Home » Faallo »

Yaa U-Sheega Kenya , Dagaal U Aadista Somaliya Dalxiis Ma’ahan.

Gununuca Prf Gaandi, Galbiska Axmed Madoobe ,Is-Giijinta dowlada Kenya , Gunti-xumida Mudane Gaas , Guuxa hoose ee Sharif Axmed , Geediga ma-dege ee beesha caalamka ,Gees u daaqnimada Faroole, Gulufka beenaadka Galmudug , Galgalashada Ahlu-sunnah wal-jamaaca, Gardarada xabashida , Godlashada Turkiyo iyo siyaasada Geesaha badan ee Somaliya lagu dhaqo beryahan ma tahay mid ay Somalida uga soo dhax-bixi karaan mugdiga ka dhax jiro dhiil iyaga u aamburan.

Booqasha lama filaan ah balse aanan ahayn wax lala yaabo ,ileen ma ahayn midii u horesysay oo uu madaxweynaha Somaliya Sharif Shikh Axmed debada dalka ku tago ,gaar ahaan wadanka Uganda oo iyaga iska leh ciidamada ugu badan ee waddankeena u joogo nabad ilaaliyaal sida lagu sheego. Booqashadan waxaa ka horeeyay hadala iska soo horjeeda oo ka soo kala yeeray madaxda Kenya oo dhinac ah iyo madaxda Somalida oo dhinac ah , waxaa xigay in uu soo muuqday khilaaf cad oo ka dhax jiro DFKM dhaxdeeda kolkii madaxweynaha Somaliya Sharif Shikh Axmed ka dhawaajiyay in aynan dowlada Somaliya raali ku ahayn ,sidoo kalana shacabka Somaliyeed aynan raali ku ahayn soo gelitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Somaliya, taa waxaa xigay wasiirka koowaad Cabdi Weli Gaas oo si cad u yiri in ciidamada Kenya ay ku joogaan gudaha Somaliya raalinimada DFKMG, waxaa haddana xigay in wasiirka Kowaad uu booqasha gaaban oo deg-deg ah ku tegay dalka Kenya halkaas oo lagu wada saxiixay 11 qodob oo lagu sheegay heshiis dhax-maray Kenya iyo DFKM ,heshiiskaas oo isaga lagu tilmaamay in uu yahay mid ay DFKM iyo Dowlada Kenya iska kaashanayaan la dagaalanka kooxda Al-shabaab balsa dhab ahaanta qodobka u-horeeyo ee heshiiskaas ma ahayn qodob ay laba dowladood ku heshiiyaan wuxuuna u dhignaa sidan oo iyada ah dagaal bareer ah ee lagu soo qaaday dalka Somaliyeed iyo iyada oo qodabkaas uunan ka tarjumayn laba koox oo heshiisay.

1. Howlgallada ciidamada Kenya ee Gudaha Soomaaliya waxa uu u jeedkiisu yahay ka hortagga hanjabaadaha kooxda Al-shabaab, ee ah in ay qal qalgelineyso amniga iyo dhaqaalaha dalkaasi, iyadoo dowladda Kenya ay xaq u leedahay in ay isdifaacdo sida uu dhigayo qodobka 51-aad ee xeerka Qaramada Midoobay.

Horudhac gaaban keddib, markaan gunta ujeedada qoraalkan u daadegno oo iyada ah su’aalo ku aadan, maxaa keenay dagaalka Kenya ay ku soo qaaday gudaha Somaliya kolki magaalada Xamar(Muqdisho) inteeda badan laga xoreeyay kooxda Al Shabaab? Maxaa keenya in Kenya ay arrimaheena u soo farageliso si miltarinima ah kolki ay kooxda Al-shabaab inkireen in iyaga ka dambeeyaan afduubyada loo geystay dad ajaanib ah gudaha dalka Kenya iyada oo weliba Alshabaab lagu yaqaan in ay iyaga sheegtaan dhibaatooyin foolxuma badan oo ay gudaha somaliya iyo debadiisaba ka geysteen? ,maxaa keenay markuu fashilmay ,si loo meel mariyana la waayay qorshihi in muddaa la wad-waday , loogana dan lahaa boobka badda Somaliyeed ,gaar ahaan isku dayga wax ka bedelida xuduud badeedka u dhaxeeyo Kenya iyo Somaliya in ay dowlada Kenya ciidankeeda soo geliso gudaha dhulka Somaliyeed?.
Waa su’aal kale madaxweynaha Somaliya Sharif Axmed maxaa keenay in uunan wax ka dhihin hadalki wasiirkiisa koowaad uu si cad ugu khilafay hadalkiisi ahaa in aynan dowladiisa raali ka ahayn soo gelitaanka ciidamada Kenya ee gudaha somaliya.

