Home » Warar »

Madax ka tirsan Dowladda oo sanadkan Gudanaya waajibaadka Xajka

Mas’uuliyiin sare sare oo ka tirsan dowladda ayaa galabta ka dhoofay garoonka diyaaraddaha ee Aadancadde International iyaga oo ku sii jeeda Magaalada Barakeysan ee Makkah ee dalka Sucuudiga halkaasoo ay ku soo gudan doonaan waajibaadka Xajka sanadkan..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada iyo sidoo kale, wefdi kale oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ku jiraan xildhibaano ayaa galabta ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiintan ayaa gudanaya Xajka sanadkan, maadaama Xajku uu yahay mid ka mid ah Tiirarka Diinta Islaamka, oo qof kasta oo Muslim ah looga baahan yahay inuu Xajiyo marka uu awoodo.

HALKAN KADAAWO MASAWIRO DHEERIYA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli ayaa warbaahinta u sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu sanadkan soo Xajiyo isagoo xusay inuu Alle uga baryi doono shacabka Soomaaliyeed inuu dhibaatada abaarta iyo dagaalada ka dul qaado, sanadkan sanadkiisana ku gaarsiiyo, Nabad, Horumar iyo Barwaaqo.

Madaxdan ayaa la filayaa in marka ay dhameystaan gudashada Xajka ay u tacsiyeyn doonaan dowladda Sucuudiga oo uu dhowaantan ka geeriyooday dhaxal sugihii boqortooyada, Boqor Sultan bin Abdulaziz Al Saud, waxayna halkaasi kulamo kula qaadan doonaan madaxda dalka Sucuudiga.

-DHAMAAD –

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Madax ka tirsan Dowladda oo sanadkan Gudanaya waajibaadka Xajka "

  1. shacabkii Soomaaliyeed intay cadow laaya ku soo fasaxayn ayay waxay leeyihiin xaj baan soo gudanaynaa, teeda kale xajka lacagta aad ku aadaysaan ma idinkaa xoogiina ku shaqeestay? waa maya. dhiiga umada Soomaaliyeed ayaa cunaysaan.isku xishooda ilaahay ka baqa god lix mitir ah ayaa idin sugaya shacabka waxba uma haysaan ee ka hor leexda kana daaya cadowga umada aad ku soo hogaaminaysaan , ogaada haddii xoog Soomali nabad looga dhalin karo soo xasuusta 1992 maraykanka ayaa Soomali ka daalay oo iskaga tagay C/Wali wuxuu moodaa in howsha sahlan tahay oo wadanka kuukuuyo u qaban karto. shacab ku dhinta dagaalka waa lagula xisaabtamaayaa ogow .