Home » Faallo »

Imaam Shiikh Axmed Ibnu Xanbal oo AL-Shabaab Lacnaday !!!!!

 

Horudhac :

Akhristoow Cinwaankan ma rabo in aan kugu soo jiito se waxaan ka wadaa mid run ah maxaayeelay Imaamku wuxuu lacnaday Mid ka kheyr badan AL-Shabaab oo ficilkooda mid la mid ah Sameeyey asagoo u Daliilshaday Aayad Quraan ah .

Akhristoow Culumaddu Waxay u kala baxaan kuwa Quraanka micnihiisa Dhuuxa iyo kuwa Daahirkiisu soo jiito oo la yiraahdo

Daahiriyiin waa kuwa qaata Qolofta kore ee Mooska ee aan u daadagin Lubiga macaan ee Mooska.

Waxaa la yiraahdaa Imaamkii weynaa ee Mohamed Ibnu Xazam ee ahaa Culumadda Madhabta Daahiriga aadka u Shaaciyey ayaa, waxaa laga wariyey in uu yiri: ( wallaahay waxaan ahaan lahaa Saxaabaddii isku khilaaftay Xadiiskii Nabiga kuwooda Qaatay Daahirkiisa oon Salaadii Casar tukan) Muxuu ahaa Xadiiskaas Akhristoow bal ila fiiri.

Markii uu dhamaaday Dagaalkii weynaa ee Axzaab ee gaaloo dhan isku bahaysteen in Madiina la weeraro oo bil dhan dul fadhiyeen ayaa, Nabigu markii uu tagay Gurigiisii asagoo Dharkii Dagaalka iska dhigay oo mayranaaya ayaa waxaa u soo waxyooday Malaku Jibriil oo ku yiri Mohamadoow adiguna Darkii dagaalka waad dhigtay se annagu wali waan ku shakaalanahay Hubkeenii ilaa Banii Quraydha,

Markaas buu Nabigu ha la Adimo yiri oo Muslimiintii isku yeeray wuxuuna u sheegay :

( Ninkii wax Maqlaaya ama i adeecaaya yuusan Salaada Casar ku tukanin ilaa Reer Banii Quraydha Aqaladooda Mooyee ) !!!!

Markiiba Saxaabadii Dhagaha Nugleyd dharkoodii Dagaalka ayey isku boobeen hubkoodiina waa geeda saarteen horay bayna ka carareen, markii ay meel dhexe maraayeen ayaa Salaadii casar liiq noqotay oo ay ku sigatay in qoraaxddii dhacdo.

Markaas ayaa Saxaabaddii is Khilaafeen labo qeybood :

1) Qaar waxay yiraahdeen aan Casarka tukano Nabigu wuxuu ka waday degdegga ee casar ka tagga kama wadin.

2) Qaar kalena waxay yiraahdeen maya nabigu reer Banii quraydha(1) ilaa aad gaartaan ha tukanina ayuu yiri.

Haddaba Akhristoow Caalimka ibnu Xazam oo dhacdadaas 500 sano kadib yimid ayaa dhaar ku maray in uu qolada danbe ee Salaadu ka tagtay noqon lahaa ,sababtoo ah taas ayaa u dhadhameysa , SE Akhristoow anniguna oo 1500 sano kadib imi ayaan dhaar ku marayaa in aan tukan lahaa oo

taas ayaan ii dhadhamaysa , mar naba qolofta mooska ima sirteen ee macnaha lubigu tilmaamaayo ayaan malabsan lahaa .

Haatanna haddaan u dhaadhaco sidee buu Axmed bin Xanbal Shabaab u lacnaday isku waqtiba ma aheyne !!!!ayaan waxaan oranayaa waa maahmaah waa sarbeeb waa macno suugaaneed , waxay la mid tahay maahmaahda soomaaliyeed ee ah ninkii seexdaa sacii dibi dhalaa ,taas oo laga wado ninkii

aan shaqeysanin ee dadaalin wax xun buu la kulmaa .

Waxay Culumado dhahaan ( Cibradu waa wax kasta oo macnahaas qaadanaaya ee ma ahan sababta ficilku ku baxay ) macnaa sabab nuzuulka Aayadda ama sabab nuzuullka xadiiska ma ahan cibraddu ee waa wixii la macno ah ee arrinkaas ku saabsan waqti kasta ha yimaadee, waa sida tii ibu xazam & taydiiba .

Imaam Axmed bin xanbal oo baneeyey in la lacnado Amiirkii Yaziid ibnu macaawiya :

Imaamka Axmed bin Xanbal ayaa wiilkiisa C/llaahi weydiiyey Aabbo Yaziid Bin Macaawiya ma la lacnadi karaa ???? (2)

Markaas ayuu ugu jawaabay maxaa loo lacnadi waayey Ruux Allaah lacnaday ????

Markaas ayuu C/llaahi yiri Aabbo Quraanka waan Akhriyey mana ku arkin meel Yaziid lagu lacnacay ??? (3)

Markaas ayuu yiri Imaamku Allaah wuxuu ku yiri :

ارحامكم
فَهَلْ عَسَيْتُمْ إِن تَوَلَّيْتُمْ أَن تُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ وَتُقَطِّعُوا
( miyaad mudan tihiin haddii aad dadka u talisaan in aad dhulka fasahaadisaan oo aad riximka goysaan ) 47:22

( Then, is it to be expected of you, if ye were put in authority, that ye will do mischief in the land, and break your ties of kith and kin?) 47:22

Markaas ayuu Imaamku yiri ma fasahaad ka badan iyo qaraabo goyn ka weyn baa jirta waxa uu sameeyey yaziid .

Haddaba Yaziid wuxuu ahaa amiirkii muslimiinta ee aabihiis mucaawiya uga danbeeyey Xukunka wuxuuna haayey 60-64 wuxuu ciidan u diray Madiina iyo makaba oo ay dad ku dileen , waxaa kaloo uu adeerkiisii beenta ahaa ziyaad ibnu abiihi ee ciraaq xukumay uu dilay Xuseen ibnu cali iyo ahlu bayt badan oo nabiga ehelkiisa ahaa oo lagu qiyaasay 70 in ka badan, taas oo aheyd fidno weyn oo dad rixim ah la laayey .

Haddii uu Yaziid taas lacnad ku yeeshay bal Akhristoow ka waran Shabaab dilka ay ummaada Muslimiinta ee Soomaaliyeed u geysteen ilaa 2009, miyeysan lacnad ku mutaysaneynin .

Bal ila fiiri inta gef ay geysteen :

Wixii ka dhacay magaallada xamar tallaadadii bisha october 4 aheyd, wax yaable bay aheyd Dilitaanka 100 qof iyo wax ka badan iyo dhaawac gaaraaya 140 qof.

Waa dhacdadii shaamoow oo kale Ardey iyo waalid iyo macallimiin, maxaa caawa xalay uga eg,Muslim baa la leynayaa janaana lagu galayaa, waa koox kale oo dhallinyaro la habaabshay oo mar kale is halaagtay dad iyo maal iyo moodna galaafatay,maxaa adduunka imtixaan daadsan dadkuna ku tumanayaan, Godane janadii ma nacay,xasan daahir 70 kii xuural ceyn ma iska diiday,Rooboow janatul firdowso iskula hareey,shongolo naar ha u darbadee, ibraahim miicaad baqadee, Cali dheere maanta ma qirtay, Tolow muxuu tanna u diidi wayey,hooba naar la galaaw ha la tiinbadoow…. inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajucuun….

wallaalayaal dhacdadii Hoteel Muna maalin talaado ah bay dhacday, waa is weydiine maxay shabaab maalinta talaadada ku jeclaadeen in ay dad gumaadaan ??? aaway gaaladey dalka ka xoreynayeen maalin walba Bambdoodu ma Muslimiin iyo Dhallinyaro ayey galaafataa??? Dhakhaatiirtii dhameeye, Ardeydii kama nabad galin, odayaashii galaafte, Hooyooyin oohini kuma harin, maalin walba wiilkeedii bay gowracayaan .

Bal Akhristoow ila fiiri immisa Qarax bay Al-shabaab sameeyaan intii ay joogeen ka soo bilaaw waaggii Maxaakiimta, Haween Masaakiin ah oo dhulka xaaqaayey ayey Qarax la beegsadeen waagii C/llaahi Yusuf , Seddex jeer bay Geedi la beegsadeen, C/llaahi yusuf asagana labo jeer, ma iloobi karno Qaraxii Baladweyne ee lala beegsaday Col. Cumar Xaashi oo lala dilay 70 in ka badan oo shacab ah , Hoteel Shaamuu Maxaa ku ogeysiiyey Hoteel Shaamuu waa meel lagu Galaaftay DR. Ibraahiim Cadoow oo Sooman, Axmed Waayeel Aasaasihii Dugsiga caanka noqday ee Shaafici, DRs. Qamar, Suleymaan colaad rooble, Dr. Shido Aasaasihii Jaamicadda Banaadir, Dhakhaatiir 7 sano wax soo baraneysay, Macllimiintoodii, Waalidkood iyo Dad Rayid ah oo fara badan oo lagu qiyaasay 39 qofood iyo boqolaal ku dhaawacantay

.

Ficilkaas oo dhan

ba waa dhul fasahaadin waa rixim goyn waana falal ka waaweyn wixii uu geystay Yaziid ibnu macaawiya , waa boqol jibaar ,marka akhristoow ma ila fahamtay halka aan ka imaanaayo.
Sida uu sheegay shiikh mohamed cabdi Umal markii ay dhacday dhacdadii 100 arday ee turkiga u socotay la galaaftay ayuu wuxuu yiri :

[ Sow Ceeb weyn mahan sow fadeexo maa han waase waa ninkii garanaayo oo dareemaaya waaye, in uu Gaalku Muujisto in uu Dadkaaga u naxaayo, Adiguna aad Idaacadaha ka tiraahdo Gaalaan Baaabi’iyey Murtadiin baan baabi’iyey oo aad Ummaddii ku tumato, Allaah baan idinku Dhaariyee Suurad noocee ah ayey u taallaa, ma saas baa Jihaad ah ma taas baa Gaallo la Dagaalan ah , ma taas baa Wadan Xoreyn ah, ma taas baa qaniimo iyo Wanaag iyo Guul lagu doonayaa !!! Abadan !!! Abadan !!!!Suuro Qabiix ah waaye oo fool xun, Waxaadse Ogaanaysaan wax hadda dhacay ma ahee wey soo hormartay, Taariikhda marka Dib loo Akhriyo Fikirkan munxarifka ah ee qaloocan ee aan Dhiiga u aabbo yeelaynin ee Meel Alla Meeshuu arkaba Dhiiga cabaya ee Daaqaya Fikirka noocan ahi, Saalixiinta iyo Carruurta iyo Dumarka iyo Dadweynaha aan dan ka laheyn, Fikirkaasi haddana ku faanaya hadda ma ahan, Markaad akhrido Kutubta Taariikhda iyo Siirada waa wax horay u soo dhacay ].

