Home » Warar »

Miyay Guulaysatay Dowladda Kenya Afar Todobaad kadib Duulaanka Soomaliya?

Dowladda Kenya oo Duulaanka Ay ku soo Qaaday Dalka Somaaliya uu Jirsaday Afar Todobaad oo Ciidankoodu ay meel kaga dhaqaaqi la’yihiin inta u dhaxaysa Dhooblay iyo Taabto ayaa bilowday inay sii xoojiso Taageero u helis qorshaheeda ku wajahan Gacan Ku dhigida Magaalada Dakada Leh ee Kismayo.

Wasiirka Arimaha Dibada Kenya Moses Wetangula iyo Safiiradooda u fadhiya Dalalka Carbeed ayaa kulamo aan waqti cayiman lahayn la qaadanaya Dalal ay kujiraan Iiraan iyo Turkiga Kuwaasi oo dhambaal Taageero Raadis ah oo ay ka wadaan Raisul Wasaaraha Kenya usii gudbiyay Dalalka Iiraan iyo Turkiga.

Dowladda Kenya oo u aragta Iiraan iyo Turkiga inay Yihiin Quwadaha ugu Wayn Wadamada Muslimiinta ayaa ka dalbatay in ay ka taagaareen Dhinaca Milatariga iyo Diblumaasiyada, Kuwaasi oo ilaa iyo haatan aysan ka helin Jawaab ku wajahan sidii loogu taageeri lahaa Duulaanka ay Gashay Soomaaliya.

Wasiirka Arimaha Dibada Kenya oo dhawaan Xariga kajirayay Safaarad Dowladda Kenya ay ka furatay wadanka Cuman ayaa Madaxda Saldanada Cuman u gudbay Warqad uu ka siday Raiisulwasaaraha Kenya Raila Odinga Taasi oo la sheegay in Kenya ay Cuman ka codsatay in Dhinaca Dhaqaalaha ay kaga Taageerto Dagaalka ay ku soo qaaday Dalka Soomaaliya.

Urur Gobaleedka IGAD oo Dalalka Ku jira aanan Marnaba Jeclayn Dal Awood leh oo Dadkiisa ay ku dhaqmaan shareecada Islaamka ee Soomaaliya La yiraahdo ayaa ilaa iyo Haatan si buuxda u sheegay inay taageersan yihiin Duulaanka Kenya Ciidamadoodu ay ku soo Galeen Soomaaliya.

Maraykanka, Faransiiska, iyo Wadamada ay ku jirto Dowladda Norway ayaa iyana ilaa iyo haatan la xaqiijiyay Si dadban in Kenya ay ugu cadaadinayaan in Ciidamadooda aysan dib u soo laabaan iyagoo aanan Gacanta Ku dhigan Magaaladda Kismayo oo ay ku nool yihiin qabaaillaad Dagaallo laga dhex huran jiray kuwaasi oo haatan marnaba aanan Doonayn inay soo Laabtaan Dagaal oogayaashii Danahooda Wax kasta ay kala sareeyaan.

Rag Sheeganaya inay yihiin Soomaaliya ayaa haatan heshiisyo la galay Dowladda Kenya oo ka dhaadhicisay haddii Kismayo la qabto inay Noqon doonaan kuwa maamulo Dhaqaalahas kasoo Xarooda Dakada,Waxaana Ragaasi ka mid ah Axmad Madoobe iyo Gaandi oo labadoodaba Dowladda Kenya ku xoojinaya Ciidamo lagu qalday inay Xureynayaan Dad lagu Gumaysanyo Gobalada Jubooyinka.

Safiirka Kenya u fadhiya waxa loogu yeero Qaramada Midoobay (QM) Macharia Kamau ayaa ka mid ah Raga Ciyaaraya Siyaasadda ah in Kenya ay Guulo Degdeg wax ku ool ah ay ka gaarto Dagaalada Jubooyinka,waxaana uu wadaa Qorsha ah in Kenya lagu saacido Sidii loo go’doomin lahaa Dakada kismayo oo dhowr jeer Kenya ay isku dayday inay Xirto iyadoo qalqalgalinaysa shacabka Ku dhaqan Magaalada Kismayo Taasi oo aanan Suurtoobin.

Safiirka u fadhiya Kenya (QM) oo la hadlayay Maalintii shalay Jariidada Nation waxaa uu sheegay in Howlgalka Ciidamadooda ay ka wadaan Soomaaliya Boqolkiiba 50% ay dhamaystireen Haatan la isku halayn karo amaanka Xuduud Beenaadka ay la wadaagaan Soomaaliya.

