Home » Warar »

Kenya: Waxaan weerareynaa Afgooye, Marka iyo Baraawe, waana ka xunahay xil ka qaadistii Shariif Xasan

– Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanku Xilka ka qaaday oo Itoobiya ugu baaqay inay markale ku soo duusho Soomaaliya

– Kenya oo sheegtay in ay weerar cirka ah ku qaadi doonto Afgooye, Marka iyo Baraawe, iyagoo sidoo kale sheegay in ay ka xunyihiin xil ka qaadistii ay Baarlamaanka Soomaaliya xilka kaga qaadeen guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka DFKMG…

– Shariif Xasan ayaa si degdeg ah booqasho ugu tegey magaalada Addis Ababa ka hor intii uusan ku soo laaban Muqdisho, arrintaas oo timid kaddib markii 280 xildhibaan ay xilka ka xayuubiyeen.

Shariif Xasan oo markii xilka laga qaaday ku maqnaa dalka Talyaaniga ayaa si degdeg ah ugu duulay Addis Ababa, ka hor intii uusan tegin Muqdisho. Waxana uu la soo kulmay saraakiil Itoobiyaan ah, isagoo “Itoobiya ka codsaday in ay soo kaalmayso,” oo ay ciidamada Itoobiya markale soo galaan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan in ay soo galaan “Beledweyne, Goboladda Dhexe, Bay iyo Bakool,’ sidaas waxaa qiray Shariif Xasan oo shir jaraa’d ku qabtay Muqdisho markii uu ku soo laabtay Jimacadii Dec 16, 2011.

Shariif Xasan waxa uu ahaa guddoomiyahii baarlamaanka ee saxiixay June 14, 2006 in dalalka safka hore (Itoobiya iyo Kenya) ay soo geli karaan Soomaaliya, arrintaas oo sababtay in ciidamada Itoobiya ay ku soo duulaan Soomaaliya ayagoo Decemeber 28, 2006 galay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaa xilligaas Xamar laga cayriyey maxaakiimtii Islaamiga ahaa oo uu markaas madaxdooda ka mid ahaa Sheikh Shariif Sh. Axmed, madaxweynaha hadda ee DFKMG.

Waxaana ciidamda Itoobiya ay xasuuqeen shacab Soomaaliyeed oo aad u farabadan, waxaan dhankooda Militariga Itoobiya toddobaadkiiba Soomaaliya kaga dhiman jirey 100 askari sida ay sheegtey warbixin dheer oo ay diyaarisay Center for American Progress.. Waxayna ciidankii Itoobiya si xoog ah Soomaaliya looga saaray (Jan 15, 2009) kaddib (749) maalmood oo uu socdey dagaal xoggan oo looga soo horjeedey Itoobiya.

Shacabka Soomaaliyeed waxay markasta aad uga soo horjeedeen in dalalka safka hore loo yaqaan ee deriska la ah Soomaaliya (Kenya iyo Itoobiya) in ay san ka mid noqon ciidamo loo soo diro Soomaaliya, magacii ay doonaan ha wataane, sababtoo ah labadaas dal waxay gumaysi ku haystaan dhul iyo shacab Soomaaliyeed oo gumaytayaashii reer Yurub gacanta u geliyeen, waxaana Shacabka Soomaaliyeed rumaysan yihiin in aysan haba yaraatee dalalkaasi daacad ka ahayn, kana noqon karin siyaasadda Soomaalida, sida uu qiray madaxweynahii hore ee Kenya Moi (hoos ka akhri hadalkiisii 2003).

Mar labaad markii uu Shariif Xasan markale noqday guddoomiyaha baarlamaanaka, waxaa Soomaaliya ku soo duuley dalkii labaad ee safka hore oo ah Kenya, kuwaas oo bishii October 2011 ka gudbey xadka NFD.

Xildhibaanada baarlamaanka ee xilka ka qaaday Shariif Xasan ayaa ku eedeeyey in uu ku xad gudbey axdiga DFKMG. Sida uu dhigayo xeerka loo bixiyey Kampalla Accord (heshiiskii Kampala) waxaa xilka laga qaadi karaa, mooshina laga keeni karaa madaxda xukuumadda haddii ay ku xad gudbaan Axdiga KMG.

Sawirka oo weyn (guji)

Waxa kale oo baaarlamaanku ay Sharif Xasan ku eedeeyeen in uu baarlamaanka xirtay, qufulka ku dhuftay, isla markaasna diidey in baarlamaanka la horkeeno qorshaha loogu magac daray ‘Roadmap-ka’ si looga doodo, iyo in uu diidey in xildhibaanadu isugu yimaadaan kulamadoodii caadiga ahaa si ay u gutaan hawshooda.