Waxaan Maqaalkayga ku soo gabagabeynayaa shabaab waxay mutaysteen lacnad iyo in falkooda laga beri noqdo , waxay kaloo mutaysteen in Walaayadda muslimiintu kala noqoto,

maxaayeelay muslimka khaldan wallaayadda islaamka iyo u gargaaridda waa lagala noqon karaa sida Quraankeena kariimka ah ku cad, Allaah wuxuu Quraanka ku yiri :

( وَالَّذِينَ آمَنُواْ وَلَمْ يُهَاجِرُواْ مَا لَكُم مِّن وَلاَيَتِهِم مِّن شَيْءٍ حَتَّى يُهَاجِرُواْ وَإِنِ اسْتَنصَرُوكُمْ فِي الدِّينِ فَعَلَيْكُمُ النَّصْرُ إِلاَّ عَلَى قَوْمٍ بَيْنَكُمْ وَبَيْنَهُم مِّيثَاقٌ وَاللّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ ) 8:72
Allaah wuxuu yiri asagoo ka hadlaaya dadkii muslimiinta ahaa ee aan soo haajirin ee maka iska fariistay wax walaayo ah idinkuma laha ilaa ay ka soo haajiraan,

Haddiise ay Diinta darteed idinku gargaar dalbadaan u gargaara ,laakiin ha uga gargaarina qolo aad cahdi leedihiin Allaahna waa u jeedaa waxa aad sameyneysaan)8:72

(

As to those who believed but came not into exile, ye owe no duty of protection to them until they come into exile; but if they seek your aid in religion, it is your duty to help them, except against a people with whom ye have a treaty of mutual alliance. And (remember) Allah seeth all that ye do ) 8:72.

Haddaba akhristoow Dadkaas muslimiinta ah maxaa wallaayadda loogu diiday waa in ay Gef sameeyeen oo hadalkii Allaah ee ahaa Haajira ayey diideen, xataa gaalo aad cahdi leedihiin haddii ay dilayaan ugama hiilin kartaan !!!! Maxaa caawa xalay uga eg Muslimna waa i dilayaa gaalna waa i badbaadinayaa ,shabaaab waa i fasaahdineysaa ugaandhays & burundina waa i gargaarayaan , maxaa diiday in aan shabaab u hiilin waayo waxaa diiday Aayaddaas Suuratul Anfaal oo ah Muslimka qaldan ha u gargaarin xataa haddii uu gaal rifaayo oo adinku gaalkaas balan la leedihiin !!!! Goorma ayaa Quraanka la fahmayaa ma marka gaaladu ficil ahaan noogu fasirto !!!! Allah wuxuu yiri :

( وَلَتَعْلَمُنَّ نَبَأَهُ بَعْدَ حِينٍ ) 38:61.
( Quraanka warkiisa mar danbe ayaad ogaan doontaan ) 38:61

( And ye shall certainly know the truth of it (all) after a while.”) 38:61

fii amaani laah .

Shiikh Saahid mohamed yusuf

Usa,Va

sahidyusuf@yahoo.com

AL-muthakhasis fil xarakaat AL-islaamiyah .

1) Reer banii quraydha waa yuhuudii madiina muslimiinta la daganeyd .
2) Tafsiirka Rawxul Macaani majalladda 26, Bogga 72
3) C/llaahi hadalkiisu wuxuu la mid yahay kan haatan i leh goormaa imaamku shabaab lacnaday !!!!

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

32 Jawaabood " Imaam Shiikh Axmed Ibnu Xanbal oo AL-Shabaab Lacnaday !!!!! "

  1. cabdiraxman says:

    asc dhamaantiin walaalaha muslimiinta . intaa ka dib waxaan ku darsanayaa xadiiska NABIGA Nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato oo ahaa MEEL KASTOOD JOOGTAAN ILAAHAY KA BAQA OO MARKA QALAD KAA DHACO WANAAG RAACI ISAGAA TIRTIRIYE DADKANA AKHLAAG FIICAN KULA DHAQMA . waar qof walow bal adigu iska bilow inaad wanaagsanaato ka dib dadka gaadhsii wanaag oo ilaahay u bari u ducee oo la imow inaad rabtid diin dhab ah sharci islaaam ka run sheeg qof walow oo ilaahay u naqda dhamaantin waxaad ogtihiin wax kasta oo dhaca inay u imaadaan waxay gacmeenu kasbadeen Cumar bini khadaab ayaa laga wariyay Radiyaluhu canhu markii uu xukunka hayay in dhulku gariiray markaas ayuu dadkii iskugu yeedhay oo yidhi haduu mar dambe gariiro Amiir i diin noqonmaayo waxaan uga jeedaa sheekh iyo shaydaan hadii la kala garanwaayo dhiigbaad ka hadlaysaan dhulkaa la isla jiri waar ilaahay aan ka baqano waar aan isku dardaarano allah ka cabsi waar aan is xasuusino maalinta wayn ee la wada sugayo waar ilaahay SWT hadaynaan arkayn isagaa ina arkaya aan is barno oon ka run sheegno waar allah aan ka baqano naftayda iyo nafihiinaba waxaan inoo dardaarayaa inaan ilaahay cabsano oon wali ka dhigano wsc wr wb

  2. Abuuyaasir says:

    Aslmuckum, Saahidow horta in laguu jawaabo ma mudnid maxaa yeelay waad ka heshaa aflagaadada muslimiinta, waadna ku qanacsantahay in gaaladi ay gacantaadi, afkaadi ay ka nabad galeen qalbiga waxa kuugu jirana allaan u dhaafnay lakin uurka waxa ku jiro afkaa soo xado. Umadi somaliyeed jiritaankeedi ayaa halis ku jiro, dhalinyaradaas ilaahay barakeeyey ee har iyo habeen u taagan difaaca diinta dalka iyo dadka ayaad shaqo ka dhigatay, iniga ma qiyaasi karo heerka ay gaarsiisantahay heerka aqoontaada diineed ama aduunbo ileen inta qol isku soo xirtay saacado badana maskaxda dhalaalisay inta wax kale weyday la soo shir tagtay imaam axmed oo nacladay alshabaab iyo tashbiih aan kawadaa iyo cilmiga tashbiiha maxaad ka taqaanaan war ninyahow wax isku fal oo xishow waxaad qoreysana iska miisaan hadii fudeyd jirana qur,aanka iyo adkaarta ku dadaal marka aad wax qortana dadka tusi hakaa tifaftiraane inta aadan bulshada dhexkeenin. Ma waxaad ka caqli yartahay qorayaasha kuukuuyada ee difaaca la dabo taagan askastooda iyo dalkooda mise afka somaliga ayaad baratay oo dhankaa ayaad tahay. Inti lagu waanin karay wax waa laguu sheegay lakin wali waxaad taagantahay, hadana waan lumiye maxaa la iga soo heli iyo maqaalkeygi waa la loodin waayay.., lasoco diinta waa nasteexo muslimkana waa midka ay muslimiinta ka nabad galaan gacantiisa iyo carabkiisa, ilaahay kor ahaayey wuxuu yiri “wataciyahaa udunun waaciyah”.

  3. buhoodleman says:

    ustaad saahid mid koley aniga iga yaabisay waa sida ay kenyan iyo uganda iyo burundi iyo itobia iyo horgalayaashoodu kuwaa oo maalin walba somalia duqaynaya gaar ahaan xeryihii qaxootiga oo dadkii xasuuqaya kaaga nabad galeen oo buufis shabaab kuugu dhacay=intaad tashbiiha iska joojiso iska cadayso inaad shariifkii labaad tahay oo aad boos doon tahay ogowna nasiixadu inaanay ahayn in qofka muslimka ah khalad kasta oo uu leeyahay aad diintaba banaanka ka dhigto aragtida article=kaagana ogow maslaxadda somalia u adeegi maayo ee wuxuu u adeegayaa danaha cadawga xisaabaadka idinka dhaxeeya adiga iyo shabaabna sidan si ka fudud baa lagu dhamayn karaa maqaalkaagana waxaa dad badani u fahmi waayeen waa isaga oo aan lahayn base =imaam axmed baa shabaab lacnaday isaga oo yaziid u jeeda =ama sida kale=ninyahaw intaad awoodada ku luminaysi tashiib iyo maqaal muran keenaya wax ka mufiidsan keen
    wasalm

  4. SCWXWB:
    Maqaalkii Imaam Axmed bin xanbal oo lacnaday AL-shabaab wuxuu noqday mid la loodin waayey walow lala qabo in Shiikhyo Badan lagala soo tashaday
    Maxaan sidaas u leeyahay Waxaan rabay in uu Ruux soo istaago oo daho,waxa aad Shiikha ka sheegtay kama sugnaanin oo ma uusan Lacnadin Yaziid ibnu Macaawiye.
    Haddii ay taasi dhici weyday waxaad ogaataan in Shabaab 100% ay ka xun yihiin kana dilis badan yihiin Yaziid Allaah ha u naxariistee !!! Marka sidaas bay lacnada ku mutaysteen inta ay u ooman yihiin dhiigga ummadda !!!
    Dhanka kale ereyga soo noqnoqday ee Qubka mooska, bal ii sheega mooska qubkiisu sow daahirkiisa ma ahan ???daahir waa waxa muuqda.
    Marka daahirkii Nusuusta waa macnaha muuqda sida daahirka mooskana uu u yahay Qubka muuqda ??? macnaha Nusuustana waa macnaha qarsoon sida lubiga mooska uu u yahay inta aan Qarsoon.
    Akhristoow wali waan kuu sii bayaaninayaa Imaam ibnu xazam asagu Daahirka nusuusta ayuu qaataay oo uu ku dhaartay in uusan macnaha raaceen ee hadalka daahirkiisa uu raaci lahaa, aniguna waxaan ku dhaartay in aan macnaha Nusuussta raaci lahaa oo aan daahirka raaceen ??? marka maxaan ku qaldanahay oon ku yasay Qowlkii Rasuulka sow saxaabaddii tukatay ba ilama qabaan in macnaha la raaco, sow ma aysan u fahmin in salaadda la tukado oon laga tagin !!!
    Haddaba been buu sheegayaa ( uf baan ku iri ) ee annigu Saxaabo ma ceynin ,Nabi mohamedna nnkh ma u suubado in aan caayo bal se macnihii xadiiskiisa ayaan raacay, taas bayna Culumo badan ila qabaan iyo saxaabo badan ???Ruuxii iska indho tiraaya ha is marjiyo.
    Dhanka kale Dadka Shabaab u gubanaaya ee haddana dhahaaya shabaab ma ihi ???waxaan ka jeclaan lahaa in ay yiraahdaan shabaab baan nahay ee ha na lacnadin ???? Annigu xaalkaygu Lacnad iyo caay bay joogtaa se Shabaab dilitaan bay joogtaa ???
    Nabiguna wuxuu yiri NNKH : ( Ruuxa Muslimka oo la caayo waa fisqi, Dilitaankiisuna waa Gaalnimo ) labadaas yaa weyn Dilitaanka ayaa weyn ??? Aniga Gacmahayga weyso ayaan ka qoyan, shabaabna Dhiig baa ka qoyan ??? Anigu Dad baan badbaadinayaa ,shabaabna wey galaafanayaan !!! Allaahoow na soo hanuuni. scwxwb

