Home » Warar »

Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka oo Sheegey in inta aysan Xilka ka qaadin Shariif Xasan ay la kulmi doonaan Shiikh Shariif iyo Ciidamada AMISOM

Xildhibano ka tirsan Barlamaaanka Federaalka KMG Soomaaliya ayaa Kulan Balaaran ay kaga hadlayeen sidii ay xilka uga qaadi lahayeen Guddoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ku yeeshay magalada Muqdisho.

Fadhigan ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Barlaamanka ayaa ahaa mid ay kaga hadlayeen Shirar maalmahanba ay wadeen kuna doonayeen sidii ay u diyaarin lahayeen Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Gaba gabadii kulanka ayaa waxa saxaafadda la hadlay Xildhibaan Bood oo ka mid ahaa Xildhibaanadii kulankas ka qayab galay isagoona sheegey in ka hor fadhiyadoodan in ay kulamo la yeesheen Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaliya iyo Saraakiisha AMISOM ugu sareysa kana dhaadhiciyeen sababaha ay u doonayan in ay xilka kaga qaadan Guddoomiyaha Barlamanka.

Xildhibaan Bood oo hadalkiisa sii wata ayaa inta raaciyay in Maalinimada Beri ahina ay u balan san yihiin in ay la kulman Guddoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Maalin kaddibna ay soo saarayan baaqooda ay xilka uga qaadayan af hayeenka Barlamaanka.

Xildhibaan Bood ayaan saxaafadda u sheegin waxyaabaha ay kala hadlayan Guddoomiyaha Barlamaanka waxayse xildhibaanadii kulanka isugu yimid ka muuqanayay sida ay uga go’an tahay in ay xilka ka qaadaan Shariif Xasan.

Dhinaca kalena waxa la filaya in magaalada Nayroobi uu ka dhaco kulan ay halka ku yeelanayan xildhibano ka tirsan Barlamanka ku meel gaarka Soomaliya kuwasoo taageersan xil ka qaadidda Guddoomiyaha Barlamanka.

Shalay ayay ahayd markii Xildhibano kale oo taageersan Guddoomiyaha Baarlamanka ay shirku yeesheen Xarunta Madaxtooyada DFKMG sheegeena inaan loo baahnayn oo ay joojiyaan Xildhibaanada ku shiraya Hoteelada sheegayana in ay soo diyaarinayan mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha kuwaasoo ku hanjabay in ay ka hor tegi doonan Mooshin walba oo ay xildhibaanadaan wadaan.

Si kastaba waxa mar kale soo muuqanaya khilaaf xooggan oo u dhaxeeya Xildhibaanada baarlamanka federaalka soomaliya oo qaar Guddoomiyaha ka soo hor jeedaan halka qaar kalena ay difacayan hadaba la arkii doonee halka ay ku dambeyso arrinta Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Heshiiskii Kampala Accord oo Ogolaanaya in Xukuumadda laga keeni karo Mooshin ka dhan ah haddii ay ku xad gudubto Axdiga FKMG

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Xasuuqii Wagalla, February 10, 1984

Wagalla Massacre – over 5000 “Kenyan” Somalis Slaughtered by Kenyan Military – February 10, 1984,


Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka oo Sheegey in inta aysan Xilka ka qaadin Shariif Xasan ay la kulmi doonaan Shiikh Shariif iyo Ciidamada AMISOM "

  1. warsame says:

    Shariif xiligiisii waa dhamaaday waana madaxweeynihii u liitay ee ku meel gaar ah ee soomara soomaaliya. hada in uu xag xagto shariifka baarlaamanka afhayeenka u ah maha. xiligiisii waa dhamaaday xoogna kuma sii joogi karo.

    Shariif xasan waxa uu ogyahay in shacabka MOGDISHO dagan aanay rabin wax dawlad nimo ah iyo in MOGDISHO lanabadeeyo runtuu ogaaday.

    Waxaa yaab noqotay in shariif xasan lagu haysto maxaad u leedahay dawladi mogdisho kuma shaqaynkarto? taasoo xaqiiqo dhab ah. soomaali uma afduubnaankarto 21 sano kabadan MOGDISHO beesha isbaaradu utaal ee u diidan nabada ileen hada majirto beelkale oo saamaliyeed oo hubaysan oo shacab ka ah MOGDISHO mudadaas aadka u dheer. xalku waa kaliya sida caalamka ka jirta in labadalo caasimada oo ladago meel dawladi ku shaqaynkarto taasaa xal ah wax kale majirtaan oo soomaali sii dugsataa.