Shariif Xasan oo Jimacadii ku soo laabtay Xamar waxa uu xildhibaanada xilka ka qaaday ku tilmaamay kugo khaldan, isagoo ku adkaysanaya in uu weli yahay guddoomiye baarlamaanka KMG.

Laakiin guddoomiyihii isaga ka horeeyey Aaden Madoobe ayaa sheegay in “xil ka qaadistii Shariif Xasan ay tahay mid sharci ah.” Waxana uu sheegay in ay tahay arrin laga xumaado in Shariif Xasan uu weli sheegto guddoomiye baarlamaan.

Waxa kale oo Sh. Aaden Madoobe sheegay in Heshiiskii Kampala ay ku jiraan qodobo suurtagal ka dhigaya in Mooshin laga keeno madaxda DFKMG, kuwaas ayaana loo cuskaday Shariif Xasan.

Madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif (madaxii hore maxaakiinti Islaamkiga) oo warsaxaafadeed ka soo saaray xilkaqaadista Shariif Xasan ayaa sheegay sidan “Ma ahayn dhacdo cusub laakiin waqtiga uu ku soo beegmay ayaa xasaasi ah, waana dhacdo aan la fileynin oo dareenkeeda leh, walina baaris iyo ka baarandeg ayaan ku jirnaa si aan u helno xaqiiqda dhabta ah iyo duruufaha keenaya go’aankaas.” Hadalkaas oo dadka siyaasadda odorosaa u fasireen uu taageersan yahay go’aanka baarlamaanka.

Kenya: Waxaan weerareynaa Afgooye, Marka iyo Baraawe, waana ka xunahay xil ka qaadista Shariif Xasan

Sida uu warbaahinta Sabtidii (Dec 17) u sheegay Linsay Kiptenes oo agaasime ka ah wasaaradda Arrimaha dibadda ee Kenya, waxaa Kenya walaac ka muujisay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo tiradoodu tahay 280 xildhibaan ay xilkii ka xayuubiyeen afhayeenkii baarlamaanka Kumeelgaarka ee Soomaaliya.. Waxaana Kenya sheegtay in Beesha caalamka ay xilligan Shariif Xasan si aad caadi ahayn ama hore loo arag ay ugu niyadsan yihiin. Waxa kale oo Kenya Muujisay in arrintani ay xagal daacineyso Roadmap-ka.

Waxa kale oo Kenya ay sheegtay in ay weerar xagga cirka ah kuqaadi doonaan Afgooye, Marka iyo Baraawe, sida uu sheegay Col Oguna oo ah afhayeenka Militariga Kenya.

Dhanka kale waxaa Sabtidii Muqdisho tegey wafti ka socda Qarammada Midoobey, waftigaas oo kulamo la qaatay madaxda DFKMG, guddoomiyihii xilka laga qaaday iyo xildhibaanadii xilka ka qaaday. Waxaana warar hordhac sheegeen in xildhibaanadu ay waftiga Qarammada Midoobey u gudbiyeen qodobo muujinaya in ay si sharci ah xilka uga qaadeen guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka DFKMG. Waftigaas Qaramada Midoobey ayaa laga soo xigtey in ay xaqiiqo raadis ahaayeen.

AKHRI Qodobadii Baarlamaanka Soomaaliya u cuskadeen xil ka qaadista Shariif Xasan

Taariikh Xusid Mudan:

Waxay ahayd September 19, 2003 markii Madaxweynahii hore ee Kenya Moi oo hadal ka jeediyay Jaamacadda American Defence University ee Washington DC ee dalka Maraykanka waxa uu sheegay “dib u dhaca nabadaynta Soomaaliya in ay salka ku hayso shakiga ay dalalka gobolku ka qabaan Soomaaliya oo midaysan in ay sii wadi doonto ‘riyada is-ballaarinta.'” Moi waxa uu intaas ku daray in qaar “dalalka deriska la ah Soomaaliya ay ka cabsi qabeen Soomaaliya oo dib-u-midowda oo barwaaqo ah ay dib u soo noolayn karto sheegashadoodii dhulka.” Waxana uu xusay in markii ay xornimada heshay Jamhuuriyaddii Soomaaliya ay sheegatay qayb ka mid ah Jabuuti, Kenya iyo Ethiopia, ayna ku xejisay dagaal hubaysan si ay u xaqiijiso fikirkan. Daniel Toroitich arap Moi waxa uu madaxweyne ka ahaa Kenya muddo 24 sano ah intii u dhaxaysay August 22, 1978 – December 30, 2002 (Akhri).