  5. KAAHIN NUUR says:

    asc waraxmah, walaalyaal diinta Islaamku waa naseexo, waa basiid fudud, waa turid iyo naxariis, waa muujin u dabacsanaan dadka muslimiinta ah, taasi halkay ka martay ALSHABAAB, shaki kuma jiro inay baalmareen surinkii toosnaa ee diinta xanafiyada ah. Rabi waxaan ka baryayaa in uu si degdeg ah nooga qabto, dalka Soomaaliyeedna u soo saaro ehlu diin u turaya walaalahooda Soomaalieed. Raboow waxaan kaaga dacwoonay ALSHABAAB, ILAAHOOW ADAAA QAADIR AH EE NAGA SOO GAAR QOOMKA UMADII GAABSHAY, RABOOW ADAAN KAAGA SHEEGANAYNAA WAXA AY ALSHABAAB BADEEN MASAAKIINTII HARGAHA IYO SAAMAHA, RABOOW NAGA QABO ALSHABAAB. AAMIIN YAA RABI

  6. kaahin nuur says:

    asc waraxmah, dhamaantiin waad mahadsantihiin. horta waxaan ka digi lahaa xukumida degdega ah ee walaalaha qaar ay ku dhaqmayaan. Saahid maqaalka uu qoray wax badan oo xaqiiq ah oo uu ku qotomo ayaa jira. marka ay noqoto tashbiiha waa wax macquul ah. balse walaalayaal ha ku qasbina Saahid wax uusan qorin uuna ula jeedin macnaha, haa hal khalad oo aan u maleynayo in si kama ah ku dhacay ayaa ah weedhan. “mar naba qolofta mooska ima sirteen ” waxaa laga dhadhan sanayaa ereyga sirmida xoogaa dhaliil, waana uu mudan walaal saahid in la saxo laakiin ha ku tuhmina wax uu bari cad uu ka yahay isaguna afkiisa isaga fogeeyey. hadaan u soo noqdo DHIIGDAADINTA AL-SHABAAB, walaaalaha waxaan uga digayaa maalin la hor iman boqorka weyn ALLAAH , maxaad walaalayaal ALLAAH hortiisa uga jawaabi doontaan boor ku qarinta dhiiga muslin ee lga daadshay dhalin yaro waxba aan galabsan oo u socday wadan Muslim ah oo walaal ah. maxaad ku jawaabaysaan ALLAAH baan idinku dhaarshee. dhiigga muslinku idinla fududaa, idinla sahlanaa. walaalayaal Culumadii aduunka iyo kuwii soomaaliyeedba sida SH.Umal Rabi ha xifdiyee waa ay ka hadleen waana iska fogeeyeen falalka xunxun ee bahalnimda ah ee ALSHABAAB.

  7. Ahmedbashiir says:

    Bismillaah waan iddin salaamay asc wr wb kadib majecleyn qoraalkaan inaan faalo kabixiyo laakiin waxaa hadda igu qabaayo waxaan jeclaaday inaan dacwda gaarsiiyo walaalka maqaalka dabcan waad ila yaabeysaan markaan ku iraahdo dacwa gaarsiin laakiin walaalka waa mudanyahay in qaladka looga naseexeeyo lana tuso cuquubada ka imaan karta inuu ku jees jeeso Allah, aayaadkiisa iyo Rasuuliisa (scw) iyo iney ka imaan karto gaalnimo cad sida ku cad aayaada ku jirta suuratul baraa walaal waxuu soo qoray qoraal aan ku dhisneyn cilmi, miixaan iyo aadaab walaalka waxuu sameeyay been abuur muuqata, walaalka waxuu iska dhigay caalim fatwoon kara waxeyna u muuqataa inuu hadda noqon rabo sheikh reer u soo baxay waxuu yiri iima cuntanto inaan salaada casar ku tukado banii qureyda ayadoo la ogyahay inuu ahaa qowlkii nabi muxamed (csw) waliba hadalka rasuulka (csw) waa xikmad ee ma’ahan hawadiisa u fiirso aayadaha ugu horeeya suuratul najm walaal waxaad tahay sida hada ka muuqato walaal islaam ah waxna ka garanaaya diinta islaamka ma wanaagsana inaad ku been abuurato shayuukh aan soo gaarin casrigaan fitnada badan waa wanaagsantahay inaad u naseexeyso dhalinyarada ee ma’ahan inaad lacnado kana fogeysa raxmadda Alle tan kale haddaan hoos isu wareesano waxaad tidhi cabdulaahi iyo geedo ayeey qarxiyeen shabaab waxaa meesha ka cad inaad mar waliba taageersaneyd duulaanka saliibiga ee dalka ku sooqaadeen mareykanka iyo itoobiaayadoo aysan alshabaab jirin ama aysan muuqanin haddana waxaad taagersantahay duulaanka saliibiga ee gaalada wadanka ku heyso marka waxaan kuugu naseexeynayaa fadlan cilmiga aad garaneyso ku dhaqan oo ka har gaalada aad waliga ka dhigatay waxaana nasiib darra ah in aad shabaabkana naclado gaalo uu Allah lancanadayna aad daba rucleyso waxaana la yaab leh gaalada ayaa dhaheysa alshabaab waa islamiyiinta xag jirka ah oo islaamnimadii u qirtay adna waad diidantahay walaahi ninka gaalo ay jeceshahay ama ay ku qanacsantahay waa safkooda ee la soco ninkaas ama caalim ha ahaado ama caamo aan waxbo garaneynin ha ahaado. Marka inaadan fatwoonin bal walaal adiga isasax markaas ayaad wax sixi kartaa macquul, marka laguu arko inaa tahay nin miizaan leh in la qaato waanadaada laakiin fudeyd badan, hubsiiino la’aan badan ayaa kaa muuqata arrintaan culima adiga kaa cilmi badan ayaa ku dhici waaayay iney heerkaas la gaarto laakin qaladad badan iney shabaabka leeyahiin sheegay. Waa iga naseexo canaan walaalnimo waadna ku mahadsantahay cabirka fahankaaga laakiin wax badan ka fiirso.

  8. buhoodleman says:

    salaama calaukm dhamaan shacabka soomaaliyeed

    akhii shiikh zaahid horta waad mahadsan tahay aanse kuu saxee xuseen inbu cali ilaahay haka raali nodo isaga iyo aabihi iyo hooyadiiba nabad iyo naxariisina ha ahaato awoowgii nebi muxamad ,ziyaad ibnu abiihi ama ibnu abii sufyaan hadba sida loo yaqaan ma dilin ee waxaa dilay cubaydulaah ibnu ziyaad oo wiilkiisa ah ,yaziidna xumaan kasta oo uu lahaa talaabo kama uusan qaadin dilka xuseen waana mida sharaf xumida u soo jiiday,akhii zaahid indhaaga si full ah u fur hadii ay shabaab lacnad shaqaysteen yaa ajar shaqaystay oo dhiiga somalida aan daadin, caydiid,cali mahdi,m dheere,xabeeb,shariifyo,cabdilaahi yusuf,geedi,gaas,siilaanyo.faroole,kkkk remote control ha noqon waligeed taariikhda umadeed koox dad ah baa qorta bulshadu ma wada qorto,taariikhdii hore ee somalia waxaa qoray daraawiish,shiikh bashiir,axmed guray,SYL.hadana sida ay sheegeen aqoonyahnada dhabta ah ee somalia sida prime minster abdirisaaq haji husein iyo siciid samatar hadii aanay shabaab joogin somalia mar hore ayaa la qaybsan lahaa ,maxaad uga hadli wayday ciidamada itobia,ma shabaab ayaa keenay ,ciidamada kenya,uganda,burundi etc iyo shariifyada dhulkii markay dhameeyeen baddii hadda iibinaya ,hope inaad caqligaaga furto iyo indhaahaga sida dheeshu u socotana aad fahanto ha noqon inmaca sidii cabdilaahi inbu mascuud sheegay ogowga shabaab anigu ma ihi waxaanse ku raacsanahay laba arimood oo aan qawlaysatada kale lahayn
    1-uma ogola in cadaw wadanka soo galo waana ka muwaadinsan yihiin dhamaan shariifyo iyo kooxdoda,cadawguna waa somalida keliya ee uu ka baqo
    2-waxay protection u yihiin midnimada somalia ,buufisland snmland ssdfland beledwayn keliya waxay itobia ka samaysay afar maamul gaalkacayo labo jubooyinka tiro malaha gedo.xamar ,kkkkk dad waalan waa inaad f ahantaa dhamaan maamuladani waxay aaminsan yihin inay somaalida kale ka xigto xabashidu -hope get my point

  9. Ascw salaan kadib walaalayaal waxaan waajahaynaa waa wadaadkii garta goynayay ee yiri la joojiya banaan la jiifiyaana banaan.

    Sheekh saahid waxa uu lee yahay daahirka hadaadan qaadanin baadini noqo oo waxa aad qaadataa wax yaabaha hawadaadu kuu meeriso inuu macnauhu yahay. waana mushkilo jirta. Waana waxa Salafka Saalixu la dagaalami jireen ilayn Quraanka iyo xadiiska Rasuulka Suuban(nnk) waa carabi bayaan ah oo la wada garanayo. Marka uu mooska u soo qaatay tusaale waxaa jira miro macaan oo badan oo la cuno hadana uur ku jirtooda la tuuro oo la macaan san, marka hadduu kan uu daahiriga ku tilmaamay kuwaa tusaale u soo qaato maxaan oran karnaa. Runtii diinta islaamku waa dhex dhexaad mar walba oo lama ogola inaad talax tagto ama sahlato.
    Marka saan anigu arko waxaa u roonayd inuu mowduuciisa si kale u qoro halka uu nacalad ka dhigi lahaa ilayn nacaladi kama suuroowdo qof muslima inuu qof muslima ku tuuro.

