Home » Warar »

Madaxweynaha DFKMG oo ka soo horjeestey Faragelinta Kenya ee Gudaha Soomaaliya

Madaxweyne Sheekh Shariif oo Dowladda Kenya uga Digay in ay Faragelin ku sameyso Arrimaha Gudaha Soomaaliya isla markaana wuxuu u soo jeediyey in ay Qiimeyso Dareenka Shacabka Soomaaliyeed


Hadalkii uu arrintas ka yiri Sheikh Shariif Ka dhegeyso boggan.. RIIX


Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta booqday furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan deegaano ku dhow dhow degmada Dayniile ayaa ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ugu hambalyeeyey guulihii ay gaareen isagoo ugu baaqay dagaalka ay kula jiraan Xarakada Alshabaab ay halkaa ka sii wadaan maadaama sida uu sheegay ay dalka ka wadaan nabadgelyo xumo.

Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif mar uu ka hadlayey faragelinta ciidamada Kenya ay ku sameeyeen gudaha dalka Soomaaliya, ayaa yiri “Waxaan aad uga xumahay wararka maalmahan soo baxayey ee ah in ciidamada Kenya ay gudaha u soo galeen dhulka Soomaaliya, isla markaana waxay arrintani dareen ku abuurtay Shacabka Soomaaliyeed”.

Madaxweynanaha DFKMG Sheekh Shariif wuxuu u soo jeediyey Dowladda Kenya in ay ka fiijignaato wax kasta oo carqalad ku keeni kara xiriirka labada shacab ee Soomaaliya iyo Kenya, isagoo sheegay in faragelinta ay Dowladda Kenya ku sameysay Soomaaliya ay tahay mid aysan la socon Dowladda Federaalka, wuxuuna ugu baaqay in Kenya ilaaliso midnimada Soomaaliya.



Sheikh Shariif wuxuu soo hadal qaaday kullan dhawaan ka dhacay Magaalada Adis Ababa kaas oo lagu go’aamiyey in Dowladaha IGAD ay ilaaliyaan derisnimada isla markaana aysan dhicin wax kasta oo keeni kara mugdi soo kala dhex gala shucuubta labada wadan, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay wadamda ku yaala Geeska Afrika isla markaana loo baahan yahay in Kenya iyo Soomaaliya iska kaashaadaan sidii looga wada shaqeyn lahaa nabadgelyada, hase yeeshee waxaa uu uga digey Kenya in wax kasta oo keenaya shaki uu yimaado aad ayaan uga digeynaa ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegayi n dadka Kenya in labaatankii sano ay aad u soo dadaaleen isla markaana ay iska ilaaliyeen in Soomaaliya ay wax faragelin ah ku sameeyaan, balse waqtiyadaasi lagama caban, wuxuuse sheegay in maalmahan dambe ay soo baxday faragelin ay ciidamada Kenya ku sameynayaan arrimaha Soomaaliya, taas oo uu sheegay in ay kicisay dareenka shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu u soo jeediyey Dowladda Kenya in ay iskaashi la soo sameyso dowladda Federaalka si loola wada socdo arrimaha soo kordho isagoo sheegay in Dowladda Federaalka aysan dooneyn in cilaaqaadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya uu mugdi soo kala dhex galo

Hadalka ka soo yeerey Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa ku soo beegmey Xilli ay weli socdaan Duqeynta Deegaano ka tirsan Gobolka Jubada Hoose oo ay geysanyaan Diyaaradaha Dagaalka Wadanka Kenya taasoo Khasaaro ka soo gaartey dad rayid ah oo aan waxba galabasan sidoo kale Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Dafirey soo gelitaanka Ciidamada Kenya isagoo sheegey in uusan wax ka ogeyn balse uu sheegey in uu ogyahay in Ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Madaxweynaha DFKMG oo ka soo horjeestey Faragelinta Kenya ee Gudaha Soomaaliya "

  1. Arinta Kenya inuu madaxwaynuhu kahadlo waan ku raacsanahay, waliba waxay ahayd inuu mar hore kahadlo. Runtii Kenya soo galida ay soo gashay Somalia waxa ku gedaaman arimo dhowr ah kuwaas oo Kenya ay ku doonayso inay ka faaiidaysato kala daadsanaanta iyo tafaraaruqa dadka Somaliyeed, Islamarkaana ay samayso dad iyada ka armar qaata, iyo waliba inay jaanis u hesho inay si sharci daro ah uga faaiidaysato khayraadka bada iyo bariga ee Illaahay kumanaystay dalkeena. Waxaan leeyahay rumayso ama ha rumaysan Kenya waa cadowgeena. Hadii hadalka madaxwaynuhu iyaga mowqifkooda badalo waa Alxamdulilaah.

