Home » Warar »

Suudaan oo ku dhawaaqday in ay Laba toddobaad kaddib mamnuuci doonto in hawada Suudaan ay maraan Diyaaraha ku socda Kenya, haddii….

Madaxweynaha Suudaan Cumar Al Bashiir ayaa waxa uu xukuumadda Kenya u qabtay muddo laba toddobaad ah in ay kaga laabtaan go’aankii maxkamadda ee ahaa in isaga (Al-Bashiir) la xiro haddii uu soo caga dhigo Kenya.

Madaxweynaha Suudaan ayaa si kulul waxa uu Kenya ugu wargeliyey haddii aysan arrintaas ka laaban in uu cunaqabaatayn adag ku soo rogayo Kenya, gaar ahaan ka cunaqabataynayo in aan diyaaraadaha ku socda ama ka imanaya Kenya aysan dul mari karin hawada sare ee Suudaan. Waxaana la ogyahay in badanaa diyaaradaha ka yimaada Yurub ee ku socda Kenya inay dul maraan hawada Suudaan.

Waxaana jariidadda Daily Nation ay qortay in haddii Suudaan ay mamnuucdo diyaaraha ku socda in ay dul maraan hawadeeda in ay raad weyn ku yeelan doonto ganacsiga iyo dalxiiska Kenya, maadama oo loo baahan doono in dariiq kale ay markaas raadsadaan diyaaradaha ku socda Kenya.

Waxa kale oo madaxweynaha Suudaan uu ku hanjabey in uu dalkiisa ka cayrin doono 1000 Kenyaati ah oo ku nool Suudaan, isla markaasna in uu mamnuuci doono in waxyaabaha laga soo dhoofiyo Kenya, haddii aan waqtiga uu Kenya u qabtay aysan kaga laaban go’aankii Maxkamadda.

Kenya waxay Suudaan u dhoofisaa badeecadaha ay ka mid yihiin Caleenta Shaaha iyo Qaxwaha. Waxaana Kenya ay Suudaan sannadkii hore u dhoofisey caleenta Shaaha oo qiimaheedu yahay $200 million doolar. Waxaana wasiirka Arrimaha dibadda Kenya laga soo xigtey in uu sheegay haddii arrimaha ay Suudaan ku soo rogeyso Kenya ay dhaqan gasho in Nairob ay halkaas ku waayi doonto Suuq aad muhiim ugu ah

Jariidadda Sudan Tribune waxay sheegtay in Madaxweynaha Suudaan Field Marshal Cumar al-Bashiir uu laba toddobaad dib ugu dhigay cayrintii Safiirka Kenya u fadhiya Khartuum iyo u yeeristii Safiirkiisa u fadhiya Nairobi, kaddib markii uu Khartuum soo gaarey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, waxaana Al-bashiir uu waftigii ka socdey Kenya u sheegay in Suudaan ay ka sugeyso xukuumadda Kenya in ay ka hortimaado go’aankii Maxkamada Nairobi ay ku sheegtay in isaga Al Bashiir la xiro, waxaana Suudaan sugeysaa laba toddobaad oo ay kenya fursad u siinayso in go’aankaas ka laabto, haddii kale Suudaan ay ku dhaqaati doonto go’aankeeda oo kabilaabanaya cayrinta Safiirka Kenya, dib ugu yeershada Safiirkooda Nairobi,” iyo Mamnuucidda diyaaraha u socda Kenya in ay dul maraan Suudaan, lana mamnuuco maciishadaha laga soo dhoofinayo Kenya.

Waxay ahayd 14-kii July 2008 markii maxkamadda Adduunka ee Hague ay soo saartay go’aan ay ku raadineyso in maxkamad la soo taago Madaxweynaha Suudaan oo lagu eedeyey tacadiyo ka dhacay Darfur oo la sheegay in ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 300,000 qof. Waxaana maxkamaddaasi ay 4 March 2009 soo saartay go’aankii koowaad oo ay ku raadineyso in la soo xiro Cumar Al-bashiir. Waxaana xigtey in maxkamadda Hague ay go’aankii labaad ee in la soo xiro Madaxweynaha Suudaan ay soo saartay 12 July 2010.

Waxaa xigtey in 29-kii November 2011 ay maxkamad ku taal Kenya ay xukuntay in la xiro madaxweynaha Suudaan haddii uu soo caga dhigto Kenya, taas oo sababtay in xiriirkii Khartuum iyo Nairobi uu gaaro meel aad u hoosaysa, kaddib markii Suudaan ku dhawaaqday in ay dalkeeda ka cayrineyso safiirka Kenya u fadhiyey Khartuum.

