Home » Faallo »

Buuga Ku Saabsan Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya Oo Bosaso Lagu soo Bandhigay

Magaaladda Bosaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland, Waxaa Maalintii Isniintii ka dhacday Xaflad lagu daahfuray Buug Cusub oo loogu magacdaray Kobicii Islaamiyiinta Somalia oo ka hadlaya Taariikhdii dhaqdhaqaaqyadii islaamiyiinta Somalia 50 kii Sanno ee la soo dhaafay.

Buugan oo uu qoray C/shakuur Mire Aadan, wuxuu koobayaa Taariikh run oo nus Qarni ah laga soo bilaabo sanadii 1952-dii ilaa 2002, wuxuu ka sheekaynayaa kufaa kicii waayihii Islaamiyiinta,, xilligii Baraaruga dacwada, Xilligii horu socodnimadda, Xilligi hub qaadashada, Xilligii walaahowga dhexdooda iyo Xiligii kala Miiranka.

Halkan ka daawo sawiradii bandhigga Buugga

Xafladii Daahfurka Buuga oo ka dhacday Hoolka weyn ee shirarka Jaamacadda Bariga Afrika, Waxaa ka soo qaybgalay Masuuliyiin, Siyaasiyin, Aqoonyahano Reer Puntland, Macalimiinta, Madaxda Jaamacadda Bariga Afrika iyo Ardayda Jaamacadda iyo Marti sharaf kale oo tiro badan.

Ugu horrayn Xafladda Waxaa ka hadlay Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan oo ah mufakar, kana mid ah Macalimiinta Kulliyada shareecadda ee Jaamacadda bariga afrika, Waxaana uu aad ugu dheeraaday Macluumaadka Buugani koobayo, oo uu sheegay in uu si xiiso badan u soo bandhigay Taariikhda dhabta ah ee Islaamiyiinta Somalia, wuxuuna ugu hambalyeeyay Qoraaga dadaalka xooga-weyn ee uu isagu taxalujiyay Ururinta Xogta buugan ku qoran.

Qoraa Sare Maxamed Siciid Kaashawiito oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in Buugani uu soo bandhigayo, Sawirna ka bixinayo dhaq-dhaqaaqyadii Islaamiyiinta Somalia, islamarkaana uu si run uga warbixiyay Taariikhda Islaamiyiinta Somalia

“ Buugani waa mid ka mid ah Taariikhda aynu soo marynay Nusqarni, Runtii waxaan oran karaa. C/shakuur waa dadaalay, wax badan buu wax ka qoray, Wax badan oo aanay ogayn ayuu iftiimiyay. Waa Bani’aadam waa la oran karaa waxbuu qalday. Waxyaalaha buugan ku qoran waa wax dad laga soo ururiyay oo xaqiiq ah, ma aha sheeko mala awaal ah (fiction), oo C/shakuur abuuray, oo isagu alifay oo uu qoray ma aha, Markaa waxaan qabaa haddii khalad dhaco, wuxuu ku koobnaanayaa qofkii laga soo wariyay” ayuu yiri

Qoraaga Buugan Koboca Islaamiyiinta Somalia C/shakuur mire Aadan ayaa ka hadlay waxybaabihii ku dhaliyay inuu qoro buug ka hadlaya waayihii islaamiyiinta Somalia. Waxaana uu sheegay in buugan qoraalkiisu uu ku qaatay muddo 6 Sanadood ah, Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Ujeedada uu qoray ay ahayd iftiiminta Taariikhda Islaamiyiinta Somalia oo Xog badan laga hayn.

“ujeedooyinka Buuga waxaa weeye, si loo helo Qoraal ku qoran afka soomaaliga oo Soo bandhigaya Taariikhda Islaamiyiinta Somalia oo aan xog badan laga hayn. Usoo gudbinta Jiilka soo koraya taariikhda ee dalkoodu soo maray. Iftiimin dhalinyarada Aqoonta leh loo iftiiminayo inay qalinka qaataan, oo ay iyagu noqdaan kuwa dalkooda wax ka qoraya, intii cid kale oo shisheeye wax ka qori lahayd. In la helo Tixraac ay raacaan baarayaasha iyo Aqoonyahanada doonaya inay wax ka qoraan islaamiyiinta Somalia, Xoojinta Qoraalka Afka Soomaaliga” ayuu yiri C/shakuur mire