  10. geele says:

    Shabaab . waxaa ay ila tahay unta caqliga leh waa garanaysaa waxa ay yihii, waxa ay ku arooraan, waxa ay aaminsan yihiin, balse laga yaabee in qaarkeen aysan garanayn xaqiiqada dhabta ah

  11. abadallaah says:

    Saahidow rati ceel ku dhacay sayn ruxis uga bixi maayo, fallaarina gilgilasho kaagama harto. inaad khaladkaaga qiratona aday ku anfaceysaa waa aakhiradaada intey goori goor tahay ilaahey u towbad keen, si fiicanna u aqri jawaabta uu ku soo qoray boggaan 30/november/11 ninka la yiraahdo Nuur Cali ee ku qoran qeybta hoose ee maqaallada. ogowna xaqa oo loo soo noqdaa waa derejo ee nuqsaan maahan,

  12. Abu-Xudayfah says:

    Allaha Wiilkaa Soomaaliyeed Awoodiisa iyo Maskaxdiisa iyo Qalinkiisa haddii uu Dalka ku difaaci lahaa , maxay kaga fiicnaan lahayd??

    Haddii aad Qorayaasha Kenyanka ah ee Dalkaaga Afka ku xalaalaystay aad Qalinka ula tegi lahayd soo kama fiicnaa teen in aad Kabta Hoosteeda Qalinka ku qorto.

  13. SCWXWB :
    Waxaan ku maahmaahay ( ninkii seexdaa sacii dibi dhalaa) marka saaxiibkay ( uf baan ku iri)ayaa noqday kuwii aan ka hadlaayey ee markii maahmaahdaas loogu maahmaaho dhahaayey ( aniga maa sac ah ) maxaa ii ceyneysaa !!!!! Dhawr jeer baan sharxay mowqifkeyga , markii hore horudhac dheer baan ku afeeftay !!! haddana waxaan la hadlay dadkii aan fahmin sharaxayga oo waa tii aan u soo qaatay gabaygii Qammaan Bulxan ee ahaa :
    Naagtii gambada taabatoo, gacanta loo mayray
    Oo gelisey meeshii haddana, gabaygu sow maaha????

    Saaxiib sideen Saxaabaddii Rasuulka u caayaa ???in aad qaldan tahay fiiri waxaad qortay :[ ( adiguna waxaad ku sifeysay inay yihiin dad qolofka ku sirmay (sidii dad cunay qolof moos meeshay doqonnimo ka gaareen) oo aan fahmin macnihii macaanaa ee hoose) ] ma anigaa sidaas iri bisa maa qulta .
    Ninyahow caddaalad ma faleysid ma anigaa iri qub moos bay saxaabaddu cuneyn oo mooskii ka tageen ????.
    Saaxiib ma taqaanaa horta waxa la yiraahdo ( Balaaqo…Tashbiih) anigu waxaan isku masalay Ragga Daahirka Qaata sida Ibnu Xazam ayaan ku sifeeyey mooska qoloftiisa sare iyo Kooxda macnaha qaadata oo ah lubiga.
    waana sidaas moosku daahir iyo baadin ayuu leeyahay labada qeyboodna ma kala maarmaan, oo haddii aan qolofi jirin moos ma bislaadeen, haddii uu Bislaadana ma dhawrsameen oo wuu dhadhi lahaa ama bololi lahaa qolofta la,aanteed.
    Damiin far waaweyn baa wax loogu dhigaa Mooska markaad arkaysid qolofta lee la arkaa, waxaan ka wadaa mooska sawirkiisa maxaa ka muuqda waa qolofta midabka jaalaha leh .
    Saaxiib fiiri Ayaddan uu Allaah leeyahay :

    ( وَهُوَ الَّذِي يَتَوَفَّاكُم بِاللَّيْلِ وَيَعْلَمُ مَا جَرَحْتُم بِالنَّهَارِ ) Allaah wuxuu ka hadlayaa Hurdada markaas ayaa lagu tashbiihiyey dhimasho si macnaha fog laguu tusiyo in laga wado ayaa lagu xoojiyey dhaawac oo ah qeybaha ka mid ah dhimashada.
    Saaxiib waa runtaa oo Nabigu qolona ma ceebeyn oo waa u taqriiriyey, se haddii sida saxa ah la fiiriyo waxaa raajix ahaa kuwii tukaday ee macnaha raacay ??? waxaan ku weydiiyey Ibnu Xazam markii uu diiday Qiyaaska waxaa lagula dooday Aayddan ( فَلاَ تَقُل لَّهُمَآ أُفٍّ ) oo macnaheedu yahay Allaah markii uu diiday in Waalidka xataa uf la yiraahdo in aysan banaaneyn ???ayaa laga fahmay in aan la garaaci karin ???Qiyaas ahaan se asagu waa diiday taas xataa si uu mowqifkiisa ugu adkeysto ,asagoo og in lagaga saxsan yahay.
    Marka Daliil kuu noqon meyso Saxaabo ayaad ceysay ???ee anigu tashbiih baan sameeyey, qasabna iguma aha in aan Tan ibnu Xazam raaco sida teyduba ugu qasab aheyn ???sidoo kale Fiqhiga saxaabadda ama tan Ibnu cumar ayaan raacayaa ama midda ibnu Cabaas ??? waana khilaaf farci ah oo naxariis noo ah ???? marka isku xishood ( كَبُرَتْ كَلِمَةً تَخْرُجُ مِنْ أَفْوَاهِهِمْ ) waxaa weynaatay kalimad afkooda ka soo baxday ???? scwxwb

  14. shabaab haddii wax laga sheego dad baa kaaga horreeyey ahludiin ah oo taqwa iyo cilmi lagu yaqaanno oo una nasiixeeyey.
    laakiin hadalkaaga ayadoo ay suuro gal tahay in qaladaad kale ku jiraan ayaan anigu ka doortay hal qalad oo aaaaad u foolxun waxaad ku tiri maqaalkaaga:
    (SE Akhristoow anniguna oo 1500 sano kadib imi ayaan dhaar ku marayaa in aan tukan lahaa oo

    taas ayaan ii dhadhamaysa , mar naba qolofta mooska ima sirteen ee macnaha lubigu tilmaamaayo ayaan malabsan lahaa)

    hadalkaagaas waxaa ku jira dhowr khalad.
    1. inaad durtay saxaabadii nabi muxammad qaarkood oo aad ku durtay wax uu u qiray nabigu inay wanaag ahaayeen. waayoo markii nabi Muxammad loo sheegay waxa ay sameeyeen labada qolo ee ah dukashada iyo dukasho la’aanta intii aan lagaarin meeshii loo socday nabi Muxammad ma uusan ceebeynin midkoodna. adiguna waxaad ku sifeysay inay yihiin dad qolofka ku sirmay (sidii dad cunay qolof moos meeshay doqonnimo ka gaareen) oo aan fahmin macnihii macaanaa ee hoose.

    2. waxaad durtay nabi Muxammad waayo nabigu midkoodna khalad (qolofmoos cunis) kuma xukumin oo wuu u qiray inay wanaag sameeyeen. marka inaad adigu nabi Muxammad ka cilmi badan tahay ayaad iska dhigtay oo wax uusan fahmin aad adigu fahmeysid.

    3. waxaad sheeganeysaa inaad saxaabadii nabi Muxammad kaga aqoon iyo dhuuxid badan tahay waxyigii ku soo degay nabi Muxammad iyagoo la jooga. oo ay ilaahay iyo rasuulkiisa iyo umadda muslimiinta ahiba ku ijmaaceen inay iyagu yihiin kuwa umaddan ugu cilmiga badan diintii ilaahay
    nabiga kadib.

    sidaa darteed hadalkaagu uma eka hadal qof mu’min ah uu ku hadlo. waxa sidaa saxaabadii nabi muxammad ugu afxumoodana waa la yaqaannaa.

  15. ahmed says:

    Asw,

    Sh Saahidow wixii ihaano aad heysey uma aadan reeban dhaliyarta dhaxanta iyo kuelylka dhufesyka ugu jira ee min Ceelbuur ilaa Afamado iyo dhinaca kale min beledxaawo ilaa Yeed difaac ugu jira, haday rabaan iney shacab baabi’iyaan kuwa ku hoos nool ayay baabi’in lahaayeen. Marka Sheekhow Illaaheyga dambi dhaaf weydiiso, hadii qabowga aad ku jirto kula macaanadey dee kulama yaabayo because dad badan adi kula mid ahba wey sameeyaan iney mujaahidiinta duraan.

    Walaalkey (Adoonalle) ayaa taqaariir fiican ka bixiyey qoraalkaag mana rabo inaa ku celiyo maadaama 100% aan ku raacsanahay.

    Calwa saadkana ma wanaagsan intaas ayay Al-shabab qarxiyeen in markasta umada loogu soo bandhigo si colaadiyo waa shey qalad ah, hadii aan lala miisaamaynin wanagoda. Gaalada aynu la joogno isla hadalka isticmaashey bey isticmaaleen, sababahas dartoodna ugu dareen liiska “argagixisada” weli qaar waxaa ugu sii jira iney dagaal la galeen Ethiopia, Marka dagaalkii Ethiopia lala galay ma wuxuu ahaa baadil? Illeeyn qaraxa kuwa gaalada meesha ku heystay iyo gaaladaba waxba isma dhaamaan.

    Waynu ogeyn in Musliminti degney Qudus lala raaciyey Romankii, marka ma tan Al-Shababka ayaa qaldan? hadey tahayna maxaa Salaxudiina hujuumkiisa sax ka dhigey?

    Ogow dhulka lagu dagalaamayo waa dhul Islaam ah ee ma ahan dhul gaalo, marka markasta oo dagaal dhaco waa suurto gal iney shacab wax ku gaaraan.

    Mala socotaa ka hor Al-shabaab inteysan dhulka wada qabsan inta qabaail ee maalin kasta is dagaali jirey, inta isbaaro tiiley min Guryocel ilaa Dhoobley, in qof ee guryahooda, beerahooda xoog loogaga fadhiyey? inta dumar ee maalinkasta la kufsan jirey? inta caasiwaalideen maalinkasta waalidkooda u hanjabi jirey? Marka hadii aadan horumarka dhinaca amniga, cadaalada ay ka sameeyen aadan eegeynin, ee kuu muuqda waxyaabo mararka qaar si kam ah ku dhaca, waa shucuur daro.

    Somalidena inta bada waxaynu isku fikir ka nahay waxa caalamka ka dhaca, mudo ayaan ku wada taameynin in Mubaarak, Gadafi ay meesha ka baxaan, si kastaba halooga saaree, balse waxaynu isku ma ahayn waa midka labadaas qof ee aan sheegay waxba dhaamin, ee habeen iyo maalin u joogey in umada Soomaliyeed gumeysiga ku soo hogaamineyey.

    Marka Sheekhow Illaahaga ka cabso qoraalkaaga ku laabo, Illaahna dambi dhaaf weydiiso.

