Cidina kuma fikirayn in uu sidan oo kale udhimanayo, taladiisu waxay u egtahay tii Aadan galaydh oo kale. Aadan galaydh oo ahaa nin caan ku ah, hanti iyo wiilal fara badan, kuna noolaan jiray Waqooyiga Soomaliya ayaa inankiisu dilay nin ay tol yihiiin, arintu waxay socotaba waxay duqowdii isla garteen, in mag laga bixiyo ninkaa ladilay, oo waliba tolka Aadan Galaydh ay 99 halaad keenaan, hasha kahartay tiraduna uu Aadan kubiiriyo, halkaasna lagu soo afjaro xiisadii dagaal ee curanaysay.
Aadan maqaadan taladaas wanaagsan, wuxuuna kujawaabay ” Yaa kaleefaya Sumada” yacni hasha sumadayda leh yaa kamasaxaya, halkaa waxa kacurtay dagaal ay kudhinteen kumanaan qof, ugu danbayntiina Aadan lagu dilay, intaysan naftu kabixin Galaydh ayaa lagu yiri aadanow bal waran?? markaasuu ku jawaabay ” Maalintaan taag hayeyna talo mahayn, maantoo aan tala hayana taag mahayo Aduun Iqatal” sheekadan waxay noqotay maalintaas kadib, tusaale loogu maahmaaho cidkasta oo talo xumo kudhaqaaqda, Ismaaciil Mire oo ah Abwaan Mucjisa ahna waa tuu katiriyey Gabay dheer oo uu uga waramaayey niman badan oo kibray oo aduunka soomaray, Ina Galaydhna uu kamid ahaa. Ismaaciil Mire wuxuu yiri:
Kalmadduu lahaa Ina Galaydh kohay gadaashiiye
Kaarkuba ma joogeen hadduu keeno tuluddiiye
Baallacad kalyaha kuma jareen kii uu quudhsadaye
Ragow kibirka waa lagu kufaa ee taa hala ogaado.
Qadaafi, oo ahaaa nin isla weyn oo wajiyo badan leh ( Ma ahayn nin lamalayn karo, wuxuu ahaa nin nasiib badan, hadana aad unasiib xun, waa nin isla weyn oo jecel in la amaano, wuu isku kalsoonaa, wuxuu ugu jeclaa in loogu yeero inankii Afrika ee baariga ahaa, mar aan lakulmayna wuxuu iisheegay inuu leeyahay Sirdoon aad usareeya oo awood uleh inuu ogaado sirta reer Galbeedka), waxa yiri sidaa Boqor Buurmadow oo BBCda lahadlaayey
Qadaafi, wuxu dhashay 7dii bishii Juun ee 1942, wxuuna kudhashay Magaaladi lagu dilay ee Sirta, Waxbarashadiisii hore isla Sirta ayuu kuqaatay, intuu uu dhiganayey dugsiga hoose ayaa waxa saameyn kuyeeshay afkaartii Jamaal C/naasirkii Masar, Qadaafi waa laga cayriyey schoolki, kadib markii ay macallimiintiisa ku ogadaeen inuu kujiro dhaqdhaqaaq Siyaasadeed, balse markiiba wuxuu kubiiray kuliyada tabbabarka Ciidanka ee Bangaazi.
1/09/1969-kii ayuu Inqilaab malitari kula wareegay Liibiya oo dhan, halkaasoo uu ku yagleelay Dowlad Dunida oo dhan ay kuwareertay, Dimuqradina maahan Boqortooyana uma dhowa, Dowladiisu wuxuu kasamayn jiray waxkasta oo uu caqligiisu keeno, talada oo dhana isagay ka go’i jirtay, inkasto ay aad iskugu sii dhowaadeen Madaxwdynihii Masar ee xiligaaas, Jamaal C/naasir.