Jariidada Nation ee ka soo baxda Nairobi waxay Sabtidii Dec 3, 2011 qortay in ay aad u daciiftay heerkii Dulomaasiyadeed ee Kenya arrintaas oo salka ku haysa go’aankii in la xiro madaxweynaha Suudaan…. Jariidadda oo hadalka u dhigtay sidan “arrest warrant weakens Kenya’s stand on foreign policy matters”

Madaxweynaha Ereteria oo dalbaday in uu ka hor hadlo QM

Dhanka kale Eriteria ayaa warqad u qortay Qarammada Midoobey ay kaga dalbanayso in golaha ammaanku ogolaado in madaxweynaha Eretiria Isaias Afwerki uu ka hor hadlo Golaha Ammaanka ee UN si loo dhegeyso dhankooda (Eriteriya) ka hor inta aan QM u codayn in cunaqabatayn cusub lagu soo rogo dalka Ereteria. Warqaddii halkan ka akhri.

Soomaaliya oo markale gashay kaalinta koowaad ee Musuqmaasuqa Adduunka

Xagga musuqmaasuqa adduunka marka laga hadlayo, warbixin ay dhowaan soo saartay Transparency International oo is barbar dhigtay 183 dal ee adduunka ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Woqooyiga Kuuriya ay kow ka yihiin musuqmaasuqa adduunka, yihiina dalalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka. Sannadkii 2005 waxay Soomaaliya halbeegga Muqusmaasuqa kaga jirtay Dalka 144 oo ay la heer ahayd Kenya. Wixii ka dambeeyey 2006 waxay ahayd dalka koowaad ee Musuqmaasuqa.

VIDEO: Kenya iyo Suudaan…


VIDEO: Kenya oo ka hadlaysaa Weerarkeeda Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlaya booqashadiisii Suudaan

Xasuuqii Wagalla, February 10, 1984

Suudaan oo Dalkeeda ka cayrisay Safiirkii Kenya u fadhiyey Khartuum
December 1, 2011

Xukuumadda Suudaan ayaa dalkeeda ka cayrisay safiirkii Kenya u fadhiyey magaalada Khartuum, arrintaas oo ka dambeysey markii Kenya sheegtay in ay xirayaan madaxweynaha Suudaan hadii uu yimaado Kenya. Waxa kale oo Suudaan u yeeratay safiirkoodii u fadhiyey Nairobi si uu ugu soo laabto Suudaan.

Maxaa Xiligaan ku soo Beegey in Maxkamad ku taal Dalka Kenya ay soo saarto Warqad ay ku Dalbeyso in la soo xiro Madaxweynaha Suudaan

Qaar ka mid ah Dowlaha Caalamka ayaa si weyn ula yaabey ka dib markii ay maqleen in Maxkamad ay leedahay Dawladda Kenya ay soo saartey Warqad ay ku dalbenayso in la soo xiro Madaxweynaha Wadanka Suudaan ka dib markii Maxakamadda Adduunka ay hore ugu jartey Warqad lagu soo qabanayo Al-Bashir waxayna Dalalka qaar ay sheegeen in Dalabka ka yimid Dowladda Kenya uu yahay mid ay gadaal ka riixayaan Dowlado shisheeye.

Hadaba Su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay Maxaa Xiligaan ku soo beegey in Dowladda Kenya ay warqad u jarto Madaxweynaha Dalka Suudaan waxayna Dadka qaar ay leeyihiin markii Dowladda Kenya ay taageero ka weydey Wadamada Yurub iyo Mareykanka ee ku aadan Duulaanka Dalka Soomnaaliya ayaa keentey in ay soo saarto Warqadaan Qabashada Madaxweynaha Suudaan waayo Dowladda Kenya waxay meel iska dhigtey Xiriirkii ka dhaxeeyey Dowladaha Kenya iyo Suudaan kii Afrikaanimo waayo Dalka Kenya wuxuu horseed u aha Heshiiskii ay Xoriyada ku qaateen Koofurta Suudaan iyo heshiiskii dhexmarey Suudaan iyo reer Koonfureedka sidoo kale Dowladda Kenya hadda ka hor waxay si cad u diidey mar uu dalkeeda yimid Madaxweynaha Suudaan in la soo qabto .

