Home » Warar »

Hayadda Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo soo Gabagabeysey Qaybinta Xoolihii Udxiyada ee Ciidul ADXAA

Hayadda Humanitarian African Relief Organization oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan HARO ayaa soo gabagabeysey Howlahii UDXIYADA ee Ciidul Adxaa oo ay ka wadey Magaaladda Muqdisho iyo Gobolka Hiraan ka dib markii ay halkaa ka qaybisey Xoolo ay ugu talagaleen dadka Tabaaleysan

Hayadda ayaa Wakiiladeeda ku kala sugan Muqdisho iyo Hiiraan waxay mudadaas ay ku jireen qaybinta UDXIYADA waxay dadka aadka u liita ay siinayaan Hilib fara badan oo ay Hayadda ugu Tala gashey in maalmaha Ciida ay si farxad leh ugula ciidaan Caruurtooda iyo Eheladooda

Dadkii la siiyey Hilbahaas ayaa u mahadceliyey Hayadda HARO oo ay sheegeen in ay wax weyn u qabteen islamarkaan ay suura geliyeen in ay si farxad leh u Ciidaan waxayna ka codsadeen Maamulka in ay halkaa ka sii wadaan Barnaamiyada loogu gargaarayo dadka Tabaaleysan.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Wakiilada Hayadda HARO oo iyana goobta lagu qaybinayey Xoolaha UDXIYADA ayaa sheegey in Hayadda ay waligeed wadey Barnaamijyada noocaan oo kale ah ee loogu gargaarayo dadka Tabaaleysan gaar ahaan marka la gaaro Ciidul Adxaa sidoo kale waxay Wakiiladu ay sheegeen in Hadafka loo dhisey Hayada ay tahay in gacan la siiyo dadka taagta daran waxayna balan qaadeen in ay laba jibaari doonaan Howlaha loogu gargaarayo dadka soomaaliyeed ee ay isugu darsameen Colaadaha , Abaaraha iyo Cudurada

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.