Saraakiil Kenyaan ah iyo Kuwa Ka tirsan Dowladda KMG ayaa laga Soo xigtay in Haatan ay ku adkaatay Sidii Dhulka Howdka ah Dagaal Natiijadiisa aan la garan ay kula Gali lahaayeen Ciidamada Xarakaad Mujaahidiinta Al-shabaab oo ku bartilmaameedsanaya Ciidamadooda Xiliyada ay isticmaalayaan wadada Dheer ee Deegaanadda Dhooblay iyo Taabto.

Afar Todobaad kadib Kenya waxaa la dhihi karaa kuma aysan Guulaysan Waxyaabihii ay sheegtay Soomaaliya inay usoo gashay kuwaasi oo ay kamid ahaayeen in ay wax ka qabo Amaankaa Dalkeeda oo ay sheegtay in Qalalaahasa Ka jira looga soo Safriya Dalka Soomaaliya.

Wadanka Kenya waxaa ka dhici jiray Afduub loo gaysanayo Dalxiisayaal ku sugan Dalkeeda ,Taasina waxaa la oran karaa Maalmahaan Ma aysan dhicin laakin waxaa Wadankaasi ka dhacay dhacdooyin kale oo muujinaya kuwii Hore inay ahaayeen kuwa Sahlan.

Kooxo Dagaalyahano ah oo Tobaneeyo iskula Socda ayaa lagu dhex arkay Dalka Kenya Kuwaasi oo aanan lahayn Saldhig Rasmi ah oo Lagu Weeraro,waxaana Dagaalyahanaasi ay Fuliyaan Weeraro Gaadmo ah oo loo adeegsado Qoryaha Daran dooriga udhaca iyo kuwa Garbaha laga Tuuro oo ilaa iyo haatan ay u geeriyoodeen Askar Fara badan oo Ka tirsan Ciidamadooda.

Dhaqaalaha Wadanka Kenya oo Ku xiran Dalxiiska iyo Ganacsiga wali waa halkiisii oo waxaa xiran Hodheelo badan iyo Goobo ay u soo Dalxiisi jiraan Dad kala Gadisan oo ka imaanaya wadamada Caalamka.

Dalka Keny oo lagu Tiriyo Wadamada Caalamka Musuqmaasuqa iyo Laaluushka uu Ragaadiyay waa Dal ay ku nool yihiin Qowmiyaddo Badan,waxaana Kooxdii Ama shaqsigii hanta Bixiya waxaa uu Heli karaa Askari Faqri ah oo uu u adeegsado Dano Kasta oo uu ka fuliyo wadankaasi Kenya.

Dagaalka Kenya ay kusoo Gashay Soomaaliya oo Milatarigeeda Xadbeenaadka ay kasoo Gudbeen 16-bishii October sanadkaan 2011 waxa uu yahay Mid Caalamka Si wayn looga hadal hayo iyadoona Warbaahinta Gudaha Kenya ay Adeegsanayaan Warar Muujinaya in Ciidamada Kenya ay Weerar Geesinimo ah Ku qaadeen Wadanka Soomaaliya, halka Warbaahinteen Saxaafada Dalalka Reer Galbaydka ay Madax qaaday Duulaanka Kenya Ku tilmaamaan kuwa Howlgallo ka wada Wadanka Soomaaliya kuwaasi oo ay kula Dagaalamayaan Mujaahidiinta Al-shabaab.

Afhayeenka Ciidamada Milatariga Dowladda Kenya Emmanuel Chirchir waxaa uu sheegay in Gudaha Soomaaliya waxii ka danbeeyay Duulaanka ay kaga geeriyoodeen Shan Askar kuwa Kalana ay kaga Dhaawameen,waxaana Afhayeenka uu sheegay in Dagaalkii ugu danbeeyay ee laba Cisho ka hor kadhacay Dagmada Ceelwaaq ay kaga dhaawacmeen Afar Askari oo mid kamid ah Xaaladiisu halis Tahay.

Dowladda KMG ee lagu soo dhisay Wadanka Kenya ilaa iyo haatan war rasmi ah oo ay isku raacsanyihiin kama aysan soo saarin Duulaanka Kenya ay kusoo gashay Dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif iyo Cabdiwali Maxamad Cali Gaas ayaa isku qilaafsan soo galitaanka Kenya,waxaana Shariif shiikh uu ka walaacsan yahay raga ay wadato kenya oo Gaandi uu kamid yahay isagoona kabaqaya in Jubooyinka ay awood kuyeeshaan maamul maqaar saar ah oo ay wataan Kenya iyo faransiiska.

