Home » Faallo »

AL-shabaab mise Ashahaado la dirir “islaami ah”?

Dilkii arxan darrada ahaa ee loo geystay caalimkii weynaa ee Dr. Axmed xaaji wuxuu abuuray su’aalo ay xaq tahay in uu is weydiiyo qof walba oo dareen fiyow leh, fidradiisuna dhaqan tahay, loona helo jawaabo sax ah, waaqicana looga heli karo caddeymo u markhaati fura.

Su’aalaha ku saabsan Sh. Dr. Amxed Xaaji C/Raxmaan Maxamed Xirsi yaa dilay? Maxaa loo dilay? Inta laga helayo yaqiin lagu buriyo in Alshabaab cid aan aheyn ay Ditoorka dishay, xagna qasad aan aheyn fatwadii Alshabaab, waxaa dilka sheekha loo heystaa cidda qorsheysay dilkiisa dhiiggiisana banneysay ee is daba dhigay xukunka dilkiisa iyo fulintiisa, markey god ku hubsadeenna ka tacsiyeeyay geeridiisa, ”Ilaahow afkeenna haa iyo maya hal mar ha ka wada yeersiin”.

Sida ay isu waafaqayaan in lagu dilo kadibna laguu tacsiyeeyo waxaa u qiil dayay Xassaan Xuseen (Muftiga Shabaab) oo xukumay in culimada fasaadkooda dartiis adduunka loo dhaafiyo,( tolow maxay fasaadiyeen?!) si ay iyaguna shuhada u noqdaan.
Fatwada aan kitaab iyo sunne toona laga soo guurin ee muftiga Shabaab ”Xassaan” soo saaray ayaa haddii xagal kale laga akhriyo isla isaga luquntiisa halis galineysa dhiiggiisana ka dhigeysa wax lagama soo qaadaan, ciddii ku talaxumeysatana xaq u siineysa intay dilaan inay aayar iska dhahaan ”Sorry” nin iska fiican buu ahaa, laakiin fasaadkiisaan nacnay sidaa darteed waxaan u garannay inuu iska shahiido.

Su’aalaha sida xooggan isu soo taraya ee qaarkood sida waafiga ah looga jawaabay, inta dhimmanna laga sugayo inay aqoonleyda iyo mufakkiriintu qalinka u qaataan waxaa ka mid ah:

Alshabaab yey jihaadka ay ummadda ka xigsadeen kula jiraan? Maxaa yeelay gaaladii ay jihaadkooda iclaamsadeen Xamar oo dhan bey uga qaxeen, muslinkiina maalinba qof sidey u dilayeen baa noloshii laga waashay!!!

Dilka Dr. Axmed guul noocee ah buu gaarsiinayaa Alshabaab?
Qofkii aan Alshabaab la fikir iyo la qalbi aheyn dhiiggiisu ma xalaaloobayaa?
Ashabaab ma Ilaahay baa u dirsaday in ay dadka Muslimiinta ah usoo laayaan, ma diintaase boos looga hayaa inay dilaan ciddii ay u bogi waayaan, mise dhinaca ay nimankaasi adduunka ka saaran yihiin xaalku waa ama Shabaab noqo ama shahaado qaado?

Alshabaab ma diintii baa? Haddii jawaabtu ay haa noqoto fikraddaasi waa Qaddaafiyad! (Qaddaafi baa isu arkayay in uu Liibiya yahay, liibiyana isagu tahay ilaa la dilay)
Alshabaab qofkii ka baxa ma diintii buu ka baxay mase la dilayaa, maxaase u tala ah qolyaha ku tallamaya in ay ka laabtaan fikirkan waddammo badan oo Islaam ah ay horay faraha kaga soo gubteen, galaaftayna culimo iyo arday aan la tirin karin iyo masiirka dacwada dalal shalay aad loogu han weynaa?

