Home » Warar »

Inkabadan 20 kun oo qof oo ku Ciiday Convention Center Minneapolis 1432H/2011


Xarunta Abubakar As-Saddique Islamic Center oo Muslimiinta usoo qaban qaabisay Convention Center-ka Muslimiinta

Masaajidka Abubakar ayaa sidii caaddada u ahayd inuu hogaamiyo Muslimiinta Minnesota iyo Waqooyiga Maraykanba cidii sanadkan1432H ku tujiyey faras magaalaha Maagaalada Minneapolis, goobta loo yaqaan. Minneapolis Convention Center.

Ciida Sanadkan ayaa dadka yimid aad u badnaa dhowr arimood daraaddood. Muslimiinta reer Minnesota ayaa bartay goobta Musalaha lagu tukado Maadaama Xarunta AAIC ay usoo diyaarinaysay in ka badan toban sano sidoo kale goobta oo ah meel aad u wayn, lehna meelo fara badan oo baabuurta la dhigto iyo irrido badan oo laga soo galo, , arinta labaad ayaa ahayd in ay ciidu kusoo beegantay hawada oo wanaagsanayd iyo maalin Axad ah. Waxaa kaloo sababaya in dadku sidaas u bataan muslimiinta oo jecel inay jamaacada badan ka qayb galaan farxada ciidana wadaagaan.

Ciidaan ayaa la isku raacay inay ahayd ciidii ugu dadka badnayd, waxaa soo xaadiray goobta ciida cadad aad u farabadan oo lagu qiyaasay in ka badan 20,000 oo qof. Musalaha aayaa aad u buux dhaafay ilaa lagu sigtay in ragii iyo Dumarkii aysan meel banaan u dhaxay.

Muslimiinta ayaa aad ugu duceeyey Culimmada iyo Maamulka Xarunta abuubakar, aadna uga mahad celiyey shaqadda ay u hayaan Muslimiinta.

Halkan kadaawo masawiradii  Abubakar As-Saddique Islamic Center

 HALKANA KADAAWO VIDEO


Halkan kadaawo Video kale

Salaadii ka dib ayaa Sh. C/laahi Ibraahim goobta Salaada ka jeediyey Khudbad aad u wanaagsan Muslimiintuna xasuusnaan doonaan insha allaah. Khudbada Sheikha ayaa ahayd mid meelo badan taabanaysa, waxay ahayd khudbad guud oo aan meelana dhaafin. hoos ka dhagayso khudbadii oo kooban.

Waxaan ka cudur daaranaynaa khudbadda inaysan dhamaystirayn

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Masuulka Masaajidka Abuubakar Xasan Dhooye, oo dadka aad ugu mahad celiyey taageerada iyo wax tarka ay Xaruntooda lagarab taagan yihiin. Si khaas ah Maamulaha wuxuu u xusay arimihii ugu danbeeyey ee Masaajidku hirgaliyey, sida;

– Parking-ka masaajid oo dib loo dhisay

– Security Camera cusub oo Masaajidka oo dhan lagu xiray

– Abubakar Macad oo la hirgaliyey

Salaada Ciida ka dib ayaa waxaa Masaajidka ka bilowday Barnaamij ciida loogu tala galay in caruurta looga farxiyo, waxaa loo xiray Masaajidka Parkin-kiisa, waxaana loo dhigay qalab kala duwan.

Salaadii iyo khudbadii ka dib ayaa Muslimiintii bilaabeen inay isu tahniyadeeyaan farxadana wadaagaan. Ciidiina waxay kusoo gaba gabowday Si wanaagsan oo shil la’aan ah. Illaahay ayaan arintaas uga Mahad celinaynaa.

Ugu Danbayntii Xarunta Abuubakar Waxay u mahad celinaysaa walaalaha markasta xoogooda iyo waqtigooda ugu deeqa, sidii loo hir galin lahaa barnaamijta Masaajidka. Ciidaan waxaa ka shaqaynayey in ka badan 100 qof oo dhalin yaro u badan. Jizaakumu laahu khayran.

Waxaa soo diyaariyey

Xasan Dhooye

Maamulaha Masaajidka Abubakar

Email: aaic@abuubakar.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.