Cabdiwali Gaas Waxaa Kenya ay kusoo xero galisay in Beeshiisa loo qabanayo Kismayo Dhaqaalaha adag ee laga helayo Dakadana uu Saami wacan ku lahaan doono.

Rag Cadaaga is rog roga badan ee Shariif Xasan Gudomiyaha Baarlaamnka ayaan ilaa iyo haatan hadlin lamana oga waxa uu damacsanyahay laakin waxaa uu kujiifaa Sariir uu lugeedaha gacanta kuhayo Ogastiin Mahiiga oo ubalan qaaday inuu noqon doono ninka lagu badalayo Shariif Shiikh Axmad Agousta Kadib.

Baarlamanka Tirada Badan ee Tayadoodu yar tahay iyaga Cid kala Hadashay Duulaanka Kenya Majirto,Waxaana Ragii Jeebabka Balaarnaa ay iswaydiinayaan halka sheekadu ay marayso waayo iyagoo aanan la qancin ayay Kenya Soo Galayn,Waxaana ay Doonayeen in Siddii Itoobiya ay u ansixiyeen Soo Galisteeddii Soomaalia loo Horkeena Mooshin Codsanaya in Kenya ay soo gasho Soomaaliya iyana ay lacag Qaataan.

Yaa qaadi doono Masuuliyada Dowladdaha Kenya,Faransiiska,,Norway iyo Dalal kale oo usoo bira Tumanaya Boobka qayraadka dhex ceegaaga Dalkeena Soomaaliya.?

Ugu Danbayntii waxaa dhici Doono insha allaah Duulaanka Kenya ay kusoo gashay Soomaaliya uu kunoqon doono Mid ay kasheekeeyaan Ciidamadoooda marka ay Dib ugu laabteen Dalkooda waa haddiiba ay badbaadaan.

Masraxa Dagaalka oo haatan ay ku wada Hardamayaan Ciidamada Kenya iyo Kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo Dhul ay garanayaan ku dagaalamaya waxaa la oran karaa waa Bilow oo afar Todobaad kadib Hadafkii Gaarista Kismayo Kenya waa ay ku fashilmeen.

WD:Maxamad Daahir

La xiriir:
Amiin Yuusuf Khasaaro / amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Miyay Guulaysatay Dowladda Kenya Afar Todobaad kadib Duulaanka Soomaliya? "

  1. Cumar says:

    ASC,
    Inkastoo C/Wali Gaas, uu aad uga xumaa sidii loogu hor yimi xirfadaha qaran dumiska sidii tii roadmapka uu u ololeynayay meelmarinta bixinta xuduudaha baddeenna, haddana rogaal celinta waa ka darran tahay xeeshii hore waayo waxuu u heellan yahay una riyaaq san yahay bixinta xad dhuleed baaxad weyn iyo badda dalkayaga kuwa ugu barwaaqeysan.
    Doqon ayaan garaneyn damaca Kenya iyo cawaankeeda waa shaxdii ugu danbeysay ee nalagu quusiinayay in aaynaan aheyn dad jiraba iyadoo la adeegsanayo wax ma garad jahawareersan iyo daneyste iimaan daran oo weligiiba goob xun iyo goor xun inta ay soo faagtaan soo yurura.
    Aaway go’aankii barlamanka muxuu Sh.shariif u saxiixi la’yahay oo faafinta rasmiga aan wali loogo soo saarin , xagguu maray qodobkii 4aad ee xadguduka xuduudaha qaran ka tilmaamayay. ( kaa soo ma qabto C/wali Gaas iyo cawaankiisa)
    Shacabka marmarsiino loogama dhigo karo waxaa la baacsan Alshabaab. Waayo sida gefka ula-kaca ah, quursiga iyo yasmada ku idishahay ee heybadooda loogu taxal tegey cidna ka yeelimayaan ( siiba Kenya iyo xulafadeeda). way la socdaan in shirkadda Total ee Fransiiska iyo mid Norwagian ah sidoo kale amarku taagleynta iyo kibirka daneysiga ku dhisan ee maasooniyadda NWO(new world order)
    Sidaa aawadeed ayaa anagoo Al shabaabka neceb waxaan ka sii neceb nahay gunnimada ay nagu ragaadiyeen cadawga wajiyada badan, iyagoo waliba boob qaawan nagu sii daraya.
    Cadawga ma guulaysan doono (idin Alle) balse cawaaqib ay ku quustaan ayaa lagu dabooli (bi idinni Laahi al kariim).
    Allaah ayaan gargaar ka dalbeynaa iyo intaka gadoodsan oo taageersan DIFAACA DALKA HOOYO.
    SOOMAALIYA HA IS RAACDO!!!!
    CADAWGA HA JABO!!!!