Qadaafi, wadanku wuu dhisay, wuuna laharay run ahaantii, Sida Buur madow oo Qadaafi lakulmay sheegay, ” wuxuu isugu jiray Macaan iyo Qaraar”
Xiriirkiisa uu Caalamka lalahaa marnaba ma guulaysanayn, xaga reer galbeedku waxay isku ahaayeen dab iyo baasiin, marba heer soo maraysay, waxaa lagu eedeeyey inuu kadanbeeyey qaraxyo kadhacay meelo badan oo dunida ah, iyo inuu taageero ururo argagixiso, taasoo keentay in laduqeeyo gurigi uu kunasan jiray xiliga xagaaga, ayna ku dhimatay gabar yar oo uu korsaday, mar uu kahadlaayey arintaas madaxweynihii Maraykanka ee xiligaas Roland Reagana wuxuu yiri: ” Qadaafi waa ey waalan”
Waalidaas dad badan oo carab ubadan ayaa kutilmaami jiray, Sheikhii Weynaa ee Caanka ahaa C/Xamiid Kashka markuu tilmaamayey wuxuu Yiri ” Qadaafi wuxuu kujiraa dadka qalinka laga dulqaaday” Yacni dadka waal waalan oo Illaahay uusan danbigooda qaban
Sanadihii udanbeeyeyna, wuxuu uxuubsiibtay, xaga Afrikada, kadib markuu quus kaqaaday inuu helo Carab midaysan oo israacsan, wuxuu aaminsanaa fikrad uu isagu leeyahy oo ahayd in lahelo Dowlad Israa’iil iyo Falestiin wada dhisato oo magaceedana layiraahdo (ISRAADHIIN) oo uu ujeedo Israa oo laga soo gaabiyey Israa’iil iyo Dhiin oo iyana ah xaga dane ee FALIS,,,, DHIIN.
Horay waxan usoo sheegnay, inuu yahay nin naftiisa jecel, oo wuxuu curiyana jecel inay caalami noqdaan, wuxuu jeclaa inuu kaduwanaado nolosha caadiga ah ee Aduunka, waxyaabaha lala yaabay waxa kamid ah: in uu samaystay qaab gaar u ah Nabi Ammaanka (scw) oo uu isagu qoray, Buugii u ahaa Dastuurkiisa koowaab ee Kitaabtii Cagaarnaa, qaab labiskiisa, hadalkiisa oo aan aad ucadayn, gabdhaha dhaadheer ee waardiyaha u ahaa iyo waliba teendhooyin waa weyn oo uu hoy kadhigtay isagoo canjilaaya nolosha miyiga.
Bishii Apriil ee sanadan aan kujirno, ayaa waxa usoo galay daadad Kacdoon shacab ah, kaasoo ka soo bilowday Tuuniisiya, soomarayna Masar ugu danbayna kudhamaaday Dhuun af weyn oo ah kuwa qashinka gudbiya, kuna taall duleedka magaaladii uu kudhashay, kuna barbaaray Qadaafi.
Dhimashadiisa kahor, marba aqal ayuu uguuraayey, dhowr guri oo kuyaal magalada uu aadka uyaqaan ee Sirta ayuu dagay, waxa udanbeeyey uu daganaa guri aad uyar oo kuyaal wadada Kooloomiya, kaasoo kafog noloshii uu kunoolaa ee Raaxada badneyd, kaliya waxa gurigaas uu kala mid ahaa Qasriyadisii hore, Sawir uu isagu leeyahay oo suran qolka fadhiga ee hore, waxa laga helay Talaagadisii cunto aad uyar oo lalayaabay (Sunday Times)
Inkastoo Qadaafi dad badan lataliyeen, in kastoo uu haystay fursad uu kufikiro, inkastoo aysan haboonayn in meedkiisa ladhigo Bakhaar weyn oo hilibka lagu kaydiyo, si loo daawad, inkastoo ay Diinti Islaamku qabto maydka Muslimka in lamayro, hadana Qadaafi dhimay, wiilkiisiina galaafay, wuxuuna udhintay si bahdilnimo ay kamuuqato, tag oo waxaa wajigiisa kamuuqatay shalaay iyo talo xumo weyn, Haduu af soomaliga kuhadli lahaana wuxuu oran lah: ADUUN IQATAL, Su’aasha is weydiinta mudana waxay tahay, jidkee bay qaadi doontaa Liibya Qadaafi kadib??!!!
Hussein Kaneeco
Netherlands
kaneecyare@hotmail.com
asc wr wbr than waana ku mahad santihiin sida aad sharaxada uga bixisan kibirka ama kaligi taliyaha balse qadafi wuu shahiiday alla yaraxma insha allah inta ka kadib rayi ahanteyda qadafi shacabka liibiya in eey cawan yihiin wuu oga balse kuma fikirin in eey awooda eey ku dileen yeela karan shacab kiisa haba dhacde waxa ka faaiday reer galbeedki ama gaaladi uu ku raxesan jiray waxase fikir keyga yahay hadan eego shacabka liibiya nin sida uu iskugu haayay shacabka iyo wadanka ma arki doonan oo waxa ii muuqata maxamed siyad bare alla yaraxma raximiin kaba daran shacabka liibiya oo umad ka kibir badan ama ka cawansan maba jirta wabilahi toow fiiq