Shabaab yey u shaqeeyaan, yeyse jihaadkooda ugu daneynayaan oo ku intifaacaya? Maxaa yeelay isku meel ma gasho adigaan ku difaacayaa waana ku dilayaa dhiiggaagana kama duwana biyo daatay.

Alshabaab gaalada Afrikaanta ah ee dagaalka ula diyaarka ah ma weeraraan mana haweystaan, magaaladii oo dhanna weyba uga qaxeen, ee shacabka iyo culimada ma tun jileycey ku arkeen, jihaadka ay ku addimaanse ma dadka aan hubeysneyn sida Dr. Axmed baa lagula jiraa? War illeen daanno!!!

Su’aaalahaas oo ay ugu dambeysay yaa dilay Dr. Axmed waa halxidhaale horyaal madaxda Alshabaab oo laga sugayo in ay u keenaan wax caddeynaya in aysan dilin, fatwadoodii cadowtooyana aanan loo cuskan dilka Dr. Axmed iyo inaysan geysan dilalkii ka horreeyay ee boqollaal ruux lagu shirqoolay.

Maadaama in badan oo xog ogaal ah iyo dadkii ka ag dhowaa halka Dr-ka lagu dilay ay isla qireen in dilka Sh. Dr. Axmed ay Alshabaab ka dambeeyeen, ku noqon maayo ka faalleynta yaa dilay Dr. Axmed hase ahaatee waxaan is dultaagayaa is bari yeelidda qaar kamid ah madaxda iyo culimada Alshabaab ay isku bari yeeleen in dilka Dr. Axmed ay ka dambeeyeen ciidamada la magac baxay P.I.S., loona yaqaan Ashahaado la dirirka.

Hadaba waxaan isku dayayaa in aan halkan ku bidhaamiyo jawaabna u raadiyo su’aasha oraneysa, haddii ay xataa caddaato in Ashahaado la dirir ay dileen sheekha Alshabaab sidaa ma ku eed beelayaan?

Kadib markii ciidamada Itoobiyaanka ee dowladda Marekanku u wakiilatay arrimaha Soomaaliya ay ku fashilmeen duulaankii hubeysnaa ee ay Muqdisho ku qabsadeen, wuxuu Mareykanku bedelay istaraatiijidasii dagaal gal, iyadoo madax ka mid ah Mareykanku ku dhawaaqeen in ay Islaamiyiinta u adeegsan doonaan dagaalka ay kula jiraan dalal muslim ah oo ay Soomaaliya kamid tahay, howshana ay u fulin doonaan dad xambaarsan magaca Islaamka, halka dagaalkiisa uu ku koobnaan doono mid maskaxeed ”global ideological engagement” ama ”war of ideas” taasoo ay ku macneeyeen in ay tahay “soft power” awood dabacsan oo maraykanku ku gaarayo dantii uu ka lahaa dalka Soomaaliya.

Taa macneheedu waa in Maraykanku galayo dagaal maskaxeed uu ku tajniidinayo Islaamiyiinta si ay u fuliyaan shaqadii ay ciidanka Mareykanka qaban lahaayeen, haddii la waayana ciddii booskooda gali karta loo diro, sida Ashahaado la dirirka, Arrimahaas waxaa munaasabado kala duwan kaga dhawaaqay qoraallana ka sameeyay madax Mareykan ah oo uu kamid yahayn “James K. Glassman” iyo waziirkii hore ee difaaca mareykanka “Robert Gates”.

1)Ashahaado la dirirka oo sida la ogsoon yahay markoodii hore ka hana qaaday gobollada koofureed ee dalka, kadibna ku faafay dhammaan dalka intiisa kale, ka hor intii aysan maxaakimtu ka taag roonaan waxay bartilmaameedsan jireen haldoorka bulshada sida culimada, nabaddoonnada, aqoonleyda iyo dadka aanan dilkooda sida fudud looga kaban karin.

