Home » Faallo »

Baaq iyo Tacsi: Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Woqooyiga Ameerika oo Baaq iyo tacsiyeyn kasoo saaray Dilkii Sheekh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Amerika waxay tacsi tiiraanyo leh udirayaan dhamaan ehelkii iyo qaraabadii uu kageeriyoodey Sheekh,DR.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan,oo gacan ka xaqdarani ay ku dishey magaalada Boosaaso .

Hoos ka akhri bayaanka

GOLAHA IMAAMYADA SOOMAALIYEED EE WAQOOYIGA AMERICA

الحمد لله وكفى وسلام على عباده الذين اصطفى ، وبعد ،
Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga America oo ah Isutagga Soomaaliyeed ee ugu weyn Waqooyiga America, Dhammaan Masaajidda ka mid ah Golaha iyo Imaamyada iyo Maamulada iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan, Wexey si Naxdin iyo Muruga leh kaga war heleen, Dilkii Gardarada ahaa ee Subaxnimadii Isniinta 9 Muxarram 1433 H (12/5/2011) loo Geestey Sheekh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, isagoo kasoo baxay Salaadda Subax, halkaas oo rag hubaysan ay ku toogteen Sheekha, kadibna ay is raacsiiyeen si ay u hubiyaan geeridiisa, Sheekhuna halkaa ku naf baxay isagoo sabirsan oo dulman, Rabbigiisa uu usoo tukadeyna uga ashtakoonaya gacanta ka gar daran ee dhiigiisa xaq darada ku daadisay.

Hadaba Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga America, isagoo dilkaa naxdinta leh ka tiiraan yaysan wuxuu Ummadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah, Guud ahaanna Muslimiinta, u caddaynayaa arrimaha soo Socda:

1) Waxaanu ka tacsiyayneynaa dilka Sh. Axmed Allaha u Naxariiste, waxaanu Ilaahay uga Baryeynaa inuu Dembigiisa ka maydho, Janaatul Firdoowsana geliyo, eheladiisi, awlaadiisii, Asxaabtiisi iyo Dhammaan Ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo Ajar Ilaahay ka siiyo. Waxaanu Ilaahay ka baryeynaa inaanu Ajarkiisa naga Qadin, gadaashiisna na fitnayn.

2) Goluhu wuxuu cambaaraynayaa dilkan foosha xun ee loo geeystey Sheekha, oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed kuwa ugu caansan ee Ummaddan Indhaha u ah, waxaana hubantiya gacanta dishey Sh. Axmed iney tahay gacan ka xun dacwada Islaamka ee Runta ah oo sheekhu wadey naftiisina u horay.

3) Waxaan Culimada Soomaaliyeed ee la bar tilmaameedsanayo ugu baaqeynaa iney ku adkaystaan fidinta iyo caddaynta diinta Islaamka iyo dacwada saxiixa ah ee ku dhisan Kitaabka iyo Sunnada iyo Wadadii dadkii wanaagsanaa ee Saxaabada iyo Taabiciintooda, kuna sabraan dhib kasta oo wadadaas kusoo gaaraya inta Ilaahay ka oofsanayo.

4) Goluhu Wuxuu ugu baaqayaa Dadweynaha Soomaaliyeed dhammaanba iney Ilaahay u tawbad keenaan, kelmadoodana mideeyaan, xarigga Ilaahayna wada qabsadaan, Culimadoodana ku xidhnaadaan, ayna ogaadaan in Gacanta dhiigga leh ee Sh. Axmed dishey ay duullaan ku tahay ciribtirka Culimada Soomaaliyeed, si Ummadda Soomaaliyeed meel cidla ah looga helo, loogana dhex waayo Culimada Aqoonta u leh ee wadada u iftiimineysa. Sidaa darteedna Ummaddu waa iney difaacdo Culimadeeda.

5) Goluhu Wuxuu Ilaahay ka baryayaa inuu Ummadda Diinteeda iyo Culimadeeda u dhawro, Ilaahayna dhagar qabayaasha Culimada ugaarsanaya Ilaahay soo qabto, ceebtooda iyo cawradoodana Ilaahay feydo.

GOLAHA IMAAMYADA SOOMAALIYEED EE WAQOOYIGA AMEERICA
SH. CABDIRAXMAN SHEEKH CUMAR, GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHUURADA
SH. MAXAMED IDRIS AXMED, MADAXA GUDDIGA FULINTA
MINNEAPOLIS, MN 9/1/1433 (12/5/2011)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Baaq iyo Tacsi: Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Woqooyiga Ameerika oo Baaq iyo tacsiyeyn kasoo saaray Dilkii Sheekh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan "

  1. Walaalayaal qoraalkii TACSIDA AHAA oo ku saabsanaa Sh. Axmad Xaji. Aanna soo diray 7dii Dec. Waxaan rajeynaayey in aad soo qortaan mana hayo ee maxaa jira? Shukran

    Adam M Ciise

  2. asalamu calaykum waraxmatullah

    inaa lilaahi wa inaa ileehi rajicuun waxaa illahay uga baryayaa marxuumka in illahay u naxariisto janatul firdowsana ugu bishaareeyo ehelkiisi iyo qarabadiisiina samir iyo iimaan kasiiyo umada muslimiinta uu sheekha kageeriyoodayna samir iyo imaan allaha kasiiyo khaasatan umadda soomaaliyeed aamiin aamiin

    i

  3. Sharaf says:

    Allaha u naxariisto Marxuum Dr Axmed Xaaji Cabdirixmaan wuxuu ahaa Maskaxda guud ahaan Ummadda Soomaliyeed Gaar ahaana Maskaxda Puntland Insha,allahu wuxuu yahay Ahlu Kheyr Ahlu Jano alaahayna waxaan uga baryahayaa Janadii Fardowso.
    waxshigii dilayna allaha fashilo allaha ka dhawaajiyo sida qof waalan isagoo qiranaya dilkaas Ummadda dhexdeeda, isaga iyo wixii ku kalifay oo falka ka danbeeyay,
    Marxuum sheekh Dr Axmedna ma uusan dhiman ee waa dhuuntay oo cilmigiisii baa meel walba yaala oo dadku darsayaan

  4. cabdi says:

    marka hore aad iyo aad ayaan uga xumahay dilka loo geystay shiikha dr axmed marka xiga aniga waxaan uso jedin lahaa umada somalida ah gar ahaan kuwa pland in maadama awoodkale aysan haysan in kuwa dilkaas geystay halmar faataxada loomaro in ilaahay gacanta usoo galiyo maamulka si loo mariyo abaalkooda cid alaala iyo cidii arintaas dilka gacan ka geysatayna in ilaahay calaamad xun ka ifiyo iyo cuqubo aan ka harin ila noloshooda

  5. said says:

    s/c ilaahay naxariis waasaca ayaan uga baryaaya marxuum axmed xaaji c/raxmaan. qoyskiisa iyo ehelkiisana ilaahay samir haka siiyo.dadkii ficilkaa xun sameyay ilaah ayaa shaahida oon waxba ka qarsonayan ilaahaow raboow aduun ku tala saaranay (ilaahow umada ayaad uga dhig) waa arin aad iyo aad looga naxo in mujtamaca lagala dagaalamo inta indhaha iyo caqliga u ah.