Home » Faallo »

UUR DOOX: Mashruuca Islamiga ee Soomaaliya oo nin waliba wadaantiisa u ritay oo sheeganayo in uu isagu leeyahay; Qaybta1aad

Mashruuca Islaamiga ee Soomaaliya

Allaa mahad leh, ammaan oo idilna Ilaah ayaa iska leh, qofkuu hanuuniyo ayaa hanuunsan, ninkuu lumiyana wax hanuunin karaa ma jiraan.

Taxanahan oo aan u bixiyay UUR DOOX waa mid aan uga hadli doono (hadduu Alle idmo) Mashruuca Islamiga ee Soomaaliya oo nin waliba wadaantiisa u ritay oo sheeganayo in uu isagu leeyahay; mashruucan ciddii shegatana ay sheegad tahay, ninkii ka hadlana uu gaalnimo ku xukumanyahay, kadibna dil aan naxariis laheeyn oo ay fulinayaan rag aan amar diidin wixii la farayana fuliya, iyagoo Ilaah ugu dhawaanaya dilka culimada iyo hogaankii mashruuca Islaamiga ee Soomaaliya iyo dadkii bud dhiga u ahaa sida; Sheikh Dr. Axmed Xaji Cabdiraxman Allaah jannadiisa ha ka waraabiyee.

Dilka Sheikh Axmed wuxuu leeyahay tusmooyin aad u badan oo ay kamid tahay kalago’a ku dhacay mashruucii Islaamiga ahaa iyo dadkiisii, iyo afgambiga dhiigga ku daatay ee ku dhacay dacwadii iyo dadkeeda. Waxaan aaminsanahay meelkasta ha lala aadee ninka dilay Sheikh Axmed X.cabdiraxman in uu ahaa nin u dilay manhaj uu aaminsanaa, qabiilkuu doona ha u dhashee, sababab kastana ha loo sheegee. Marin habaabinta waa ka qayb qaadasho dilka dulmiga ah sida sagaalkii mujrimiinta ahaa ee u tashaday Nabi Saalax oo yidhi sida Allah noo sheegay: waxaan miraynaa isaga iyo reerkiisa habeennimo waxaanan dhihi doonnaa ma arag meeshii ku halaagsamay. Allaah wuxuu ku tilmaamay shirqoolkii ugu xumaa ,Wuxuu Allah yidhi “anna waa shirqoolay fiiriya sidaan u burburiyay.” Dhiigga sh.Axmed meel cidla ah dhici maayo insha Allaah .

Maqaalkan aan u bixiyey UUR DOOX waxaan ula jeedaa bal in aan is baro mashruuca Islaamiga iyo dadka qoriga heeysta oo aan waxba kala soconin mashruucaan, wixii loo akhriyay ama loo sheegay labaatankii sano ee dagaalka sokeeye ma ahee oo u haysta in mashruucan uu kasoo billaawday waqtiga uu indhaha ku kala qaaday. Waxaan rabaa in aan akhristayaasha sharafta leh u qoro mashruucan meeshuu kasoo bilawday, iyo halka uu marayo si ay u yeeshaan aragti wayn una yeeshaan qiimayn wayn iyo go’aan wayn. Ummmaddoo dhan waxay galeen xaalad cabsi leh oo qofkii hadlo la yidhaahdo waa gaaloobay, ama gaaladuu la jiraa. Ciddii gaalo ku shaqeeysaneeyso waa la ogaan doonaaye bal aan qorno taariikhda mashruucan Islaamiga ah si aan u fahanno meesha aan joogno.

Dhaqdhaqaaqa Islaamka oo muddo ku hoos noolaa dhib, aadna loo cadaadin jiray ayaa wuxuu ku koray in wax kasta laga aamuso; taasoo keentay in ay dad qoraan wax aan sal iyo raad lahayn oo dadka ku sumeeyaan. UURDOOX lasoco si aad wax badan u ogaato oo ku saabsan mashruuca Islaamka ee aan lagaa xigin, hana ka cabsan in aad akhriso meel kasta oo aad joogto, cabsi galinta ma ahan manhajka Islaamka, ee Islaamku waa qanaaco, faham iyo rumayn.