Dagaalkaas ay Ashahaado la dirirku kunturaaddiisa ”Contract” soo qateen wuxuu ku afjarmay kacdoonkii maxkamadaha, waxaana mareykankii u caddaatay in qabqablayaashii arxanka darraa ama ”taajiriintii geerida” sida ragga wax qora qaarkood ku magacaabeen aysan awood u laheyn in ay mashqruucan hirgaliyaan, sidaa darteed ayuu mareykanku qorsheystay in shaqadii uu u baahnaa uu ka fushado dad huwan magaca Islaamka, shacbiga Soomaaliyeedna aysan dareen ka qabin diin ahaan.

Waxaa hubaal ah sida rag badan oo maxaakimtii la shaqeyn jiray loogu helay shaqooyin aan aheyn kuwii ay dadka ku beerlaxawsan jireen, in Islaamiyiin kalena uu mareykanku u helay shaqooyin la’eg xajmigooda oo danihiisa u adeegaya. Mareykan isagu waxba kama gelin yaa shaqada qabanaya ma dheer yahay ma gaaban yahay, waxaase u daran in shaqadu qabsoonto, hadhow adigu ku calaacal ‘yaa farteyda subagga ku dhuuqay’ mareykan fikirkiisu waa Business is Business, waana sababka keenay in isagoo aysan dalka ciidamo ka joogin dad tiro beel ah lagu laayo ayna ku dhintaan gacmaha dad magaca diineed sheeganaya, kumannaan kalena dibedaha u qaxaan, arrimaha ceynkan ahse kor looma sheego.

2)Tan iyo intii ka dambeysay 2007dii oo aheyd waqtigii sida aadka ah loo dareemay in Alshabaab ay shacabka u leynayaan si u eg sidii Ashahaado la dirirka waxaa isa soo tarayay su’aasha oraneysa Alshabaab yey ugu adeegayaan in ay dilaan dadka muslimiinta ah ee faralka soo tukaday ama taraawiix ka yimid ama ku sii socda?

3)2007dii magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday in nin goor maqrib dabadii ah gurigiisa usii hoyanaya uu nin kale ka daba yimid. Ninkii hore dareen ayaa galay, wuxuuna ilqoorka ka eegay ninkii daba socday. Wuxuu arkay in uusan wadan cimaamad iyo wax tilmaamaya astaan wadaadnimo. Saa haddana shaki hor leh ayaa ku bilowday oo wuxuu is yiri billee inuu ku dilo darteed ayuu wax walba oo looga shakiyi karaba uga soo tagay.

Ninkii oo dareen cusub ku dhashay, naxdin darteedna aanan dhiman nooleyna ayaa kii dambe tallaabada hakiyay. Kii hore baqdin hor leh baa lagu soo tuuray oo wuxuu is yiri bistoolad buu kuula soo baxayaa. Inyar kadib kii dambe ayaa xabbad sigaar ah shitay. Markaasaa kii hore neef kasoo boodday oo ku farxay inuusan ninkii daba joogay wadaadba aheyn, kaba sii fiicane sigaaryacab yahay. Heerkaas cabsida la’eg iyo in munkar lagu farxo waxaa shacabka gaarsiiyay waa wax laga arkay Ashabaab oo halkudheggooda ficliga ah noqday “Dabkaan kulkiisa la dareemin dambaskiisa lagama leexdo”.

4)Mandiqada bari Ashabaab iyo Ashahaado la dirirba wey wada joogaan ismana weeraraan, waxbana isma yeelaan iyagoo is yaqaan, arrintaasna waxaa u marag ah qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee shabaabku ka fuliyaan gobolladaas cidda wax ku noqota waa shacab nooc walba leh iyo askarta caadiga ah ee nabadgelyada ilaalisa, taasina waxay tilmaameysaa ilka abeeso hoosta ka xiriirsan.