C/shakuur Mire wuxuu sheegay in buugani uu ka kooban yahay 5 Cutub oo 295 bogg uu yahay, oo dhammaantood isagu uu qoray “Buugan waa 50 sanno oo taariikh ah, Buug kasta oo la qoraa wuxuu yeeshaa dhaliil iyo ammaan, Waxaan u huray naftayda in aan noqdo qofkii u horreeyay oo soo bandhiga Taariikhda Islaamiyiinta soomaalia, si dad badan ugu dhiiradaan, Buugan waxaan u hibeeyay Wadaad caan ahaa oo la yaqaanay oo ah Shiikh nuur Cali Colow oo ka mid ahaa wadaadaduu Salka u dhigay Xarakada Cusub ee Islaamiyiinta iyo nin aanu saaxiib ahayn oo 19 june 1992-dii ku geeriyooday Magaaladda Garowe, oo la oran jiray c/rashii Guuleed Warfaa”

Mar uu ka hadlyay qoraagu habraaca qoraalka uu raacay, wuxuu sheegay in Ururinta Xogta Asaasiga ee Buugan ay Asaas u tahay, Baaritaano Qoto dheere iyo Waraysiyo uu la yeeshay Wadaado caan ahaa sida C/qaadir Nuur Faarax, Sheekha Maxamed Axmed Garyare, sheekh Cali Warsame, C/laahi Diiriye Abtidoon, Maxamed Ismaaciil Yuusuf, Abukaate xuseen Cabdulle Colow, Ustaad C/raxmaan Baadiyow iyo Rag kale. Qoraagu Waxaa kaloo uu waraystay Hoggaamiyaashii xarakooyinka Islaamiga ah ee asaasay ururadii dacwada, Siyaasiyiin iyo Saraakiil ka tirsanayd Ciidamadii Xooga dalka Soomaaliyeed

“Xogaha kale ee la raad raacay waxaa ka mid ah Qoraal lagu faafiyay baraha internetka ee Somalitoday, Somalitalk, Al-shaahid, xildhibaan. Buugaagta la kaashaday waa taariikhdii Daraawiishta, Dhacdooyinkii ma deganayaasha, Taangigii Tikreega, Hadimadii Gumaysiga, Qaranjabkii Somalia, Dagaalkii Ogaadeenya iyo Kuwa kale, Wargaysyada la qaatay waxaa ka mida Ogaal oo ka soo baxa hargaisa” ayuu yiri

Qoraa C/shakuur wuxuu aad ugu dheeraaday asaasayashii iyo asaasmidii Xarakooyinka islaamiyiinta Somalia, Dagaaladii ay galeen iyo kala dhanbalankii Islaamiyiinta

“ Waayihii Horusocda islaamiyiinta, dhalintii Al-ahli ay ku fekerayeen in Dowladda islaami ah Somalia ka curato, ayaa 1978 qaybsamay, waxay u kala qaysantay, qolo raacdo Jaamacal muslimiin (takfiirka), oo uu la go’ay guddoomiyihii Al-ahli Sheekh C/qaadir Maxamuud iyo qolo Jamacaa Islaamiya ku hartay iyo Qolo al-islaax la baxday”

“ burburkii qaranka soomaaliyeed, markii ay burburay Dowladii soomaaliyeed, Islaamiyiiintu qolo walba waxay raaceen qabiilkoodii, Hadday ahaan lahaayeen Al-islaax, hadday ahaan lahaayeen Jaamacatul Musliim (takfiirka) iyo hadday ahaan lahayd Al-itixaad al Islaami.Ururka Al-itixaad Al-islaami wuxuu ahaa ururka ugu Kaadirka Badan Islaamiyiinta soomalia Xiligaas. Al-itixaad Markii ay Kismaayo Tageen ma ayan hubaysnayn, Waxaa Mucaskarkii ugu horreeyay laga sameeyay Magaaladda Kismaayo Xerada guulwade, Waxaana loo bixiyay Khaalid bini Waliid.