Waxaa la yiri ninkii la dhihi jiray Xajaaj ibnu Yusuf oo ku caan baxay in uu dadka cabsi galiyo oo dilo qofkii hadal ku soo celiya, ilaa uu ku yiri khudbadiisii u horreeysay markuu xilka qabtay: ”wallaahi ninkaan iraahdo iriddaa ka bax oo tan ku dhaggan ka baxo waa dilayaa” dad badan oo ah culimadii joogtay waqtigaana laayey ilaa wax hadlo la waayey balad iyo baadiyaba. Waxay noqotay in uu qof waliba is barbardhigo dhiigiisa oo la daadiyo iyo in uu aamuso. Waxaa la yidhi Xajaaj ayaa wuxuu u aaday ugaarsi (dalxiis) baadiyaha, markaasuu la kulmay nin caaqil ah oo kamid ah odaayaashii baaddiyaha, markaasuu la sheekeeystay, wareeysigii ayuu kusoo daray bal kawaran Xajaaj binu Yuusuf Athaqafi? markaasuu yidhi nacalad alla ha ku ridee dadkii waa dhameeyay, illaahay ha na dhaafiyo, culimadii oo dhan waa dhameeyay, wax soohadhay dadkii fiicnaa ma jiraan, waa daalim Allaah ayaa nagu salliday. Markuu hadalkii dhameeystay ayuu ku yidhi.

Aniga yaan ahay ma garanaysaa ? wuxuu yidhi maya, wuxuu yidhi waxaan ahay Xajaaj Ibnu Yusuf, wuxuu yidhi odaygii isagoo aad u argagaxay siduu ku badbaadi lahaana ka fakaraya, aniga ma I taqaan? Xajaaj ayaa yidhi maya” waxaan ahay ninka waalan ee reer hebel, waxaan qallalaa (suuxaa) maalintii afar jeer”. Xajaaj intuu fiiriyey ayuu ka tagay, sidaasna waxaa ku badbaaday dhiiggii ninkaa. Sheekadan waxaan ku keenay qiso uu ii sheegay Allaha u naxariistee Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxman, wuxuu ii sheegay mar uu la kulmay oday soomaaliyeed in uu ku yidhi:” War wadaadadiinna dadkii waa dhameeyseen ummaddiina waxba kama aydaan reebin xaggee wax ku wadaan?, isagoo hadalkii wado ayuu arkay wiil yar oo si xun u soo fiirinayo markaasuu yiri “maandhow wax fiicanna waa leeyihiin ayaa la yidhi”.

Mashruuca Islaamka ee Soomaaliya wuxuu soo socday muddo ku dhow nus qarni (50 sano) taasoo marba meel lagasoo dhiraan dhiranayey, si looga gudbo marxaladdaan ay umadda mareeyso iyadoo Islaamka xaggiisa loo socdo. Culimmada Islaamkana wixii ay galaafato ma ahee inta kale ay marada u babiyaan, si ay ugu hogaamiyaan ugana leexan wadada toosan oo siduu Nabiga sheegay scw haysigeeda uu lamid noqon doono qof gacmaha ku haysta dhuxulo nool.

Lagasoo billaabo qaybsigii dunida Muslinka iyo dhiciddii khilaafadii Islaamka waxay reer galbeedka iyo barigaba ku heshiiyeen in ay aad u fogeeyaan diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda, dadkeedana maskaxda looga duulo, ciidan ahaanna loo qabsado. Waxaa diintii laga fogeeyey Siyaasadda ,tacliinta, suugaanta iyo wax waliba oo la xiriira nolosha. Ilaa uu yiraahdo Baadari la yidhaahdo Zuweeymar madaxna u ahaa hay’adaha ku faafiya kiristaannimada dalalka muslimiinta “ Islam is a dying religion” oo macnaheedu yahay Islaamku waa diin sii dhimaneeysa.

