Home » Warar »

Aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka Jawaabey Hadalkii Faarax Macallim ee ahaa “Mar dambe Muqdisho loogama Talin doono Kulbiyow”.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii Faarax Macallim ee uu ka sii daayey Idaacadda Al-Furqaan ee Magaaladda Muqdisho ee ahaa “Mar dambe Muqdisho loogama talin doono Kulbiyow”. Cabdi waxa uu s heegay in Faarax Macalin uu hadalkaasi kaga golleeyahay Kenya ayaa looga talindoonaa Kulbiyow, isagoona weydiiyay su’aal ah. Mar haddii aad tiri” Mar dambe Muqdisho loogama talin doono Kulbiyow” waxaad inooga jawaabtaa ma Kuukuuyada Kenya ayaa iska xigta shacabka Muqdisho iyo kuwa Kulbiyow?

Prof. Cabdi ayaa sidoo kale wax la yaab leh ku tilmaamay in dowladda KMG ah ay ka jawaabi weyso hadalkii Dowladda Kenya, isagoona arintaasi ku macneeyay Aamusnaatu waa raali.,Ugu dambeyntiina waxa uu ummada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay tashadaan oo ay qalabka qaataan ka hor inta aanan loo talin waayo waxaa lagu soo duuley Dhulka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Dr. Siciid Muuse oo ah aqoonyahan takhasuskiisu yahay siyaasadda Juqraafiga ayaa arin naxdin leh ku tilmaamay hadalkii gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya uu ku sheegay in mar dambe aanan Kulbiyow laga xukumi doonin magaalada Muqdisho ee caasimadda wadanka Soomaaliya.

Dr.ayaa intaasi raaciyay in hadalkaasi uu ka marqaati kacayo hadafka iyo go’aanka dowladda Kenya ee ah in koonfurta Soomaaliya hadda iyo wixii ka dambeeya looga soo taliyo magaalooyinka Neyroobi, Baris iyo Talabiib.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiintaba ugu baaqay in ay ka hortagaan duulaanka dowladda Kenya oo iminkaba cadeysatay in waxa ay u socoto ay yihiin in ay meesha ka saarto in mar dambe koofurta laga xukumo caasimadda wadanka ee Muqdisho.

Dr. Siciid ayaa intaasi ku daray in duulaanka Kenya uu isugu jiro laba nooc oo kala ah mid dhaqaale doon iyo mid diineed sida laga dareemayo caawinaadda ay ka heshay Yahuudda.
Aqoonyahanku ayaa sheegay in kheyraad badan oo dhex ceegaago dhulka ay Kenya dooneyso, wuxuu yiri” Ceelal shidaal ayaa ku yaala Kaambooni, laba ceel oo waaweyn oo gaas dabiici ah ayaa ku yaala Faaxfax-dDhuun, Kalluunka ugu qaalisan ayaa laga helaa gaar ahaan meesha ay isaga darsamaan wabiga Jubba iyo Badda, waa dhul dhirti ku badan tahay, roobka iyo cimiladiisuna aad u wanaagsan tahay.
Waxaa waraysatay aqoonyahanada Idaacada Radio Alfurqaan Codkiina hoos kadhegeyso Radioalfurqaan.com
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/war subax 24-11-2011.mp3]

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka Jawaabey Hadalkii Faarax Macallim ee ahaa “Mar dambe Muqdisho loogama Talin doono Kulbiyow”. "

  1. Sharif Jabarti says:

    Mudan Farah Macalim wuxuu abaaray xaqiiqda dhabata ah ka jirta gobalada jubbooyinka iyo gedo iyo cadowtinimad loo hayo ummadda soomaaliyeed oo deegan iska leh oo xuquudooda lagu tumtay dhibaatooyin fara badan loo geestay. dhibaatooyinkaas oo laga soo ababulayey magalada muqdishow la iskana hor keeni jiray dadka deeganka ah kharash badana lagu bixin jiray in dadkaasi ayna marna madoobin. Waa ilaahay galadiisa haddii ay midoobeen ul iyo deerkiisa ay noqdeen maalmulna ay samaysteen oo loogu wan qalay AZANIA STATE madaxna looguna doortay Mudane prof. Gandi oo ah nin reer wamo ah . Mudane Farah Macalim wuxuu arkay colaad aan geed logu soo gabanin ee loo hayo beesha deeganka oo si cad ah u muujiyey madaxweyne Sheekh Sharif iyo asago hore tan oo kale(colaad) u muujiyey puntland. Marka haddii halyeey Farah Macalim yidhi Mar dambe Muqdisho loogama talin doono Kulbiyow”. waa arrin sax ah Kulbiyow waxa laga xukumi doona maamulka AZANIA STATE. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar waxaan odhanayaa lahaa meeday gobolka Awdal aad u dhalatay waxaa laga jaray somalia waxaan loo baxshay somaliland oo ka madax banaan somalia maxad uuga hadli weysay marka waxaan ku odhan lahaa in aadan wakhtiga iskaga lumanin AZANIA STATE. Dr. Siciid Muuse waxan asagana odhan lahaa in khayraadka oo kala ah saliida iyo gaska dabeeciga ah ee ku jira AZANIA STATE ay iska leeyihiin dadka deeganka degan markii soomaali dhab ah marka la helo oo wanaag ku dhisan lana joojiyo isir naceebka waxaa la gaari doonaa guul. Hasha DEEQA(azania state) way dhaqaaday wayna guulaysan doontaa cidna loo ma aabayiili doon hadduu doono cadowgiisa ha ciyee.