Home » Warar »

Gabagabadii shirkii Garoowe oo lagu go’aamiyey in Xildhibaanada Baarlamaanka lagu soo koobo 225 xildhibaan oo lagu soo xushay hab qabiil

Shirkii Garoowe oo soo gabagaboobey Sabtidii Dec 24, 2011 ayaa go’aamadii ka soo baxay waxaa kamid ahaa in xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya loo samaynayo June 2012, laguna soo doorto habka-qabiilka ee loo yaqaan 4.5, isla markaasna lagu soo koobo 225 xildhibaan.

Madaxweynaah DGPL waxa uu sheegay in sababta go’aankaas 4.5 ay u aqbaleen ay tahay in ay ugu turayaan madaxda ka timid Koonfurta oo qaabkaas mudada kusoo dhaqmayey. Waxana uu intaas raaciyey in aan hab qabsiga 4.5 lagu keeni karin dawlad.

Qodobadii ka soo baxay shirka akhri Halkan (English)

Shirka Garoowe oo Itoobiya goob joog ka ahayd waxaa go’aamadii ka soo baxay ku qornaa luqadda Ingriisiga saxiixay: Sh. Shariif Sh Axmed (Madaxweynaha DFKMG), Shariif Xasan (oo ku saxiixay in uu yahay guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG), C/weli Gaas (ra’iisul wasaaraha DFKMG), C/raxmaan Faroole (Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Puntland), Maxamed Caalim (Madaxweynaah Maamul goboleedka galmudug), Sheikh Maxamed (oo matalayey Ahlu sunna) iyo ergey ka socdey QM.

Hoos ka dhegeyso khubadihii gabagabada shirka Garoowe:

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/shir_garowe_2011.mp3]

Warbixin: Shirkii Wada Tashiga Soomaaliyeed Garoowe oo la soo gabagabeeyey

Waxaa goor dhow Magaaladda Garoowe lagu soo gabagabeeyey Shirkii Wadatashiga Soomaaliyeed Wajigiisii 3-aad Waxaana la isku afgartey qodobadii Caqabadaha ku noqdey shirkii waxaana ka mid ahaa Qododbadii lagu heshiyey in Baarlamaanka Soomaaliyeed uu noqdo 225 Xubnood kuwaas oo lagu soo xuli doono Aqoon iyo karti , waxaa kaloo lagu heshiiyey in Baarlamaanka iyo Xukuumadda lagu qaybsado 4.5 hese yeeshee waxaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole uu sheegey in dhinacooda ay ku soo xuli doonaan qaab Goboleysi ah.

Bisha Ogoosto ee Sannadka soo socda ayaa la soo xuli doonaa Xildhibaanadda Baarlamaanka iyo islmarkaana la dooran doonaa Madaxweynaha , waxayna Dowladda soo soo socota ay shaqeyn doonto muddo Afara Sanno ah sidoo kale waxaa lagu heshiiyey in Hanaanka 4.5 laga gudbo marka wadanka ay ka dhacdo doorsho Xor ah

Maalintii oo Jimcaha ahayd ayaa la filayay in gebi ahaanba la soo af jaro Shirkii wada Tashiga Soomaaliyeed Wejigiisa Labaad ee ka dhacayay Magaalada Garoowe oo ah Magaala madaxda Maamulka PuntLand.

Qodobadii shirka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahayd wax ka bedelka Tirada Xildhibaanka Baarlamanka ee haatan jira iyadoona la isla gartay in Tirada Xildhibaanada laga dhigo 275 225 Xildhibaan.

Shirka ayaa shalay la filayay gaba gabadiisa in laga soo saaro war murtiyeed ha yeeshee arrintaa waxaa lugta qabtay khilaaf ka dhex aloosamay dhinacyadii shirku u socday.