Waxaa indhaha lagu soo kala qaaday iyadoo Masaajidda inta ku tukanaysa uu afartan jir u yaryahay, nin tacliin dhigtana uu wax diin ah ku shaqo lahayn, haddii saan saan keeda lagu arkana lagu cambaareeyo, si uu isaga fogeeyo. Waxaan xusuustaa Iskuulka markii aan damcay in la I geeyo aabahay oo kamid ahaa culimmadii waaweeyneeyd oo xer badan wax baraayay, wuxuu I yidhi ilmo aan dhalay Iskuul ma geeynayo aabo Iskuul ma ahee waa” Isqool”. Waxay ahayd runtiis maxaayeelay wuxuu arkayey ilmihii loo diray wadamada yurub iyo maraykanka oo soo noqday iyagoo aan diin lahayn oo xambaarsan risaaladda gaaleeysiinta oo raba dadka in laga xoreeyo diinta. Si kastaba ha noqotee adeerkay ayaa Iskuulkii I geeyay dugsiga hoose ee Buundaweeyn ee magaalada Balled-Wayne, oo uu dhisay Talyaaniga walina wax lagu barto. Waxaa wax lagu baranjiray fasalka afraad iyo wixii ka korreeya Af-Talyaani wixii ka hooseeyana Af-Carabi. Inta aan ku maqanahay Iskuulka ma ahee inta kale waxaan kamid ahay xerta aabahay raxmaddii janno alla hasiiyee. Iskuulka inta aan dhiganaynay waxaa magacayga ka xoogbadiyey “wadaad” oo markaa ninka la yidhaahdo uu ka xishoonjiray in loogu yeero. Waxa wadaad loo leeyahay waxaa loo sheegayaa in aanay haboonayn isagoo waxbarasho ku jiro in ay ka muuqato astaan diimeed sida salaadda, maanta halkaas ha noo joogo maqaalkan ararta ah.

Qore: Sheikh Cabdiraxman Sheikh Cumar
burdhinle@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

19 Jawaabood " UUR DOOX: Mashruuca Islamiga ee Soomaaliya oo nin waliba wadaantiisa u ritay oo sheeganayo in uu isagu leeyahay; Qaybta1aad "

  1. Hiiliye says:

    Sh Abdirahman Sh Cumar Allaha kaa abaalmariyo Qoraaladaada,aad ayaan kaaga mahadcelinayaa Waqtiga aad nasiisay, waxaana rajeynayaa intaas in kabadan inaad noo qorto.
    Allaha ku xifdiyo meelkasta oo aad joogtaba.

  2. Scw. Salaan ka dib waxaan farriin yar farayaa walaasheen Faadumo oo aan leeyahay walaal qalad ha ka fahmin diinta iyo salafka ,ee bal akhri oo baro taariikhdooda waxaan filayaa inaad ka akhrisatay reer galbeedka iyo waxa ay ka qabaan islaamka , waase khuraafaad waxa aad ka baratay ee salafka ma taqaanid islaamkana ma taqaanid taariikhdiisa maadaama aadba leedahay adoonsi baa loo noqonayaaa . Islaamku xoriyadda ayuu soo celiyey xilli caalamku khatar ku sugnaa waxaana marqaati ka ah reer galbeedka aqoonta ilaah siiyey ee ka sheekeeyey shaqsiyada nebigenna suuban csw. Mar labaad doodu waa furantahay si aan is xagxagasho lahayn ee soo dhowoow walaashayada qalaiga ahay.

