Home » Warar »

Xildhibaan Xasharo oo u Hambalyeeyey Baarlamaanka KMG ah ee somalia Goaa,nkii ay Gaareen Bishan sideedeedii Islamarkaana Ugu baaqay Inay Umada Tabaalaysan La badbaadiyo

Xildhibaan Cawed Cashara : Oo Ugu Hambalyeeyey Baarlamaanka KMG ah ee somalia Goaa,nkii ay Gaareen Bishan sideedeedii Islamarkaana Ugu baaqay Inay Umada Tabaalaysan La badbaadiyo (hoos Ka dhegayso Codkiisa )

Gudoomiyaha gudiga warfaafinta baarlamaanka KMG ah ee soamlia Xildhibaan cawed axmed cashara oo ku sugan dalka Canada gara ahaan magaalada Toronto ayaa si weyn usoo dhoweeyey mar kale kulankii baarlamaanka ay bishan aynu jirno sideedii qaraarkii ay isla gaareen inaan bada Somalia lagu xadgudbi Karin islamarkaana tilmaamay inay taariikhda geli doonto .

Xildhibaan cawed oo si gaar ah uu waraysi uu uga qaaday weriye yasiin feytin ayaa sheegay in dowlada gaar ahaan baarlamaanka Somalia ay metelayaan umada soomaaliyeed islamarkaana aan loo baahnayn wax kasta oo xad gudub ku ah bulshada soomaaliyeed isagoo xusay inuu aad ugu faraxsan yahay talaabada ay baarlamaanku ka qaateen dhibaca bada Somalia caalamka inta danaysa umada soomaaliyedna ay arintaas aad usoo dhoweeyeen .

Halkan kadhegeyso codkii xildhibaan Cawad Xasharo

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/codka_cawed_cashara.mp3]

Sidoo kale cawed axmed cashara ayaa kaloo ugu baaqay baarlamaanka KMG ah ee Somalia inay dadaal u galaan sidii dadka dhibaatada abaaraha daashadeen islamarkaana dowladaha usoo gurmaday ay si weyn usoo dhoweeyaan una mahad celiyaan isagoo farta ku fiiqay lala dagaalamo musuq maasuqa

Xildhibaan Cawed casharo ayaa dhinaca kale ka hadlay dhibaatada ay budh cad badeeda ay ku hayaan bada Somalia islamarkaana u horseedi karaan in bada Somalia khayraadkii laga gurto sida ay xiliganba ku jirto waan mid loo baahan yahay ayuu yiri in laga hortago

Xildhibaanka ayaa sidoo kale daboolka ka qaaday in shirkii loogu magac daray wadatashiga ee wejigisii hore ka dhacay magaalada muqdisho uusan ahayn mid dadka iyo dalka dan u ahayn islamarkaana loo baahnaa in hadii cid lala heshiinayo lala heshiiyo xarakada alshabaab taasina ay marain habaabiyeen dad dano gaar ah leh waa siduu hadalka u dhigaye’’

Mar aan weydiiyey su,aal ahayd dhaliilaha kazoo baxaya gargaarka badan
ee kusoo qul qulaya magaalada muqdisho oo sidii loo baahnaa aan loo
gaarsiinayn dadka tabaalaysan bal sida uu arintaas u arko waxuuna ku
jawaabay in arintaas ay ku shaqo leedahay xukuumada KMG ah ee Somalia
islamarkaana loo baahan yahay in la raaco sharcigii hore u jiri jiray
ee ka turjumaya dhibaatada dadka tabaalaysan sidii gurmadka loo
gaarsiin lahaa

Gabagebadii ayaa xildhibaan cawed waxuu tacsi u diray ehaladii iyo
dadkii ku waxyeeloobay qaraxii bishan ay nu ku jirno afarteedii ka
dhacay magaalada muqdisho islamarkaana uga tacsiyeeyey dhibaatada ku
dhacday qayabhihii kala duwanaa ee bulshada

Ugu dambayntii ayaan waxaan weydiiyey bal inuu iftiimiyo dhaliisha
kazoo baxaysa shirkii wadatashiga ee muqdisho ka dhacay waxuuna
xildhibaanku sheegay in marinka loo maray shirkaasi uu ahayn mid loo
baahan yahay xiligan islamrkaana tilmaamay in puntland ,ehalu suna
waljameeca iyo dowlada KMG ah ee Somalia aysan heshiinayn balse loo
baahan ayuu yiri dadka heshiiska u baahan ay yihiin dadka kazoo
horjeeda oo dhan taasina ayuu yiri aan lagu tilmaami Karin dib u
heshiisiin

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xildhibaan Xasharo oo u Hambalyeeyey Baarlamaanka KMG ah ee somalia Goaa,nkii ay Gaareen Bishan sideedeedii Islamarkaana Ugu baaqay Inay Umada Tabaalaysan La badbaadiyo "

  1. Timirdid says:

    Asc, walaalayaal anigu waxaan ku suganahay waddan ka mid ah waddamada yurub, waxaa igu maqaal ah, oo isa soo taraya in hadda madax reer PUNTLAND oo joogo yurub, una jooga inay saxiixaan ama iibiyaan badda.