5)Rag uu diktoor Axmad Xaaji ka mid yahay Allah ha u naxariistee waxay oran jireen marka ay eegaan sida wax u socdaan ,labadan qolo ee la moodayo inay iska soo horjeedaan waa shabaabka iyo ashahaado la dirirka ama ciidamada Afrikaanka’e : tolow armaa labada aag ee iska soo horjeeda hal meel looga taliyaa oo uu jiraa taliyaha labada aag maxaa yeelay waxaan qarsooneyn in ujeeddada la qabanayo ay isku mid tahay : dil, qarxin, qixin, jixinjix ma leh “No Mercy” iwm.

6)Waxaa G/kacyo aad looga og yahay, qarsoodina aan aheyn qisadii dhex martay shirkaddii korontada, Alshabaab iyo Ashahaado la dirirka,oo aan kasoo wariyay khalqi aad u tira badan oo shacab iyo shaqaalaha (madax) shirkadda isugu jira.

Waxayna wax u dhaceen in ay Alshabaab ku qasbeen shirkadda in ay korontada damiyaan, haddii ay damin waayaanna ay ciqaab kulul muteysanayaan.

Amarka Alshabaab bixiyeen waxay ku sababeeyeen in shirkadda korontadu ay nalka habeenkii ugu daneyneyso Ashahaado la dirirka. Waxaase la yaab noqotay markii isla farriintii Shabaabka mid la mid ah ay ka timid dhinaca Ashahaado la dirirka, markii la weydiiyay sababta loo daminayo korontadana waxay ku jawaabeen Ashabaab baa arrintaa nasoo faray in aan idinku amarno, kadib markii korontadii la damin waayayna waxaa shirkaddii korontada laga qarxiyay matoor xoojiye ah oo kumannaan doollar joogay. Intaa kadib Ashahaado la dirirkii ayaa ku yiri rag kamid ah madaxdii shirkadda “in matoorkaas in la qarxin doono saddex habeen oo lasoo dhaafayba waa ogaa hase yeeshee amar uma qabin in aan idiin sheego, sababka aan hadda idiinku sheegayase wuxuu yahay, inaan idin ogeysiiyo, haddii nimankaasi amar idin siiyaan in aad u hoggaansantaan oo iidan awaamirta dhayalsan haddii kale labadeennaba war baad naga heleysaan!” Dhacdadaa dareenka leh waxaa loogu dacwooday sheekhyada shabaab ee Puntland kazoo jeeda oo markii uu ka wardoonay madaxdii ka sarreysay, xaqiiqadana soo ogaaday ku soo jawaab celiyay “war wax baa qaldane sidaad isu maareyn kartaan isu furdaamiya”.

7)Waxaa intaa dheer inta la og yahay dilalka qorsheysan ee ka dhaca Puntland looma qaban dadkii ka dambeeyay marka laga tago laba jeer oo ay dadka shacabka ahi soo qabteen gacan ku dhiilayaashii ku lug lahaa faldambiyeedyadii lagu tuhmay. Labadaa jeer mid kamid ah waa markii la dilay Nabaddoon Xasan Walloore oo dilkiisa ay eheladiisii usoo qabteen saddex ruux oo isugu jiray sidan: Nin iyo naag Ashahaado la dirir ah iyo nin Ashabaab ah oo ahaa ninka isagu geystay gacan-qaadka nabaddoonka lagu dilay.

Waxaa is weydiin mudan maxay Alshabaab iyo Ashahaado la dirir u wada howlgalayaan haddeysan meesha wax ka qaldaneyn? Sow asalku in ay is dilaan ma aheyn? Maxaa saca naasa-adag iyo weedha kulmiyay? Maxaa dibiga madow iyo libaaxu dibiga cad isula ugaarsanayaan? Jawaabtu waa Shacabka waa loo heshiiyay.

