Home » Warar »

Maxaa sabab u ah in Markasta oo Muqdisho laga Qaybinayo Raashin Gargaar in dad lagu Dilo

Saddexdii Maalmood ee ugu dambeysey waxaa Muqdisho ka dhacay Dhacdooyin Xanuun badan ka dib markii Goobo raashin lagu qaybinayey ay dad ku Geeriyoodaan ama lagu dilo oo weliba dhacdadaas ay ku dhacdo dadkii tabaaleysnaa ee loogu tala galey in raashinkaas la siiyo.
Maanta ayaa dhacdadii labaad ay ka dhacdo Xerada Badbaado ka dib markii Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay rasaas ku furaan dadkii loo qaybinayey raashinka waxaana Goobta ku geeriyoodey sadex ruux waxana ku dhaawacmey Todobo kale waxaana markiiba bilaabantey in la boobo Mucaawinadaas waana dhacdadii Labaad ee ka dhacda Xeradaas waxaa hore loogu diley 10 Ruux
Dhacdo ka xanuun badan mida maanta ka dhacdey Xerada Badbaado waxaa laga soo Calaamadeeyey Degmada Karaan ka dib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda iyo kuwa Amisom ay rasaas ku furaan dad Barakacayaal ah oo loo qabinayey Raashin gargaar waxaana Goobta ku geeriyoodey Afar qofood oo ay ku jirey Haweeney Uur leh sidoo kale waxaa ku dhaawacmey ilaa Toban qof oo kale .
Sidoo kale dhacdo kale waxaa laga soo sheegey Degmadda Huriwaa ka dib markii dad Barakacayaal ah oo raashin loo qaybinayey ay Rasaas ku furaan Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka waxaana Goobtaas ku geeriyoodey Saddex Ruux waxaana ku dhaawacmey ilaa shan ruux oo dhamaantood ahaa dadkii Masaakiinta ahaa ee loogu talagaley raashinkaas
Hayadaha u dooda Xaquuqda Aadanaha ee ku sugan Magaaladda Muqdisho ayaa Tiro koob ay sameeyeen ama Xog ururin waxay sheegeen in tan iyo markii ay dadka ay abaaraha ay saameeyeen soo gaareen Magaalada Muqdisho waxaa Ciidamada Dowladda Federaalka ay dileen ilaa 85 qofood waxayna Hayadaha ay sheegeen in dadkaas la diley iyagoo loo qaybinayo Raashin Gargaar ilaa iyo waqtigaan Dowladda Federaalka wax ay ka qabatey ma jirto.
Su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay maxaa keeney in Ciidamada Dowladda ay rasaas ku furaan Goob kasta oo raashin laga qaybinayo oo ay dad ku geeriyoodaan waxaan Su’aashaan aan hordhigey Macalin Muuse Cali oo ka mid ah dadka ka shaqeeya Howlaha Samafalka wuxuu ku jawaabey “labada dhinaca eedo wey leeyihiin ha noqoto Ciidamada Dowladda ama ha noqoto Dadka Barakacayaasha aan mid mid u soo qaadano Ciidamada Dowladda Muddo afar bilood ah wax Mushaar ah lama siinin sidoo kale Daryeel kale ma haystaan soomaalida waxay tiraahdaa Ruux Baahan Ruux kale Barax looguma Dhiibo sidoo kale Ciidamada Dowladda ma Nidaamsana waxaan Goob joog u ahaa Ciidamo Ilaalinayey goob raashin laga qaybinayey ayaa waxaa iyana goobtii soo gaarey Ciidamo kale oo ka kala yimid Xaafado kale halkaas ay ka bilaabanto in la boobo Raashinkii dadna ay ku dhintaan waxaa kale eeda iska leh dadka Barakacayaasha ah waayo iyagana sida Ciidamada ayey u guurguuraan oo ay isku Habar wacdaan oo hadba goobtii raashin laga qaybinayo ayey soo dhoobtaan isriix riix ka dib waxaa goobta kala lumaya Nidaamkii halkii ayaa waxaa ka bilaabanaya in raashinkii la boobo dadna ay ku dhintaan”
Waxaan weydiiyey side ayaa looga bixi karaa dhibaatadaan soo wajahdey dadka Barakacayaasha ah wuxuu ku jawaabey Macalin Muuse “ Midda Ciidamada Markasta oo raashin la qaybinayo waa in iyana wax laga siiyaan Raashinka maadaama ay isagaba ka baahan yihiin Caruur sidoo kale Waa in ay Dowladda ay joogta ka dhigto Mashaarka Ciidamada waxaa iigu yaabka badneyd markii Goob raashin laga qaybinayey dadkii loo qaybinayey iyo Ciidamadii ay bateen Ciidamadii markaas baa la garan waayey qaab loo qaybiyo Raashinkii Waxaa ka sii yaab badneyd markii ay goobta yimaadeen Ciidamo Tekiniko wata oo aan la garaney halka ay ka yimaadeen waana adkaaneysaa in raashin Mucaawino ah la gaarsiiyo dadka Tabaaleysan sidoo kale Dowladda Federaalka waa in ay tira koob ku sameysaa Dadka ku jira Xeryaha si loola socdo Guur Guurka Barakacayaasha waxaa Wadooynka Muqdisho ku arkeysaa Dad Barakacayaal ah oo hadba dhinac u Cararaya iyagoo isku sheegaya Goobta raashinka lagu qabinayo intaas aan soo sheegney haddii aan xal loo helin waa uu sii soconayaa in maalin weliba ay dad ku dhintaan raashin Mucaawino ah ee la qaybinayo.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Maxaa sabab u ah in Markasta oo Muqdisho laga Qaybinayo Raashin Gargaar in dad lagu Dilo "