  16. SCWXWB:
    kuligiin aad baad ugu mahadsantihiin jawaabihiina aad Maqaalkaygii ka soo bixiseen,waxaan si gaar ah ugu Mahadcelinayaa Daadyare iyo C/fataax oo si positive ah uga soo jawaabay Maqaalka.
    Waxaan aad ula yaabanahay wallaalaha fatuma,maxamed xasan iyo yusuf xidig oo macnihii Cinwaanka Maqaalka aan fahmin, waloow laga qabo in aan Horudhac dheer u sameeyey oon Qaacidooyin waaweyn & Maahmaahyo u Daliilsaday,sheekadii Ibnu Xazam iyo anigaba iwm.
    Waxaan ku oran lahaa bal horta Cinwaanka fahma oo mar kale akhriya Haddii kale waxay xaaladiinu ahaaneysaa Sidii :
    Naagtii gambada taabatoo, gacanta loo mayray
    Oo gelisey meeshii haddana, gabaygu sow maaha? (1).
    Sidoo kale fatuma waxaan ku baraarujinayaa in ay ka akhriso halkudhaaga Saahid maqaalkaygii ahaa : ( hooyo ifka hibo ku nooloow Akhirana halkii Roon )!!!.Haddaan u soo noqdo Samadoon iyo yusuf labadoodaba looma baahna in loo jawaabo sida Samadoon oo inkiray dhacdadii Hargaha iyo Saamaha oo yiri Ardey fara badan kuma dhiman oo shaki baa ku jira ee waxaa loo jeeday meel ma gaartada, waa dhacdadii uu ka xishoon waayey Cali dheere ileen waxba ma garanaayee!!!! Samadiidoow xataa ma garan weyday 37 iskugu jiray dhaawaca culus ee lahaa Arday & waalidiin loo qaaday Dalka Turkiga ee mid ka mid ahi Diyaaradda hoosteeda ku dhintay Allaah ha u wada Naxariisto wiilashii meeshaas lagu halaagay ee la yiri waa Murtadiin soow Xisaabtii Rabbi ma Danbeyso!!!! وَلاَ تَحْسَبَنَّ اللّهَ غَافِلاً عَمَّا يَعْمَلُ الظَّالِمُونَ إِنَّمَا يُؤَخِّرُهُمْ لِيَوْمٍ تَشْخَصُ فِيهِ الْأَبْصَارُ .
    Yusufna wuxuu yiri Saahid Qabiil ahaan buu Shabaab uga soo horjeeday.
    Haddii aan u soo noqdo Addoon Alle oo Runtii si fiican u dooday ayaan waxaa ka oran lahaa jawaabihiisii horta tan Hoteel Shaamoow waxaa fuuqsatay Hargaha iyo Saamaha marka macno badan ma sheegeyso in ay dhahaan annagu ma sameynin, Qoddobka labaad ee Yaziid baa Shabaab ka dhib badnaa Subxaanallaah Amiirul Mu’miniinka ha u gafin, xataa waxaa la sheegaa in markii Madaxii Xussen ibnu Cali loo keenay uu ooyey uu yiri maxaad iigu soo sheegi weydeen intaadan dilin.
    Addoon alle Saaxiib waxaad tiri shabaab Gaalo ayey la dirirayaan ugaandhays,Burundi iyo kiinya iyo ethiopia ee ha la simin Yaziid oo dad muslimiin ah dilaayey oo u qasdinaayey dilkooda.Waxaad i soo xasuusisay sheeko soomaali nin hamiinisoow Qabay oo si uu dacaayaddaas iskaga bari tiro geed uu gabadh ku hasaawin jiray cirbad ka soo taagay galab hore, kadib markii ay habeen noqotay gabadhii ku yiri maxaa geedka caawa ka dhalaalaaya ,say tiri annigu waxba uma jeedo, markaas buu yiri waxaan u maleynayaa cirbad baa ka taagan ee aan ka soo fujiyo .miskiinka geedkii iyo asaga dhexdiisii baa Awr sii fariistay markuu cabbbaar socday buu Awrkii u turunturooday ileen uma jeedee !!! Gabdhii baa yaabtay oo tiri Cirbadda geed ku taalana waad u jeedaa Awrkana ma aragtid.
    Marka Addoon alloow Dagaalka gaallada inta aadan fiirin Muslimiinta ay maalin kasta kasta u dilayaan muslimiin mukhlisiin ah ma ahan miyaa ??? Maxaad ka wadaa muslimiin Mukhlisiin ah ma aysan dilin ??? yey dileen Muslimiin gaallo ah miyaa mise ereygii fiicnaa ee Murtaddiin miyaa !!!!
    Haddiiba aadan u jeedin Muslimiinta la gumaadaayo ama is Qarxin iyo ismiidaamin ama mid masaajid ka soo baxaaya oo Salaad soo tukaday ama kuwa kale oo guryahoodii iska joogga meel gaallo ka fog sida wabxo iyo taabto iyo buusaar !!! Akhii maxaa meyd ugu danbeeyey immmisa jeer bay Dhuusamareeb iyo Guriceel shabaabku weerareen ma ugaandhaysbaa mise Muslimiin aan Mukhlisiin aheyn ama ereygii Malabka lagu subkay Murtadiin .
    Addoonalle Haddii aad moogtahay iyo haddii kaleba labaddii sano ay shabaab dagaalka ka wadeen Soomaaliya 6000 iyo ka badan ayaa ku dhimatay,12,000 waa ku dhaawacmeen , 1malyanna waa ku barakaceen,
    Se sidaan kaa fahmay kuwaasi Muslimiin mukhlisiin ah ma ahan ??? ee waa murtaddiin ama aan si kale u iraahdo sidii samadiid waa meel ma gaartada ( erey cusub) oo ay bixiyeen Naar gaartada shabaab Al-shufto .
    Waxaan jawaabahayga ku soo gaabinayaa annigu shabaab waxaan ku haystaa Dilka macno daradda ah ay Soomaaliya badeen???waana Danbiga labaad ee shirkiga ku xigga, Gacmahaygu dhiig kuma subkana wax biyo weyso ah dhaafsiisan gacmahayga kuma qoynin ??? Taas ayaa towba keen u baahan ee aayadda Suuratul Mohamed ee Allaah shabaab iyo wixii la halmaala ku lacnaday tafsiirkeeda ku noqda siiba yuusuf xidig oo xataa aan akhrinin Tafsiirka aan u ceshay ee Ruuxul Macaani lil Aluusi .
    Dhanka kale Addoon allow 5 Shiikh oo aad sheegtay ma Culumaddii Soomaaliya oo dhanbaa ???ma Nuskoodbaa, ma rubucoodbaa,ma tumunkoodbaa mise waa dhibic Biyo ah oo badda laga soo qaaday !!! Maxaa Caawa xalay uga eg Muslimnna waa i dilayaa gaalna waa ii soo gurmanayaa!!! Bal taasna aan ku daree yaa Dekeedda iyo Airportka Adan cadde iyo Villa Soomaaliya laga celinayaa oo duulaan ku ah oo gaal kaa difaacayaa ma Shiikh Saahid mise Shabaab ???Haddii shabaab Jihaad wadaan aaway xisbul islaam ??? Aaway Xasan Daahir, aaway Xasan turki ??? Sow xataa magacii looma quuri waayin ilaa ilaa waa xarakatul Shabaab Al-mujaahidiin waa labeyk Usaama waa labeyk Dawaahiri waa labeyk Abuu Mansuur AL-Amriiki , waa Saalax nabhaan , waa Fasuul ???
    Wadan ba’oow yaa ku leh waa gafuur Duub, waa dil qorshaysan, waa muslimnimo jahwareersan , waa Gabar la xoogay oo mujaahid afduuban lagu daray,waa cunug yar oo Bambo Abaalmarin loo siiyey waa 12 jir !!! waa Shareeco aan Dhaafin ( wuu Qirtay , wey Qiratay ) ilaa hadda dhacdo Markhaati la keenay annigu ma hayo ii sheeg Addoon Allow haddii ay jirto.
    Waa Dhiig Soomaaliyeed oo tifqaaya waa hooyo oyneysa, waa Abbo afkii Juuqda gabay, waa ganacsade la baadayo,waa dhakhtar loo caga jugleynaayo,Waa Soomaali diidoow silic u dhimo, waa Nashiido Hubuu Huubuu ilal Qitaal waa shirki Soomaaliyey Toosoo toosoo isku tiirsada ee !!!
    Reer Ba’ayoow yaa ku leh!!!! maxaa lagu eedi Sh Shariif haddii uu beebee fuulay ma doqon baa ??? aan ku dillee soo dag Qaamuuskeey ku qoran tahay midka Al-shabaab AL-shufto waa arrin xajisan wuxuu u khaas yahayAl-shabaab AL-mufsidiin !!!!! SCWXWB
    (1) gabaygii Qammaan Bulxan .

  17. Abuu Nadir says:

    A.S.C inta ahlul inta fiyoow oo u saaxiibka ah caqiidada iyo manhajka Quran iyo sunnada rasuulka.

    waa in aad ogaataa NINKAAN qoraalka Qoray in uu yahay
    xildhibaan katirsan Kenya iyo ETHOPIA..

  18. Ascw walaalayaal waxaa haboon markaan rabno inaan wax sheegno inaan raacin hawadeena waxy noo yeeriso ee aan xaqiiqda jirta ka hadalno.

    Waxaana ka xumahay in Imaam dhan lugu been abuurto. runtii markaan qoraalkaan arkay ee aan u daadagay waxa uu xambaarsan yahay ayay taa ii soo banbaxday.

    Imaamka marar badan oo la waydiiyay Yaziid ibnu macaawiye waxa uu ka yiri waa ay ka buuxdaa kutubta, qoraalka oo degdeg igu ah ayaana ii saamaxayn inaan masdarka kitaabkaa qoro. Balse waxa uu Sheekhu ka yiri Yaziid waa inuu ahaa nin ay nacaladiisu banaanayn uunana amaani lahayn.

    Waa la yaqaanaa dadka banaysta nacalada yaziid iyo kuwa ka fadli badnaaba marka hadduu sheekhu dadkaa ka mid yahay waa banaysan karaa nacalida qofka muslimka ah ee yuu u nisbaynin salafkeenii saalixa ahaa wax ayna oran ama laga hayn.