8)Dhinaca dibedaha marka la joogo dalalka Mareykanka iyo Ingiriisku xarakada Alshabaab waxay ka xukuman yihiin in ay yihiin Argagixiso lamid ah Alqaacida iyo ragga ay Mareykan iyo gaalo dhoorrey dagaalka kula jirto. Sida la og yahay ninkii lagu tuhmaa in uu Alqaacida ka tirsan yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay waa la waayaa, ragga Alshabaab ka tirsanna waxay ku heystaan waddammadaas nashaadaat muuqda oo kala geddisan, website-yo aad u afdheer oo caayda iyo aflagaaddada inta la sharfo ku caan baxay, cid yac tiraahda iyo cid eryatana ma jirto, Islaamiyiinta kale xitaa Ikhwaanulmuslimiinkana muraaqaba adag baa dul saran, sidaa darteed miyaan la dhihi Karin “war hooy timir laf baa ku jirta”.

9)Hadaba intaas oo dhacdo iyo in kale oo aan qoraalkan gaaban lagu soo ururin Karin marka la isu geeyo waxaa kuusoo baxeysa in Ashabaabku yihiin Ashahaado la dirir Islaami ah. Sidaa darteed ama Ashahaado la dirir (Ashabaab aanan Islaami aheyn) ha dileen ama Ashabaab ha ku caddaato dakanada Sheekha Ashabaab ma dhaafsiisna, iyaga ayaana u qoolan jariimadaas iyo intii dil noocaas oo kale ah lagu gabraartay dad masaajidda agagaarahooda lagu ugaarsaday.

10)Xagal kale haddii aan ka eegno marka la joogo baabka jinaayaadka culimadu waxay kala qaadaan sababta faldambiyeedka keentay iyo cidda faldambiyeedka fulisay keebaa awood badnaa, waxayna yiraahdaan haddii askari uu wax ku dilo amar la siiyay, dilkaasina uusan aheyn xaq, eedda koowaad waxaa leh ciddii amarka bixisay, askariguna waa ku xigayaa, sida la wada dhageystayna amarka fatwada culimada dhiiggooda banneysay waa fiqigii qalloocnaa ee Xassaan iyo Xasan Takar.

Shacabka Soomaaliyeed waliba dhallinyarada Ashabaabka u dirira oo in badan oo kamid ah la marin habaabiyay, halganka ay ku jiraan aan u malo-badinayo in uu daacad ka yahay, Alle dartiina wax u halleynayaan wax aan diin aheyna looga dhigay in Ilaahay soo dejiyay, loona diiday in ay dhageystaan duruusta culimada Rabbaaniyiinta ah, oo loo fatwooday culimada laaya sharkoodaa laga nasanayaaye, waxaa hubaal ah in ninka sheekhnimada sheeganaya iyo xarakada uu ku matalayo fatwadaas diin yarida la macaluulsan ay kaga mas’uuliyad iyo dambi culus yihiin wiilka miskiinka ah ee maskax-dhaqa lagu sameeyay ee maxarbida loogu soo dhiibo culimada iyo bulshada inteeda kale.

Qalinkii: C/Qani Qorane M’ed
abdiqanim@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " AL-shabaab mise Ashahaado la dirir “islaami ah”? "

  1. kacaan says:

    asalamu aleykum dhamaan ummada somaliyeed inta webka aqrisata iyo inta aragtidooda ku dhiibata salaan ka bacdi walee sama doonto gabadha la baxdey een aqriyey aragtideeda aad baan ugu bogey waan sidey hadalka u dhigtey sida wax u dhaceena iyo sidey hada ku socdaan iyo sida la sugaya hadiiba aan la iska arkin lona wada dhamaanin wax ka qabashadeeda waxaan amqli jire4y hadalo ka soo yeera reer galbeedka oo ay leeyihiin somaliya waxay noqoneysaa meel bahalo galeen ah amiin ereygaas waaba sax waayo kuwaan la baxay alshabab waa bahalo dadka leynaaya waliba intii miisanaka umada u lehed ugandha xamar uga bax bari sheekh ugu duul waa su,aal jawaabteeda somali u taal ee ama gacmaha iyo afka ha laga had hadlo ama waxaan waa masiibo ummada loo soo diree aan iska qabano wabilaahi towfiic
    samadoonto abaayo maahdsanid aragtidaada
    asalamu aleykum

