Home » Maqaallo »

AROOS:Jaabir Xuseen Gaacayte iyo Ayaan Cali Axmed (cali xaad)

Waxaa 26-kii bisha November 2011, ka dhacay magaalada Eskilstuna ee dalka Sweden Aroos aad iyo aad u qiimo badan. Waxaana halkaas ka dhacay aqalgalka

Jaabir Xuseen Gaacayte iyo Ayaan Cali Axmed (cali xaad)

Waxaa Arooska kasoo qaybgalay ehelada arooska iyo aroosada, asxaabta iyo dhamaan dadweynaha soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Eskilstuna iyo gobolada u dhow. Dadka ehelka ah ee arooska kasoo qaybgalay ayaa ka kala yimid meelo kala duwan oo dalkaan Sweden ah, sida Stockholm, Göteborg,Linköping, Nörrköping, Västrås, Falköping iyo Hallsthammar, Waxaa kaloo laga yimid wadanka Ingiriiska iyo Norway. Dadka kasoo qaybgalay arooskaan farxada leh waxaa ay ka koobnaayeen culimo u diin, aqoonyahano, haween iyo dhalinyaro. Waxaa munaasabada laga soo jeediyey hadalo qiimo leh, wacdi iyo kelmado guubaabo ah oo loo soo jeedinaayey Arooska iyo Aroosadaba. Dhamaan dadkii kasoo qaybgalay Arooska waxaa ay hanbalyo, bogaadin u direen wiilka iyo gabadha aqalgalay. Waxaa ay ilaahay uga baryeen inuu reerkaa cusub ka dhigo mid kheyr qaba oo aayatiin fiican, ubad kheyr qabana oo lagu farxona yeesha. Dadka kakala yimid meelaha ka baxsan magaalada Eskilstuna waxaa ka mid ahaa:

Cabdiqani Xuseen Gaacayte, UK

Ugaas Ibraahiim Ugaas Yaasiin ugaas C/raxmaan. Gothenberg, Sweden

Cabdirashiid Cali Axmed , Norway

Caaqil Cabdiqani Barre, Göteborg, Sweden

Cabdirisaaq Bile Nuur, Göteborg, Sweden

Cabdulqani Maxamed Saleebaan, Göteborg, Sweden

Salaad Maxamed Jaamac, Göteborg, Sweden

Bashiir Cabdi Cali, Nörrköping, Sweden

Maxamed Jaamac Isticmaar, Nörrköping, Sweden

Sareedo Rooble, Nörrköping, Sweden

Muxubo Xuseen Maxamamuud, Nörrköping, Sweden

Qaasim Deero Dile, Hallstammar, Sweden

Xeef Cali dhuxul, Västrås

Saciid c/rxamaan – Saciid Tuute. Linköping, Sweden

Cali daahir, Stockholm, Sweden

Muuse Ahmed, Stockholm, Sweden

Cabdi Shire Seed, Stockholm, Sweden

C/raxmaan Falastiin, Stockholm, Swedenockholm, Sweden

C/raxmaan Falastiin, Stockholm, Sweden

Waxaa qoraalka diyaariyey:

C/risaq Maxamed Xuseen-dheere

habdirisak@hotmail.com

Eskilstuna, Sweden

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " AROOS:Jaabir Xuseen Gaacayte iyo Ayaan Cali Axmed (cali xaad) "

  1. Maxammed Faahiye says:

    Hambalyo! Hambalyo !Hambalyo!

    Waxaan hambalyo iyo bogaadin hawada u marinayaa Ina xuseen gaacayte, Mr Jaabir iyo Xaaskiisa ayaan cali ahmed. waxaan leeyahay wiil iyo caano, gabar iyo caano, bash bash iyo barwaaqo iyo kheyr alle idiinka baryayaa.