Home » Faallo »

Yaan la marin habaabin baaritaanka dilkii waxashnimada ahaa ee Sh. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

Hubsiino ninbaa hal siistay

Sida la wada ogsoonyahay waxaa dhowaan magaalada boosaaso lagu dilay nin bulshada Soomaalida qiimo weyn ku dhex lahaa oo ahaa aqoonyahan ahlu diin ah akhlaaqdiisana aad u wanaagsanayd. Ilaa hadda baaritaan baa socda welina eedeysane ama wax cad lama hayo. Dr. Axmed Haji Cabdiraxmaan waxaa la dilay asagoo beryahaas xajka ka yimid oo soomanaa soona tukaday salaadii subax. Qofka dilay lama yaqaan ilaahay uunbaa og. Laakiin nasiib darro waxaa dhacday in dadku iska maleeyeen meelo badan oo kala duduwan. Ninba meel ayuu saaray eedda ama tuhunka. Far isku fiiqbaanay isu bedeshay sidaasina ma wanaagsana waayo Islaam baan nahay diinta islaamkana muhiimadda hubsashada waa ay ku dheeraatay.

Hadaba waxaan walaalaha Soomaaliyeed ee islaamka ah ka codsanaynaa inay ka digtoonaadaan ku degdegidda iyo hubsiino la’aanta. Waxaan kale oo aan ka codsanaynaa inaysan ka hordhacin baaritaanka socda waayo waxaa dhici karta in baaritaanku jaha wareero oo ay ka faa’iideystaan gacan ku dhiiglayaashii falkan guracan geystay. Waxaa dhici karta in ujeedada laga lahaa dilkaanba uu ahaa in culimada ama beelaha Soomaaliyeed madaxa la isu geliyo haddii taa dhacdona waa qasaaro weyn.

Dilkii waxashnimada ahaa ee Sheekh Dr. Axmed Haji Cabdiraxmaan iyo xanuunkiisii waxaa laga dareemay shanta qaaradood iyo dhamaan meelkasta oo ay soomaali ku nooshahay. Waxaana ku xigay usbuuc ay dadkii yaqaanay iyo saaxiibadii na barayeen taariikh nololeedkiisii wanaagsanaa gaar ahaan aqoontiisii saraysay, waxtarkiisii sareeyey, iyo akhlaadiisii sareysay iyo weliba heerka uu ka gaaray suugaanta afka soomaaliga. Aniga naftayda waxaan ka mid ahay dadka aqoonta u leh sheekha waxaanan ka marqaati kacayaa inuu lahaa sifooyinka la tilmaamay ee ay ka mid ahaayeen dhowrsanaan iyo akhlaaq wanaagsan iyo inuu jeclaa in umadda la isu soo dhoweeyo. Waxqabadkiisana kuma koobnayn inuu jaamacadda Bariga Africa ee Boosaaso uun wax ka asaasay ee waxaan ogahay mashaariic kale oo badan oo uu ka qayb qaatay.

Waxaa hubaal ah in dhagar qabayaashii dilay sheikha ay maqlayeen malaayiin u ducaynaysa shiikha habaaraysana gacan ku dhiiglayaasha. Ilaahay ha kashifo gacan ku dhiigleyaashaas . Waxaa aad iiga yaabisay in usbuucii ay socotay xus nololeedkii sheekha ay shacabka Soomaaliyeed ku midoobeen tacsidiisa oo tacsida ka wada timid meel walba. Shiikha markii uu noolaa wuxuu jeclaa in uu dadka Soomaaliyeed isu soo jiido afkiisa iyo gacantiisana waa laga nabad galay taas ayaa keentay in tacsidiisana lagu midoobo waxaan rajaynayaa in sida tacsidiisa loogu midoobay arrimaha kalena loo mideeyo. Ilaahow shacabka soomaaliyeed kilaafka ka saar oo qalbigooda isu soo dhowee- Amin

Dilka sheikh Dr. Axmed Haaji Cabdiraxmaan sida uu u dhacay waxay nagu baraarujinaysaa in si aad ah looga fikiro waxa loogu yeero DILALKA QORSHAYSAN. Dilalka qorsheysan waa dilal lagu bartilmaamaysto Culimda Islaamka, aqoonyahanada , nabadoonada, waxgaradka, iyo masuuliyiinta shacabka. Waxaa kale oo dilalkan loogu yeeraa nabaad guurin ama xaalufinta diinta, nabadda, maskaxda iyo horumarka. Waa abaar iyo in aan wax dhaxal ah looga tegin ubadka soomaaliyeed si aanay facooda u soo gaarin mustaqbalka fog.. Meelkasta oo Soomali degto waxaa haboon in laga naqaasho sidii loo joojin lahaa ama looga hortegi lahaa dilka maatada, caruurta, biri magaydada, haweenka, dhalinyarada, waayeelka, culimda ama aqoonyahanada Soomaaliyeed. Midna kama maaranno. Su’aalaha yaabka leh waxaa ka mid ah.

Waa dad caynkee ah dadkii Gaalkacyo ku laayey 15kii culimada tabliiqa ayagoo masaajid salaada subax ku tukanaya?

Waa dad caynkee ah kuwa fuliya dilalka qorshaysan ee culimada iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed?

Waa dad caynkee ah kuwa dadka ku suga masaajidada hortooda ama agtooda waqtiyada salaadaha subaxa iyo cishaha ka dibna dila nabadoonada iyo culimada aqoonta leh?

Ilaa aan fahamno dadka noocan ah iyo cidda soo dirtay ama wax ay rabaan ama waxa ay ka faa’iidayaan iyo sida loo joojin karo xalku waa adkaanayaa.