Khilaafka ugu xooggan ayaa waxaa uu ka dhashay qaabkii Xildhibaanadaas loo soo xuli lahaa, Ciddii soo xuli lahayd iyo habkii wax lagu qaybsan lahaa taasoo keentay in war murtiyeedkii la qori lahaa uu dib u dhac ku yimaado.

Halka ay sartu ka qurunsan tahay ayaa waxaa ay tahay Madaxweynaha Maamul Goboleedka PuntaLand Cabdiraxmaan Faroole oo soo jeediyay in wax lagu qaybsado hanaanka degmooyinka iyo Gobolada halka aragti taa ka duwana ay leedahay waa in wax lagu qaybsado hanaanka 4.5ka taasoo la isku diidan yahay.

Hanaanka degmo ku qaybsiga ayaa waxaa ka soo hor jeeda xubno ka mid ah ka qayb galaysha shirka iyagoona sheegaya in si ku meel gaar ah Tirada lagu qaybsado Hanaankii ay ku dhisneyd Dawladdan Federaalka Sioomaaliya ee ku meel gaarka ah kaasoo ah Habka Afar Dhibic Shan.

Caqabadahan ayaa noqday in shirkuba u mudo inuu dheeliyo ka gadaal markii wufuuddii ka socotay Maamul goboleedka PuntaLand iyo ahlu sunna ay arrinta ula muuqatay mid aan iyaga tix gerlinba meesha ku haysan.

Kulamo Gooni Gooni ah ayaa illaa xalay ka soconayay gudaha Magaalada Garoowe iyadoona la isku dayay sidii wax looga qaban lahaa is faham la’aanta u dhaxaysa Kooxaha Soomaalida.

In kastoo khilaafka meesha ka jira u muuqanayo mid adag ayaa haddana wararka ugu danbeeya ee halkaa naga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in shirka gebi ahaanba manta gelinka Dambe la soo gaba gabayn doono isla markaana laga soo saari doono war murtiyeed ay wada saxiixaan xubnaha ka soo qayb galay Shirka Garoowe.

Warka ayaa intaa waxaa uu ku darayaa in Madaxweyne Faroole uu si aad ah ugu adakaysanayo sidii loo qaadan lahaa hanaanka wax ku qaybsiga Degmooyinka iyo Gobolada.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Gabagabadii shirkii Garoowe oo lagu go’aamiyey in Xildhibaanada Baarlamaanka lagu soo koobo 225 xildhibaan oo lagu soo xushay hab qabiil "

  1. sida aan qiyasayo kulankan waxba ma soo kordhin doono haddii caqligeenii weli dhaafi la yahay 4.5 inta aan sharcigaas jowrka dulmiga ku dhisan aan wadanana dhibku wuu socon xaalkenuna waa KUD KA GUUR OO QANJO U GUUR, waayo in wax lagu dulmo ayaa la rabaa sharcigaas xaaranta ah oo masaakiinta iyo qaba ilka aan abaabulyn in lagu dulmiyo si ay dulmiyaan kuwa sida aadka ah dulmiga gardarda ugu abaabulan.

  2. ahmed says:

    aniga waxay ila tahay in shirkan waxayabaha ka so baxay hal dhinac laga eegay ,tasina ey tahya xalka dalka dowladan markey waqtigeedu dhamado iyo sida laga yelayo.iyada oo ey jiran duldu leeelo badan oo dalku ka dagi la,yahay :
    1-somaliland somaliya iney ka go,day ayey aminsantahay beelaha dega cuqashoodana laga sugi mayo iney xubno dowlada somaliya ugu biira so xushan oo hadaba ya u so xulay mise ninkii yimad sida hada aya la isaga darayaa,
    iyadoo puntlandnina la sheganeyso goboladaa qarkod.
    taasi wax bey sii kala fogeyneysaa.
    2-puntland (faroole) wuxuu ku andacoonayaa in 4.5 dowlad lagu dhisaa ey tahay qab adunyadu ka tagtay inaga oo og in punland ey ku dhisantahay qabiil oo gobolada ey isku hayan somaliland waxa ey i sugu hayan ey tahay sababtaa.
    soo ma habooneyn intan laga gudbin 4.5 in arintaa labadaa gobol(somaliland iyo puntland ) laga bilabo heshiska oo ey wax isku racan
    3-mamul goboledyada dhismayaa hadi lagu dhiso qab qabil , so keni meyso in qabil kastahi hadii dowlada dhexe sida uu dono hadu wax uga wayo inuu goni u bodo ilen goni ayu hub iyo u heystaye sidii mamul puntland sameyey xiligii farmajo
    4-mamul goboledyahda kofurta laga dhisi doonaa waxey keni doonaan is qabqabsi iyo khilaf hor leh taas oo wadanka iyo dowlad wanaga wax u dhibi donta
    5-masuliyiinta dowlada dhexe ee hada ee barqabyada laga dhigay oo cidana yey la xisabtamin la yidhi mudo hal sano oo muhiim ah , waxey keneysaa iney iyagu barlamanka danbe xulashadisa dhibato weyn ku noqdan oo kala lexsi iyo nin kastahi inuucidiisa la shiro bilabo rag uu wato iyo lacag isticmalo tasi wa dhibato so socota .
    6-laba masul ee dowlada dhexe ee midi ka imanayo puntland midina kofurta waliba mel cayiman illa iyo 60 kiina wey jirtay oo hadii ey melo kale ka yimadana laba qeybod an so shegay horey ka mucaradayan iyagoo iyagu isku raba meshaa oo xitaa is dhaheyn waxaan wa lagula leyahay ee la shaqeya si adinkana la idinkula shaqeyo oo sidaa la isku aamino .
    waxa ey shaki galineysaa oo hadana shaki ku heysaa dad somalida ka mida waxeyna sababeysaa kala tag iyo insi lilahi la i is kula shaqeyo waana dhibato jirta oo cidina dafiri karin,
    masalan somaliland somaliya ayey ka mid tahay aya la dhahaa xubnahasna lama siiyo xitaa lagu soo jiidayo iney dadka wax la qeybsadan puntland waxa jira rero ey sida 4.5 wax la isla wadjiyey iyaguna sido kale kofurtana sido kale in la warejiyo si somalidu mesha isaga dhex arkan iyadoo dad u qalma xilkaa laga kenayo
    8- belaha 0.5 lagu shegay iney daba socdayal somalinimadooda xitaa shaki lagaliyo oo cadalad la tusi wayo oo ey dad goniya oo nacam uun dhinacyada kale mel ula fadhiyayaal noqdan wa dhibato iyaduna jirta oo qalbigooda si kale u fakeraan .
    dhibatoyinka aan shegay oo dhan waa waxyaabo indhaha la iska tirayo oo wadanka wuxuu ka dhaqaqi la yahay ma ahane in wax aan si la fahmi karo oo maldahan oo ninkastahi dan u gooniya ka leyahay la isku yiraahdo nacam wan heshiinay meeshii hadana laga sii bilabo wa dhibato qofina ka faa,iideyn

  3. ABDI says:

    WARSAME WAXAAD WAX U SOO QORTAY SI SOMALINIMO AH OO AY KU DHEEHANTAHAY WADANIYAD .
    SOMALIYEY SI HUFAN WAX U SOO QORA,WAA LAGA DAALAY NACAYB IYO QABYAALAD WAAD ARAGTAAN KENYA OO AAN DAGAAL AQOON IN AY XASUUQAYSO SHACABKA SOMALIYEED OO WELIBA AY LA SOO TAAGANTAHAY INKIRAAD .

  4. warame says:

    Waxaan soo dhawaynayaa kulanka madaxda soomaaliyeed iyo waxgaradka soomaaliyeed ay ku qabsadeen magalada garoowe. waxaan u arkaa kulan ay soomaalidu isugu soo dhawaatay oo hormar uleh.

