigiisa la qabsado, iigama ayan muuqan meel shiikhu ku amaanay Itoobiya, Uganda, Burundi, Black Water Mahiga iyo Beesha Caalamka sida lagu qoray shabakadaha wararka qayb ka mid ah.

Haddaba maxaa la gudboon dadka isku mashquuliya inaay qoraan hadba wixii ku cusub bulshada dhexdeeda, waxaa la gudboon arimaha soo socda:

1)      Ilaah in ay ka cabsadaan oo hubiyaan waxay qorayaan

2)      Inay ogaadaan waxa aan la hubin oo la qoraa in ay dambi tahay

3)      In haddii xataa qofka aad neceb tahay waa in waxaad ka qoraysaa uu run noqdo, waxaan xusuusinayaa “abuu sufyaan oo wali aan islaamin ayaa wuxuu aaday shaam, waxaa u yeeray ninkii haysay roomaaniyiinta, wuxuu wax ka waydiiyey nabiga (nabad gelyo korkiisa ha ahaatee), abuu sufyaan wuxuu ku jawaabay sidii runta ahayd, wuxuu iska ilaliyey inuu been ka sheego isagoo walibaa markaa ay isaga iyo nabiga cadaawad ka dhexaysay. Quraankuna wuxuu tilmaamaya oo leeyahay “cid aad necebtihiin awgeed yaanay idinku xambaarin inaad dulmi samaysaan”. Waxaa kale xusuusin lahaa in nabiga la tusiyey dad mindi lagu jeexjeexayo afkooda iyo sankooda iyo indhahoodaba ka dibna nabigu yiri waa dadka warka beenta ah garsiiya jihooyinka dhulka.

4)      Qofka haddii aad wax xun ka sheegto ama aad ku dhacdo sharaftiisa ma aha dambi ilaahay kuu dhaafayo ee waa dambi la doonayo in qofkii aad xamatay ama aad sharaftiisa ku dhacaday waydiisato cafis.

Ugu dambayntii waxaan naftiina iyo taydaba u dardaarmayaa ilaah ka cabsi iyo waxa lagu hadlayo intaan lagu hadlin la hubiyo in dambi ka imanayo iyo kale, wuxuu nabigu xadiis macnihiisa ku leeyahay “qofka rumeeyey ilaahya iyo aakhiro ha ku hadlo hadal wanaagsan ama ha iska aamuso” xadiiskaa markuu imam nawawi sharxayey wuxuu yiri: qofku markuu hadlayo waa inuu intaanu hadlin hubiyaa in hadalkaan ay maslaxo ama mafsado ka imaanaysa, hadii waxa ka dhalanaya hadalka ay sinaadaan xumaanta iyo samaanta waxaa haboon in qofku iska aamuso. Wuxu kale oo nabigu yiri “yaa ii damaanad qaadaya afka iyo farjiga( yacani xaaran iyo hadal xun ka ilaalinaya) oo aan u balan qaadaa jano”.

 

Waxaa qoray: Cabdiqani Qardhaawi

qardhaawi@yahoo.com

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Waxyaalaha laga faa,iidi karo Maxaadaradii Sh. Cabdiqadir Nuur Farax ee shirkii garoowe. "

  1. ASAC WAA LOO GEFAY SHEEKG CABDULQAADIR WAXII KU GEFAYNA ALLE BAA KALA XISAABTAMAYA HALA NABAD GELIYO SHEEKH IYO SHEEKH YADA KALEBA IYO DHAMMAAN CULIMADA SOOMAALIYEED WAA LOO GEFAY WAA IN AY XORIYAD BUUXDA KU HELAAN WADANKOODA IYO MEEL KASTABA OO ADUUNKA DACALADIISA KA MID AH HANA LA JOOJIYO GAALADA LOO DHIIBAYO CULIMADA SOOMAALIYEED ,WALAAHAY ILAAHAY WAA XISAABAYAA XISAAB DARAN WAXA XUMA KU FARA GESHA CULIMADA SOOMAALIYEED DIFAACOODANA WAANU U HGURAYNAA UBADKAYAGA IYO MAAL KAYAGABA.TAAS BAY LEEYAHIIN GABDHAHA SOOMAALIYUEED OO DHAMI.ASC WR WB

  2. SHEEKH CABDULQAADIR CAY MALAHA QOFKA CAAYAANA ILAAHAY BAA KALA XISAABTAMAYA.MAXAA CULIMADA SOO MAALIYEED LOO GAWRACAY OO GAALADA LOOGU DHIIBAY?
    MAXAA LOOGU GAWRACAY MASAAJIDADA?CULIMADA SOOMAALIYEED WAA IN AY WADANKOODA KU NABAD GALAAN WAANU JECELAHAY WAXA NECEBNA WAANU NECEBNAHAY.

  3. Yasin says:

    Jizaakalaah khayr ilaahay waxaan kaaga baryayaa Niyadaada inuu ku aqbalo oo ah inaad maqaal kan u soo qortay in Alle wejigaaga naarta ka xoreeyo maadama aad sharafka walaal kaaga muslim ka ah difaacayso, intii xumaanta samaysayna alle haka cafiyo, dhamaanteena ilaahay hayna soo hanuuniyo, waxaase iga dardaarana qof kasta wixi qaldan uu arko ha saxo, insha allahu guul baan gaaraynaa.