Home » Warar »

Shirweynhii Xisbiga Hiil Qaran oo Muqdisho lagu soo Gabagabeeyey

Waxaa Magaaladda Muqdisho gaar ahaan Xarunta Xisbiga Hiil Qaran lagu soo gabagabeeyey Shirweynihi Xisbiga Hiil Qaran waxaana ka qaybgaley Xubnaha Xisbigaas , Qaybaha kala duwan ee Bulshada iyadoo inta aan la soo gabagabeynin Shirweynahaas in Xubnaha Xisbiga Hiil Qaran Muddo Saddex maalmod ay lahaayeen dood ku aadan qaabka loo wajahayo haddii Xisbiga Xisbiga Hiil Qaran uu ku guuleysto Hagaanka Dalka taasoo ay si Saraaxad leh uga doodeen Xubnaha.

Xisbiga .Gabagabadii Shirweynaha waxaa ugu horeyn ka Hadley Wakiilka Xisbiga Hiil Qaran ee Muqdisho Shariif Xuseen Roobow oo sheegey in Mudadii Tobanka bilood ee uu jirey Xisbiga Hiil ay u qabsoomeen Barnaamjyo badan gaar ahaan sida Bulshada looga dhaadhicin lahaa hadafka Xisbiga iyo wax uu qaban doono Mustaqbalka , sidoo kale Shariif Roobow wuxuu sheegey in Xisbiga uuu Muqdisho ka furtey Xarun weyn taasoo uu sheegey in lagu socodsiiyo Howlaha Xisbiga Sidoo kale wuxuu sheegey Mudane Shariif in Xisbiga Mudadii uu jirey uu Bil waliba uu soo saaro Wargeys lagu Magaxaaabo Aragtida Wadaniga kaasoo ka hadla sidii loo soo celin lahaa isjeceylkii Ummadda Soomaaliyeed iyo weliba sidi loo soo nooleyn lahaa wixii ay dadka soomaaliyeed lagu yaqaaney.

wuxuu kaloo uu sheegey in ay qabteen Doodo, iyo Siminaaro ka hadlaya habka ugu wanaagsn ee loo sameyn karo Hogaan wanaagsan.Intii ay socotey Xafladii lagu soo gabagabeynayey Shirweynihi Xisbiga Hiil Qaran ayaa waxaa ka Hadley Xamdi Cabdulaahi oo ka mid ah Xubnaha Xisbiga hiil Qaran ee Qurba joogta waxayna sheegtey in ay aad ugu faraxsan tahay in ay timaado Magaaladda Muqdisho islamarkaana ay aragto Xarunta Xisbiga Hiil Qaran , waxay kaloo ay sheegtey in Sababaha ay u timid Magaaladda Muqdisho ay tahay sidii ay gacan uga geysan lahayd samatabixinta ummadda Somaaliyeed ee dhibaatooyinka ay Ragaadiyeend.Waxaa kaloo shirweynahaas ka Hadley Proff Axmed Ismaaciil Samatar oo Xubin ka ah Xisbiga Hiil Qarn wxuu sheegey in ujeedooynka loo Abuurey Xisbiga Hiil Qaran ay tahay in uu soo celiyo Walaaltinimadii ummadda Soomaaliyeed lagu yaqiiney waayo Ummada Soomaaliyed uma baahna Dib u Heshiisiiin ee waxay u baahan tahay dib isu jecleysiin.

wuxuu kaloo sheegey in ay tahay ummadda soomaaliyeed,Ummadd wax qabsan karta islamarkaana lahaayeen Geesiyaal, Culama’udiin , Siyaasiyiin, Nabadoono ,Hal abuuro, Abwaano iyo Aqoonyahano hase yeeshee Taariikhdaas wanaagsan ay Soomaaliya lahayd ayuu Axmed Ismaaciil Sheegey in ay meeshe ka baxdey.“Mar aan wada doodney Safiirka Itoobiya u fadhiya Mareykanka ayaa waxaa ku iri wadankaan anagaa iska leh cid Xoog ku qabsan karta ma jirto markii ay doodii sii dheeraatey ayuu habeenkii dambe I Casuumey wuxuu igu yiri “haddii aan nahay Itoobiya dadka Soomaaliyeed si aad baan uga baqi jirney.

