Gudoomiye Faarax isagoo ka hadlaya arrimaha soomaaliya waxaa uu yiri “soomaaliya, iyadda ha is qadariso, ha isla doodo, wax meel ha isla dhigto, wax kasta way ku heshiin kaartaa Soomaali, wanaagii iyo horumarkii iyo sharaftii ummadda soomaaliyeed ay leedahayna waa la soocelinkaraa, intaa uun baan kuu sheegikaraa”. Ayuu yiri
Gudoomiye ku xigeenka mar aan weydiiyey soomaaliya waxa ka barankarto doorashadan ka dhacdey dalka jabuuti, ayaa waxaa uu yiri “ soomaali meel ay joogto waa isku dhaqan, waa isku diin, waa isku taariikh weeyaan, markaa dhibkii ka dhacay soomaaliya labaatankii sanno ee aan soodhaafney iyo ka horeba, wax soomaalidu ay taariikh u lahayd ma ahayn, waa wax qariib ah, doorashooyinka ka dhacay Jabuuti, waxay ka fahmikartaa soomaali iyadoo aan islaayin oo xabad isku ridin oo aanan dhiigooda daadin, inay wax kasta lagu kala bixikaro.
Doorashada ka dhacdey Jabuuti iyo Somaliland, wax la mid ah malahan ayaan ku orankaraa qaaradda Afrika taariikhdeedii hadde 50 iyo dhowr sanno, doorasho cidna aan ku dhiman, cidna wax lagu yeelin, cidna isugu gacan qaadin oo si nadiif ah ku dhacdey ayaa jabuuti ka dhacdey, Somaliland ka hor taas tu la mid ah baa ka dhacdey, marka in aan dhaqan u leenahay inaan annagoo isleynin wax kasta ka heshiino oo ninka la rabo la doorto oo loobadan yahay, ninka laga badiyana saliga intuu gacanta geliyo, kan kale uu oranayo walaalloow waad iga badisey wadanka aan wada dhisno tii baa hadda inoo soobaxdey, Somaliland way ka dhacdey, jabuutina way ka dhacdey Ummadda soomaaliyeed oo kale ee Jamhuuriyadana inay u hawl galaan ayaa loo baahan yahay arrimaha ceykaan oo kale”.
Maadaama xiliga aan wareysiga la yeeshay gudoomiye ku xigeenka ay ahayd xili khilaaf daran uu ka dhex taagnaa Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif iyo Gudoomiya baarlamaanka DFKMG Soomaaliya Shariif Xasan ayaa waxaan Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kiiniya Faarax macallin weydiiyey su’aashan, Dowladaha deriska ah maadaama aad addiga ka socoto dalka Kiiniya, waxaa ku hareereysan soomaaliya dowladaha Kiiniya, Itoobiya iyo Jabuuti, qul qulatooyinkan hadda ka taagan madaxda sare ee TFG sideed u arragtaa?
Faarax waxaa uu ku jawaabey sidan “annigu waxaan ogahay oo hadda I horyaalo, ash-khaas kama hadlikaree, laakiin wixii Af-kaar oo aad I weydiiso uun baan wax kaaga sheegikaraa, hadaad I weydiineyso in soomaali xiligan ay u baahan tahay in doorasho la sameynkaro, lama sameyn karo” ayuu yiri.
Markii aan weydiiyey sababta ayaa wuxuu yiri “ wadankii ma dhisno safreyd lama sameykaro oo ninkastoo soomaali ah dimuquraadiyadiisa la sugikaro lama sameyn, keliya waxaa la sameynkaraa, hadda ka horna soomaaliya kama dhicin doorasho, wixii lixdameeyadii ka dambeeyey, tan dhacdey maalin dhoweyd, odayaal la isku keenay oo baarlamaan hagaajiyey weeyaan, baarlamaankii wuu jiraa hadda, baarlamaankii baa madaxweyne doortey, haddii hadda la yiraahdo dib ha loogu noqdo sheekadaasi, oo baarlamaanka dib haloo hagaajiyo, iyadoo wadanka nabadiisa la sugin, laguma tilmaamikaro in ay waddo sax ah ay tahay oo dimuqoraadiyad lagu sugayo waa uun dadd doonaya kanna siib kana saar, waxa la isku laynayon waa soomaali ee hala sugo wanaageeda marka hore, maantana maalin ay ka dhowdahay labaatankii sanno ee aan soodhaafney anniga iima muuqato, halasiiyo dowladaneystanoow fursadii ay ku soo af-jari lahayd dhibaatooyinkii jirey.
