Wararka kasoobaxaya qarax ka dhacay magaalada Gaarissa ee xarunta gobolka waqooyi bari ayaa sheegaya inay ku dhawacmeen tiro kamid ah askarta kenya.
Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday seddex gaari oo militariga Kenya, laakiin waxaa uu la-kacay mid ka mid ah gawaaridaasi, kaasoo ay ku dhaawacmeen afar ka tirsan Ciidamadda Dowladda Kenya, halka uu burbur xoogan soo gaaray gaarigaasi.
Waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay soo gaaray ciidamo badan oo ka tirsan Ciidamadda Dowladda Kenya.
Telefishanka Kenya ee CitizenTV waxa uu sheegay in qaraxa lala beegsaday afar gaari oo militariga Kenya oo marayey meel 16 km u jirta magaalada Gaarisa.
(Video hoos ka daawo)
Mohamed Abdulahi khalif(shine)
kenya,Nairobi.
VIDEO: Hoos ka daawo
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.