  19. Fatuma says:

    Asc.intaan guda galin jawaabta maqaalkan bal wax yar aan guudmar sameeyo: anagoo ah hooyooyinka soomaaliyeed waxaan 21sano u dhali la’nahay hal wiil oo geesi ah oo soomaali isu keena waa jahawareer ay nagu rideen ragga soomaaliyeed,sideedaba meel markay soo foodsaarto dhibaatooyin waxaa ka soo dhex muuqda halyey hadaba su’aashu waxay tahay maxaa loo waayay 21 sano jawaabtu waxay tahay waxaa jooga ragg dareenkii waddanimada uu ka xuubsiibtay markaasay wada dhaleen ubad aan waxba dhaamin.aduunyadu waa giraan wareegta waana hadhka labadiisa gelin waxaa wax laga xumaado ah in raggii soomaaliyeed shisheeye gacal moodeen geyigoodiina gumeysi madow gacanta u galiyeen taariikhdu waa ma guurto waxaana ku xusi doonaa raggii sharaftay gobanimo leedahay gunimo ku doorsaday, hadaan u soo noqdo jawaabta hadalku waa higsiyada howraarta waana la hubiyaa hadal intaadan oran anigoo ixtiraamaya shaqsiyaada waxaan ku leeyahay bulshada waxaa loo soo bandhigaa qoraal waxtar leh aan su’aal ku weydiiyee haddii axmed ibnu xambali (allahu raxmah)uu ku yidhaahdo maalinta qiyaame ma’anigaa shabaab nacladay maxaad odhan?ileyn dad gooni ah ayaad ku gaaryeeshaye,waxaa fiicneyd inaad tidhaahdo waala nacladay qofki waxaa sameeya soomaali waxa sidan u galay dhaliil iyo dhawaaq dheef la’aan ah dhalaankiina dhulkoodii ay nacaan haddii axmad binu xambali uu shabaab nacladay ma wuxuu u duceeyay kuwa gumeysiga madow soo galiyay waddanka .hadaan xadgudbay iga raali ahaada.

  20. Samo Doon says:

    Waan salaamayaa qoraha marka hore. Marka xigta waxaan rajeynayaa qormadiisa in daacad iyo lilaahi ay ku salaysan tahay, taasoo ka dhigaysa markaas inaan jawaab ka bixiyo dhinacyada aan ka dhaliishanahay qormadiisa.
    Waxa la yaab iyo fajac igu noqotay inuu qoraagu yiraahdo inay badbaadadiisa ugu yimaadeen calooshood u yaqaystayaal loo soo kireeystay lugooyada iyo raad-tirka umadda Soomaaliyeed. Waa nasiib darro inuu arki waayo dhibaatada ay dalka iyo dadka u geeystaan. Uma xisaabna inta ay laayaan, faraxumeeyaan ama barakiciyaan.
    Waxa kale oon aan jeclaan lahaa inaan wadaadka weydiiyo danta ugu jirta nimankan uu ku sheegay in ay u yimaadeen badbaadadiisa in ay badbaadiyeen. Labaatan sano ayey Soomaliya u cadibneeyd niman “warlords” loogu yeero oo taageero ka helayay dalal u daris ah iyo kuwo ka fog Soomaaliya. Maalintay meesha ka baxeen oo uu shacabku iska kiciyay ayaa lagu soo duulay dalka oo la qabsaday, lagu gabood falay walina la heystaa, inta dhimanna duulaan lagu yahay haatan. Taasi ma gargaarbaa? Garagaarka ay Soomliya mudan tahay oo aaney reer Falistiin mudneeyn muxuu yahay? Ma inagaa ka fadli badan? Midda kalase, miyaanu Ilaaheey subxaanu watacaalaa ku oran suratal Baqara ayaddeeda 120-aad:
    وَلَن تَرۡضَىٰ عَنكَ ٱلۡيَہُودُ وَلَا ٱلنَّصَـٰرَىٰ حَتَّىٰ تَتَّبِعَ مِلَّتَہُمۡ‌ۗ قُلۡ إِنَّ هُدَى ٱللَّهِ هُوَ ٱلۡهُدَىٰ‌ۗ وَلَٮِٕنِ ٱتَّبَعۡتَ أَهۡوَآءَهُم بَعۡدَ ٱلَّذِى جَآءَكَ مِنَ ٱلۡعِلۡمِ‌ۙ مَا لَكَ مِنَ ٱللَّهِ مِن وَلِىٍّ۬ وَلَا نَصِيرٍ
    Nuxurka aayaddu waxa weeye inaaneey Yuhuud iyo kirishtan marna aaney raali kaa noqonayn ilaa aad tooda qaadato… Si kale oo ruux Muslima ahi ku raali gareeyn karo ma jirto ilaa uu uga baxo diinta Islaamka! Waxay raali kaaga noqdaan waa inaad waxay ku faraan aad adeecdo misne fuliso.
    Aayad kale suuratul Cimraan aayaddeeda 120-aad waxa uu Ilaahey nooga sheegay:
    إِن تَمۡسَسۡكُمۡ حَسَنَةٌ۬ تَسُؤۡهُمۡ وَإِن تُصِبۡكُمۡ سَيِّئَةٌ۬ يَفۡرَحُواْ بِهَا‌ۖ وَإِن تَصۡبِرُواْ وَتَتَّقُواْ لَا يَضُرُّڪُمۡ كَيۡدُهُمۡ شَيۡـًٔا‌ۗ إِنَّ ٱللَّهَ بِمَا يَعۡمَلُونَ مُحِيطٌ۬
    Nuxurka aayaddu waxa weeye in ay aad uga murgoodaan marka Muslimiintu helaan nasteexo xagga Rabbi uga timaada. Marka Muslimiinta musiibo ku habsatana ay aad ugu riyaaqaan… Sidee marka walaalow dad Ilaaheey sidaa u qeexay kuugu gargaaraan. Waa mas’alo cajiiba!
    Midda kale, waxa aan aan aad ugu biyo diiday inaad Ehlu Beeytka aad barbar dhigto Cabdullaahi Yusuf, Geedi iyo rag ku sheeg la halmaala. Miyaaneey nimankaasi u sabab lahayn in dalka la qabsado oo kuwii ka danbeeyeyna ay ogolaadaan in badaha Soomaaliya laga siisto maalin waxay ku qadeeyaan? Miyaaneey raali ka noqon in dad lagu gumaado maasaajidda iyo guryahooda? Ma halmaantay culumadii iyo kutaabkii ay Itoobiyaan ku gowraceen masjidkii Waxare Cadde? Xageey kaa martay masaajiddii ay Itoobiyaan ku dhex saxaroodeen iyo kutaabadii ay ku xaar tirteen? Aaway waxay gabar Soomaaliyeey kufsadeen oo aaney cidi kula xisaabtamin? Ma xisaabisay mood iyo nool waxay galaafteen? Nimankii intaasi u sabab lahaa in aan barbardhigto Ehelu Baytii waa wax runtii iga dagi waayey adigoo Sheekha!
    Markaan u soo noqdo danbiya aad qoorta u surtay Al Shababaab, waxa aan ka leeyahay:
    Marka koowaad, sida aan ilaa hadda aan ka war hayo waxa ay Al Shabab iska fogeeysay in ay haba yaraatee wax lug ah ay ku leedahay dhacdadii foosha xumeeyd ee ka dhacday hoteelkii Shamo. Ma iyagaan rumeeysanaa misa cidda eeda u soo jeedisay oo aad adigu jiro ayaan rumeeysanaa? Iyaga ayey ila tahay inaan rumeeysano ilaa ay caddeyn ina soo hor dhigaan kuwa eeda u soo jeediyey.
    Waxad kalood Al Shabaab ku durtay inay iyagu mas’uul ka ahaayeen Bomb bac lagu soo dhex qariyey oo ku dhex qaraxday dad ku soo xoomey sabab ay ugu soo xoomeemba. Ma maqal meel ay Al Shabaab ku sheegteen mas’uuliyadda masiibadaa. Adiga ayaan kaa sugeynaa inaad noo sheegta isha warkaasi iyo sida loo rumeysan karo.
    Waxa kale oo aad sheegtay in qaraxii ay Al Shabaab qiratey in ay la beegsatay xeraddii hore ee Xargaha iyo Saamaha ee ay Meel-Ma-Gaartadu ku lahayd dhowr wasaaradood ay arday ku waxyeeloobeen sida la sheegay. Sida aan warka ku hayo Meel-Ma-Gaartada ayaa sheegtay in ay arday ku wax yeeloobeen. Way adag tahay in la xaqiiyo sida war ka soo yeeray qolooyinka diintoodii, dalkoodii iyo dadkoodii iib geeyey in ay ka run sheegayaan waxa dhacay. Waxa arrinta sii cakirinaya run ahaanshaheeda seddex qodob:
    Qodobka koowaad: aqoonsigii ama teesarihii meel ma gaartadu soo bandhigatay isla maalintaa oo ay ku sheegatay inuu lahaa ruuxa isku qarxiyey xeradaa. Waxa la yaab leh inaan la is weydiin waxa uu aqoonsi uga baahanyahay ruux isa soo qadimay iyo sida uu aqoonsi xaashi ka sameeysan uu gabi ahaanba uga badbaadi karo qarax awooddiisa lala fajacay.
    Qodobka labaad: Tirada dadka ku waxyeeloobay qaraxaasi sida la sheegay waxa ay aad ugu badneeyd tii hotel Shamo. Haddana, sawiradda ay saxaafadda madaxbanaan ka soo qaaday kii Shaamoow waa ay fara badnaayeen waxana ay gabi ahaanba tusayeen dadkii ku waxyeeloobay in ay arday ka mid ahaayeen. Waxa shaki leh inaan la ogolaan sawiro in laga qaado ardayda la sheegay iney ku wax yeelooobeen qaraxii Xargaha iyo Saamaha. Sawirada halkaasi laga soo qaaday oo aad u koobnaa haba yaraatee maaney muujineeyn in arday ama dhalinyaro faro badan ay ku waxyeeloobay.
    Qodobka seddexaan: wax arday oo ku socday deeq wax barasho oo ay ugu deeqday Turkiga ma jirin ama aadbey u koobnayd. Waxa aan marqaati ka ahay in deegdaasi lagu iibinayey Nayroobi oo lakala siisananay laba ilaa seddex kun oo doolar. Waxa laga iibinayayna ma ahayn arday ee waxa ay ahaayeen dad dhoof doon ah. Dadka lagu sheegay ardada waxa dad noocaasi ah. Maalintii iney halkaasi ku xaadireena shaki weyn ayaan ka qabaa.
    Waxan intaa raacsan lahaa oo aan ku xusuusinayaa aayad kale (suuratul Xujiraat) aayadeeda 6-aad oo uu Ilaahey ku leeyahay:
    يَـٰٓأَيُّہَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِن جَآءَكُمۡ فَاسِقُۢ بِنَبَإٍ۬ فَتَبَيَّنُوٓاْ أَن تُصِيبُواْ قَوۡمَۢا بِجَهَـٰلَةٍ۬ فَتُصۡبِحُواْ عَلَىٰ مَا فَعَلۡتُمۡ نَـٰدِمِينَ

    Dhinaca kale, waxa aaney su’aali ka taagneeyn in dad aanu dagaal kala dhexeyn ku waxyeeloobaan howl-galada Al Shabaab. Su’aashuse waxa ay tahay in ay Al Shabaab ula kac u wax yeeleeyaan dadkaasi ama inay qadartu keentay dadkaasi meelaha ay howl-galada ka fulinayeen. Anigu waxa ay ila tahay tan danbe.
    Ugu danbeeyn, waxanad igu diidi Karin in dalkii la heyso lana kala boobayo. Cid manta u taagan oo naga yureeynayso waraabahaa doonaya inuu dalka diirto oo aan Al Shabaab ahayn ma heyno. Sidaasi darted, keen micne caddowga nagu galay mariilnimada la isga difaaco ama adeer inoo daa Al Shabab.