  2. Osman says:

    Shekh Shariif waa madaxweyne qaran asagaa laga rabay dadkiisa inuu u caddeeyo mawqifka dawladdiisa soo gelitaanka ciidanka shisheeye ee dalka haddii uu heshiis kula galay iyo haddii ay iskood isaga soo galeen.
    Waana caddeeyey mawqifkiisa.Ciidan shisheeye waa inuu heshiis kusoo galaa dal ee iskiis uma soo galo annaguba ciidankeenna Gaarisa, Mombasa iyo Wajeer ma gayn karno heshiis la’aan.
    Dadka aniga iga yaabiyey waa madaxda Somalida Kenya ee af labadi dhawaaqaya oo cayda u dhaadhaaminaya Dawladda Somaliyeed iyo Ciidanka qaranka una qaylinaya oo garab siinaya soo gelitaanka ciidanka Kenya ee dalkeenna.
    Waxaa ii caddatey ragaas qaar ka mid ah oo itoobiya aad u cambaareyn jirey waagi xamar soo gashay, ayaa maanta ugu daran kuwa horboodaya Kenya.
    Somali qabyaalad ayaan looga taag heleyn waxaa cad cambaareynti itoobiya inaysan ka ahayn waddaninimo iyo Somali jecli ee ay ahayd qabiilkooda itoobiya dega iyo dawladda itoobiya wax ka dhexeya oo dhib ah wixi ay noogu baroor darsanayeen.
    Haddana qaylada ugu dheer iyo cayda waxa ka keenaya waa qabiilkooda Jubboyinka dega oo ay u filayaan in Kenya maamul uga dhoodhoobto meeshaas.
    Waxaanse uga digayaa Dawladda Kenya Raggii 77kii Siyaad barre oo dal dhisan oo nabad ah oo Afrika ugu quwad badan iyo shacab midaysan ku horkacay itoobiya dagaalkeeda ayagoo ooyaya oo Somalinimo isu bihinbihinaya in loo xorreeyo, marki uu ku ciidan iyo maal beelay dagaalki oo jilcayna, ugu soo horreeyey wax biliqaysta oo wax ka rida dawladdiisa.
    Berrito haddi dagaalkaan saameyn ku yeesho gudaha kenya ha ogaato dawladda Kenya inaysan dadkaasu ka fogeyn kuwa biliqo billaba inay noqon doonaan.
    Kenya waxaan kula talin lahaa haddaba Somalia iyo 77 cashar haku qaataan iyo abaalkoodi waxa ay ka dhigeen ku hada Kenya horboodaya dalkooda iyo cidankooda ha isku difaacdaan xadduudooda haka difaacdaan arrimo aan meel ay ku dhamaanayaan la aqoonna yaysan dad aan u furi doonin berrito ku rarin maanta.

  3. Abu hussein says:

    Sida aan filayo shariif iyo acwaantiisa ee dowlad ku sheegta ah umadda somaliyed wax asxan ah am wanaag ah oo ay u hayaani ma jirto shabaabkuna waxaad moodaa in ay xalka umadda somaliyed cirka ku sii lala hayaan. laakiin waxaa nasiib daro ah ninka hadda iga horeyay ee magaciisa wadani ku sheegay in uu wadani magaciisa ku sheego oo isku magacaabo hadan VIVA AZANIA ku xooriyo hadalkiisii runtii magaca aad meesha ku soo qorotay iyo waxa aad ku hadashay WAA KAAF IYO KALA DHEERI maamul goboleedka aad sheegtayna nin ayaa habeen ku riyooday, kenya haddey is leedahay kuwaas gabaad ka dhigtana waa nin yiri indho la aan ayaan ordayaa. marka xalka waxa uu ku jiraa in ay ugu yaraan umadda gobalka jubooyinka degan ay is fagartaan waaba haddii maamul goboleed ay sameysanayaan markaana dan qaran loo gudbo..
    WAAN IDIIN SALAAMAYAA S/C

  4. wadani says:

    Shariifka waxaa ka qaldan inuu fahmo horta Uganda iyo Burundi iyo Kenya kee asxaan u falay shacabka soomaaliyeed? xagey taalaa maatidii iyo caruurtii Somaalieyeed qaxootina ku tahay? xagay taalaa Hantidii Soomaaliyeed xaaraan iyo xalaalba? Maxaadse Xamar ugu jirtaa taangi Ugandha leedahay adoo raba inay Shabaab Kismaayo joogto, Xamarna aysan Shabaab joogin? Sow Shariifoo munaafaqnimo inteeda le eg maaha. Hadaad Kenya ka urinayso Azania, ma la socotaa in ay jiraan Galmudug, XimaniyoXeeb, waa ayo Ahlu Suna wal jamaaca? waxaa ceeb ah in laga xishoodana ay tahay Sheekh Shariif ka hadal Bada 12mayl laga soo reebay ee ahad 200 Neutical Miles, marna haka hadlin Jubooyinka iyo Gedo, kuuma baahna Madaxweynana uma tihid, waxaa la yiri ciirtaada cabaa ceydaada yaqaan. reer jubbada waxay kusoo dhaweyeen markii Xamar lagaa soo ceyrsaday ee Bada Madow laguu geeyey kadibna ragii dhaawaca ahaa eed shariifoow biyaha aad u doontay waadigii askarta Kenya isu dhiibay ee diyaarad ku saareen, kuwaasad leedahay wadanka ka baxa adoo ay ku haayso caadifad Qabiil oo Soomaali halkaas dhigtay. Viva Azania.

  5. aniga ceeydiid ahaan waxaan qabaa in maxkamad la soo taago shariif iyo kooxdiisa waayo khuwana dalka iyo diinta iyo dadka khiyaamey sidaas daraadeeda waxaan kula telineyaa dadka magaca dawlad soomaaliyeed ku heeseya marwelba in ay taxqiiq ku sameeyaan waxaa looga yeero villa soomaaliya madaxda sar sare lana weydiiyo waxaa ka dhexeeya iyaga iyo keenya iyo halka uu mareyo heshiiskii bada