Su’aaladahan ka jawaabidooda qaar ka mid ah waxaan u daynaynaa aqristayasha qoraalkan ,waxaansa isku dayaynaa in aan dabagal iyo falaanqayn ku sameyno maxaa aamusiyay Shariif Shikh Axmed keddib hadalki kululaa ee ka soo yeeray iyo maxaa ku soo kordhay siyaasada geeska Afrika guud ahaan iyo Somaliya gaar ahaan keddib booqashadiisi gaabnayd ee uu ku tegay dalka Uganda.

Shariif Axmed Markan Ma Isagaa Ajaran Misa Jameeca Kale Ayuu Jidka Uga Tegi Rabaa. wadaadka wuxuu la aamusay ma ahan waxa sahlan, waxaana horyaal laba arrimood oo mid walbaba uunan midka kale uga dhib yarayn wax u dhimida siyaasadiisa ku aadan hamiga uga jiro in uu ku soo noqdo kursiga dalka Somaliyeed , Shariifka waxaa horyaal in uu jar ka dhacayo haddii uu ku adkaysan waayo hadalki ka soo yeeray oo isaga wax weyn u-dhimay siyaasada dowlada Kenya ee ku aadanayd soo gelitaanki ciidankeeda gudaha Somaliya, isla markaasna miisaankiisa wadaninimo kor u qaaday, waxaa horyaal haddii uu hadalkiisa ku adkeysan waayo in uu weynayo taageerada dadka Somaliyeed intooda badan , dhinaca kale waxaa iyadana horyaal haddii uu ku adkeysto hadalkiisa in uu weynayo taageerada qaar ka mid ah beesha caalamka oo iyaga u jajaban la safnaashada danaha Xabashid iyo Kenya iyada oo haddana aynan meesha ka marnayn in ay isla dowladahaas danaha ay ka leeyihiin Somaliya u bur-burinayn danaha dowlada kale haddaba sidaa darteed Sharif Shikh Axmed muxuu Uganda u tegay ,muxuusa halkaas ka soo sheegay ,masa laga yaabaa in uu arrintan ku dhaqaaqideeda kala tashtay dowlad Turkiya oo iyada ah dowlad miisaankeeda iska leh, beryahana aad moodo in ay u istaagtay u garab-joogsiga dadka iyo dalka Somaliyeed .

Tegisti sharif ee kambala keddib wax badan ayaa ku soo kordhay siyaasada geeska africa ,ha ugu horeyso Kenyo oo dhaqhdhaqaaqeedi milatary yareysay ,fakfakteedina ku ekaysay halka ay ilaa iyo hadda soo gaareen ciidamdeeda keddib kolkuu cadaadis aan kor loo sheegin uga yimid qaar ka mid ah beesha caalamka iyo dowladaha deriska la ah dalka Somaliya ee ku bahoobay ururka IGAD iyo gudaha dalkeeda. Kenya waxay ku dhaqaaqday diplamasiyad ay taageero ugu raadinayso howlgalkeeda ,taageera ka raadintaasna waxay ugu horeysiisay labada dal oo ay ciidamada ka joogaan dalka Somaliya, kedibna dowladaha carabta iyo islaamka ,gaar ahaan dowlada Turkiya ,tolow wadaadka muxuu dhegta ugu soo sheegay Musefeni madaxweynaha Uganda iyada naf’ahaantaade waa su’aal kale oo siweydiin mudan . kenya taa waxaa u dheer dadka gobalka NFD oo ku wargeliyay in dagaalka ay Somaliya u aaday uunan ahayn mid ay dan ugu jirto dadka gobalkaas(NFD) iyo dowlada kenya guud ahaan islmarkaasna ay dowlad Kenya aynan u dulqaadan karin dhaqaala ahaan sii joogista dalka Somaliya gudahiisa madaama ay horay ugu fashilmeen ciidamadi marykanka iyo xabashida joogista gudaha dhulka Somaliya.