Wararka qaar ayaa sheegaya in Kulankii ka dhacay 25tii Bishaan November Magaaladda Adis-Ababa oo ay isugu yimnaadeen Wadamada IGAD ayaa waxaa dhacay in Kulan gaar ah oo ay Albaabadu u xiriran yihiin ay wada galeen Raiisul Wasaaraha Itoobiya Miless Zanawi, Madaxweynaha Kenya Kibaki iyo Madaxweynaha Koofurta Suudaan Salfa Kiir waxaana kulankaas la sheegey in Saddexdaas Xubnood isku raaceen in marka Dalkoodu uu yimaado Madaxaweyne Al-Bashiir la qabto isla markaana Gacanta loo geliyo Maxkamadda Adduunka , wuxuuna Heshisku uu dhigayaa in Kenya ay Maalmaha soo socda ay ku dhawaaqdo Soo qabashada Madaxweynaha Suudaan iyadoo laba dal ee kale ay iyana maalmaha soo socda ay iyana ku dhawaaqi Doonaan

Halkan ka dhegeyso safiirka Sudan u fadhiyey Nairobi

Qoraalka lagu soo qabanayo Madaxweynaha Suudaan ayaa waxay dadka Siyaasada u kuur gala ay sheegayaan in Urur Goboleedka IGAD uu haatan u muuqdo mid sii kala jabayo oo uu ka Abuurmey Isbaheysiyo waayo waxaa hore loo faquuqey Wadanka Ereteriya ka dib markii uu soo jeediyey Talooyin ku aadan in wax laga badelo Ururka IGAD dibna loogu celiyo Waxyaabihii hore loogu Aas Aasey ee ahaa la dagaalanka Abaaraha iyo Ayaxa , waxaa kuu Muuqanayo in Wadamada Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Koofurta Suudaan ay sameysanayaan Isbaheysi halka wadamada Suudaan, Jabuuti , Soomaaliya ay yihiin wadamada aan ka warqabin Waxa ka socda Urur Goboleedka IGAD

Carqalad siyaasadeed oo uu keenay hadalkii maxakamda Kenya hoos ka daawo

Madaxweynaha Suudaan waxaa la dhihi karaa wuxuu istaahilaa in lagu abaal mariyo Biladda Nabadda waayo wuxuu dharaar Cad uu Xoriyadii siiyey Koonfuta Suudaan oo Shacabka Suudaan ay ku adkayd in la marsiiyo sidoo kale wuxuu heshiisyo la gaarey Qaar ka mid wadamada Deriska la ah sida Uganda , Itoobiya , Kenya iyo Ereteriya wuxuu kaloo uu heshiis la gaarey ururada Mucaaradka ku ahaa Dalka Suudaan sidoo kale wuxuu Madaxweyne Cumar Albashiir uu Dalkiis u horseedey in uu gaarsiiyo Horumar dhinac weliba leh isago dalkiisa u soo saarey Shidaal uu iib geeyo

Wadamada Reer Galbeedka iyo Mareykanka ayaa haatan Moodaa in ay heleen Shaqaale Jaban ama Askar Jaban oo ay kaga maarmi karaan in qof iyaga ka mid ahi uu naftiisa kuwaayi karo bal fiiri Ciidamada Mareykanka iyo Yurub ee ka dagaalamaya Afganistaan iyo Ciraaq waxay qaataan halkii Askari ilaa Sideetan Kun oo doolar Bishii halka Ciidamada Afrikaanka ee ay u direen wadamada ay kaga baqayaan in ay halis kaga timaado wuxuu Askarigii qaataa kun laba boqol oo Doolar nin odey ah ayaa iyiri”Kun iyo laba boqol baad ka hadleysa kuwaan arkey Boqol doolar ayey ku shaqeyn karaan waxaana ka cabsi qabaa in Askarta qiimahoodu Jaban yahay ee Afrikaanka loo diro wadamada Ciraaq iyo Afganistaan marka ay ka baxaan reer Yurub uuna dib u soo laabto Xiligii Adoonsiga maadaama Afrikaanku aysan marnaba ka fakereyn wixii ay hore ugu geysteen wadamadooda Reer Yurub Dowladda Kenya waxaa laga yaabaa in ay horseed u noqoto Xasarado ka dhaca wadamada Bariga iyo Bartamaha Afrika iyadoo la fulinayo Danaha Reer Galbeedka haddii aysan imaan ka fiirsasho dheer iyo Taxadar.

Dowladda Suudaan ayaa dalkeeda ka Ceyrisay Safiirkii Dowladda Kenya u fadhiyey magaalada Khartmuum, kadib markii Maxkamad ku taalla dalka Kenya ay soo saartay Warqad lagu dalbanayo in lasoo xiro Madaxweynaha dalka Suudaan. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Suudaan ayaa Warbaahinta u sheegay in 72 Saacadood loo qabtay in dalka uu kaga baxo Safiirka Dowladda Kenya u qaabilsanaa magaalada Khartuum.
Sidoo kale waxay Dowladda Suudaan u yeertay Safiirkeeda u qaabilsanaa magaalada Neyroobi, iyadoona ay cirka isku shareertay Xiisad dhinaca diblu maasiyadda ah oo ka dhex qaraxday labada dowladood.

