Home » Warar »

Guddiga WarFaafinta Barlamanka Federaalka Soomaaliya Oo Ka Soo Hor Jeestay Heshiiskii Kampala Accord.

Guddoomiyaha Guddiga warfaafinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Axmed Cawad Casharo oo iminka ku sugan Magaalada Nairobi ee carriga Kiinya ayaa ka hadlay Hanaanka Khariidada Soomaaliya ee Road Mapka loo yaqaano.

Guddoomiyaha oo waraysi siiyay warbaahinta ayaa sheegey in hananaakaas lagu soo saxiixay Magaalada Kampala uu ahaa mid aan ku imaan Rabitaanka Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Casharo ayaa hoosta ka xarriiqay in qorshahaasi uu ahaa mid dano gaar ah laga lahaa isla markaana ay wadatay cid gaar ah walow uusan farta ku fiiqan ciidda uu gaarka ula jeeday.

Saxiixa xildhibaanada ee Heshiiskaas ayuu sheegey Xildhibaan Casharo inuu ahaa mid la is marsiiyay oo sidii wax la isu marsiin jiray la isu marsiiyay isagoona muujiyay inuusan gebi ahaanba ku qanacsanayn sida uu qarayo Road Mabka.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in ay qabsadeen Qareeno Sharci yaqaan ah isla markaana ay ka doodi doonaan meel marista Heshiiskii kamala oo uu sheegey inuusan ahayn mid u danaynaya Shacabka Soomaaliyeed.isla markaana ka qaadaya madax banaanidooda

Cawad Axmed Casharo ayaa farta ku fiiqay in arrintaas ay u gudbinayaan Qaramada Midoobay isla markaana ay kaashanayaan shacri yaqaano uu sheegey in ay ku bixinayaan kharash walba oo ku baxa waa siduu hadalka u dhigaye.

Cawad Axmed Casharo ayaa intaa ku daray in mudaba magaalada Nairobi ay ku diyaarinayeen Dacwado ka dhan ah Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo uu sheegay inuu ku xad gudbay sharciyadda Ergey ahaanshihiisa iyadoo dhawaana uu sheegey in ashtako ka dhan ah Ergeyga in ay u gudbinayaan Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay oo Todobaadkan booqday Mandiqadda Geeska afrika.

Ka sokoww Eedde loo jeedinayo Ergayga ayaa noqdey Muranka ugu xooggani ee haatan jira waxa uu yahay meel marinta Khariidada Nabadda Soomaaliya oo siyaalo kala duwan ay uga hadleen Bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan.

Isku soo Ururiyo dadaalka Mahiigga uu ku doonayo meel marinta heshiiskaas ayaa ah mid uu si aad ah dabada uga riixayo isagoo dhawaan mar uu hadlayna ku hanjabay inaan loo dul qaadan doonin dadka doonaya in ay carqaladeeyaan Heshiiskii Kampala kaasoo inta badan Siyaasiinta gaar ahaan Xildhibaanadu ay si aad ah uga soo hor jeedaan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Guddiga WarFaafinta Barlamanka Federaalka Soomaaliya Oo Ka Soo Hor Jeestay Heshiiskii Kampala Accord. "

  1. wiil mudug says:

    kkkkkk.casharo waa wareeray waa isaga dhahaya roadmap ka waa khiyaano soomaalida laladamacsanyahya islamarkaan madaxbanaanidooda lagu dhaxalwareejinayo hadii uu kadaqnaday arinkaas muxuu wax uqabanwaayay isaga kuwa kale ee xildhibaanada sheeganaya mushahaarkiina waxaa bixiya qaramada midoobay iyo beesha caalamka see marka wax uga sheegi karaa kuwaas isaga masruufa ileen ninkii wax kusiiya waxnba kamadiidikartide hadaad rabtid inaad xor ahaatid wadanka kasaara dhibka una gudba dowlad rasmi ah .teeda kale qorshaha khariidada nabada waxaa diidan dad gaar ah oo danahooda qabiileed kadhex arki waayay waana dadka ay soomaaliya kadagiwayday