Inistuwiishanka wadankana ay u dhisi lahaayeen, ciidamo soomaali oo la tababarey ayaa hadda wadanka ammaankiisa sugaya, hala kaalmeeyo, hala hagaajiyo maamulka, maamul goboleedka hala hagaajiyo, wadanka markuu dego, annigu waxaan aaminsanahay in laba sanno gudaheeda lagu dhameynkaro, markaas kadib doorasho hala sameeyo.
Laakiin hadda haddii ay beesha caalamka isku imaato, UN-ka ay yiraahdaan wey dhamaatey sideedii bilood, waxaa la doonayaa wanaagan yar oo la gaarey in dib loogu celiyo dadka dhibkii marka laga soobaxay, dowladna sideedaba, baarlamaanka isaga ha isku tashado, haku talo galo gudoomiyahooda waxay ka rabaan, haday rabaan gudoomiyaha inay ceyriyaan ha ceyriyaan, haday reeban karaan ha reebtaan taa baarlamaanka ayey u taalaa, laakiin baarlamaanka lama jebinkaro hadda, dowladdana waa in la siiyaa fursadii ay kusoo af-jari lahayd ol olihii ay sameysey, waa dowladii ugu horeysey oo si dhab ah u shaqeysa muddo dheer sidii bur burka soomaalida u bilaabatey, laakiin hadda hala kala bedelo, waliba raggan dhalin-yarada waxay inta badan ka yimaadeen dibadda, waa rag wadaninimo ku jirto oo dadaalahayaan, fursadii ay ku dhameyn lahaayeen hawsha hadda ay wadaan waa in la siiyaa, ugu yaraan laba sanno.
Waxaan keloo aan weydiiyey Faarax Macallin, maadaama xiligaas xili ku dhow uu mudo kordhin sameystey Baarlamaanka DFKMG, islamarkaana Baarlamaanka DKMG uu dadaal ugu jirey in Doorasho madaxweyne sidii loo sameyn lahaa, taasina ay ahayd waxa la isku diidanaa oo khilaafka ugu xooga badan keenayey, ayaa waxaan su’aaley, Doorashada baarlamaanka uu hadda sameynayo, waxa ka soobaxa dowladaha deriska ah ma aqoonsanayaan?
Hadaladii oo dhawaanta yiri Faarax Macallin ka eeg halkan
Faarax wuxuu ku jawaabey “gudoomiyahoodu mar walba wey dirikaraan markey doonaan, baarlamaanka kiiniya, gudoomiyaha ama gudoomiye ku xigeenka hadday rabaan in ay xilka ka wareejiyaan, intaas maalmood uun baa la bixinayaa, maalin kasta wey dirikaraan, laakiin baarlamaankan dhisan dib haloogu diro Odayaashii oo baarlamaan cusub hagaajiya, ku talo galkeeda ma ahan soomaali.
Waxaa kaleo oo aan weydiiyey waxa uu u soojeedinayo soomaaliya?, Faarax waxaa uu ku jawaabey sidan “waxaan usoojeedinayaa, Baarlamaanka sidiisa haloodaayo, dowladuna sideeda haloo daayo, mudo laba sanno ahaan ha qaadato ugu yaraan, hadey baarlamaanka doonayaan Gudoomiyahooda in ay iska bedelaan ama gudoomiye ku xigeenkooda, iyaga ayey jirtaa, laakiin looma baahna taa doorashada ah, maalin kasta xukunka dowladda fursadda hala siiyo, baarlamaankuna yaan la bedlin ilaa waqtiga uu dhameysto, doorasho rasmi ah oo xalaall ah mar ay dhicikarto, yaa lagu ol oleeyaa doorasho, laakiin waa beesha caalamka oo aanan daacad ka ahayn wanaaga soomaalida, haddana waxay arkayaan in wanaagii soo yara ifahayo, lama doonayo in laga gaaro xal!!”.
Waxaan weydiiyey yaad ku eedeyneysaa dhibaatadan faraha badan?! Wuxuu yiri “UN-ka, wadamo Ajnabi ah kuli wey ku jiraan, looguma talo gelin soomaaliya in ay degto”!!.