Isku soo duuboo sidii loo diley Hogaamiyihii Liibiya Khadaafi oo isu doonayey in uu isku xiro Afrika si ay uga maarmaan Wadamada reer Yurub iyo Mareykanka waxaa loo soo jeestey Wadamada Siiriya iyo Suudaan iyadoo Dalka Suudaan la doonayo in laga go’doomiyo IGAD ka dibna Afrika ka dibna Carab waxaana qorshahaas wada Wadamada Yurub iyo Mareykan waayo wadamadii Carabta ee uu isku tirinayey ayaa haatan u muuqda in Faquuqaan Wadanka Suudaan maadamaa Barqo cad hortooda lagu diley Hogaamiyayaashii Ciraaq iyo Liibiya marka haddii aysan Baraarugin Wadamada Carabta iyo islaamka waxay arrinku ku biya shubanaysaa Afartii Sac ee uu libaaxu ku dhici waayey ka dibna iyagii isku direy taasoo keentey in uu mid mid u cuno iyadoo kii ugu Dambeeyey uu yiri “Maalinkii Sac Madoobe la Cuney ayey Talo ii ekeyd”marka Wadamada Carabta weli Fursad ayey haystaan oo ay ku midoobi karaan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Suudaan oo ku dhawaaqday in ay Laba toddobaad kaddib mamnuuci doonto in hawada Suudaan ay maraan Diyaaraha ku socda Kenya, haddii…. "

  1. Runsheeg says:

    Haddii aan ka hadlo labo qodo oo ah
    1) – Maxaa Madaxweyne Omar Bashiir loo xirayaa?
    2) aduunka wadamadee ugu masuqmaasuq badan ma somali iyo waqooyi kuuriya mise?

    Akhristoow reer galbeed meesha ay dantooda ka waayaan waxay ku bilaabaan dacaayad iyo been, waxayna isku dayaan in ay dadka aduunka ku nool gaar ahaan Maan-gaabka iyo caqliga ka xadaan’
    Bal qodobka koowaad MD omar bashiir waxa loola dagaalsan yahay waa in uu wadankiisa hormar mariyey uuna la yimid shirkado shiinees ah oo daacad ugu shaqeynaayo uuna shidaalkiisa si xor ah u iibsado, waxaa la rabaa in sidii cigaal weynayaasha boqoro beenaadka layska dhuuqo, kadibna madaxa loo salaaxo taasna wuu ka diiday daayeerta mareykan iyo yurub
    2) musuqmaasuq sidee u yihiin somaliya oo aan og nahay in dowla la’aan tahay oo magaceeda intaas oo heyado oo UNka hoostaga ay NGO been abuu ah lagu cuno malaayiin waxaan lagagtaas ku noqtaa dadka reer galbeed ee nairobi xafiisyada ka urteen ka dibna galey gaduud dhacday masaakiinta u qaybiya, tan kale waqooyi kuuriya iyana markii ay ka tashatay reer galbeed oo ay tiri UFEEEEY ayey maseer dhuunta la go’een oo waxa ay maanta leedahay hubka halista ee Nuk. haddii hub la baabi’unayo muu mareykan iska bilaabo oo uu duugo. waa tuugo tuugo dhashay ee ciil ha u bakhtiyeen amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

  2. fatima says:

    waan ka xumahay maanta in omar albashir ay african ay dalbadan taasna waxay ku dhacday somalia oo dowlad la aan ah .hadaanu nahay somali wan ka soo horjeednaa in omar la waxyeeleeyo.carabna waxan leeyahay ka kaca meesha oo cadaowga islaamka iska dhiciyaa.
    viva sudan viva somalia

  3. Abukar says:

    Walaal Amiin,

    Qoraalkaagu wuxuu xambaarsan yahay warbixin iyo talooyin qiimo leh haddii laga reebi lahaa xogta aan sal iyo baar lahayn ee ku saabsan in askariga Maraykanka ah ee Afganistaan ka dagaallama uu qaato lacag dhan 80 000 dollar bishiiba. Haddii warkaasi sax yahay micnaheedu waa in 100 askari ay qaataan 8 milyan bishiiba ama sannadkii ku dhawaad 100 milyan oo dollar. Bal xisaabi mushaharka boqolka kun ee halkaas joogta. Waxaad mooddaa in markaan wax qoraynno inaan si caadifad ah wax u qorno oo ay kallifto in khalad noocaan oo kale ah aan ku dhacno. Buun-buuninta noocan oo kale ah iney qoraalka wax u dhinto ma ahane waxba ma kuma kordhiso.