  3. Abdi Abdulahi Ahmed says:

    as.wr.wb sheekh Abdi Raxmaan Sh. cumar, Allaha ku xifdiyo wax badan oo aan la soo koobikarin ayaan ka qaadanaynaa qoraalkaada iyo oraahdadaba, wxaana jecelnahay in aan sugnaa ilaa aad ka dhamayso qoraalkaada, si aan si buuxda fikir uga qaadano, aad ayaan kaaga mahadcelinaynaa,
    gabadha faadumo xaaji xasan, walaaleey gabar somaliyeed hadana lagayaabo in aad muslitahay, ee warkaada dib ugu noqot khaladaad aad u wayn ayaa ku jira, wxaadna gaysatay in aad af-lagaadaysay dadkii salafu-saalixa ahaa, hadii aadan sidaasi yeelinna ogow in laga ayabo carrabka aad ku cayday in lagaa soo baxo, markaasina aad ka qoomamayso,
    marka walaal dib isugu laabo

  4. khayrqabe says:

    Asalaamu calaykum, horta Allah halaga bqo, ma aha in diinta kooxeysi laga dhigo uu hadba qofku siduu rabo u fasirto, Alshabaab wax badan oo wanaagsan ayay qabteen hadaan la is xaqireyn, maantana iyagaa wadaninimo dhaamo kuwa sheeganaaya dowladnimada oo shacabka waxa xasuuqo askortooda oo meel walba isbaaro u taalo waxaan arkayaa in la doonayo in Alshabaab lagu jebiyo culumadii wax soo bartay. waxaa jirtay waagii Sayidka la dagaalamayay Ingiriiska in rag culumo inuu Ingiriisku u diray sheekhii saalixiyada oo markaa maka joogay, waxay ku dacwiyeen in Sayidka uu ka leexday dariiqii uuna laayo shacabka, halkaasna uu kusoo qoray sheekhii saakixiyada waraaq uu ku canaanayo Sayidka taasoo kala jebisay xertiisii. Run ahaantii Sayidka ma difaacayo wuxuu galay gaboodfalyo sida maantaba ay u galayaan Alshabaab, laakiin qofka waxa lagu miisaamaa wanaagiisa iyo xumaantiisa teebaa badan. imisaa lagu dilaa ama lagu dhacaa inta yer ee ay dawladu haysato mise loo qisaasaa askargii wax dila ama xada maalin wan walba waxa ku dhaca waan aragnaa barakacayaasha.

  5. Acwww qoraalkaygu wuxuu kusocdaa walaasha labaxday Faadumo Xaaji Xasan,walaal ,walaal,Faadumo laba qof midbaatahay,qof caraysan, ama qof aqoontu ku yartahay, midkay tahaba way fiicnaan lahay inaadan cadaalada katgin,qoraal kaaguna anigoo u arka inaad tahay qof aan da’yaren sababa dhowra,(1)qoraalkaaga oon ahyan caruurta qurba ku kortay qoraalkoodoo kale,(2)adigoo si fog uhadlaaya (3) adigoo uhadlaaya dadka aqoon beeneedka isbidaaya.intaas iyo inkaloo qoraalku aanu iisaamaxayn waxaan kugu tirinaayaa qof wayn oo inuu hada hadalkiisa miisamo larabay ayey ahayd waxaan kugula talinlahaa walaal qoraalkaagu hadalo lagu gaaloobo ayuu xanbaarsanyahaye(hade kuma gaalaysiin oo waa waxay culimadu kadigaayeen),Walaal dib ugu noqo oo is qabo,kanafiirso waxaad qorayso ilaahna uu yiri(caro aad qolo u caraysantihiin yaanay cadaalad idinka leexin)

  6. Waxaan u mahadcelinayaa marka hore bahda Somali talk, marka xigtana, waxaan jeclaan lahaa inaan xasuusiyo dadka niyadda wanaagsan ee Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaanba ineysan ahayn markii ugu horreysey ee Xoogagga al- Shabaab dadka Soomaaliyeed xasuuqaan. Waxaa la diley waalidiin , odayaal, indheer garad,siyaasiyiin,culumo,saraakiil iyo ardeyba oo uu qaraxii Hotelka Shaamoow ka mid ahaa. Haddaba walaalayaal su’aasha is weydiinta mudani waxaa weeye: Maxaa sababey xilligan in ururka Al- ictisaam (previously known Al-Itixaad ) eey imminka afka furtaan ?
    Jawaabta su’aashan waxaan u dhaafayaa dadka soomaaliyeed ee wali damiirka iyo dadnimadaba ku dambeyso!!!!!!!!!!!.. Sidoo kale walaalayaal waxaan filayaa inaan u baahannahay in dib loo qeexo magacii la oran jirey Culimo ama Wadaado mar haddii magacii diinta Islaamka lagu takri (tacaddiyey) falay. Waxaan ku soo gunaanadayaa oraahdeyda War oohinta orgiga ka weyne, Waa maxay qaylo dhaantan dhiillada wadato ee Al Ictisaam ee ka wadaan waqooyiga Ameerika iyo Yurubba. Mahadsanidiin