Maxmuud Nuur Wardere

mnwardere@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Yaan la marin habaabin baaritaanka dilkii waxashnimada ahaa ee Sh. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan "

  1. hubiye says:

    ACW

    waxaan aad ula yaabanahay dadka oronaya wax halla hubiyo iyo yaan cid wax la saarin waar waxan idin idhi wax halla hubiyo waa rey sax ah, wixii la hubo ma hubsiino ayey ubaahan yihiin elleyn waaba la hubaaye.

    shiikha allaha u naxariisto ummadda soomaaliyeedna haka samirsiiyo bedel khayrna ha ka siiyo

    waxaanse idin leeyahay dadkiina oranaya wax halla hubiyo war niman yohow wax lahubo hubsiino kale uma baahna shiikha alshabaab qaybtooda amniyaadka ayaa dilay waxayna ku dileen fatwadii SH, Xassaan iyo Xassan takar.

    intaas waxaa dheer miyaydaan ogayn in qaar la qabtay qaarkii kalena ini hebel loo gartay miyaydaan adduunka lason

    walaalayaal hurdada ka kaca

  2. ugaaska says:

    ninkaan ayaa culimo badan dhaama oo leh wax hala hubsado ileen caamada marbay culimada dhaantaa waxaan layaabay isla markiiba waxaa dishay kooxdaas iyo kooxdaas. wallee aakhiro wax badan baa la iska waydiini ilaahay ha u naxariisto dhamaan inta xaq darada lagu dishay ee dr axmed uu ka mid yahay aamin
    somalia 1991 ilaa hada aano qabiil iyo gacmo shisheeye ayaa wax layn jiray somalida aanadeedana waxay ahaan jirtay ruuxa reerkaas ka dhaqaaqa ayaa madaxa la jari jiray marka danbigii oo dhan koox baa hada qaadata wixii aano qabiil loo dilo iyo wixii black water ay layso

  3. Waad mahadsantahay wallaal sida wanaagsan ee aad u cabirtay, somalia waxbadan way islaysay, laakiin majirin dad lagu sugo masaajidka hortiisa ama la’ugaarsado culumada waxaa bilaabay Al-shabaab. Wallaal email ayey intaa ugu hanjabaan culuma, Xassaan xussein ayaa leh hala dhaafiyo culumada ummadda. Xittaa haday gaalo disho waxaa iska leh sababta leaderska Al-shabaab, ilaahayna waxna kama daahno. Dadka gaalaysiiyo wixii kasoo horjeedo oo banaystay dhiiga ummadda khaasatan culumada waa Al-shabaab. Sababta gaalada ay usoo galeen wadankeenana ayagaa iska leh, inta kudhimatayna ayagaa lawaydiin Aakhiro. Walaalayaal markaan wax eegayno yaan cadeemaha laga boodin, dhagaysta codkii leaderska Al-shabaab oo akhriya hanjabaada ay udiraan culamada maalinkasto. Shaykheena dhimay ilaah ha u naxariisto, laakiin culumo badan iyo waxgarad badan ayy kusoo jira jidka, waana inlaga hortagaa oo dhalinyarada labaraarujiyaa dadkaa manhajkoodana lacadeeyo.

  4. Yaabane 2 says:

    Asc wr wb, salaankadib. Sheekh Dr Axmed Ilaahay samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo ilaahay ayaan uga baryeynaa naxariistiisa jano in uusiiyo. Intaa kadib wallee Yaabanow waalawada yaaban yahay, wallee waxa socda lalayaab. sida walaalkeen Wardheere sheegay ayaan ayidayaa.

    Waxa aan anigu layaabay waxa ay tahay mar hadii qaddartii eebe dhacday oo mawdku lamacelinkaree uu dilkaa fooshaxumi dhacay, maxaa umadda looga waayey halqof oo waxgarad ah oo yiraahda YAAN LA DEGDEGIN, OO YAANAN DILKA Sheekha dusha laga saarin cid beri ka ah.
    Hadii aan wax yar milicsano maalmihii lasoodhaafay wixii ay dhagaha shacabku maqlayeen ee Culimada dhexdooda iyo dadka wax garadka ah ay hawada isumarinayeen ee isku tuurtuurka ahaa wax lagufarxa ma ahayn, aniga ka qof ahaan waxaan u arkaa inayan sax ahayn. Waxayse guul lataabankaro u tahay Cadawga umaddan haadaanta kasii dhacaysa.

    Waxaan hadalkeyga kusoo koobayaa in haboontahay in aan isla garano in Dalkeena uu maxmiyad ku jira oo aan nahay Dad iyo Dal lahaysto,
    Dal lahastana Dadkiisa sidii ladoonaa laga yeelaa.
    Hadaynu intaa isla fahamno naabarwalna oo inagaara jawaabta uu mudan yahay ayaanu kabixin lahay.
    Soomaalaay in Dalkeena lahaysto ma iska indhatirnay iskadaba wareegaa ayanu ku jireynaa ilaa uu si cad waagu noogu baryo.

  5. Yaabbane says:

    Asc waad mahadsan tahay Wardhere.
    Dadka noocaas wax u dila dunidaan casriga ah ee aan ku jirno waa calooshooda u shaqeystayaalka loo yaqaan campaniyada amniga suga ee dawlado badan leeyihiin.
    Somalia laga soo bilaabo 1991 babta ayaa lagu hayey dadka muhiimka ah ee somaliyeed, tolow alshabaab waqtigaas ma joogeen?
    Dadka waxgaradkeenna dilaya 90% waa qorsheyaal shisheeye, taasi waa xaqiiqo.