Akhri: Shiikh Shariif : Laba Dhibcood

Kampala Accord: https://somalitalk.com/2011/nfd/nfd21.html

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

13 Jawaabood " Kenya: Waxaan weerareynaa Afgooye, Marka iyo Baraawe, waana ka xunahay xil ka qaadistii Shariif Xasan "

  1. Sharmarke says:

    Asc; Dee haddii ninkii shaqada laga cayriyaaba uu ku faanayo shisheeye ayaan wadan keenayaa, umada yaa u Islaam ah?

  2. sh abdinor says:

    Waxaa habboon in aan wakhtiga la,iska lumin somaliya way joogtaa sidii loogu talagalay qabiilka meeshii ugu fiicneed ayuu marayaa meel ka xun ayaad ku hoobandoontaan sanad kadib haddiiba uusan alle wxkale keenin, marka galmudug,somaliland,putland,zania,bayland,mareegland,hiiraanland,muqdisho annaga ayaa leh howsha mayaro cidkastana qumanaheeda ayaa qorta ugu jira ee wakhtiga ha iska luminina ee ilmihiina u xiirta ayaan idinkula talinayaa dalkaan adinka iyo kuwa aad ka dhalateen ayaa heerkaas gaarsiiyey !(1960 ilaa maanta 2011 ee caashaqa iyo musikada naga joojiya
    sh abdinor
    alle ayaa awood leh ninkii aaminaa kheyr leh

  3. Cumar says:

    ASC,
    Dadka badan ee diinta, dalka iyo dadka u naxaya ducadooda ayaa Alle ajiibay, hadal kooban waxaan leeyahaya aqoonta shaqsiyadeed iyo taariikhda shariif Xasn Sh adan wax badan ayaan ka aqaan ee Illaah ummadda Soomaaliyeed haka qabto isaga iyo kuwa badan oo la mid ah kuwa kheyr badannna hanoogu beddelo.

  4. walaalayaal waxanu maqlanaynaa wadamo badan oo ka hadlaya xilka qaadistii shiriif xasan,waxaa is waydiin leh shiriif xasan xilka ma somalibu u hayay mise ajaanib hadii uu ajaanib u yahay xilka ha soo ceshadeen hadii uu somali u hayey ma rabto somali yaan lagu qasbin hadii uu yahay gudoomiye shikh aadan madoobana waa gudoomiye wuxuu taaganyahay igama gubato , ama waxay noqonayaan labo nin la xilki laga qaaday ama waxay noqonayaan labo gudoomiye oo jira ama waxaba waa laysku duminayaan

  5. warsame says:

    War umada soomaaliyeed goormay ilbaxaysaa doqoneey dabkaa be nin baa laga sheegay. anigu uma arko in shariif xasan hada dhib wado sida uusan dhib u wadin markii FARMAAJO xilka laga qaadayay!! dhibtu waa SHARIIFK AHMED isagaa shariif xasan u shaqaynayaa oo raba sidii uu dalka usii xukumi lahaa oo uu ugu darsan lahaa xiliga kala guurka dhibtu waa halkaa yaan lagu danbaabin shariif haxasan oo shaqadiisii caadiga ahayd ee aynu ku naqiinay uun haysta.

    Waxan aad arkaysaan waa riwaayadii hore ee shariif ahmed waxa uu rabay shariif xasan u matalayay ee aakhirkii KAMBALA LAYSULA TAGAY halka intii hore oo dhan shariif ahmed uu garabka haystay FARMAAJO isagoo dhuumanaya sida uu hada u dhuumanayo wuxuu rabana shariif xasan uu u fulinayo. waa uun isla riwaayadii yaan la mashquulin.

    waayo shariif axmed madax weeynaha umada soomaaliyeed amrabo in uu wax cad lasoo istaago mana awoodo laakiin shariif ayaa hawshaa fuliya kuna badasha waxa uu jecel yahay.
    xiligii baa soo dhawaaday shariif axmed waa rafanayaa shariif buuna u diray in baarlamaanka la guruubeeyo oo lakala matalo sidii shalay sidan bay ka il heleen sidaasay ilatahay.

