Home » Maqaallo »

Gabay; Gocasho

Asalaamu calaykum waraxmatulahi wabarakaatuhu
walaalayaal waxaan halkaan doonyaa inaan kusoo gudbiyo maanso yar oo magaceeda la yiraahdo (Gocasho)
taasoo ka tarjumaysa dhibaato iyo geeri naxdin leh oo igu dhacday anoo jooga qurbaha kana fog ehelkayga oo
laygu soo sheegay talefan taasoo xanuun gaara igu qabatay erayadaan ayaan kaga tiraabayaa xanuunka ay leedahay
geerida kugu soo gaarta go.doonka qaxootinimo adoo jiiga qurbaha dalkaaga iyo dadkaagana ka fog oo aan gari karayn.
waxaana idinka codaanayaa inaad iisoo galisaan webka si ehelka iyo qaraabada iyo asxaabta i
garanaysaa iila dareemaan gocashadayda waana mahadsantihiin.

Gocasho igu raagtoo bayahan gubaysay laabtayda
oo aan la goohaan dadyahow soo gudbinayaaye
Gaar dhibaan u qabayoon in badan kali ku geeraaray
oo aan gacalkaygu maqal baan rabaa inaad u gaysaane
Galaayuuska iga tabiya oo maansadaan dunida gaarsiiya
Gocashaan u bixiyee dadoow gabaygan weeleeya
Gablan talo aduuney maxay galaba heer joogtay
Geeridu xaq weeyee muxuu ruuxba galab hoyday
Guulle waa xaqsooree muxuu gooyay xugunkiisa
Gagagabo arooryaad miyuu iigu yimid goohu
Gooraanan filnayn miyay geeridii qabatay
Gacaliye walaalkay miyay goysay rubadiisa
Garabkaygii midig miyaa goobta laga qaaday
Gooray aroor tahay miyuu mobil igu guuxay
Anigoo gariiraya miyaan laacay garabkayga
Garabdaar sidaan qabo ma iri go,aye yaa hoyday
Gacliye walaalkaa cabdaa guulle naga qaatay
Goortaan maqlaan ilmada gabax kasoo siiyay
Gudcur iyo mugdaan galay oon is garan waayay
Gabb ayaan ku iri dhulkoon garashadii waayay
miyirkay gadmaday oo saacadaan gorofsanaa meele
Goor danbaan baraarugay anoo jiifa gaggidiiye
Gocoshaan naftaydii ku iri geerida ha diidin
Guud ahaan inaan socono oo dunidu guurayso
Guullena midaas uu xukumay kuna go,aan gaaray
iyo geediga la galayaa dadow waan garowsanahay
Waxse aan la geerarayaa galabta waa ciile
Qurbahaan i gaasiray ayaa iigu wacan gooha
Gabaygana usoo tirinayaa iyo giiska maansada,e
Goobtaa i ciishoo dhibkuna gaarka igu quursay
Galiilyada waxaa iigu wacan goosannimadayda
iyo gacalkayga iga fogoo geeri iga qaaday
Gablan oy ayaan kali ahoon garabna aan waayay
Gacalkayga lama joogo oo gooni baan ahaye
Adigaana ii garatayoo rabow gooyay xugunkaase
oo ii go.aanshoo illaah gaaray waa hore,e
Adigaa garsooroon xumaan gaysan abidkaaye
Sabir igu gargaar eebe waan siriray doorkaane
oo igu sug diintoo illaah aanan seegin marinkeeda
Afartaa galaayuuska iyo gocashadaydii dheh
Afar kalena aan soo godlee gabayga xoorkiisa
Gobo, waxay tiraahdoon ilmada gabax ka siiyaaba
sida aar gantaal qaba waxaan giirka kiciyaaba
Gocashada waxaan guuxo oon galalaf rooraaba
Sida gaardiyaankii waxaan gama.a seegaaba
Gudcur waxaan ka geeraaro oon gabayo duubaaba
Sida geesi ciil qaba waxaan gocasho reemaaba
Gogoshii waxaan diido oon geeska dhigi waayay
Sidii ruux gabalana waxaan meel cidlo ah
kali ka gahoohaaba
Gasiinkii waxaan diido oon gooyo cunidiisa
oon gaajo awgeed ku dhaco galaba meel suuqa
Afartaa galaayuuska iyo gocashadaydii dheh
Afar kalena aan soo godlee gabayga xoorkiisa
Gantaalkii horeen qabay midbaa galabta ii dheere
Gacaliye adoogeey miyay geeridii dhufatay
Guulle mayga qaadoo miyaan saaka kala guuray
Gurigiisii rumaadiyo miyuu galiyay hoygiisa
Goortay isoo gaartayee gacalku ii sheegay
Guhaad iyo is,hiifiyo anoo gocasho taahaaya
ilmadaydii gobo,tiri miyaan gogosha aan qooyay
Anigoon is garanayn miyaan ba,ay ku geeraaray
Goor danbaan is guubaabiyoo guulle u rujuucay
Go,i waaye ina xaajiyeey waa xaq geeriduye
Go,aan baana dhacay uu illaah gooyay waa hore,e
Gafimayso geeridu nafqura waadna garan taase
Gadaal eebe ugusoo noqoo qalbiga gali xasuustiisa
Goortaasaan qabooboon marqura weeso ku qamaamay
Goortaan xasuustaba qalbigu way gadmanayaaye
Goobtaan fadhiyo baan ilmada gabax ka siiyaaye
Afartaa galaayuuska iyo gocashadaydii dheh
Afar kalena aan soo godlee gabayga xoorkiisa
Galaayuus ma fiiicne hadaan gabayga soo gaabsho
Gocashadu dhib weeyee hadaan horay usii guuro
Geerida qurbuhu kaaga daran cudur ku gaylaansha
Geerida qurbuhu kaaga daran aar ku kala gooya
Geerida qubuhu kaaga daran gaysh ku weerara,e
Geerida qurbuhu kaaga daran gumuc rasaaseede
Geerida qurbuhu kaaga daran gaadmo cadowgaaye
Geeridu qurbuhu kaaga daran gaal ku xaasida,e
Geerida qurbuhu kaaga daran guluf colaadeede
Geerida qurbuhu kaaga daran gacal ku ciilaaye
Go,aankaygu waa maantadaan inaan ka guraaye
Guuloow alloow igu gargaar safarkan gaashaaman
oo Guuloow alloow igu gargaar geedigaan rarayo
Gadaalna iigu celi dalkaygoo allow gaalka iga kaafi
oo gadaal iigu celi dalkaygii alloow gaalka iga kaafi
aamiin aamiin aamiin
Qore: Safiyo Aw Axmed Xaaji (dhalkheyr)
Email: dhalkheyr@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Gabay; Gocasho "

  1. Aamin, Allaha ku siiyo waxaad meesha ku sheegtey, waxaanse ka xumahay dadka intooda badan oo aan aniga ugu horeeyo mafahano gabayga. Geeridu waa naxdin gaar ahaan marka aad kafagtahay ehelka. Waxaanse ku xasuusinlaha geeerida nabiga SAW oo aan filayo inay ku hilmaansiinkarto qofkasta oo qaali kugu ah dunidan.
    ugu danbeyntii Allaha samir iyo iimaan kaa siiyo.