  7. Abdishukri says:

    Asc, waxaa ila wanaagsan inaan lagu dagdagin figrad dhiibashada qoraalka wadaadka ayadoon lafahmin wuxuu ka hadli doono, dadbaad arkaysaa mar hore eedeyn iyo aflagaado ula dhaqaaqay culimada iyo dhaqanka wanaagsan ee islaamka. xagee lagu arkey lix jir xaas laga dhigto bal arag dacayada raqiiska ah oy lawareegayaan, tankale miyeysen ogayn in diinta iyo siyaasadu aynan kala maarmin waa hadii aslaaxin iyo wanaag laga hadlayo, ogaadana sheikhu taariikh umbuu ka hadlayaa.
    walaalayaal hala iska ilaaliyo jeesjeeska ku aadan culumada iyo diinta islaamkaba.

  8. Alaahu Akbar wali laahilxamdu.

    Abdiyare kheyr badan Alaah hakuugu bedelo comments kaada, waad asiibtah.
    Shieykh Abdirahman asna wuu ku mahadsanyahay qoraalka qiimaha badan.

  9. Kaahin Nuur says:

    Asc wr. wb waxaan Rabi Jalla wa Calaa ka baryayaa inuu sheekh C/Raxmaan xifdiyo isaga iyo ehelkiisaba, waxaana si kal iyo laab ah uga mahadnaqayaa maqaalkiisa ku qotoma tusmo toosan oo xikmad iyo garashaba ay weelaysay. waa run arartiisu, waana xaqiiq weedhihiisu, waana hubaan hogatusaalayntiisu. waxaan shaki ku jirin inuu Soomaaliya ka fakar Inxiraafi ah oo dhiirigelinaya daadinta dhiig walaal Muslin oo aan waxba galabsan. waxaanse ku qalbi qaboobayaa in firqada ama dadka fekerkaasi hogaansho ay maalmahoodu iska tirsan yihiin. marka Soomaaliiyeey walaalayaal marnaba yaan la idiin caayin Culumadiina sharafta badan oo har iyo habeenba u taagan caddenta Xaqqa, sida ALLAHA xifdiyee SHEEKH CABDIRAXMAAN, SHEEKH UMAL, SHEEKH SHIBLE , SHEEKH MAXAMED IDRIIS, SHEEKH CABDULQAADIR NUUR, IYO MASHAAIKHDA KALE EE manhajkoodu u dhalaalayo sida qoraxda. waxaan ugu danbeyn RABI JALLA WA CALAA uga tuugaya geesigii sharafta badnaa ee sida fulaynimada iyo waxashnimadaba loo toogtay goor uu ILLAAHAY salaadiisa soo gutay, waa sheekh,Dr, Axmed Xaaji CabdiRaxmaan inuu Rabi janadiida tiisa ugu sareysa uu ku karaameeyo. AAMIIN YAA RABI.

  10. Faadumo Xaaji Xasan says:

    Waagaas uu wadaadku ka sheekaynayo waa barisamaadkii. Waa intii aanay qaranimadu jabin ee aan wadaad miciin la badin. Waa waagii uu wadaad masaajidkiisa ku ekaa ee aanu diinta ku dhex walaaqi jirin siyaasadda iyo hagardaamada.

    Waxaa wax lala yaabo ah, in maanta ay wadaada soomaaliyeed rabaan inay ummadda dib ugu celinayaan xilligii salafku noolaa iyo habdhaqankoodii laga soo gudbay ee lixjirka la naagaysan jiray, dadkana la adoonsan jiray, dumarkana ninka barkiis ahaayeen.