  2. Salman says:

    Wlhy waxaan aad ugu faraxsanahay in lahale dhalin yaro sidan wax u fahmi karo oo waliba qoraal ka diyaarin karo arimahan shikibadan ka taagan yahay qoraha maqaalka waxaan leeyahay runtii waad asiibtay ,waxaana ku leeyahay arrinta kusii dheeroow oo baaritaan kusameee mar uun ayaa lagu baraarugi doonaa waxaan hubaaa kuwo badan oo ah 2da dhinacba in aysan runta lasocan. Dhan kale dilkan sheekha waaa uun tii cadowgu uu ku leeynayay wax garadka soomaaliyeed maantase waxaaa xaqiiqah in diinta nala nacsiin rabo…

  3. A. Kaafi says:

    SCW.

    Waxaan aad ula yaabbanahay in rag jawaab ka bixinaya qoraaga fikirkiisa dhiibtay cabbirayana xanuunka ka haya Shiikha diinyarida iyo faham la’aanta jihaadka, iyo kasbasho xumida musliimnta loo dilay kuwa daboolaya oo moodaya ineey berri sidaa iyaguna ku nabad gelayaa. Mabda’a Alshabaab ninkasta oo maanta nool maqtuul buu u yahay. Ama difaac ama la duubo dulmigaas Shiikha ku dhacay waa halaag cid kasta ku soo fool leh haddaan ila ummadda ka qaban caruurtaan caasiga noqotay oo waalidkii dhalay iyo kii wax baray loo soo dirayo oo nafta ka jaraya. Inna Lilaali Wa Innaa Illeyhi Raajicuun. War ma Dr. Sheekh Ahmed baa dil dulmi mutaystay iyo in magaciisa looga dhawaaqo Baydhabo oo nin sheekh sheeganayaa si jidbo ah ugu fadwoonayaa in Ictisam aan mid laga reebin. Maxaa indhaha layasaga ridayaa? Maxaa dulmiga loo daboolayaa? Sow adiga kugu dhicimeyso berri?

    Subxaanalaah

  4. Sama-doonto says:

    Asc.

    Walaal afkaaga caano lagu qabay, wax badan oo naga guuxayay baad ishaartay, waxaad mooddaa inaan isku si u fikiraynay.

    Aniga iyo gabar aan saxibo n ahay ayaa sidan iyo si ka daran u taxliilinnay Al-shabaab iyo kasii darane Al-qaacida, waxaan noo soo baxday in hal dhinac ay wax u wada wadaan, marka waxa meesha ku gacangalay waa marrastii iyo umaddii nolosha rabtay.

    Aniga waxaan hadda ka hor daawaday barnaamij cajiib ah oo cinwaankiisu ahaa THE SECRET OF TERRORISM markaan dhamaystay barnaamijkii wallaahi waan fajacay, waxaa laga sheekaynayay nin Al-qaacida ka tirsanaa kadibna ka baxay oo go’aansaday inuu diinta faafiyo dadkana u gargaaro oo howlaha kheyriga ah ka shaqaynayay kadib gurigiisa baa lagu dhexdilay, it was 2008-kii, from that time up to now aad baan u tuhunsanaa al-qaacida iyo alshabaab iyo wixii ay isku fikiryihiina ee dunida qarbuda.

    ANiga hal eed baan qabaa, maxay culimadu qaarkeed ama badankeed ama aan dhaho ICTISAAM ugu madaxweyneeyeen al-shabaab waa mujaahidiin, billowgii khilaafka cuslaa ee ASMARA iyo JABUUTI, kadibna markii sheekh shariif xamar yimidna dowladda culays xooggan lagu saaray awaamir aanay dhaqso fulin karin halka al-shabaab-na loo madaxweyneeyay laguna magacaabay waa mujaahidiin oo dalka ayay itoobiyaan ka xoreeyeen.