  21. naasir says:

    sh.saahid wili xildhibaan ma tahay mise waa ka baxday xildhibaanada ?

  22. jamal says:

    asc,
    aniga oo an difaceen qof ama koox, waxaan jeclaan laha in uu qoraagu uu cadalada ka tagiin, taas waxaan ula jeda sheeko kastaba laba dhinac ayay leedahay ee hal dhinac ah ayaad nagu wada dhowr sanaba, ee walalow dhinaca kalana u roog(xumaanta al shabab iyo wanagoodba) waa hadi ad qirsantahayba in ay wanag leeyihiin

    mida kale ee an jeclaan laha in ad ku daartid waxa weeye in ad dhinacyada is haya adaan la safaan dhinaac qoraalkan waxa ku cad in ad dhinac u xaglanaysiid, ogowna midna aboorka kaa ceelin maayo!!!

  23. waa hadal wili aanan fahmin maxa isku keenay sheekha iyo shabaab isku xili maahayn shiikhu ma riyo ayuu kaga soo lacnaday waxan ka hadlayaa waa cinwaanka oo larabo in uu noqdo mid sax ah oo dadkuna soo jiita balse cinwaanka ayaad ka garaanysaa waxa qormada ka hooseysaa ay sheegayso kumanaan su’aalo ayaa kaaga imaan kara cinwaanka bas, qoraa waadku khaldantay cinwaanka dambi ayana ku dhacday ee shiikha been haka sheegin cinwaankaga ayaa burinaya waxa kuhoosduudan kan hadii lagaa asmaco waxad biri soo qoraysaa “nabiga ayaa lacnday xarakada al-shabaab” taasina mid sax ah maaha ilaahay kabaq waad soo qaadan kartaa culimada maanta nool balse culimada aysan xiligoodi nasoo gaarin been haka sheegin shiikhuna shabaabka maanta jooga maba yaqaan god ayuu kaga jiraa uducee lakin been inad ka samaysato maaha.

  24. C/Fataax says:

    ILAAHAY baa mahad leh, shacni iyo nabad-galyana nabigeenii suubanaa dushiisa. Sheekh Saahidow ILAAHAY hakaa ajar-siiyo anagana hanagu anfaco waanadaada. Nimankan afka duuban waa khaldan yihiin, khaladkooduna waa mid muuqda oon qarsoonayn, waxaana daliil qofkii rabaa ugu filan inay gaanginnimadoodu iska muuqato ooy afkii wada duubteen taasoo ah calaamadda lagu yaqaano tuugta iyo qawlaysatada. Waa masiibo ummaddan lagu imtixaanayo. ILAAHAY sunnadiisa waxaa kamid ah in qolo walboo dunida ku qooqda sida kuwan afkaduuban inuu halaago, maantana anigu waxaan leeyahay ishu waa xaq (al-ceynu xaq) isha masaakiinta ee xaq-darrrida lagu dilay ee iydoo ooyeysa ILAAHAY u ashtakootay ALLE waa ajiibayaa ee ninkii dilayoow meeshii ku qarin lahayd diyaarso. ALLAA WEYN NINKII AAMINAA AWOOD LEH

  25. Maxamed says:

    Tan iyo markii aan Al-Shabaab arkay iyo halganka xaq-udirirka ah ee ay kula jiraan cadawga soo jireenka ah waxaan arkayay dacaayado raqiis ah sida maqaalkan oo kale, mana layaabayo oo sidan oo kale ayaa dadka sharafta leh mar walba la iskugu dayaa in loo dacaayadeeyo ‘Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa sidan oo kale lagu lahaa dhiiga muslimka ayu banaystay si dadka looga horkeeno,waana Caqliyad Caqiim ah oo laga dhaxlay gumaystaha hororka ah iyo inta la cashaysa ama cayrtiisa cunta, laakiin Ilaahay SW ayaa Al-Shabaab oo kale tilmaamay oo yiriيجاهدون في سبيل الله ولا يخافون لومة لاىم‎ marka dacaayad walba oo laga sheego waxba uma dhibtee taageero hor leh ayayna ku helaan awood iyo kartina way u kordhisaa..waana Mucjiso .

  26. AdoonAlle says:

    Wa Alaykum As-salam Shaykh Shaahidoow

    Waxaan isku dayayaa, inaan kuu jawaabo dhowr meelood aan kaaga soo horjeedo.

    Insha Allah, waxaan kaa codsanayaa walaal, inaad isku daydo inkastaan dheereeyey, inaad akhridid sidaan anigu maqaalkaadan dheer u akhriyey, wa jzk khair.

    Qodobaka koobaad:

    Qaladada aad maqaalkan ku gashay waa dhwor xabo, hadaan Tusaale gaaban keeno, waxaa weeye:

    Hotel Shamow marar badan baad qoraaladaada ku soo hadal qaaday inay Al-shabaab ka dambeeyeen, hadaad la socon lahayd siyaasadda soomaaliya waxaad ogaan lahayd in ay Al-shabaab qaraxaas iska fogeeyeen hal jeer ka badan.

    Markaa adigu adoo nin cilmi u nisba sheeganaya, cadaalad u nisba sheeganaya, khayr u nisba sheeganaya wali waad ku nabaysaa ficil ay ka fogaadeen.

    Maalinkay qirtaan ficil ay ku kaceen waad ku maagi ! Maalinkayga dhahaan “anaga maahana” waad ku caayi! Sidaasi cadaalad maaha, Allah quraankiisuna wuxuu ku yidhi

    “وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ أَن صَدُّوكُمْ عَنِ الْمَسْجِدِ الْحَرَامِ أَن تَعْتَدُو”

    “yeyna Idin ku Xambaarin Cadhada Qoom idinka Celiyey Masaajidka Xurmaysan inaad Xad gudubtaan”

    Meeshaas ujeedadaydu waxaa weeye, Nacayb aah Al-shabaab u qabtid yaysan kugu kicin xadgudub, oo ficilo aadan wax daliil ah u haynin, ayagiina afkooda ka dhaheen “maanaan samayn” ha ku nabin, dad muslimiin ah weeye, sidaadoo kale.

    Taasi waa qaladka ugu horaysay!

    Qodobka labaad:

    Waxaad soo qortay: Inay Yazid bin Mucawiya ka daran yihiin – waana xagayga hadal qariib ah.

    Yazeed bin Mucawiya ninkii garanayaa akhbaartiisa ka war haya. Laakiin hadaan wax yar ka taabto, culimadii salafku, faasiq, murjim ah inuu ahaa iskuma haysato.
    Waxaa kaloo taas u sii dheer, Yazid wuxuu laayey saxaabo, waliba Ahlu bayt qaar, oo ehelkii nabiga(salallahu alayhi wasalam) ah, sida Xusayn bin cali bin abi talib.

    Waxaa Yaziid u sii dheer waxaasoo dhan, Yaziid, dagaal toos ah wuxuu ugu waday Muslimiin, yacni dagaal gaalo kulamuusan jirin markuu laynayey saxaabadii nabiga.

    Tusaale yar oo ku saabsan Yaziid bin Mucaawiya: Waxaa baalka mugdigee taariikhda galay, dagaalkii ama macrakadii Al-harar ka dhacday, oo meel u dhow Medina. Yaziid ciidan kumanaan ah intuu soo kaxaystay buu dagaal u soo Aaday Medina(MAGAALADII BARAKAYSNAYD), waxaana meeshaas dagan muslimiin, qaar saxaaba ah. Yaziid waxay taariikhdu sheegtay inay 3 maalmood oo dhiigu qulqulayey dariiqyada Medina, ilaa xataa masjidkii nabiga dad lagu laayey. Yaziid dadkaas uu laynayo, waxay ahaayeen muslimiiin kaliya, AMISOM iyo burundi meeshaas maysan joogin. Qofkii akhriyaa oohin buu la dhici, wax laga sheekayn karo maaha.

    Maanta Al-shabaab Burundi, yugaandhiis, Amisom, Kenyaati bay la dagaalamayaan, markaasad leedahay Yaziid bay ka daran yihiin? Goormay noqotay la dagaalka gaalo, sidii ayadoo Saxaabadii nabiga(salallahu alayhi wasalam) lala dagaalayo? Ama muslimiin mukhlisiin ah la dagaalankooda oo kale?

    Ila soco akhi, kama hadlayo al-shabaab inay qalado aysan galin: Waxaan ku leeyahay Yaziid markuu muslimiintii saxaabada laynayey, kamaysan ahayn “qalad” ama “madfac la soo tuurayoo meel qalad ha ku dhacay”! Si toos ah buu u qasday arintaas.

    Al-shabaab maanta qalad kastay galaan, waxaynu ognahay inuu “QALAD” yahay. Yanci toos ulama qasdaan inay shacab laayaan – Hadaad daliil kale haysid keen. Afkooda waxay ka dhahaan Gaaladaanu u wadnaa, culimo kaa waawayn baana taas ka markhaati ah.

    Culimadu Shabaab waligood kumaysan dheelayn inay shacabka kas u laayaan, waxay ku magaan kaliya “war si xikmadaysan u dagaalama”! Markaa halkaas waxaa ka cad, inay ogyihiin Shabaab inaysan muslimiin si kas ah u qasdin, Yaziid laakiin kas iyo ula kac buu u laayey saxaabadii nabiga(salallahu alayhi wasalam)

    Arintaas “qaladka ay shabaab galayaan” in laga hadlo, boos bay leedahay, oo al-mafaasid wal masaalid la eego waan kugu raacsanahay, laakiin inaad sidaas tooska u barbadhigtid Yaziid oo saxaabo si kas ah u laayey, iyo Al-shabaab oo gaalo hor taagan waa cadaalad daradaada labaad.

    Qodobbka sadexaad:

    Commentigaada waxaas soo qortay, war kaloo meel uu sal ku leeyahay aan la garanayn. Kaas oo ah “inay shabaab miino meel dhigtay” hadhowna 11 qof ku dhinteen, “BOQOLAAL” ku dhaawacmeen.

    Bal akhristaaloow boqolaal qof sidee bay miino ugu dhaawacmeen? Boqolaal waa imisa talow? 300 – 400 – 500 – 600`? Badanaa?
    Suurgala maba aha waxaas oo qof ah inay miino ku dhaawacmaan. Guryihii world trade center ee sidaas u waynaa, oo New York dhan halfkeed qiiqoodu qabsday waxaa ku dhimatay 3000 wax ka yar.