    Sheekhow waxaan ku oran lahaa, wey kuu gaadhay oo waxba arar iyo afeef midna uma baahnide iska hadal. Waxaan shaki ku jirin in wadaadadu kamid yihiin gunta rifaysa qarankii gobta ahaa ee soomaaliyeed. Illeen soomaaliya maanta waa gob jabtaye. Gobtu markay jabtana waxaa lagu yaqaanaa inay guntu isugusoo habarwacato.

    Gobtu waa shacabka dibadda iyo gudahaba ku dhibaataysan. Guntuna waa dambiilayaasha, wadaadada, iyo qabqablayaasha jaahiliinta ah.

  11. abdiyare says:

    aad iyo aad baan uga mahadinayaa sh abdirahmaan qoraalkaan taariikhiga ah. laakiin shiikha iyo walaalaha websiteka leh iyo wax ku qoraya waxaan oran lahaa aan qoraaldeena ka dhign mid aan ilaahay ugu dhowaanayno. sida yaa diley dr ahmed, aan sugno intay ka cadaansyo ama qofkii cid ku tuhmayaa farta ha ku fiiqo qofka magiciisa iyo sida loo diley, tuhuno waaweyn waa jiraan , laakiin tuhun iyo xukun waa kala labo. arinta kale culimada cirdiooda ha laga gaabsado waxaa hubaala inaan ilaahay loogu dhowaanayan caalim diin umada bara in la daba galo ama la caayo ama wax ha laga sheego, taas macnaheedu maaha inaan la khaldamayn waa la mkhaldamaya laakiin usluubta sixitaanka hala maro sida. 1. waxa aad ku haysato waa inaysan ahayn wax ijtihaad geli kara taas qof walbaa waa u xor, hadii khalad cad aad ku hasyo u tag oo u naseexee shiikha haduu kaa diido cid kale oo la msutawa ah u sheeg ha looga naseexeeyo hadey suuroobi weyso adigoon cidna caayin daliishaada keen oo sax waxa khaldan qalbigaanana u waasici inaad dulqaa muslimiinta u yeelato gaar ahaan dadka horjoogaha diinta u ah,dadka sida daacada ah diinta aale ugu dagaalamaya meel walba oo ay joogaana halaga gaabsado wax ka sheegooda sixitaankooduna sidii aan soo sheegnay ha noqdo iayaga, midnimada muslimiinta ha la ilaaliyo.wc

  12. Assalamu Caleykum,
    Maansha Allah. Sheekh Abdirahman, ajir iyo axsanaad Alle hakaa siiyo wacyi galintaada, waanintaada, baraarunintaada iyo dhamaan wax qabadkaaga wanaagsan ee aad mar walba la wadaagto bulshadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan umda Islaamka. Qoraal kaaga waa qoraal qiimo iyo qaayo weyn leh. Qofkii waano iyo wax sheeg wax ku qaadanaya ayaa ayaa ka faa’idaysanaya. Markale sheekh Abdirahman, Allaha dhamaanteenba nagu anfaco fariinta iyo xikmadda uu runtii qoraalkani wato. Waxaa jeclaan lahaa in qoraalkan xigmadaha iyo mawduucyadda faraha badan ee uu taabanayo, dad badan loo macneeyo, loo falaanqeeyo, micnaha guud ee sheekhu qalinka ku qorayna meel dheer laga arko.

