Home » Warar »

Injineer Idiris Xasan Faarax oo si weyn uga Hadley Soo Gelitaanka Ciidamada Kenya iyo Itoobiya

Injineer Idiris Xasan Faarax oo ah Siyaasi ku sugan wadanka Finland ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay idaacad Islaamiga ah Al-furqaan waxa uu ku sheegay Duulaanka Dowladda Kenya Ciidamadoodu ay kusoo Galeen Wadanka Soomaaliya kuwa kalana haatan ay ku soo wajahan yihiin ay la xiriirto sidii Gudaha Wadanka Soomaaliya Itoobiya ay kaga Difaacan lahayd kaniisadaha ku yaala Wadankeeda.

Injineer Idiris Xasan Faarax ayaa Sheegay Dowladda Itoobiya Burburkii Dowladdii Maxamad Siyaad Bare in marnaba aysan ka bixin Gudaha wadanka Soomaaliya,xilikasytana ay ku shaqaysan jirtay Dad Soomaaliyeed oo adeega u ahaa Dowladda Itoobiya.

Mar uu soo hadal qaaday Madaxwaynaha Dowladda Kmg Shariif Shiikh Axmad ayuu sheegay in Shariif Lacag shan Milyan oo doolar ah uu ku bixiyay Doorashadii lagu Doortay wadanka Jabuuti islamarkaana hadalkiisii uu xiligaasi ku diidanaa Joogitaanka Itoobiya ay ahayd mid uu ku doonayay inuu ku hanto shacabka Soomaaliyeed,islamarkaana waqtigaan aysan ahayn wax lala yaabo in Itoobiya uu u ogolaado Ciidamadoodu inay Ku soo Duulaan wadanka Soomaaliya.

Halkan hoose kadhegeyso Codkii Injineer Idiris

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/Waraysi_ ingineerIdiris.mp3]

Siyaasiga Idiris Xasan Faarax ayaa canbaareeyay hadal Gudoomiyaha Baarlamanka Kmg uu ku soo dhaweeyay Dalka inay soo gaaraan Cid kasta oo la dagaalamaysa Xarakada Alshabaab

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Injineer Idiris Xasan Faarax oo si weyn uga Hadley Soo Gelitaanka Ciidamada Kenya iyo Itoobiya "

  1. Walaalyaal Ra’isal waasaraha Somalia prof. Abdul-weli shir ugu qabtay jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Qatar ayaan kaqeyb galey. Su’aal aan jaanis aan weydiyey oo aheyd sababta Ethiopia keentey wadanka wuxuu ku jawaabay isagoon isdhibin: Markii aan anaga kala baxsan weyney ayaan ugudubnay wadamadii dariska! Waxaana yeelanay cadow mid ah oo ubaahan in la’iska kaashado!
    Su’aal: Haddiiba aan nirahno Al-shabaab amaanka wadanaka Kenya ayey wax udhimeen, goormaan maqalnay Al-shabaab wax udhimay amaanka wadanka Kenya?
    Su’aasha kale ee la’isweyinkaro: Dowladahan ma iska yimaadeen mise waa loo yeertey?
    “Nabsiga wadankaan laga galay yaa lagalbandoona maalinta Aakhiro ee adoomada lawaydindoona waxay soo qabteen”

  2. muslim says:

    salaan kadib.
    Idiriis wuxuu hayaa maskax nabadgashaywadaninimo,daacadnimo,islaanimo iyo garasho.
    Soomaaliyana cadawgeedi siibaday. aqooni wax matarto hadii caqli jirin
    madaxda maanta jirtana caqligoodi wuxuu noqday hunguri ceeb iyo taariikh
    midna dan kama leh. Umada soomaaliyeed waxaan leehay umidooba cadawgiin calooshana xirta cadawgiinu waa cadawga ALLE.

  3. Harbi says:

    Asalaamu CWW- Idris warkiisa waa dhab in waa Aqonyahan Xogogaal ah, Xaqiiqadii kuwa madaxda iskaga keena dhigahaya masuuliin waa sida uu sheegayo Live Michin ayaa ku rakiban, Umada Somaliyeed waa iney tashadaan , khaasan waa in laga tashado Labada Shariif iyo kuwa Talada Ethiopia iyo Ajnabiga Duruska u yeeriyaan , Somalidu waa iney isku tashataa oo Fikradahooda Wadankooda ku maamushaan, waana mida keliya oo aanu Danta Dalkeena ku horimarin karno, Tankale Odayasha Dhaqanka, Aqoonyahanada, Dhalinyarada iyo Haweenkuba waa laga shaqeeyo midnio iyo Somalinimo– Waxaa kaloo ku talin lahaa in Websedyada iyo Dhamaan Mediyaha Somalida waa in loo sheego in ay joojiyaan Isku dirka iyo Qabyaalada ay faafiyaan, si umada Somaliyeed oo Walaalaha ah u midoobaan Wadankeenana Dhisano, ma jirto Cid Dalkeena noo dhiseysa.