  6. asc, www
    walaalayaal haddii ay dowlad leedahay baarlmaan uu isaga yahay kan kaliya ee ilaaliya xeerarkii u yiilay maxaa ay ka sugaayaan aduunweynaha ama ay ka sugaayaan reer galbeed iyo afrika iyo igad iwm; iyaga baarlamaniga mushaarka ay qaataan ma mid ay ku qaataan baagamuundo oo aan laga sugeyn wax shaqo ah !! muxuu u xeran yahay baarlamaanka ma meel aysan tegi karin miyaa haddii ay shaqo leeyihiin ? imisa jeer ayaa u yaalo in baarlamaanka uu fadhiisan karo kal fadhi isbuucxii, bishii,
    ama sanadkii. Aniga ma fahmin sababta ay shaqadoodda laqabsan karin meesha ma qof ayey u xeran tahay ma dowladda ma yurub misa afrika !!

    ilaahayoow soomaali danteedda tus kuwa jooga iyo kuwa maqan !!

    walaalayaal dantiina iyo teenaba idinka ayaa nooraadin kara ee noo raadiya
    MAHIGA idin ma xakuma wuxuu mushaar ku qaataa haddii aad raali ka tihiin iska daa kuwa soomaalidda ah ee aan waxba laga ogeyn in ay jiraane!!

    Baraalmaan markii aad ogolaateen in uu iska tago MR FARMAAJO oo aad iska aamusteen ayey aheyd inaad hurdda ka toostaan!!

    laakiin hadda waqtigaan goaankiina ku adkeysta oo noqdda kuwa qanuun leh oo aan labadelin karin ilaah baa balanqaaday waxaad kucina laheydeen!! qofna idinkama leexin karo!!

    guuleysta oo ilaah ka baqa QABIIL IYO NIN JACLEYSI IYO ANIGAA DHAHAY TEYDDA WAA AY SOCNEE MA AHA HADDII LAGAA GAR HELO MACASALAAMA!! WABILAHI TOWFIIQ!!!

    WSLM CALEYMUM !! WWW

  7. Caano says:

    Allahumu-Lakal-Xamdu-Xamdan-Katheeran-Mubaarakn-Fiih,

    Salaan kadib, Ethiopian-ka iyo Kenyan-ka iyo Somalida ninkay duufsadeen way wada socdaan. Horta Illaahay sharkooda ha inaga nabad galiyo. Waxay tahay Kenya in ciidamadeeda laga fiirsado, tan kale, waa inaan dhug wayn uyeelanayaa waxay hada gacanta ku hayaan (ongoing operations), Sh. Xasan wuxuu dhahay Ethiopia soo gal gurigayga, Kenya-na waxay ka ku qaylisay maxaa loo riday gudoomiyaha barlamaanka, waa sheeko isku xidhan. Marka Ilaahow cadowda Somalida Jabi. barlamaanka Somaliya waa in lagu mintidaa waayo mahlakooyin badan oo Somalida loo soo maleegay bay barlamaanku cagta mariyeen. Hadaba shacabka Somaliyeed meelkastay joogaan waa inay baarlamaanka taageeraan.

  8. said says:

    kenya markii ay talaabo qaadi weyday oo nimankii ay is hayeen banaanka ugu soo baxeen maxaa maanta keenay waxaanu weeraraynaa guryaha shacabka iyo danta guud ,kenya ha ogaato markaay weerarto shacabka hadafkeedu ma aha al shabaab . ee waa shacbka soomaliyeed,taasina waxaay wax tar u tahay somali weyn.

  9. Ordaaye says:

    Inkastoo aana rumaysan waxa loogu yeero beesha caalamka, dhanka kalana aanan rabitaan uhaynin baarlamanka Soomaalya ee hadda jira, hadana waxaa horyaalla Kenya inay kala doorato Shariif Xasan iyo tirada kale ee xidhibaanada.
    Haddii afhayeenka barlamaanka Kenya laga qaadi lahaa xilka dal kalana uu muujiyo inay ka xun yihiin xilka qaadistiisa, jawaabta Kenya waxay noqon lahayd ama ay ku dacwi lahayd in la soo fara geliyey arrimaha gudaha ee dalkeeda, sidaas dareed Kenya hala xiriirto hadba kuii xilka qabta, waxaana lagaba yaabaa inuu uga roonaado Shariifka iyo kooxdiisa.
    Waxaan filayaa inuu Shariif Xasan la kulmay oo keliya shakhsiyaad ka tirsan ciidamada Itoobiya oo uu u ballan qaaday lacag, ma aaminsani inuu la kulmay ama uu kala hadli karo madaxda sare ee Itoobiya arrinta ah inay ciidan u dirto Soomaaliya hadday sidaas yeesho Itoobiya micno badanba kuma fadhido, anigana ciidan ha ii soo diraan nin ina adeerkay ahbaa xil igu haystee.