Madaxa Gobalka lagu sheegay Azania, madaxa maleeshiyada Raasgambooni iyo Kenya madaxdeeda qaar ka mid ah waxay bilaabeen in ay ishaafalatayn iyo cagajuglayn kula dhaqaaqaan Sharif Axmed , dowlad Kenya hadidaadaas ka soo yeereyso waxay ku dhinac wadaa raadinta in ay howlgalkeeda taageera kaga helaan dowladaha geeska afrika , carabta iyo islaamka iyo beesha caalamka, gaar ahaan golaha amaanka si uu howlgalkooda ku aadan la dagaalanka shabaab u fulo taa oo iyada ah sida ay ayaga u dhigeen luqadooda siyaasadeed, balsa xaqiiqada dhabta ah waxay tahay in ay si cad ugu sheegeen heshiiska iyaga iyo DFKM dhaxmaray luqad taa ka fog oo ah in ay waddanka somaliya gelidiisa uu u ogalaanayo qodabka 51 ee Un-ka ee isaga ah in dowlad walba ay xaq u leedhay in ay is-difaacdo. Kenya danaha ay dalka Somaliya ka leedahay ma ahan kuwa ku eg la dagaalanka Al-shabaab xaqiiqada dhabta ah waa taas, lasa arki doono meesha ay la tagto meelmarinta siyasadeeda haddii aynanba ka hor-imaan caqabada aynan xisaabka ku darsan.
Jahwareerka siyaasadeed ee Kenya ku dhacay yaa ka dambeeyo ,kenyasa tolow ma garatay soo gelitaanka Somaliya ay soo gelisay ciidankeeda in uunan ahayn dalxiis loo tegayo xeebta baddda Malindi maalin Axad ah ,misa ogtahay in ay taa horay ugu fashilmeen dowlada iyada ka xaniinya badan.

Somaliyeey qayledi aaad ka qeyliseen boobka badiina loo geysan rabay waa loo raayay, wuxuuna fashil cad ku keenay qorshihi Kenya iyo dowladihi taa la waday ay ka rabeen badeena ,laakin hadda waxaad mooda in uu gaabis ku yimid ogaalkiina ku aadan in dhulkiina la doonayo in la boobo iyada oo taa loo soo marayo waxaan la diririaynaa Al shabaab iyo waxyaaba taas ka sii hooseeyo oo lagu beer laxawsado kooxda Azania loo soo bixiyay iyo maleeshiyada Raas-gambooni oo iyaga loogu shekeeyay in raali laga yahay in iyaga ka taliyaan goballada koofurta fog ee dalka Somaliya.

Somaliyeey kaca oo cadawga geesaha badan ka daafaca dalkiina iyo dadkiina., ha isku haleynina madax uu hamigooda dhaafsiisnayn kursiga yaanan lagaaga hormarin ee beesha caalamka u jilcanaw, Somaliyeey marnaba ha aqbalina in waddankiina gudahiisa ay soo galaan ciidamada Kenya iyo Xabashida .

Gunaanad iyo digniin ku socoto madaxdeena ,Madaxweynaha ,wasiirka koowaad, gudoomiyaha Barlamaanka iyo madaxda kale ee dalka dhamaanba, kuwaan hadda joogo iyo kuwa kalaba waxaan kaga digaynaa in aynan isaga darsamin rabitaankooda ku aadan sii joogistooda siyaasadeed iyo ilaalinta danaha guud ee ummadda, haddaba sidaa darteed waa in aad ka feejignaataan in aad ku dhacaan dabinada loo maleegayo dadka iyo dalka Somaliyeed, ugu yaraan madaxdaan waxaan xusuusinaynaa in taariikhda aynan ka tegayn wanaag iyo xumaanba waxaad ummaddiina u-geystaan …waxaan xusuusinaynaa in ay meel walba joogaan dad u-soo jeedo qorida taariikhda , waxaad ogaataan sumacdiina oo aad dhowrataan in ay wax-qabad weyn u-tahay dadkiina iyo dalkiina.14/11/2011.