    Maaxaayeelay waxaan hore u ogeeyn in dhibaatadii dagaalada sokeeye iyo burburkii soomaaliya ka dhacay in dadkii walaalaha ahaa sii kala fogaday oo wax kasta shaki iyo cuqdad ka qaadeen. hada kahor shirkii carta waxaa marti qaaday puntland oo laga diiday ayadoo koonfurta soomaaliya ay u arkayeen dhul qabiilkale oo dagaalka dhaxeeyo sidaa daraadeed ay ka doorteen wadamo kale oo dibada ah.

    waxay markale puntland marti galisay in ciidamada soomaaliyeed lagu taba baro kuliyada tababarka ciidamada ee carma taasoo loo arkay in laga laxeeyo oo wadamo shisheeye lageeyo sida ugaandha. waxaasna waxaa keenaya shakiga iyo qabyaalada aan macnaha lahayn ee dadkiinee la hartay oo soomaalinimadii xumaysay.

    hada waxaad moodaa siyaasiyiintii konfureed inay soo yara bislaanayaan iyo kuwii puntland ba mar haday isu tageen oo dhulka soomaaliya meeshii nabad ah ku shiraan waa talaabo guul u ah soomali oo dhan waxayna waliba ka raysanayaan faragalinta qaawan ilaa xad ee ajinabiga.

    waxaa kale oo aan ku qancay inayba jiraan dad wali u dhiidhiyaya inay khalad tahay in wax lagu qaybsado nidaam aan caalamka ka jirin oo aan dawlad lagu dhisan karin oo ah qabiil taasoo qofkii caqli leh ee nidaam dawli ah garanayaa uu ka argagaxayo. waa ku mahad sanyihiin somaalida puntland inay iska diidaan waxaa diinteenu inoo diiday ee laynayiri waa bakhtiye ka dheeraada. xataa gaaladiibaa qabiilka ka carartay oo fahantay in uu yahay wax liita. hadayse hada isku raaceen in mudo 4 sano ah hadii ilaahay idmo qabiilka lagu sii shaqeeyo kadibna loogudbayo sida caalamku u shaqeeyo iyo hanaan dawli ah waa soo dhawaynayaa oo dulqaadku waa wax wayn.

    waxaan u rajaynayaa walaalahay koonfurta inay aad uga fakaraan qabiilku inuu yahay kan halkaa ina dhigay inuu wali ina horyaalo oo isku sii dulmino intaa ka badan ma fiicna tusaale in nin siyaasi ah oo wax garad ah oo maamul yaqaan aan qabiil uga tagno madama qabiil lagu xulayo oo doorano mid jaahil ah waayo qabiil xoogleh ayuu ka dhashay sidan wax faciin maha dan uma aha umada soomaaliyeed adunkuna waa inala yaaban yahay.

    qofka aan ku qiimayno kartidiisa iyo aqoontiisa iyo daacadnimadiisa iyo sharafkiisa. hada soomaali waa soo fiicnaanaysaa dadkuna waa walaalo halaysu turo oo halays waaniyo oo aan dawlad dhisano si aan cadawgeena isaga celino ina kala qaybinaya ee usocda khayrtaadka dhulkeena rabana inuu dhaxlo. dakeenii dhibuu ku jiraa xaqna uma laha dhibkaa inagaa qasbayna oo u diidan inay noolaadaan ilahaay aan kayaabno soomaaliyeey oo dalkeena aan nabadayno oo dawlad dhisano hada 21 sano ayaynu maraynaa waad aragtaanoo 4 sano ayaa la qorsheeyay qabiil ah maxaa ka harayba 30 sanadood markaa waxaad moodaa in mudadu sii dheeraanayso war dib halaysugu noqdo oo caruurta soomaaliyeed yayna dhaxal tirin walaalayaloow ilaahay toowfiiqda ha ina waa fajiyo.sidaasay ilatahay