  10. qooqaani says:

    somalia guul baa u soo hoyatay hadii shariif sakiin meshala ga qaado iyo guusha kale waxaa weeye in alshabaab meelkasto oo ay haysato lagu weeraraa oo lagu garaaco cirka iyo dhulka waa in laga nadiifiyo meelkas oo ay joogaan. somalia hada ayey ugu soo dhowdahay in ay soo noqoto smalinimadii naga dhunta 21sano ka hor.

  11. Abdirisaq says:

    Assalamu calaykum dhamman bahda Somalitalk iyo akhistayaashaba.
    Xildhibanaanada Baarlamaanka ayaga ayaa codkooda ku dooortey Shariif xasan shirki Kenya, ayaga ayaana codkooda ku riday kenya marki la joogay oo Aden Madoobe doortey, cidina isma weydiin markaas xilka laga qaaday khilaafna laguma sifeyn xilka qaadistiisaas beel caalamna masoo gurman.
    Xildhibaannada ayaga ayaa guddoomiye Aden madoobe misana riday oo Shariif Xasan u doortey guddoomiye baarlamaan mar kale. Qofna kama hadlin ridisti Aden madoobe khilaafna laguma sifeyn arrinkaas cidna kuma soo gurman.
    Isla xildhibannadi ayaa cod aqlabiyad leh uga tuurey xilka gudoomiye Shariif Xasanki ay shalay ayagu doorteen.
    Waa suaale maxaa riditaankaan dambe ka dhigay khilaaf baarlamaan iyo fawdo, maxaa beesha caalamku gurmadka intaan le’eg u samaynaysaa?
    Maxaa shariif xasanka maanta ka duway shariif xasanki shalay la riday, maxaana ku irey jiritaanka qaanka iyo dawladnimada Somaliya xilka shakhsi keliya oo hadda ka horba xilka laga qaaday cidina aanay u dhutin.
    Maxaa dawladnimadu u dumi weydey marki xilalaka laga qaaday masuuliyiinti faraha badnayd ee uu ugu horreyey Guddomiyahan Shariif Xasan oo ay ku xigeen R/wasaare Geedi,Madaxweyne Cabdullahi Yusuf, Guddomiye Aden Madoobe, Raaisulwasaare Cumar Cabdirashiid, Raiisulwasaare Farmaajo. Maxaa hadda loo leeyahay xildhibaannada baarlamaanku ha u naxaan dalka, maxaa laga waadaa arrinkaas.
    Waxan ku talin lahaa xildhibaanada ayaga ayaa guddoomiyahooda naga yaqaan ayaga ayaannan wakiil uga dhignay ilaalinta nadaamka lagu hogaaminayo qaranka yaanan haddaba dhexda uga dhicin hawshooda ee wixi ay isku raacaan aan sideeda u qaadanno. Waad mahadsantihin.

  12. KENYA OO KA XUN XILKA SHRIIF-SAKIIN LAGA QAADAY

    Linsay Kiptenes, the deputy director in charge of the Horn of Africa Region at the Ministry of Foreign Affairs, expressed Kenya’ s concern at the events of last week where over 280 members of the Somali Parliament removed the speaker at a time the Transitional Federal Government is enjoying unprecedented good will from the international community.

    “This action, coming only eight months away from the end of the transition period next August will affect the Road Map and every effort must be made to curb such incidents. The whole world has rallied behind the people of Somalia and they should therefore not fight amongst themselves lest they played into the hands of the enemy.”

    Kipteness said Kenya will participate at an African Union meeting next Monday where the re-hatting of the Kenyan troops to AMISOM will be extensively discussed so as to make the operation an AU/UN issue by seeking for endorsement from the United Nation’ sSecurity Council so as not to make the Kenyan troops appear like an occupation force.

    http://www.shanghaidaily.com/article/article_xinhua.asp?id=39679

  13. caaliya says:

    asc Alle baa mahad leh intaa ka dib tani waa barwaaqo bilowgeed iyo nabad u dhalata shacabka soomaaliyeed mar hadii Alle ka hor wareejiyey shariif sakiin, markaa waxan leeyahay Allaahuma lakal xamdu xamdan kathiiran,dayiban, mubaarakan fiihi.