Home » Warar »

Warsaxaafadeed: Dowladda FKMG ee Soomaaliya oo ku dhawaaqday Guddiga Wadajirka ah ee Roadmap ka

Muqdisho, November 20,2011—–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta ku dhawaaqay guddiga Wadajirka ah ee habraaca marxaladda kala guurka ah “Rodmap” 2011/2012. Dhaqangelintii Roadmap ka ayaa u socda si habsami ah iyadoo lagu guuleystay in wax badan laga qabtay howlahii uu tilmaamayey habraaca marxaladda kala guurka “roadmap” 2011/2012.

Hoos ka dhegeyso shirka jaraa’id oo uu akhrinayo afhayeenka xukuumadda DFKMG:

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/shirjaraid_yarisow.mp3]

Ra’iisal Wasaaraha Somalia ayaa in muddo ahba waday la tashiyo uu la sameynayey hay’adaha dastuuriga ah, iyo dhammaan qeybaha bulshada iyo gaar ahaan saxiixayaashii Roadmap ka ee ku hawlanaa dhaqangelinta Roadmap ka. La tashiyo fara badan ka dib ayuu Ra’iisul Wasaarahu waxuu soo dhisay guddiga wadajirka ah.

Warsaxaafadeedka oo PDF ah ka eeg halkan

Guddiga Wadajirka ah waxuu ka koobanyahay Hay’adaha Dastuuriga ah, Puntland iyo Galmudug, Ahlu Sunna Wal-Jameeca (ASWJ), xubno ka tirsan Bulshada rayidka ah iyo khubaro. Guddigan ayaa waajibaadkiisu yahay diyaarinta qaabkii lagu dhaqan geli lahaa dastuurka cusub wuxuu kaloo  wadatashiyo uu la yeelan doonaa dhinacyada kala duwan, kana soo tala bixin doonaa qaabkii lagu sameyn lahaa dib u habeynta baarlamaanka iyo dhameystirka dastuurka.

Xubnaha Guddiga Wadajirka ah ayaa kala ah:-

  •  Cabdullaahi Axmed Calasow
  • Maxamed Cali Nuur
  • Salaad Axmed Caynte
  • Cabdi Saciid Farax (Juxa)
  • Cabdulqaadir Cabdi Xaashi
  • Engineer. Axmed Shirwac
  • Maxamed Diheeye Ismaaciil
  • Siraad Xasan Cali Xirsi
  • Cabdullaahi Cismaan Ducaale
  • Cabdullaahi Xaaji Xasan
  • Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen
  • Raba’o Sheekh Nuur
  • Maryan Aweys Jaamac
  • Dr. Cali Nuur Axmed
  • Engineer Sadik Mire Samantar

Guddigan ayaa hawshooda si deg deg ah u billaabi doono, si ay u qabsadaan hawsha uu farayo “Roadmap-ka.

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/shirjaraid_yarisow.mp3]

Isha: DFKMG

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Warsaxaafadeed: Dowladda FKMG ee Soomaaliya oo ku dhawaaqday Guddiga Wadajirka ah ee Roadmap ka "

  1. Ibnu Xusseen says:

    RoadMap ka danta u ugu wayn ee beesha caalamku kaleedahay waxaan filayaa waa in DFKMG dowlad rasmiya laga dhigo oo kumeelgaarnimada laga saaro, arintaas oo suuta galinaysa in waxyaabo badan oo hada kumeelgaarnimadu hortaagantahay laga saxiixdo.