  4. qooqaani says:

    MALINTII SHARIIFKA LA DOORTAY MALINTII KU XIGTAY WUXUU U DOONALAY ITOOBIYA MARKA WAX NUGU CUSUB MA AHA DADKA XAMAR DAGEN WAA LA SOCDAAN OO ALSHABAABKA NAFTIGOODA CANSAR BAY LEYIHIIN DOWLADA ITOOBIYA,

  5. Aadan Zaki says:

    (Nacalad ha ku dhacdo qofka laaluush Bixyaa iyo Kan Qaata ) Diinteenu xoog ayay u diiday in la bixiyo lana qaato Laaluush , ”Shekhu” Hadduu Laaluush ku bixiyay 5 Million Doolaar inuu Noqdo Madaxwayne , maxaa laga filayaa Dadka aan Alif Quraan dhigan soo Badaha iyo barigaba sayladaha adduunka dhigi maayaan ,

    Eng Idiris waad mahad san tahay dalka iyo dadka somaliyeed Dullaaliin ayaa maanta inta badan matala in laga qabtana Danbi maahan , ciddii wax halaynaysana in la sheego Somalitalk deel qaaf kuma ahan

  6. Hussein says:

    S.w.w.w

    Walaalkeen khayr Allah ha siiyo nin kasta oo xog ogaal ahna waxa uu waddanka ka ogyahay in si hoose iyo si koreba inuu oga hadlo waa waajib saaran, su’aashuse waxay tahay qof walba wuxuu warkiisa ku soo koobayaa waxay ila tahay!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! Teeda kale aqoonyahanoow xaalkaagu ma sidaasaa, culumadiina aragnay, yaa inoo harsan, Allaa inoo maqan, ee hadal inta la iska daayo ficil haloo dhaqaaqo ninkasta ha u dhaqaaqo inuu u dhinto diintiisa iyo dalkiisa iyo dadkiisa.

  7. Bilqeyr. says:

    marka hore waan idin salamaay dhamaantiin somalitalk iyo inta fikradooda ka dhiibanayso salaan kadib waxan oran lahaa dowaladan mid lamid ah wali inama soo marin 21kii lasoo dhaafay dhibaatooyin badan baa ina soo maray waxa wadanka heystana waa Alqaaida marka dowladan hada inoo curatayna ma laha awood ay iskaga difaacdo marka danta baa ku qasbeysa in ay dowladaha deriska ah caawin ka doontan.

    anigu waxan cadeeynayaa dowldan ka hor in dhibaato xoog leh lagu jiray umadiina ay isku baabaday caalamkana ay dib usoo eegi waayen markii ay shacabkii udul qaadan waayeen baahida iyo gumeysiga lagu haye waxay usoo carareen xamar oo dagaalo ka jiraan hore ayaana laga qaabilay oo wey ku nafiseen caalamkana waa usoo gurmadeen hadda baahidii waa yaraatay colaadiina sidoo kale qaraxyo aan la filaneyn uunbaa ka jiro hadda ayagana waa laga saari doonaa goboladana sidoo kale marka waxa loo baahan yahay inla xasuusto dhibaatada aan soo marnay ee ma aha nin walbo in mucaarad lagu naqdo haddii kii wax qaban lahaa iyo kii aan wax qabaney lakala saari waayo dhibaatada waa sii badan.

    dad yahaw shariif cid dhaanto ma jirtee asaga halaga danbeeyo waa muwaadin ilaah noosoo adeejiye asagoo aan yara sugno.

  8. Abdirahman says:

    SC.

    Walaahi waa shaqsi xog-ogaal ah oo garaya dhabta jita ee taariikheed iyo wacyiga iminka jiraba…Jazakalah khayr ing. in aad sheegto dhabta iyo in waxa la’ilaalinayo ee duulaanka loo yahay ay tahay kaniisadaha Abbassinia ee doonaya in ay dulaystaan dadka islaanka ah ee geeska afrika inta hartay ee damiirka leh.

  9. Muwaadin says:

    Soomaaliya insha,Allaah ma gablamin, waxaa soo ifaya nuurkii lagu kala bixi lahaa. Shacabka muslimka ah ee soomaaliyeed lama tirtiri karo ciddii taa ku riyooneysa ha iska ilaawdo, dowladaha deriska ha ogaadeen waxa ay maanta sameeyaan waa waxa ay beritoole la kulmi doonaan.

    SOOMAALIYA HA NOOLAATO IDIN EEBE