Home » Warar »

Raiisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole oo ka soo Horjeestey Qorshaha Danjire Mahiga

Shirkii wada tashiga ee ka dhacay Magaaladda Muqdisho oo ay garwadeenka ka ahayd Qaramada Midoobey ayaa waxaa ka mid ahaa Qodobabadii lag u Heshiiyey in Wajiga Labaad ee Shirka lagu qabto Magaalada Garoowe oo Caas imada u ah Maamulak Puntland hase yeeshee Waxaa soo baxay warar sheegaya in Shirkaas la doonayo in laga weeciyo Magaalada Garoowe.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Augostine Mahiga ayaa waxaa la sheegey in uu wado Qorshayaal uu ku doonayo in Shirka uu ka weeciyo Magaalada Garoowe isagoo la sheegey in uu doonayo in shirkaas lagu qabto Mgaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Xalane oo ay si aad ah u ilaaliyaan Ciidamada Midowga Afrika oo marka la soo gaabiyo loogu yeeri Amisom.

Xildhibaan Cali Maxamuud (Cali Zeko) oo u waramayey Warfaainta ayaa sheegey in Mahiga uu qoraalo u kala soo direy Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Shiikh Axamed , Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Shiikh Aadan , Raiisul Wasaaraha DFKMG Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas , Maamulada Puntland , Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca oo uu ku Wargelinaya in Shirkii Wadatashiga Qaybtiisii Wajiga labaad lagu qabto Magaaladda Muqdisho isagoo Xildhibaanka uu sheegey in Mahiga sababaha uu shirka ugu wareejinayo ay tahay arrimo dhinaca Nabadgelyada

Qoraalkaas ka soo baxay Mahiga ayaa waxaa la sheegey in uu si aad ah uga Caroodey Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo laga soo xigtey in uu sheegay in Mahiga uusan Xaq u lahayn in uu shirka uu ka wareejiyo Magaalada Garoowe wuxuu intaas sii raaciyey” Mahiga waa in uu tafaasiil ka bixiyaa sababaha uu shirka uga wareejinayo Magaalada Garoowe waxaase la yaab leh Go’aan ay hore u gaareen Xubnhii ku shirey Magaalada Muqdisho cid ka weeicin karta ma jirto halkii ay ku heshiiyeen xubnahaas”

Raiisul Wasaaraha DFKMG Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa la sheegey in uu ku mowqif noqdey Madaxweynaha Maamulka Putland Cabdiraxmaan Faroole oo ah in shirka lagu qabto Magaalada Garoowe isagoo sheegey in Magaalada Garoowe ay Xaq u leedahay in ay Martigeliso Shirka Wajiga Labaad isagoo sheegey in Maamulka Puntland uu xiligaan Diyaar u yahay in shirka Garoowe lagu qabto

Hadaba Is mari waaga dhex jira Xubnhii ka qayb galey Shirkii Wadatashiga ee Magaalada Muqdisho waxay keeni kartaa in uu mar kale uu dib u dhaca uu ku yimaado qabashada wajiga labaad ee Shirka hase yeeshe Shacabka Soomaaliyeed ayaa aamin san in Sababaha loo qabanayo shir aysan Soomaali u dhameyn waa iyadoo la doonayo in lagu Cuno Dhaqaale Fara badan,

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Raiisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole oo ka soo Horjeestey Qorshaha Danjire Mahiga "

  1. Wallaahi waa qosol iyo yaab , war Mahiga iyo Melles maxaa artimaheenna ku soo koobay ,aaway cuqaal,aqoonyahan,culamaudiin iyo waxgaradkii Soomaaliya. Waa su,aal jawaab u baahan oo Soomaali u taal.
    Waa su,aal ku socota qof walba oo damiir leh , iyo dareenn bani aadanimo.

  2. Shirwac says:

    Waa bilaabatey.

    Soomaaliyeey waad diideen inaad bada la la wareego hadaba udiyaar garooba qas iyo hah wareer iyo jugjug meeshaada joog.

    Dowlad nimada waxaa lagu xirey EEZ qorshahaasi soomaali way diidey marka wakaa Kenya soo gashey
    Waakaa Mahiga qas abuuraya
    Tashada soomaliyey ciidamada shisheeyaha amisom kuligood iska saara oo heshiiya tfg iyo Alshabaab

  3. mahad hersi says:

    waxa soomalia ka socdaa wayahan danbe waa wax la yaab leh waxeyna salka ku hayaan jahli & qabyaalad mar dhowna waxaa soo socota mamul gobeleed mid kale ku duulaya ileyn wuxu waa qabiile,mahiiga marba koox dhegta wax ha ugu sheego puntland & madaxdeeda waxey doonayaan wax somalida oo dhan ka wada dhaxeeya,Dabka xamar ka socda ayay dowladnimo ka dhex raadinayaan waana mustaxiil taas.

  4. AYANLE AHMED says:

    jawab : waxaa lagu casuumayaa waa mahiga waayo asaga ayaa u taliya somalida maskax ay isku maamulan oo ay ku gartaan dantooda waa la waayey ha u adkaystaan maskaxda dhagaxa ah ee shisheeyaha oo aan nabad lahayn dagal iyo isku dir mahane

  5. abdi says:

    waa cajiib mahiga waba ninkii aan naqaney waxaan ka wada mahiga wax hormer ah lama rabo somaliaya balse waxaa ka daren ninka rzilwasaaraha ah ee somali ma talayo oo laga dhadhaminaayo in uu u suxulduubayo in uu u sidburiyo pudland waxaan oron laha cabdiweli gaasow yaan lagaa dhadhamin qabyalada waxaad u tahay umada somalyeed masuul ee sugayso

  6. jama says:

    Walaalayall , markii horeba ma’ahayn in somali laku heshiisiinaayo. waxay ahayd in somali dabin loodhigayo: Badda Somaliya sidii loo qaybsan lahaa lacagta lagu iibsho. iyo shirku sheega in lagagacuno lacag dawladaha ku lug leh BURBURINTA SOMALIA. mahiga waxuu rabaa in uu yiraahdo saxiibadiis inoo kala tuura,. haddii koox cusub soogasho meesha muranka ayaa badan, marka looma baahna muran badan

  7. su.aal mahiga ma wuxuu ogyahay waxaan dadka soomaliyeed aysan ogayn miyuu ogyahay?

    su.aal kale meesha ma somalia lagu heshiisiin mise mahige ayaa lagu casuumayaa?