Home » Warar »

Ardaydii ugu badneyd oo Soomaali ah oo ka qalin Jabisay Jaamacadda UUM ee dalka Malaysia.

Sanadkan 2011  waxaa Jaamacadda University Utara Malaysia ee loo soo gaabiyo UUM  ka qalin jabiyay ardaydii ugu badneyd ee Soomaali ah. Ardaydan qalinbisay ayaa isuga jira bachelor degree iyo Master degree.

Jaamacadda UUM ee ku taal Gobalka Kedah Waqooyi Galbeed ee dalka Malaysia oo ay dhigtaan arday badan oo Soomaali ah ayaa horay waxaa ooga qalin jabiyay arday badan oo Soomaali ah balse sanadkan ayay ardaydii ugu badneyd oo tiro ahaan gaarya 42 ka qalin jabiyeen Jaamacadda UUM.

Halkan ka daawoo sawirada qalin jebinta

Xaflad si heeer sara ah loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen Gudiga Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda UUM laguna qabtay Hotel-ka Regence ee Caasimadda Gobalka Kedah ee Alor Setar ayaa loo qabtay ardaydan dhameesatay waxbarashadda sanadkan ee jaamacadda UUM, Xafladdan

Kadib markii Xafladda lagu furay Aayaha Quraanka ah waxa si toos ah xafladda u furay Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda UUM Mudane Saciid Macruuf isla markaana ahaa Madaxa Qabaabinta Xafladda  isagoo ugu horeentiiba u  mahadceliyay Xawaalaha Soomaaliyeed ee dalka Malaysia iyo cid walba oo gacan ka geesatay qabsoomidda Xafladda.

“Ardayda waxaa laga rabaa in ay wax ka qabtaa gaajadda iyo abaarta dalka ka jirta, sidoo kalle waxaan idinku dhiirigalinayaa Muhiimadda ay leedahay Waxbarashadda” sidaa waxaa yiri Dr Nuur Cabbdi Guudle oo Macalin  ka ah Jaamacadda Insania ee ku taal isla gobalka Kedah.

Halkan ka daawoo sawirada qalin jebinta

Dhanka kalle Dr. Sayid Mohamed Abdulle  oo ka mid ah arday Jaamacadda UUM ka diyaarinaya Phd oo ka hadlay Goobta ayaa yiri “Ardayda Soomaaliga ah ee Jaamcad dibadda ah wax ka bartay waxa uu leeyahay Muhiimad gaar ah sababtoo ah waxaa ku hareereeysan dhibaatooyin badan waxeeyna Mudanyihiin in si gaar ah loogu Mahadceliyo”

Dhanka kalle Waxa uu hadalkiisa sii raacaday “Sidoo kale waxaa wax lagu farxo ah in arday Soomaali ah ay ka qalin jabiyaan mid ka ah Jaamacadaha ugu Muhiim dalka Malaysia oo ah Jaamacadda UUM”.

Sidoo kalle Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia Mudane Abdisalaam Maxamud ayaa u mahadceliyay araydii soo qaban qaabisay xafladda isagoo dhan kalle ardaydii dhameesatay waxbarashadda ku dhiiri galiyay in ay wax barashadda sii wadaan.

Ugu danbeyntii Xafladda ayaa ku soo dhamaatay Jawi aad u wanaagsan, Dhamaan ardaydii ka hadashay goobta waxa ay u mahadceliyeen dadkii ka soo qeybgalay iyo cid walba oo gacan ka geesatay qaban qaabadda xafladda.

Liiska ardaydii ka qalin jabisay Jaamacadda UUM iyo Maadada ay barteen.

Bachelor of Business Administration (Hons)
1. Abdi Razak Jama Mohamed Dualeh
2. Abdirizak Ali Isse
3. Ahmed Nur Moalim Abdullahi
Bachelor of Business Administration (Logistics & Transportation) (Hons)
1. Hamdi Abshir Geyre
Bachelor of Information Technology (Hons)
1. Abdillahi Abdirizak Sheikh Adan
2. Abdirahman Hussein Jibril
3. Abdisalam Mohamed Sheikh
4. Abdishakur Mohamed Idris
5. Adan A/Kadir Adan
6. Deqa Osman Ali
7. Hassan Mohamed Hirei
8. Ismail Hashi Ali Farah
9. Liban Musse Farah
10. Mohamed Abdulkadir Mohamed
11. Mohamed Ahmed Mohamoud
12. Mohamed Ahmed Sheikh
13. Mohamed Hassan Abdillahi
14. Mohamud Jama Mohamed Dualeh
15. Omar Abdullahi Ahmad
16. Said Ismail Mohamed
17. Sid Ali Isse Jeyte
18. Yahya Abdiwali Hersi
Bachelor of Human Resource Management (Hons)
1. Abdi Wali Mahamud Awl
2. Omar Abdullahi Sheikh Mohamed
3. Mohamed Abdillahi Mohamud
Bachelor of Banking (Hons)
1. Abas Mohamed Yusuf
2. Ali Abdilahi Haji Mohamed
Bachelor of International Business Management (Hons)
1. Ibrahim Mohamed Hussein
2. Nim’An Abdi Ali
Bachelor of Finance (Hons)
1. Abdinassir Ali Abdi
Bachelor of Islamic finance and Banking (Hons)
1. Abdirahman Bashiir Mohamed
2. Abdiwahab Ahmed Abdi
3. Mohamed Saeed Noor Samatar
4. Osman Ibrahim Dualeh Adle
5. Jalal AbdiLadif Bilal
6. Mohiyadin Nour Amin

