Home » Faallo »

Colaada culumada iyo ciyaarta cusub ee salafiyiinta soomaaliya

Bismillaah, siyaasada wasaqeysan ee soomaaliya waxey sharafta kaqaaday cid waliba oo lug ku yeelatay, waxey shacabka ka hor keentay dad marki hore aad ugu dhawaa, soomaalidu waxey naceen dhamaan dadki ka qeyb qaatay isjiidjiidka siyaada soomaaliya, Arintaas waxaad moodaa in culumadu eysan darsi ka qaadanin.

Waxaa jirtay in mudadii ey hogaamiya kooxeedyadu ku dagaalamayeen hubka in culumadu isku garaacayeen adillada qur’aanka iyo axaadiista nabiga (s.c.w), wixi lees reebreebaaba waxaa saaxaada awood ku yeeshay salafiyiinta iyo qeybo kamida Ikhwaanka sida Aala-sheekh, taageerada shacabka ee ey heesteen waxey u fududeeysay in ey hogaamiyaan kacdoonkii shacabka ee 2006di, fursadi ey heleen waxaa ka burburiyay maamul xumo iyo kala dambeyn la’aan, balse dhanka kale waxey ku guuleesteen in ey madaxa ka kawiyeen xarakaadkii kale ee soomaaliya ka jiray, waxey hakiyeen xawaarihii ey ku socotay xarakada Al-islaax, kooxaha suufiyada waxey ku sigteen in taariikhdii lasoo dhaafay kamid noqdaan, salafiyah jadiidah jugtii gaartay ilaa iyo hada kamasoo kabsan.

Salafiyiinta waxey ku kali noqdeen awooda saaxada maadaama Ikhwaankii kugarabka ahaa (Aala-sheekh) ey lagalbadeen madaxweyne Shariif islamarkaane noqdeen qunyar socod aan aayadaha intabadan daliishanin, salafiyiintu inti ey arintaas uga faa’iideysan lahaayeen fidinta dacwadooda waxaa ku dhacay cudur layiraahdo autoimmune disease (difaaca jirka oo jirka qudhiisa dhibaateeya), dadkan waa dad lagusoo tarbiyeeyay aayad wax lagu weeraro iyo xadiis wax lugu duro, hadii ey waayeen cid ey ku duraanne ayagii ayaa isladhacay.

Yaryarkii kooxda (shabaab) ayaa aflagaado ladaba galay odayaashii unkay (Ictisaam Ex Itixaad), yaryarku markoodi hore wax culumo lagu sheego maqabin, balse marki dambe ayey ku guuleesteen in dhowr wadaad oo dibad joog ah ey goobta keenaan, wadaadadii isku dacwada ahaa ayaa bilaabay in ey is weeraraan, ilaa sheekadu ey gaartay in lees magacaabo oo arimo hore leeskulasoo falkiyay leesku fadeexeeyo, hadaba arimahaas yaa kadambeeya?, waa maxaay maslaxada ugu jirta culumada?, saameyn intee la’eg ayeysa kuyeelan kartaa culumada dhanka shacbiyada?, waa su’aal u baahan in culamadu isweydiiyaan.

Shaki iigama jiryo arintaan in ey farxad galineyso gaalada jecel in ey shacabka iyo culumadooda iska horkeenaan, dhihi maayo ayagaa ka dambeeyo, balse waa arin gaaladu ku farxeyso, waayo waxaa xaqiiqa ah dhacdooyinkii isdabayiilay ee kadambeeyay burburkii maxkamadaha in ey hoos u dhigeen kalsoonida ey shacabku ku qabaan dadka diinta sheegto, arintan hada socotane waxey kamid noqoneysaa liis dheer oo horay u furnaa.

Hadaba culumada waxaan kula talinaa in ey gartaan howshooda, kuna wasaqoobin siyaasadan wajiyada badan ee soomaaliya, dadka bara diintooda, hana u ogolaana cadawga ilaahey in uu iskakiin horkeeno idinka iyo shacabka, waxaad xambaarsantihiin dhaxalkii nabiga, haku wasaqeyna dhaxalkii nabiga dhiiga kuqubanaya soomaaliya, ogaada manta hadii aad heysataan dad wax idinka dhageysanayo, waxaa imaan doonta maalin aad weysaan cid wax idinka dhageysata, waa hadii aad wadadaan sii heysaan.

Wabillaahi towfiiq

W/Q: Axmad Xalaal
Caadle2@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Colaada culumada iyo ciyaarta cusub ee salafiyiinta soomaaliya "

  1. abu rayaan says:

    Haa waa qormo wanaagsan waxa dhihi lahaa sida ninka qormada qorayba yidhi culumadu yayna iscaayin sirtodana yayna shacabka ugudbin sababto ah shacabka sumcad bay ku leeyihiin marka yayna dhumin sumcadaas w/tawfiiq

  2. jamaaal says:

    ASC
    waa qoraal dhab ah waana arin iga guuxaysay xaqiiqadii, waana wax lala yaabo in maanta culimadii hawshoodii gabaan qolona weerar qaado kuwa kalana ay Ashahaado la dirir iyo cid aan mudnayn inay difaacaan inay intaaa u hadlayaan weerar gaar ahna ay ku hayaan dad ay ayagu soo rabeeyeen waxa somalia ka dhacaya oo idilna aaad moodo inay ka hurdaaan waxaan ka ahayn wax ka sheega yaryarkaa , waxaa wacnayd inay toosiyaaan intii ay caaayi lahaaayen mana aha sifo culimo