Home » Warar »

Madaxweynahii ka hiiliyey Soomaalida, Qadaafi oo Geeriyoodey

Madaxweynahii Liibiya, Muammar Gaddafi ayaa u geeriyoodey dhaawac kaddib markii lagu qabtay magaalada Sirte, waxaana Telefishanka Aljazeera uu soo bandhigay sawirro meyka Qadaafi.

Qadaafi waxa uu dagaal dhiig ku daatay xukunka dalka Liibiya kula wareegey 1969. Waxaana 2011 xukunka lagaga tuuray dagaal dhiig ku daatay.

Col. Qadaafi waxaa Soomaalidu ku xasuusataa in uu si bareer ah uga hiiliyey 1977 markii dagaalka xoogga weyn dhexmaray xornima doonkii Soomaaliya iyo gumaysiga Itoobiya, dagaalkaas oo lagu xoreeyey inta badan dhulka Soomaali Galbeed. Qadaafi iyo Fidel Castro (Cuba) waxay ka mid ahaayeen xulufadii maal, saanad, sahay iyo gargaarka buuxa u fidiyey Itoobiya. Arrintaas oo sababtay in ciidankii Soomaaliya ay dib uga soo gurtaan dhulkii ay xoreeyeen.

Video: ay soo bandhigtay Aljazeera

Hoos Akhri Taariikh kooban ee Qadaafi:

1942: ku dhashay saxaraha Libyiya’
1963: waxa uu ka qalanjabiyay Jaamacadda Libiya kuna baasay Digriiga ugu sareeya.
1965: kuliyadda Ciidanka ayuu ka qalinjabiyay, guulo badan ayuu ku tilaabsaday.
1969: September 1: Xukunka ayuu ku qabsaday afganbi aan dhiig ku daadan.
1970: Saldhigyadii Ciidan ee Maraykanka & British ayuu xiray.
* : waxa uu masaafuriyay Talyaanigii dalka daganaa iyo Yuhuudii ku noolayba.
1973: shirkadihii Petorl-ka shisheeyaha ayuu qarameeyay.
*: Waqooyiga Chad ayuu weeraray muran dhul owgii.
1976: Buug la magacbaxay ‘Green Book’ ayuu qoray.
1977: Waxa uu soo bandhigay ‘jamahiriyya’.
1979: Dowladiisa ayuu kala diray isagoo casilay dhamaan howlwadeenadii.
1986: April 15: Maraykanka ayaa weerar ku qaaday.
1990: Qabsashadii Kuweyt waa ka gaabsaday.
1993: October: 2,000 oo ciidan ayaa isku dayday inay majaxaabiyaan.
1994: May: Chad ayay ciidankiisu ka soo baxeen dibna ugu soo laabteen xuduudda.
1995: August: in la afganbiyo ayaa lagu guulaysanwaayay.
*: September:Falastiiniyiinta ayuu dalka eryay isagoo ku xumeynaya heshiiska Yuhuudda.
1996: July: Rabshado ayaa ka dilaacay kubad cag iyadoo lagu diidanaa Qadafi.
1999: February 13: Waxa uu ogolaaday in maxkamad la saaro labo nin oo loo haystay qarax diyaaradeed.
2000: Mundela ayaa codsaday in Cuna qabateynta laga qaado.
2002: Balan ayuu Qadafi ku qaaday inuu Soomaalia hiil iyo hooba la garab taaganyahay.

Akhri Taariikhda Qaddaafi

Yaa hoggaamin doona Liibiya Qaddaafi kaddib

Saaxiibkii Itoobiya, cadowgii Somalia, Fidel Castro oo xukunka ku wareejiyey walaalkiis
Fidel Castro taariikhda Soomaaliya baal madow ayuu ka galay ka dib markii uu si cadaalad darro ah dagaal ugala saftay Ethiopia ayadoo aanay jirin shacabka Soomaaliyeed wax ay u dhimeen. Waxaa uu sabab ka ahaa jabkii ku dhacay xooga dalka Soomaaliyeed qorshahii la rabay in lagu xoreeyo Soomaali Galbeed asagoo xulafo la ahaa xukuumadii koofurta Yemen iyo Jarmalka Bari iyo Soviet Union iyo WARSOW weliba isticmaalaya lacagtii Qadafi.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Madaxweynahii ka hiiliyey Soomaalida, Qadaafi oo Geeriyoodey "

  1. Nasri Cali says:

    Salaan, dagaalkii 1977 Yemen labo dal ayay kala ahayd, tan ciidan iyo duuliyayaalba soo dirtay waxay ahayd tii koofureed (cadan), laakiinse Qadaafi dhibaatada iyo dagaalka uu Somali u geystay lama qiyaasi karo.
    markaad fiiriso cajaladda laga soo duubay iyo qaab dhaqankiisii horaba uma muuqdo nin wax kala og ama garasho leh.
    waxaase kasii daran dhammaan dadka liibiya sida ay mugdi weli ugu jiraan ayna ku laynayaan waxii muuqaalkiisu madow yahayba.

  2. Qadafi wuxuu dadka lug gooyo waxaa maanta gacanta ku dhigay wiilal da yar . markii ay qabteen “wuxuu ku calaacalay ha i dilina maxaa idin yeelay oo aad iga rabtaan” kolay nin walba wuxuu shaqeesto ayuu helayaa .

  3. Masha alah somalitalk wad mahadsantahin maba ogeen in libya saas noo gashay mar waliba wan tageri jiray qafaafi lakin hadan ogaday in cadaw nagu ahay aad ayad umahadsantahin

  4. fanax says:

    WALEE WAA SIDAAS U U SHEEGAY WARIYUHU SEDEXDII NIN EEE CARBEED EE SOMALIA HAGRATAY WAA MUBARAK ALI ABDALA SALAH IYO QADAFI SANADKAAN WAXAY U TAHAY SANAD MADOOW SHAKI KUMA JIRO IN 77 KII LABADA DAL EE NA DHABAR JEBIYAY AY AHAYEEN MARKA LAGA REEBO CUBA NAASWEYN WAXAY AHAYEEN YEMEN IYO LIBIYA WALIBA YEMEN ILAA HADA AYAY ITOOBIYA XULAFO KULA TAHAY LUGOOYADA SOMALIA