    Shaahidna wuxuu meeshan ka sheegay, inay miino meel taalay BOQOLAAL ku dhaawacmeen.

    Mida kale, wararka aad maqaalkaada ku soo qaadatay, adigu bil yaqiin ALLAH ma la hor tagi kartaa maalinta aakhiro inay sax yihiin? IN aanan akhbaartaas laga badbadin?

    Amaamallah ma la tagi kartaa? Dabcan “haa” inaad dhahaysid baan filayaa, waayo qof maqaal soo qoray oo waligiis qalad inuu galay qirtay ma arag, waa sifo Salafkii lagu yaqaanay.

    Qodobka afraad:

    Waxaad tidhi “siday ku dhacday inay Shabaab na laayaan, gaalna na badbaadiyo”

    Hadalkaas waa baadil akhi. Wuxuu baadil ku yahay, inaad marka hore aamintin inay AMISOM iyo xulafadeedu ku caawinayaan baa qalad ah. xagay nagu caawiyeen? Maxay noo qabteen?

    Maxay wadankeena ka samaynayaan?

    Waxaad kaloo ku dartay

    “adinku gaalkaas balan la leedihiin”

    Goormaa AMISOM balan lala galay?

    Maqaalka waxaad ku soo gabagaysao inay Al-shabaab Naclad mutaysteen:

    Waxaan ku waydiinayaa akhi arinkaas markii horuu khalad haa, waa qiyaas qalad ah baad martay, kaasoo ahaa Yaziid.

    Marka labaad, wax ahlul cilmiga maanta nool oo kalmadaas kugu raacay miyey jiraan? Sida Sh. Shariif C/nuur, Sh. Umal, Sh. Shible iwm?

    waan ogahay inay qaladaadka Al-shabaab ka hadleen, laakiin qof arintan aad maanta keentay hada ka hor yidhi lama maqal.

    Sidoo kale, Culimadda sida Sh. Cabdullahi xaashi(oo caan ku ahaa muctamaradi 90amadii ee yurub inuu yimaado), miyuu fahmi kari waayey waxaad fahantay?

    Sida kale, Sheekh Cabdiqaadir mumin, oo asagana looga yeedhi jiray muctamar kasta?

    Sidoo kale Shaykh Nuur Macalin? Ee waagii maxaakiimta aad loo arki jiray? Jaamacadda ku taala Sudana wax ka bari jiray?

    Sidoo kale Shaykh Jaamac Cabdi Salaam? Miyuusan ka mid ahayn culimaddii dacwadee hore? HAda ka hor isla meeshan Somalitalk baan ku arki jiray ayadoy qorantahay:

    “Sheikh Jaamac Cabdisalaam Warsame oo Xaqiijiyey Baaqii Culumada, Waxgaradka iyo ganacsatada G/Mudug”

    Mise waagaas kaliyaa Sheekh ahaa? Oo hada waa la af duubay?

    Sheekh Xassaan Xuseen hadaan soo hadal qaado dabcan waxaan filayaa waa “ekstrxeme” asagu? Laakiin su’aashu waa cilmi ma laha miyaa talow? Kolay 2006 Maxaakiimtii iyo ka horba Nairobi Sheekh buu ka ahaa.

    Waxaas oo dhan waxaan u soo hadal qaaday, waxaas oo culumaa miyey qaldameen? Haday Qaldameen, oo aad rayigooda ka soo horjeesatay, markaa maxaa diiday inay qolada kaa fakar duwana culimadda kale ayagu rayigooda ka soo horjeestaan?

    Sidee ku dhacday markaa inuu Culimadda Shabaa taageersan in la dhaho “culimo maaha” shalayna culimay ahaayeen, duruus iyo muxaadaraay bay jeedin jireen?

    Akhil karim, maqaaladaadu aad bay u fiicnaan jireen, taariikhda culimadda aad meesha soo galin jirtay aad baa loo xiiseeyaa, laakiin markaad arintan gashay “xikmadii” baa ku yaraatay. Waayo qofka qoraaga, ama “sheekha” ah, waxaa laga rabaa inuu si “balance” leh u hadlo, oo uusan ku talax tagin, waliba asagoon hubsan arimaha. Dadka cilmiga u nisba sheegtaa waxay kaga duwan yihiin shacabka, inaysan iskaga hadlin waxay warar ka maqlaan, waayo ninkii siyaasadda aduunka la socdaa wuxuu ogyahay in bbc iyo wararka meelo badan inay siyaasad iska noqdeen. Qofku markaa inuu warka hubsado, waanu siduu Allah nagu faray suurayl Xujuraat.

    Ugu dambayn, Al-shabaab dhowr maqaal baad hada ka maraysaa, hal maqaalna maanana arag ood AMISOM ama Shariif uga hadashay, billaahi calaykum ma cadaalad baa sidaasi? Mise AMISOM/Itoobiya/Kenya iyo wadanka dhibaatada ka tagaan, Al-shabaab baa ka daran?

    Diyaar baan u ahayn inaan arimahan kaala niqaasho, laakiin fadlan si fiican u akhrin waxaan soo qoray, ana balan baan kaa qaadayaa inaan si fiican u dhuuxa hadalkaada.

    Wa fawallahu lathee laa’ilaha qayruh, hadaad wax sax ah so qortid inaanan dhaga adayg samayn doonin, sidii Imaam Shafici baan Allah ka baryaya inuu Xaqa afkaada ka soo saaro saan anigu adiga kuu raaco!

    Hadaan wax qalad ah soo qoray, cafis baan sii dalban, kaliya uun wixii qalbigayga ku jiray baan ka hadlay. Umana joogoo Inaan Guruub ama koox difaaco, kaliya uun inaan cadeeyo waxaan

  27. yuusuf says:

    saahid wuxuu taageersanyahay azania marka sidaas ula socda waa nin kenyan ah

  28. yuusuf says:

    saahid horta markuu tagay usa ayuu damcay inuu isaga tirtiro wuxu horay u ahaa marka sidaas ayaa yeelaysa inuu maalin kasta ku mashquulo shabaab..
    marka xiga shabab wuxuu uga soo horjeedaa qabiil marka saahid anaa fahansanee yaan loo qabanin wuxuu shabaab ka sheego waayo maraykan ayuu ku noolyahay

  29. Hassan says:

    Asc

    Qoraalkaan qoraal xikmad iyo macno kufadhiyo ma aha,xaqiiqdane kama tarjumaayo.Qoraagaan Saahid,waxaan ku ogeen nin wax ka qora taariikhda sida culimada islaamka iyo qaab nololeedkoodi.Waxaa kaloo ku naqaan nin aad iyo aad u neceb xarakada Shabaabul Mujaahidiin,ninkaan ma aha nin cadaaladda u dhow xitaa.

    Sababta aan saas u leeyahay waxaa weeye,walaalayaal sida aan ognahay dalkaan waa lagusoo duulay,oo hadda lajoogi Kenya ayaa maalin cad kusoo xadgudubtay.Ma aragteen SAAHID oo ka gubanaaya duulaankaan?? Midda kale ma aragteen Saahid oo wax ka qoraaya DFKM?? ha noqota dhibka Somalida ay ku haayaan,mase iib geynta badda soomaalieed iwm?

    Allah swc wuxuu quraankiisa nagu leeyahay ha xadgudbina,xitaa gaalada ladagaalankooda haku xadgudbina.Marka ninkaan qoraalkaan uu soo qoray kii ugu horreeyay ma aha,waa kiisii 3:aa mase 2:aad haddaanan qaldaneen oo uu xarakadaan ku xadgudbaaya.Waxa ay ilatahay in mucaarad la noqon karo,oo aad leedahay aragti ka duwan aragtiyada kale ee dadka ama xarakaadka ,laakiin waxaa haboon in aad si cilmiyeysan wax u radidid.

    Waxa aan dhihi lahaa ninkaan jooga dalalkaas fog fog oo xaqiiqda lasoconin,laakiin akhriya kuna kalsoon warbaahinta reer galbeedka in uu xaqiiqda baaro.Warbaahinta markii uu akhriyane uu FILTER mariyo,caddaaladdane uusan ka fogaanin.Si kasta uu u necbaadane shabaab wax usoo kordhin meyso.Waxaan kaloo usoo jeedin lahaa in uu waqti yar uu galiyo ka hadalka iyo cambaareynta dalkaan la iskusoo bahaystay ee lagusoo duulay.Dadkane ay dhaxda u xerteen in ay wax yiraahdaan oo ay kamid tahay bahda walaalaha Somalitalk,ilaahey kheyr hasiiyee.

    asc
    Hassan

  30. Maxamed says:

    Qoraagu ma mashquulis buu wadaa? Al-Shabaab dalka cida kaliya ee difaacaysa waaye ee mudanoow mashquulka ka daa, Dagaalka Axzaab eed sheegtayna mid ka daran hada Al-Shabaab baa lagu hayaa oo gaalo oo dhan isku soo bahaysataye ama garab istaag ama dhega hadalka ka daa oo hadii aad dhaliil u hayso markay Kenya iyo Xabashi cayrshaan fagaaraha la imoow.

  31. Daadyare says:

    Sc
    Sh. Saacid
    Ilaahay khayr ha ku siiyo,
    walaal waxaad muda soomaaliyeed u bayaamisay wax badan oo aysan waxba kala socon, waana tan loo baahan yahay in marar badan lagu soo celcesho si umadu waxa khaldan u ogaadan.
    Hadaba, walaal ilaahay cilmigaaga ka kuu barakeeyee soomaali hiilka aad u wadid waan kan aad maalin walba ugu faaiidaynaysid aqoontaada suubane ee hanaga noogin, ogowna waxa halkan maanta na dhigay in ay tahay JAHLIGA oo dhalintii soomaaliyeed looga faaiidaynayo wax been, khayaali iyo khuraafaad aan sal iyo raad toona lahay maalin walbana Naftoodii, Diintoodii, Dalkoodii iyo Maalkii umadaba lagu haligayo.

    Marlabaad Illaahay Cilmiga ha kuu barakeeyo.

  32. SCWXWB:
    Akhristoow Soomaalidu waxay dhahaan meyd maxaa ugu danbeeyey,markaas bay ku jawaabaan middka la sii sido.Haddaba waxaan ka sheegaayey AL-shabaab shalay bay waxay Bam gacanta laga hago dhigeen Suuqa Madiina meel wado ah oo Muslimiin badan ku lugayneyso, markay dadka qaarkiis arkeen oo ku soo xoomeen ayey ku qarxiyeen, halkaas waxay ku dileen 11 Ruux waxayna ku dhaawaceen Boqolaal !!!
    Waa koox u ooman Dhiigga Muslimiinta Allaahoow naga qabo !!!!