Bachelor of International Affairs Management(Hons)
1. Mohudin Mohamed Ali

Master Human Resource Management
1. Osman Hussein Osman
2. Farhiya Abdi Hasan
Master of Ecnomics
1. Muhyadin Abdi hasen
Master of Science (Finance)
1. Ahmed Abubakar Ahmed Siad

Master Of Science (Information Technology)
1. Abdulah Abduljabar Abdulqadir
2. Abdiaziz Agane Abdisamed
3. Hussein Abdulahi Daud
4. Yahia Ali Muse

Daawo Video:

Ibraahim Da’ud Abdalle

Kuala Lumpur, Malaysia

sayfudiin@gmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Ardaydii ugu badneyd oo Soomaali ah oo ka qalin Jabisay Jaamacadda UUM ee dalka Malaysia. "

  1. waddaniyad says:

    ASC

    Dhalinyarooy, hambalyo iyo duco baanu hawada idiin soo marinayaa, qurbo waxay tahay waad yar dhandhansateen, weliba fooxumadeeda way idiin hadhsantahay, arrinka dhulkiina, talo dhulka ayey kaga dhacday oday Somali badidood, arrinka idinka ayey idin dhextaal, ku soo noqda idinkoo nabad ah, oo geesiyaashii geeska Africa noqdo, idinkoo dhaxalkiina badbadaadinayaa!!

  2. DHULKIINII BAAN AHAY DHOOFTEEN OO MA DHIDININE
    DHALIIL MAAN LAHEEN ANI DHIB IDIIN MAAN HORSEEDINE
    DHUL AAD U DHALANIN BAAD DHISEEY SEEN
    ANA WAAN DHIBTOODOO DHIIG LEY GU DAADIYEY
    DHUUNI RAAC RAAC AAN DHARGEYN BAA
    DHALAAN KII DHAMEEYOO IGA DHAMEEYOO
    DHEEMAN KII AAN IDIN KU TALAGALEY DADKALAA DHURTAANOO
    DHIIGLAAAWAYAASHANE DHUL KALE AY U
    DHALAN BEY DHISAAYAAN DHALEECO MA LIHI ANEGEEN
    DHALIN YAROOY IN TAAN DHIMAN I DHAYA
    OO I DAAFACA

  3. DHALIN YAROOY DHULKIINA BAAN AHAY
    DHIBAATO IDIN MAAN HORSEEDINE
    DHUUNI RAAC HA NOQONINA
    DHAQAALI IDIN MA SIISTEEN
    DHAL DHALAALKII HOREETAN DHILIN YAROOY WAAD OGSOONTIIN
    DHUUNI RAAC AANAN GARANEYN DHIBAATO II HORSEEDEE
    DHAQAALEY I SIISTEEN
    DHAQAN KEENII MA HEEN DHUUNI RAAC IGU MA DHALAN
    DHIIG LAAWAYAAL HA NOQONINA
    DHULKIINAA BAAN AHAY DHALDHALAAL WAXAN KA SUGAYAA
    DHALINYARADEYDII WEEYAAN
    DHUUNI QAATE HA IGU DHAAFINA

  4. WALAALAYAAL MARKA HORE SALAAN IYO HAMBALYO IGA HOOYO SIDA AAD U DHAN TIHIIN
    WALAALAYAAL HOYGEENII WAA IN AAD U HAGAR BAX DAAN WAA U JEEDAAN MAANTA WAA IDIIN BAAHAN YAHAY MAALINTII AAD U BAAHNEEDEEN WUU IDIIN HAGAR BAXEY DHULKIINII DADKA ISKU DAYAAYA KU DAMAASHAADAAYO WAA DALIN YARO INDINKA OO KALE AH BAD BAADO IDINKA UU IDIINKA BAAHAN YAHAY
    ILAAHNA HA IDINLA JIRO

  5. Abuu Anas says:

    WAA GUUL WEYN HANBALYO
    KU SOO NOQDA DHULKIINA HOOYO, HA AADININA DHULAL SHISHEEYE.
    AQOONTU DHULKAAGA HOOYO AYEY SHARAF KU LEEDAHAY EE BUUFISKA ISKA SAARA OO AAMMINA DHULKIINI HOOYO.

    SOO NOQDA IDINKOO NABADA.