Abdallah Moallim Mahamud
Abdullahi Siyaasi
Moallem10@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Yaa U-Sheega Kenya , Dagaal U Aadista Somaliya Dalxiis Ma’ahan. "

  1. Waxaan WADANIYIINTA Soomaaliyeed ku adkeeynayaa in aay aduunweynaha u muujiyaan in aay kasoo horjeedaan falka gardarrada ah oo aay Kenya ku dooneyso in aay XOOG iyo XEEL DIPLOMASINIMO ku qabsato qeybo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed siiba dekedda KISMAAYO oo aay dano gaar ah oo aan wada ognahay ka leedahay.

    Waxaan qurbo joogga Soomaaliyeed ku sii adkeynayaa in aay E-mailyo u kala diraan meel alla meeshii aay codkooda gaarsiinkaraan ayakoo ku caddeynayaa in aaysan raali ka ahayn duulaanka aay Kenya kusoo qaaday Dalkeenna.
    Bacdamaa illaa iyo hadda aaysan muuqanin dad DADAAL DIPLOMASIYADEED u gala arrimahaan ku saabsan boobka iyo duulaanka nalagu hayo, waxaan QURBAJOOGGA SOOMAALIYEED markale ku adkeynayaa in aay booskaas buuxiyan oo aaysan isku haleynin DIPLOMASIYIIN aan fara lagu haynin.
    Cadowgu waxuu si Diplomasinimo ku raadinayaa mucaawino uu nagu cabburiyo asagoo
    dalkii kusoo duulay, annaguna waa iska aamusannahay.
    Walaalayaal arrinta aan idin farayo waa in codkayaga meel kasta laga maqlo.
    F.G. (Qofkii aay u suurtowdo ha gaarsiiyo arrintan JARAA-IDYADA ADUUNKA ).

    Emailada aad isticmaali kartaan hoos ka fiiri:-

    (1) Xafiiska Ra’iisul wasaaraha , (media@opm.gov.so)
    (2) Ingineer Yariis oo jooga xafiiska ra’iisul wasaaraha , (ayarisow@opm.gov.so)
    (3) Xafiiska Madaxweynaha, (media@sompresidency.org)
    (4) Afhayeenka Baarlamaanka , (shariif.speaker@gmail.com)
    (5) Email xafiiska madaxweynaha email kale ooh ore weeye, (opmtfg@gmail.com)
    (6) Email kale oo xafiiska ra’iisu wasaaraha waa email hore, (pmcommunicationoffice@gmail.com)
    (7) Safaarada Soomaalida ee Kenya , (mali@somaliembassy.co.ke)
    (8) Safaarada Soomaalida ee Qarammada Midoobey (somalia@un.int)
    (9) Prof Dalxa, (mdalxa@yahoo.com)

    Emailka hoose waxaa leh Xafiiska Madaxweynaha Puntland

    info@puntland-gov.net

    Emailka hoose waxaa leh Mahiga iyo xafiiskiisa

    unpos_pio@un.org

    Cinwaanada Hoose waa Qarammada Midoobey

    doalos@un.org, sg@un.org, montas@un.org

    Secretary of the Commission on the Limits of the Continental Shelf
    Division for Ocean Affairs and the Law of the Sea
    Office of Legal Affairs
    Room DC2-0450
    United Nations
    New York, New York 10017
    USA
    Telephone: (212) 963-3962
    Facsimile: (212) 963-5847
    E-mail: doalos@un.org

    Secretary-General Ban Ki-moon
    UN Headquarters
    First Avenue at 46th Street
    New York, NY 10017
    USA
    Email: sg@un.org

    Michèle Montas
    Spokesperson for the Secretary-General
    Email: montas@un.org