Warsaxaafadeed: Ra’iisul-wasaare-ku-xigeen, ahna Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa magaalada Ankara kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Veci Gönül iyagoo ka wadahadlay arrimo la xiriira sidii dalka Turkigu uu gacan uga siin lahaa Soomaaliya dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Labada wasiir waxay si qota dheer uga wadahadleen arrimaha milateriga iyadoo Wasiirka Gaashaandhigga Turkigu uu ballan qaaday in dowladdiisu ay gacan ka geysan doonto sidii dib loogu dhisi lahaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo haatan halgan ugu jira la-dagaalanka kooxaha argagixisada ah.
Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga ayaa ballan qaaday inay tababarro siin doonaan ciidanka mileteriga, sidoo kalena ay dib-u-dhis ku sameyn doonaan xeryihii mileteriga iyo goobihii gaarka u ahaa “Dowladdeydu waxay ballan qaadeysaa inay gacan weyn ka geysato dib-u-dhiska ciidanka Soomaaliyeed, waxaana diyaar u nahay inaan khubaro milateri u dirno Soomaaliya si ay u dejiyaan Istaraatiijiyad lagu taageerayo ciidanka” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga oo intaasi ku daray inay qeyb ka qaadan doonaan dhaqaalaha ku baxaya ciidanka.
Ugu dambeytiina Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Turkigu sida ay uga jawaabeen baahida dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo ay kala qeyb qaateen abaaraha, gurmadka dhaawacyada iyo taageerada ballaaran.
Isha: DFKMG
Waxaan rajeyneynaa .in madaxda dawladu fahman qorshaha dawlada turkigu larabo dadka iyo dalka somalia qorshahaas oo u eg mid mustaqbel wanaagsen .madaxda somalidu waa iney fahman qorshaha midowga africa iyo iGAD oo ah mid mugdi galinaya jiritanka madaxbaanida somalia ahna mid u adeegaya danaha reer galbeedka iyo wadamada safkahore sida kenya iyo ethopia