Home » News »

TACSI:Khaalid Cali Guul Warsame – Taariikhyahan Soomaaliyeed oo galbaday

Shalay, 29 Oktoobar 2011-kii, waxaan xaflad ay isugu yimaadeen qalin-maal, suugaan-maal iyo dadweyne fara badan, oo ka dhacday magaalada London ee waddanka UK, aan ku soo bandhigay milicsiyo ka mid ah buuggii dhaxal-galka ahaa ee uu qoray Khaalid Cali-Guul Warsame – waa buuggii Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida. Buugga, oo marka la fiiriyo sida farshaxannimada leh ee uu u qoran yahay, taariikhda dahabka ah ee uu xambaarsan yahay, sawirada muunadaysan iyo luuqadda macaan, ay adagtahay in qofkii bilaabaa, isagoon ka bogan uu dhulka dhigo, kii dhammeeyaana uu wax badan ka baado, ayaan sadarro kooban oo ka mid ah la wadaagay dadkii madasha isugu yimid. In kastoo dadkii oo dhammi u riyaaqeen buugga, haddana, waxaa ishaydu si gaar ah u qabanaysey dhowr oday, oo markii hore dareen ka muujiyey, taariikhda iyo sooyaalka Soomaalida ee sii lumaya, oo markii ay maqleen macluumaadka buuggu xambaarsan yahay wajigooda farxad laga dheehanayey.

Maanta, 30 Oktoobar 2011-kii, waxaa i soo gaaray warkii naxdinta iyo murugada xambaarsanaa ee la xiriiray geeridii Khaalid Cali-Guul Warsame. Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun!

Khaalid Cali-Guul Warsame, Eebbe (SW) ha u naxariisto, Jannadii Firdowasana ha ka waraabiyo, wuxuu ahaa aqoonyahan ku xeeldheer taariikhda, suugaanta, hidaha iyo dhaqanka Soomaalida. Dhinaca taariikhda, Khaalid waxa uu qoray dhowr buug oo ay ka mid yihiin: Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida, Taxanihii Taariikhda Soomaaliyeed 1 iyo 2 iyo Xiriirkii hore ee Bulshada Soomaaliyeed. Dhinaca dhaqanka, hiddaha iyo suugaanta, marka laga sootago suugaanta badda ah ee Khaalid tiriyey, wuxuu sidoo kale qoray dhowr buug oo ay ku urursan yihiin Suugaanta Geela, maahmaahyo iyo dhaqanka Soomaalidu. Dhinaca sheekooyinka, Khaalid wuxuu curiyey dhowr sheeko oo ay ka mid yihiin: Guur la qariyey, Jacaylkii Qaxu jiiray, Sheeko Xariir, iyo Maxaa ka qabsaday qurbaha.

Khaalid, Eebbe ha u naxariistee, wuxuu sidoo kale gacan weyn ka geystey sidii jiilka ku koraya qurbuhu u heli lahaayeen buugaag ay ka bartaan luuqaddooda, diintooda iyo dhaqankooda. Buugaagta Khaalid tarbiyada, diinta iyo barashada af-Soomaaliga ka qoray waxaa ka mid ah: Tubta waxbarashada 1 iyo 2, Tarbiyadda Islaamka, Beerta Xayawaanka iyo Koobaha Caruurta. Khaalid wuxuu sidoo kale qoray qaamuus ama koobe kulmiyey wax ka badan 50,000 oo erey.

Khaalid , Eebbe (SW) ha u naxariistee, wuxuu ahaa maktabad koobtay taariikhdii iyo sooyaalkii Soomaalida. Wuxuu ahaa nin hammi sare leh, ku hawlan, naftiisana u huray horumarka mujtamaca. Wuxuu ahaa hawl kar ma daalle ah. Wuxuu ahaa nin Alla ka cabsi iyo cibaado ku caan baxay. Wuxuu ahaa run-sheeg xaq-soore ah.

Waxaan hubaa in qof kasta oo arkay, maqlay ama akhriyey mid ka mid ah buugaagta Khaalid Cali-Guul Warsame, in marka uu maqlo geerida Khaalid, uu ka murugoonayo, Eebbena dembi dhaaf iyo jannadii firdowsa u waydiinayo.

Eebbe (SW) ha u naxariisto jannadii Firdowsana ha geeyo marxuun Khaalid Cali-Guul Warsame.

Saciid Cali Shire
Buuh Consulting LTD

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " TACSI:Khaalid Cali Guul Warsame – Taariikhyahan Soomaaliyeed oo galbaday "

  1. B c/qader says:

    Ina lilaahi wa ina ilahayhi raajicuun, Wa geeri naxdin leh oo ku timi uma soomaaliyeed meel walbay joogto waxan uga tacsiyeynaya uma soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana dadku ka tagay halyeyga khaalid cali guul Samir iyo iimaan alla hanaga siiyo Isagana jannadi alle haka waraabiyo.

  2. calimahdi says:

    INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN
    Adeer khalid cali guul warsame cade ilaah ah u naxaristo samir iyo iimaana allaah ha ka siiyo eheladiisii iyo dhamaan umada soomaaliyeed ee uu ka dhashay ilaahow u naxariiso waa adoonkaagiiye isaga iyo intii ka horaysay iyo anagaba aamiin aamiin aamiib

    cali mahdi minnesota minneapiolis

  3. maxamed says:

    allaha raxmaanka ah naxariistiisa waasica ah ha ugu naxariisto qoraaga libdhiday khaalid cali-guul waxaan rajaynayaa inuu ka mid noqon doono shakhsiyaadka magacoodu waaro.

  4. eebbe ha u naxariisto qoraa khaalid cali guul warsame mid ka mida buugaagta uu qoray ayaan ku aqrisan jiray xaruntii hiiraan information and research centre ee magaalada buulo burte illaa iyo maaltana waxaan xiise u qabaa buugaagtii uu qoray waana u tacsiyeynayaa eheladdiisii iyo asxaabtiisii