Home » Warar »

Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo Diyaarinaya Mooshin ka dhan Shariif Xasan ka dib markii lagu eedeeyey in uu diidey in Baarlamaanka la horkeeno Road Map-ka

In badan Boqol Xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay gudaha Magaalada Muqdisho.

Kulankan ay maanta Xildhibaanadu ku yeesheen Hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho ayay waxay ku diyaarinayeen Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha barlamanka Soomaaliya Shariif xasan Shiikh Aadan.

Xildhibaanadan Maanta kulanka isugu yimid ayaa ka doodayay sidii ay xilka uga tirin lahaayeen Shariif Xasan ka gadaal markii ay ku Eedeeyeen inuu ku Xad gudbay Dastuurkii Dalka.

Xildhibaanada ayaa sheegey in Guddoomiyaha barlamaanku uu taageeray Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Road Map-ka kaasoo ay sheegeen inaan la soo marsiin Baarlamanka isla markaana ay u arkaan inaanay wax dan ah ugu jirin Shacabka Soomaaliyeed waaa sida ay sheegeen Xildhibaanadee.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale ku tilmaamay Shariifka Nin xilkiisii gudan waayay isla markaana ku kacay Khiyaamo qaran sidaa darteedna uusan qaban karin Xilka Guddoonka Barlamanka waa sida ay hadalka u dhigayeen xildhibaanadee.

Xildhibaanadii goobtaa saxaafadda kula hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Sheegoow iyo xildhibaan Cumar Isloow kuwaasoo ka hadlay waxyaabaha lagu Eedeynayo Guddoomiyaha Barlamanka.

Xildhibaanadii Maanta kulanka ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Barlamaanka u xil saartay inuu u shir guddoomiyo iyagoona sheegey in sedax maalmood kaddib ay soo ban dhigayaan Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Barlamanka.

Mudanayashan ka tirsan Baarlamanka ayaa indhawaaleba daba taagnaa Guddoonka Baarlamanka iyagoona hore u sheegey in haduusan qaban shirkii Baarlamanka oo habac uu galay in ay qaban doonaan shir ay iyagu soo diyaariyeen isla markaana ay xilkiisa fara gelinayaan iyagoo si ku meel gaar ah u dooran doona Guddoomiye shirka u shir guddoomiya..

Ma jiraan wax hadal ah oo ka soo yeeray Guddoomiyaha Barlamanka oo isagu haatan ku sugan dalka gudihiisa,Ma aha markii u horeeyay oo Xildhibaano ka tirsan Barlamanka ay Eedeyn u soo jeediyaan Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo Diyaarinaya Mooshin ka dhan Shariif Xasan ka dib markii lagu eedeeyey in uu diidey in Baarlamaanka la horkeeno Road Map-ka "

  1. Abdurahman says:

    Asc,
    Shariif Xasan uma daahaayo siduu ku xalin lahaa , boqolkaasi xildhibaan beritto ayuu kistooda siinayaa kadibna wey ka laabanaayaan arrinkaasi.
    Wax weyn lama aha Shariif Xasan waxyaabahaasi waa ninkii Farmaajo u qabeeyay , uma daahaayo xildhibaano luuq ka gashay kirada hotelka in ay iska bixiyaan , waa sida ila tahay