Ururkii Al-itixaad wuxuu galay Dagaalkii araare. Islaamiyiintu waxay ka barbar dagaalameen General Morgan, Taasoo ahayd Khalad, waayo 1988 –kii Ururka Al-itaxaad wuxuu go’aan ku gaaray inaan lala safan qabaa’ilka, Hase ahaatee, khaladaad ayay ku dhaceen markii ay ka difaaceen magaaladda Kismaayo Ururkii USC ee Generaal Maxmed Faarax Caydiid.Ururkii Al-itaxaad waxay u soo wareegeen goboladda Waqooyi Bari (Puntland), ururku Markasta oo ay dagaal galaan wuxuu galay kala qaybsan.Ururka Al-itixaad wuxuu u qaybsamay Saddex Qaybood Salafiya jadiid, Al-ictisaam iyo Salafiya Jihaadiya” ayuu yiri C/shakuur Mire Aadan.

Sheekh fu’aad Xaaji Nuur oo ka mid ahaa Culuma’udiinkii ka hadlay Munaasabadda ayaa tilmaamay Muhiimadda Buugani uu leeyaahay, Waxaana uu sheegay in Buugan uu ku qoran yahay Afsomalia quruxbadan, oo Fudud oo qof kastaa fahmi karo

“ Waxaa buuga ku qoran oo ka mid ah Mucaskarkii Nasrudiin la oran jiray oo u yaalay Qow (Bender siyaada) in saraakiishii u horraysay oo Tababarka ka soo baxay uu ka mid ahaa Aadan Xaashi Cayrow, Macaluumaadkaas waa mid khaladan. Aadan waagaas wuu joogay laakiinse wuxuu ahaa Wiil yar, wuxuu ka tirsanaa Koox la oran jiray Abu-hurayra oo Ciyaalka Quraa’nka loo dhigo ayuu ka mid ahaa, Nin aad iyo aad u yar buu ahaa, markaa ma ahayn Dafcadii u horraysa, Tii Labaad, tii Saddexaad oo tababarka ciidanka ka soo baxda” ayuu yiri Sheekh Fu’aad, wuxuuna sii raaciyay

“ annigu waxaan buuga aad u akhriyay markii burburku dhacay, Markii Al-itixaad Dagaalka kismaayo galayeen, lama gelin Dagaalka qabiilkooda, Waxaa loo galay sabab gaar ah, Shuurada Xarakaduna go’aan kuma gaarin. Laakiinse waxaa la yiri Cunqaaco Meeshaad rabtid kuguma sinto. Dagaalkaas Qabiilka iyo wadaadadu isku meel kagama jirin”

Ugu dambayntii, Waxaa ka hadlay Munaasabadda Siyaasiyaga Caanka ah ee Cali Cabdi aware, oo ugu hambalyeeyay Qoraaga soo Saarida Buugan Cusub ee ka hadlaya waayihii kala duwanaa ee Islaamiyiinta. Waxaa sidoo kale Qaar ka tirsan aqoonyahanadii iyo ardayda Jaamacadda Bariga Afirka ayaa su’aalo la xiriira Buuga waydiiyay qoraaga buuga, kuwaasoo si qurux badan uga jawaabay.

Si kastaba ha ahaatee, Buugan oo ah Daabacadii 1aad, Laguna daabacay Dalka gudihiisa, waa kii ugu horreeyay oo noociisa ah oo afsomali ku qoran oo laga qoro Islaamiyiinta Somalia wuxuu xalinayaa xog la’aanta ka jirta Taariikhda islaamiyiinta soomaaliya, in la barto awooda ay bulshada ku dhex leeyihiin oo aan hore looga hayn wax aqoon baahsan aan laga hayn.

La xiriir qoraaga:

abdishakur mire
cobol319@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Buuga Ku Saabsan Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya Oo Bosaso Lagu soo Bandhigay "

  1. cismaan cabdirashiid says:

    Asalaamu calaykum
    aad baan kuu salamayaa walallkay cabdishakuur waxaan doonayaa inaan halkan ku soo bandhigo argtida buugan iyo waliba sida aan ugu riyaaqay.