Ugu dambeyn waxaan weydiiyey su’aal jawaabteeda xiligan aynu joogno la heley, islamarkaana ahayd xiligii aan weydinayey xili la qarinaayey qorshaha hadda ka socda xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Kiiniya, su’aashuna waxay u dhacdey sidan Kiiniya miyey ka maran tahay arrintaas?!!.
Gudoomiye Faarax Macallin waxaa uu ku jawaabey sidan “wey ka maran tahay arrintaas, haatan aan joogno, ma mar hore mise hadda ayuu igu sooceliyey, haddana isagaa isaga jawaabey, hadana wuxuu yiri “hadda wey ka maran tahay”!!.
(Wareysiga Faarax oo Dhameystiran Halkaan Ka Daawo)
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com.
Waxaan codsanayaa inaan lagu xad gudbin shaqsiyaadka, ee laga hadlo oo keliya fakarka uu qofku ku hadlay ama uu gudbiyey.
Mahadsanidin
faarax waa nin ay ka madowdahay siyaasadda . waa nin qablaayalad faraha u gashay, marka aqoon ha jirto, dadka soomaaliyeed yeesan moodin wareysiyaddii laga qaaday uu kaga sow horjeeday duulanka itoobiya 2006 in uu ku yahay wadani,soomaaliyeed kaasow jecel hori marka ummadda soomaaliyeed, taasi waxaa ku yimid fashil oo asaga & dowladda ka tirsanyahay, duulanka ku ah ciida ummadda soomaaliyeed marka tii horana waxaan u garanay in uu ahaay nin si dadban ugu shaqeynaya itoobiya, maadaama waqtiyadda qaar la abuur mucaaradda adigu wadato marka la baaro cilmiga siyaasadda, kaasow ayuuna ahaay shalay xaqiiqda marka la eego.
Kenya “HADDA WAY KA MARAN TAHAY”, warasyiga intiisa kale oo dhan iama soo jiidan waayo waxa hadda taagan ma aha, waxa hadda muuqda waa jawaabta sare ku xusan. Laakiin, wuxuu ku siiyey jawaab uu siyaasi bixiyo, waayo HADDA oo ah waqtiga aad joogteen way ka marnayd si muuqata, laakiin HADDA oo ah waqtiag aan joogno kama marna. Jawaabtaas su;aal ayay ahayd ka dhaliso ah, qaabkee ayay ugu jirtaa Kenya arrimaha Somaliya waa mar hore ayuu ku soo yiri UNta iyo wado ajnabi ah. kenya sow anjabaiga ka mid ah?
ACW! walaalayaal ugu horeyn soomaalida dhibka ugu weyn oo haysta runta kamasheegan waxa un ay jacelyiheen waxaa weeya in ay isqab qbsadan oo beelba beesha kale ay un eed u jiidiso. Arinta dhabta ah ama qofka falka falay lagama hadlo ee waxaa lagahadla un beeshu kadashay ninka falka falay. Marka layirahdo nin hebel baa madhax ka ahaanaya somalia ama kobal fulaan su´aasha somalida ay is weeydarsadan badana waxaweeyan waa qabil ma? ee ismaweeydiyan aqoontisa iyo kartadhisa?Manta heer waxaan joogna reer hebel ama wadan hebel shabaab ayaa ka jaclahay in layirahdo anagoo wada ogsoon dhibka ay wadhan. Marka somalia calamka (UN) ayaa dooneynin oo raali ka ah in lagu xaad kudbo.
farax ma’alin waa Somali waxna iskama badalin fikirkiisa lakin wuxuu arkay SOmali inaysan wax lagu daalo ahayn. hadalkiisii si xun ayaa loo turjuntay macnaha siduu u yiri iyo sida loo qaatay waa kala 2 isaga wuxuu ka waday maamul loo dhiso jubooyinka ayaa laga maamulayaa. for example, Boosaas iyo gaalkacyo ma muqdisho ayaa laga xukumaa mise Garowe? waxaa layiri “hal ninkii lahaa dabada uga fadhiyo ma kacdo” Somalia waa saas dadkii lahaa ayaa cunaya Kenya iyo Ethiopia marmarsiin yada halaga daayo. qabiil ayaa isku wada haysanaa waxna iskuma ogolin. xata hadan heli karno maamulada nabada haysta waan ka burburin lahayn for no reason.