    Halka sartu ka quruntay waa maalintaas ay guddigii isku magacaabay muslaaxada ay xaajada galeen oo u yara hee favor sameeyay shabaabka.

    I am sure hadii maalintaas si cad loo eedayn lahaa loona iftiimin lahaa inay yihiin dad wata agendayaal caalami, magacan sharafta lehna ee mujaahidintana aan lagu tilmaamayn dagaal olole-sifayn ahna la iclaamin lahaa, i am sure in xaajadu sidan dhaami lahayd.

    Ninba markii musku biyaha ma ugu galay, ictisaamkii shalay naaxiyay shabaab bay maanta haysataa iyagii baa hal hal loo siibayaa sidii tin cajiin laga bixinayo, ha u qaadan inaan layntooda ku farxayo xaasha e, lakin ciil gaamuray baa iga haya maalintii gartaas sida gurracan loo galay ee sh shariif la dabray halka shabaabna la naaxiyay.

    Arjuu inaad i fahantay meesha aan wax u wado.

    We need dowladnimo, nolol, horumar nabad iyo islaanimo, intaas oo qodobna isma diidayaan, maxaa noo diidaya inaan u noolaano sida wadamada muslimka ahi ay u noolyihiin, waa su’aal u baahan in qofkastaahi is weydiiyo.

    Wassalaam.

  5. Sunni says:

    c/qani qorane

    walee wax badan waad iftiimisay boogtana waad taabatay sii wad baxthiga waxaa lamid ah arintan wada shaqaynta ninka nacaybkiisa lamuujisanayo iyo ka muujisanaya tusaalena u ah

    yahuuda iyo shiicada axmed najaati iyo ragiisu maalin walba waxay soo
    istaagaan tv yada , hala tirtiro yahuud , kuwan kala hala weeraro eeraan, dhanka kala waa ilko abooso waxaa jira (kalimatu sir) secret password oo ah sicalan ah ii cay cafisbaad tahay e siuu kuugu kadsoomo caaami, ka wax garadka ah ee aniga aan is haynana shacabku u noqo oo ay u dhahaan waa fulay waxba ma cadayn karo , bal ninka fiiri siduu u cadaynayo, geesiga ah war ninkaa hala taageero

    waxaa taas lamid ah ninkan (xasaan safiih ) halkuu ku nool yahay ma taqaanaa wuxuu ku nool yahay wadan ay fadhido safaarada maraykanka ee u xilsaaran qaska somaliya iyo argagixiso ladagaalan kusheega , waa daris way iskasoo hortoosaan , hadana waxaa la arkaa in gaaladu ay ku xag xagato maraakiz ku yaala yurubta ninkaas baad waa lacag u ururiseen, oo dambe looga dhigay isagiina wakaa aad aragtaan cid wax waydiisa way yar tahay,
    wuxuu lamid yahay xizbu shaydaanka liibiyo(xasan nasru shaydaan) uu xukumo iyo iskulaalka yahuuda. bal adigu u fiirso garana inayna wax badan isku haynin
    lakiin dadkan oo dhan waa key lagu banaysto meeshii didka muslimiinta ah in lagu dhibaateeyo laga doonayo.

  6. qoraaga qoraalkiisa masii akhrin waayo aadna wuu udheeryahay wax macne leh oo laga sii akhriyana uma jeedo inuu leeyahay.
    shiikha allaha unaxariisto intaad ka hadli lahaysid cidii dishay wax tacsi ah madirtay? wax duco ah madirtay? mase ogtahay oo cadeyn ma uhaysataa inay shabaab dileen? aakhiro malaguu so taagayaa? sida ilaahay u ogyahay cida dishay ma u ogtahay? su’aasha kale oo haboon markii lahadlayo in cadeyn lakeeno waa iftaaga aad tiri waa lago’aamiyay waana lafuliyay. yaa go’aamiyay? cadeyn keen? go’aanka oo qoraal ah ama maqal ah ama muuqaal ah. tan kale cidii gacanta dilka shiikha lahayd maxad usoo qaban waydeen haday shabaab dileen, ilaa hada lama qaban cida shiikha dishay aawa? bosaso wili kama bixin haday ka baxeena masuuliyada waxa qaadaya faroole haday kujiraan oo wili aan lasoo qabana masuuliyada waxa qaadaya faroole. balse waxan ogahay niman wax dila oo aan lasoo qaban inay joogaan bosaso wana PIS.