  13. Cabdulahi says:

    Asc. Masha alah,runti bilowga maqaalkagan ayanba dareemaya inu muwduucyo muhiim ah xambaarsan yahay. Sheekhow waxan jeclaan laha inad maqaalkagan taxanaha ah ku so dartid culumadii hore ee soomaaliya iyo dhibka iyo rafaadka ey waxbarashada iyo dacwada u so mari jiren iyado ay xikmad iyo xeelad walbo ay dacwada dadka ku gaarsin karan sameeyay,iyado culumadi ka dambeysay e dantu u saamaxday mashaa ikhdi xerta geedaha hostoda kutubta ugu aqrin jirtay kutub ayanba baran inay fursad u helan inay jaamicadka islaamka ka so bartan,markay ku so laabteena dalkana, ay ila tahay in si degan ayan wax ugu macneyne baadil baad mowlacyada ku heysan la yiri,hadana an arkeyno culumadi jaamiciyiinta e kuwi ka horeyay an jizakalahu xili adag ayad u so marten una so sabarten dacwada an dhihin,in ayagina kuwi ay wax bareen manta mareyso inayba gaaleysiiyan . Marka waxeyba ila tahay dhibka culimadena hayo inu la mathal yahay, wiilkii aabahi o indhool ah durka kaga tagay ee dugagu cunay,ee asna marku waayeel noqday wiilkiisa geeyay isla meeshu aabahi kaga tagay,

  14. Shukri Sh. says:

    Aaww, Alle ha ka abaal mariyo Sh. A.rahman, maqaalkaagan waa maqaal aan u baahneyn ee fadlan ha kala jarin taxanihiisa, Alle ha kula garab galo, annagana kuwo u dhug lahaada Alle ha naga dhigo, aamiin, aamiin, aamiin

  15. ugaaska says:

    aswr
    mashruuca islaamiga ah ee somalia waxaa masuul ka ah alshabaab culimadana meshey joogaan unbay culimo ku yihiin dilka sh dr cabdiraxmaana dadkii ay meelu bugtay ayay danqatay marka ilaahay halaga cabsado oo cadaalada hala abaaro inta tuhun laiska tuuri lahaa hadhow dhib kugu noqonaya culimadana xaqa ha sheegaan intey dagaal un ku jiri lahaayeen

  16. abu yusra says:

    sheekha qoraalka uu soo qoray aniga waxow iila ogyahayqoraal daba jooga nimankii ictisaamka oo markii ladilay sh axmed cabdiraxmaan ku eedeeyaya xarakatu shabaabul mujaahidiin waliba iyagoo aan haynin wax arintaa ay kuxaqiijinayaan haba yaraatee hada waxaan ku ogeen sh cabdiraxmaan sh cumar wakhtigii itoobiyaanka in uu jeclaa in lala dagaalama oo waliba lagu jihaada mantana wadankii waxaa joogaa gaala xasuuqday inteey itoobiyaanka xasuuqeen in lamid ah sidaa daraadeed waxaan ka codsanlaa in uu shiikha iiga soo jawaaba maxaa uuga aamustay gaala madowda umada xasuuqday waxaan kaa sugaa jawaab wacan

  17. Abdishukri says:

    Asc, sheikh Abdirahman sh omar khayr allaha kaa siiyo qoraalkaga wanaagsan hordhacana ah, umad aan taariikhdeeda dacwada aqoon iyo dhibka laga soo maray ma ogaan karto meeshey ku socoto isdabo qaban. Allah subxaana watacaala sheikh dr Ahmed ha u naxariisto hana kashifo kuwii dilkiisa ka danbeeyey. sheikhunaa adigana allaha ku xifdiyo hana ka daalin u shaqaynta diinta allah, anaga allaha naga dhigo kuwii kugu deyda aamin.

  18. iibaal says:

    Asc.
    Sheikh Abdirahman khayr ilaahay haku siiyo. waan kaa sugaynay qoraalkan oo kale. Runtii waa loobaahan yahay in wax dhaxal gal oo ummada looga tago. Dhalintaan qoriga la ordaysa ee macalimiintii soo barbaariyey iyaga oo macalimiintoodaba ku gacan sayray, siiba dilahaya waa loo baahan yahay in runta loo sheego, umadana runta loogu sheekeeyo.

    Jizaakallahu khayran.

  19. Maashaa Allaah, wajazaa hullaahu khayran, Allaah haku xifdiyo adiga iyo dhammaan reerkaaga oo idil. waxaan ku baraarujin lahaa culumadeenna inay kittaabo diini ah nooqoraan, oo ummadaan dhaxal unoqda. Jzk shaykh Abdirahman.