    Waxaan markii aan ra’yigayga cabiray aad ula dhacay kuna farxay buugan qaaliga ah ee kobocii islaamiyiinta waxay igu qaadatay inaa buugan wada aqriyo 2 maalmood iyo 12 saacadood aad baan uga faaiday siib halganka dacwada aan maanta ku faanayo meesha uu soo marayo run ahaantee cabirkayga waxaan odhan lahaa waligay ma arag buugan oo kale agtaydana qiimo ayuukaleeyahay.
    Aad baan kugu mahad ceinayaa
    wa biaahi tawfiiq

  2. Aad iyo aad ayaan ugu farax sanahay qoraagu sida wacan uu ugu qoray islaamiyiin midba la soo baxay kitaab gooni midba rabo in uu ummada markiisa ka iibiyo kana dhaadhiciyo midkii diidana madaxa ka gooyo midii u maleeyo in masxafkiisa ka hor imaanayo marka waxaa leeyahay umadada soomaaliyo diinta Eebe in soo dejiyey waa mid iyada ku dheg taa ayaa kheyr idin ah aadna ku liibaaneysaa waxaana leeyahay qoraagu Alle ha kuu abaal gudo sida dadka ugu iftiinisey sida ay yihiin iyo mid waliba sida uu u dhaqmo wa salaamu caleykum warax ma tulaahi wa barakaatuhu

  3. asc? Marka hore aad ayaan ugu mahadcelinayaa qoraaga waana ugu hambalyeynayaa sida u isugu howlay helidda iyo baadi goobka macluumaadkan qiimaha badan. dhanka kale wax xogaa waxaan dhaliilsanahay ileen qoraagu waa bini adame in hadduu buuga qorayo uu aad uga dheeraado in qoraalkiisa uu ugu kala eexdo xarakadkii somaliya ka hanaqaaday mudana 50 sano ku siman, waxaan ula jeedaa in qolo uu si gaar ah u bunbuuniyo qola kalana uu wax yar ka qoro, in qolo uu dhaliishooda bananka keeno qolana uu ammaan mooyee dhaliin uu ka ilaaliyo, sidaa so kale marka uu qoraagu leeyay ” Buugan waxaan u hibeeyay Wadaad caan ahaa oo la yaqaanay oo ah Shiikh nuur Cali Colow oo ka mid ahaa wadaadaduu Salka u dhigay Xarakada Cusub ee Islaamiyiinta ” sow warkaas akhristuhu macne kale kalama bixi karo. calaaya taxaal si guud waan u so dhaweyneynaa lkn cadaaladda qoraalka ayaa meesha ka maqan iyo eray-binita la adeegsanayo waad mahadsantihiin

  4. maxamed says:

    as salamu calaykum

    Qoraa sare C/shakuur waan ku salaamay marka ugu horraysa, buugga aad islaamiyiinta ka qortay somalitalk baan ku arkay, intii aad qori jirtay oo somalitalk lagu soo bandhigi jirayna waan la socday maqaalladiisii wax badanna waan ka faaiiday, waana kaaga mahad naqayaa inaad qayb taariikhda soomaali ka mid ah wakhtigaaga aad u hortay.

    waxaanse dhiibanayaa fikrad ah: waxaad sheegtay in dagaalkii araare ka dib itaxaadku saddex u qaybsameen: salafi jadiid, ictisaam iyo salafiya jihaadiya, taas mid baan ka leeyahay:
    Horta maadaama aad qoraa tahay waa inaad garsoor samaysaa, oo qolo walba magacooda ugu yeertaa, qoloda aad salafi jadiid ugu yeertay iyagu isuma bixin ee niman ay colloobeen ayaa u bixiyey oo magacaa ugu yeeray, marka sida ay iyagu isugu yeeraan oo ah salafiya in loogu yeero ayaa cadaaladda qoraanimada waafaqsan;

    midda labaad: markii koowaad waxaa loo kala jabay salafiya iyo al-itaxaad, kadib dagaalkii gedo markii lagu jabay 1996 ayaa itaxaadku la baxeen magaca Al-ictisaam, markaa kadib ayaa dhallinyaradii diiday inay hubka dhigaan oo ka gadooday xiriir la samaysteen dagaalyahannada caalamiga ah ee isugu yeera Salafiya jihaadiya, marka aniigo qudhaydu ka mid ah bahda qoraayaasha sidaa ayaa ii muuqata in xaqaaiqda loo kala saaro, waad mahadsantahay.