  7. abuu c/lle says:

    Asc,Walaaal aan kaa saxo qodob yar oo ku jira maqlaakaaka, moowduuca intiise kale shacab weeynahaya ayaan u deeynayaa wax ba ka oran maayo.
    qodabka waxuu yahay waxaad tiri: )Ashahaado la dirirka oo sida la ogsoon yahay markoodii hore ka hana qaaday gobollada koofureed ee dalka, kadibna ku faafay dhammaan dalka intiisa kale,
    Bal warkaas sifiican u baaar, waxaa la isku wada raacsanyahay in ashahaada la diririka uu ka soo billowday dhankaas iyo abri ama puntland oo waliba xilligii c/laahi yusuf ka taliniyaya ka jireeen, waliba magaca ashahaada la dirir xaggaase ayuuba koonfurta ka soo galay, xilligii uugu horeeysay ee laga dhiso koonfurta waxeey ahyeed 2006 oo eey la abxeey ururka nabad soo celinta iyo argagixiso la ririrka soomaaliyeed, waa tii ka dibna dagaaal magaalda looga saaaray, oo uu kacdoon shacbi ah biloowdy,
    Almuhiim waa taas taariikhda, wax saxid uun beey iiga aheeyd iyo naseexo, wsc.

  8. maxamed says:

    asc ikhwaanii sidaan ma fiicna soomali culimadeeda saan maa u danbeysay iyagii isu jeeda wadankiina cadow baa qabsaday suaal waxaan ku weydiin markaa gaalada ma al shabaab kaliyaa loo xilsaaray in la dagaasho ma u diiday in idinka la dagaashaan waxaan la hadlayaa ninka qormada kore qoray shako baaba i galay hadii ictisaam thiin waxaa dhihi jirteen gaalada amxaarada xuduuda joogta halala dagaalo hada oo ay xamar joogan maxaa idiin ka reebay dagaalkeeda subxaanalaah waa cajiib

  9. wadaad yare says:

    Maqaalku waa mid xiiso leh, macluumaad badanna ka buuxaan. Laakiin xoogaa nadariyatul mu,aamara ayuu ku talax tegey. Taasna waxey dhacdaa marka dadku garan waayaan meel looga yimid, daadkuna uga soo galo meel aysan ka filaneyn.

    Shabaabka iyo hey,adaha sirdoonka caalamigaa is garabsi kama dhaxeeyo,laakiin “al xarbul qadira” ama canaasir faasid ah oo labada dhinacba ku jirtaa way dhici kartaa,mase badna.
    Waxaa kale oo jirta corruption iyo khaa,innimo baahsan oo soomaalida Shabaabka kasoo horjeedda ka dhex jirta. Taasoo keeneysa in dad Shabaabku ku dhex yeeshaan,iney qaarkood baqdin geliyaan, qaarna laaluushaan.

    Beytul qasiidku waa in loo dhaxeeyo urur diintu ku qalloocatey oo waddadii Khawaarijta haya iyo hay,ado sirdoon caalami ah oo aan xeerineyn nabadda iyo danaha soomaalida,iyo soomaali fashilantey oo iyagu asal ahaanba sabab u ah in dalkoodu sidaas noqdo.

    Taas ayaa keeneysa iney wuxuba u ekaadaan mu,aamarada lasoo maleegey oo ay ka danbeeyaan gaalada awoodda leh oo adduunka ku amar taagleysa.

    Laakiin kullu fitna cinda geel. Fashilkeennaa sabab u ah iney khawaarij iyo sirdoonno shisheeye nagu dul loollamaan.