Home » Warar »

DFKMG oo cambaareysay bombooyinkii isdaba joogga ahaa ee lala beegsaday dadka ku jira cisbitaalada iyo skuulada

Mogadishu, November 30, 2011.) DFKM ayaa cambaareynaysa bambooyinkii isdaba joogga ahaa ee ay ka dambeeyeen kooxda Alshabaab ee ku xiriirsan Alqaacida.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ee DFKMG, Md:Cqaadir Xuseen Maxamed ‘Jaahweyn” ayaa ku tilmaamay bambooyinka Alshabab ‘fal fuleynimo ah ayna caddahay in ay Islaamka kasoo horjeedo, dhagarqabayaashu waxay beegsanayaan maatida iyo kuwa aan isdifaaci karin, sida dadka isbitaalada jiifa iyo goobaha waxbarashada”.

“Kadib markii lagu jabiyey goobaha dagaalka ayna ogaadeen in aysan shacabka Soomaaliyees marna kalsooni ka helayn ayay maciin bideen olole ay ku argagaxgelinayaan shacabka” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirku.

Wasiirka isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri, ” Halkii ay kala diriri lahaayeen xoogagga DFKM ayey weerarooda argagaxiso ku jeediyeen dhammaan bulshada Soomaaliyeed. Bal aynu milicsano dilka ay soo maleegeen dhagarqabayaasha Alshabaab, waa ayo cidda ku waxyeelowday, si aynu u ogaano sawirka dhabta ah ee Alshabaab:

1-Goobta:Dugsiga sare ee Maxamuud Xarbi, Degmada Wardhigley. Bambo la dhigey waddada dhinceeda ayaa galaafatay nolosha afar ruux oo dhammaantood carruur ah, halka ay sababtay dhaawaca 7 qof oo iyaguna shacab wada ah.

2. Goobta: agagaarka Jaamacadda Gaheyr. Bambo ay dhigeen waddada qarkeeda ayay ku dileen 1 qof oo rayid ah, halka ay dhaawacday 2 askari oo meesha marayey.

3. Goobta:Degmada Hodan. Bambo sidoo kale ay waddada dhigeen ayaa noloshii dhaafisay 1 qof, iyada oo dhaawacday 2 kale oo dhammaantood ah dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

4. Goobta:Cisbitaalka Banaadir, qeybta hooyada iyo dhallaanka. Bambo la dhigey dabaqa labaad ayaa dhaawacday 2 qof oo la joogey bukaan isbitaalka jiifa.

Wasiirka WBI ayaa yiri, ” maanta ciidamada nabadgelyada waxay si nabadgelyo ah u badbaadiyeen 3 bambo oo qarxi lahaa, degmada Xamarweyne, kadib markii dadweynaha oo maalmahan aad u feejigan soo wargeliyeen ciidanka in wax ay ka shakiyeen ay waddada ku arkeen. Sidoo kale maanta ciidanka xoogga ee ku sugan Vlla Baydhabo ayaa fashiliyey ismiidaamin lala damacsanaa goobtaas iyada oo dhaawacyo fudud gaarsiisey 8 ka tirsan ciidanka ilaalada”.

Tan waxay na tuseysaa sida dadka Soomaaliyeed ay si dhaw oo hufan ula shaqeynayaan dowladooda sida ku asteysan Qorshaha Nabadgelyada iyo Xasilinta Dalka.

“Haddii cid uun madmadow uga jirey waxa iyo cidda ay yihin Alshaaab, waxaa ku filan tusaalooyinkaa na horyaal ee ka arradan bani’aadamnimada, dhaaqanka Islaamka. Alshabaab waxay ku caanbaxeen iney qudha ka jaraan carruurta dugsiyada bukaanka cisbitaalada ku jira. Innaga iyo shacabkeena oo kaashaneyna dunida inteeda kale ayay tahay inaan sii wadno dagaalka lagu hayo dhagarqabayaasha illaa ay nabadda iyo xasiloonida kusoo laabanayso dalka”. ayuu kusoo gabagabeeyey wasiirku.

Somalia MIPT Media media@mipt.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " DFKMG oo cambaareysay bombooyinkii isdaba joogga ahaa ee lala beegsaday dadka ku jira cisbitaalada iyo skuulada "

  1. Runta sheeg says:

    A.c Alshabaab waan wada naqaan oo bambo meel ma dhigto, waxyaabahan aad sheegtay badankooda waa looga been sheegay, waayo falalkeeda waa kuwo waaweyn, waana sheegtaan,ee kuwan waxaa ka danbeeya dowlada oo rabta inay xalaaleyso soo gelitaanka ciidamada Kenya iyo Itobiya.
    Ee dowladeey ka daaya shacabka dhaca, boobka, iyo bambo jid u dhigida, awalbaad bad i beriba iibsateene, dan shacabna kuma maqnidiin.