xitaa habeenkii baa nalagu cabsiin jirney iyadoo taasi ay jirto waxaan kuu sheegayaa Itoobiya si aad ah ayey u jecel yihiin Cabitaanka Biirka hadii Gabar Itoobiyaan ah ku tiraahdo ANDHI BEER oo ah Beer isii oo aad ka bixiso Habeenkii iyada ayaa lahaaneysaa maanta dadka somaaliyeed ee laga Baqi jirey ee Sharfta lahaa waxay marayaan ANDHI COCA-COLA ayuu yiri Proff Axmed Ismaaciil Samatar oo intaa raaciyey“dadkii Qabkaas lahaa oo laga cabsan jirey in maanta lagu tilmaamo ANDHI COCA-COLA waa arrin aad looga naxo waxaa sida magaceennii u tirey dad soomaali ah marka Xisbiga Hiil Qaran wuxuu doonayaa in uu dib u soo celiyo Sharaftii iyo Karaamadii ummadda Somaaliyeed ay lahaan jirtey ayna ku faani jirtey marka waxaa idiin soo jeedin lahaa in aad nagala qayb qaadataan soo celinta.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Walaalitinimadii ummadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Proff Axmed Ismaaciil Samater oo si aa uga jawaabayey Su’aalo ay weydiinayeen ka qaybgalayaasha Shirweynaha Proff Axmed oo Muqdisho ugu Dambeysey 1989-kii ayuu wuxuu sheegey in aad uga Murugoodey burburka Magaaladda Muqdisho isagoo ka hadlayey Burburkaas wuxuu yiri”Waxaa soo daawadey sida loo burburiyey Xaruntii Golaha Shacabka xiligii igu dambeysey waxa Xaruntaas kaga qaybgaley Shir ku saabsanaa Cilmi Baarista waxayna Xarunta ahayd mid aad u qurxoon maanta waxay indhaheya qabteen meel burbursan oo aan indha u rooneyn sidaa dateed waxaa uu sheegey Proff Axmed in xisbiga Hiil Qaran uu doonayo in dib u so celiyo quruxdii ay lahayd Magaaladda Muqdisho.

Taasoo uu sheegey in ay ku imaan karto shacabka iyo Xisbiga Hiil Qaran oo is kaashadda Xafladda lagu soo gabagabeyneyey Shirweynaha Xisbiga Hiil Qaran ayaa waxaa Xiriirinayey ama Su’aalaha qaybinayey Cabdi Maalik Yuusuf oo isna ka mid ahaa xubnhii la socdey Proff Axmed Ismaaciil samater iyadoo Xafladaas ay ku soo gbagabowdey sidii loogu talagaley iyadoo maalmihii Proff Axmed uu ka qaybgaley Muxaadarooyin loo qabtey Qaar ka mid ah Jamacadaha ku yaal Magaaladdaa Muqisho oo lgu weydiinayey Su’aalo Cilmi ah , Mid Taariikheed iyo mid Siyaasadeed .

W/D Amiin Yuusuf KhasaaroE-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.co.ukE-Mail
amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Shirweynhii Xisbiga Hiil Qaran oo Muqdisho lagu soo Gabagabeeyey "

  1. salam ka dib
    aad iyo aad ban ugu farxay markaan arkay aqoonyahannada wadanka oo is garab sanaayo ay u istaageen badbaadinta shacabka.
    waa marxalad horey aan loogu arag wadanka tanina waxey horumar weyn u tahay shacabka masaakiinta ah ee baaba’ay.
    ka dib howlaha adag ee Xisbiga Hiil Qaran u istaagay, Umadda Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay iney garab istaagaan Xisbiga Hiil Qaran Hanti,Maskax iyo xoogba.
    xooga ma ahan in qori la qaado waa in laga faa’ideestaa awooda qofka ilaahey uu ku abuuray.
    waxaan salamaayaa dhamaan Umadda Soomaaliyeed meelkasta ay ku nooshahay.
    Mahadsanidiin

  2. hasan says:

    waxaa soo udgoomaysaa necowdii horumarkaa iyo baraaraha umada soomaaliyeeed codkeyga .maalkayga xoogayguba intuba waa diyaar hadii alle idmo waana tageersanahay hiil-qaran