  1. Osman says:

    Sideedaba; haddii meel wax lagu qaybinayo boob ka dhaco waxaa u sabab ah wixi la qaybinaayay oo aan wada gaareeyn dadka oo daka dambe ka baqayaan in uu ka go’o waxa la qaybinaayo.Qof kastana isku dayo inuu wax xoog ku helo halkaasna ay ka faaiideystaan qaswadeyaal iyo tuugo.

    Ha badnaado ama ha yaraadee hadii waxa la hayo dadka inta la tiriyo liis sax ahna laga sameeyo loona qaybiyo waxa la hayo liiska la hayo, qof kastana wixi kusoo aadaya uu ogyahay;
    wax boob ama dhib ah ma dhacaayo.
    In haddaba liis sax ah la sameyn waxa ugu wacan dhawr arrimood oo kala ah:
    dadka oo aan la xadidin oo xad dhaaf ugu soo qulqulaya xerada, ama aqoon darro maamul oo haysata dadka hawsha gacanta ku haya oo liiska muhimaddiisa garanayn.
    Marmarna sida dhacda maamulayaasha qudhooda ayaaba raalli ka ah qaska iyo boobka si ay u qariyaan wax isdabamarin jirta.
    Ciidanka wax ilaalinaya haddii uusan u tababarnayn waxa loo yaqaan crowd control oo xannib iyo tiro iyo xirfad tababrba u diyaarsanayn qorina xabbad nool loogu soo rido marka boob billowdo qaar ayaa xabadaha ay kor u ridayeen ka fakanayaan ama qaar ayaaba moodaya xabbadda in lagu waabin karo dadka oo dhaawac iyo dhimasho keenaya.
    Waxaa habboon dadka in kaarar la siiyaa wixi la hayana losii qorsheeyaa sida ay isu raacraacayaan intaan qaybinta la billabin qof kastana loo sheego inta uu leeyahay asagoo og meesha uu la qaadanayo raaco yartiibkiisa halkaasna qof waliba meesha ka tago asagoo wixiisi wata.