Waxaa maalmihii ugu dambeeyey Mgaalada Muqdisho ka socdey Dagaalo u dhaxeeyey Dowladda Federaalka oo gacan ka heleysa Ciidamada Amisom iyo Xarakadda Al-Shabaab waxayna dagaaladaan Xoogooda ay ka socdeen Degmadda Karaan maalmihii ugu Dambeeyey iyadoo Dgaalo Daba socda Dagaalkaas uu ka qarxay Saakey Degaanada Yaaqshiid iyo Huriwaa.
Dagaalkii saakey ayaa waxaa lagu waramey in Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Amisom ay gaareen Degaanadda Warshadii Hore ee Baastada , Xayle Bariise , Isbitalkii SOS ,suuqa Xoolaha iyo Deegaano ku dhaw dhaw ka dib markii ay halkaa ka baxeen Ciidamadii Xarakada Alshabaab waxaana la xaqiijiyey in Dagaalkii Maanta ay waxyeelo ka soo gaartay dad Rayid ah oo lagu waramey in Madaafiic ugu tagtey Guriyahooda sidoo kale waxay Waxyeelo ka soo gaartey Dhinacyadii Dagaalamayey.
Dagalka u dhaxeeyey Xarakadda Alshabaab iyo Ciidamada Dowladda oo taageero ka helya Ciidmada Amisom ayaa dadka qaarkii ay aaminsan yhiin inuusan soo afjari doonin Dagaalada Muqdisho ka socdey Sanooyinkii ugu dambeeyey kuwaas oo markasta yeelanayey Waji Cusub slamarkaana ay oo khasaaro ka soo gaartey Dad Riyid ah oo aan waxba galabsan sidoo kale ma muuqato saansaan looga baxayo Dgaaladaas soo noq noqdey
“Waxaan sanadihii 2007-2009 aan maqleyney Ciidamada Itoobiya oo fariisin ka dhigtey Warshadda Baastada , Xayle Bariise iyo SOS waxaa Mudaas ka soo wareegtey ilaa Sadex Sanno marka waxay weli taagan tahay meeshii shaley aan taagneyn marka dadkaan haddii aan ilaah Xal u keenin sidaan bay ku jirayaan oo ah Warshadii Baastada ayaa la joogan, Waxaana xaqiiqo ah kuwaan manta jooga Way baxayaan kuwa kale ayaa la keenayaa oo iyana hadhow la oronaya Warshadii Baastada ayey gaareen marka arrinta waxay joogtaa Haweeneydii lixda Nin guurstey oo habeenki aqala galka ee ugu dambeeyey ayey tiri”Lugtaaney ninba mar ku qaad” marka xalka Soomaaliya wuxuu ku jiraa iyada la isku daayo oo laga daayo Feregelinta shisheeye”ayuu yiri Ismaacilil Shiikh Nuur
Dagaalada soo noqo noqdey ee ka jira Magaaladda Muqdisho iyo qaar ka mid ah Goboladda Soomaaliya waxaa Xaqiiqo in ay dabada ka riixayaan shisheeye taasoo sahashey dadka Soomaaliyeed oo aan ku waayo aragnimo qaadan wixi ay soo mareen inta ay faregelinaats ay taagan tahay Shacabka soomaaliyeed lagama yaabo in ay ka baxaan inksatoo tii Alle meesha ay ku jirto waxaana shacabka soomaaliyeed looga fadhiyaa in ay u guntadaan sidii ay uga bixi lahaayeen isla markaan ay u ogaan lahaayeen Faregelinta Shisheeye oo aan marnaba dooneyn in soomaaliya Cagaheeda isku taagto
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
(Dagaalada soo noqo noqdey ee ka jira Magaaladda Muqdisho iyo qaar ka mid ah Goboladda Soomaaliya waxaa Xaqiiqo in ay dabada ka riixayaan shisheeye taasoo sahashey dadka Soomaaliyeed oo aan ku waayo aragnimo qaadan wixi ay soo mareen inta ay faregelinaats ay taagan tahay Shacabka soomaaliyeed lagama yaabo in ay ka baxaan inksatoo tii Alle meesha ay ku jirto waxaana shacabka soomaaliyeed looga fadhiyaa in ay u guntadaan sidii ay uga bixi lahaayeen isla markaan ay u ogaan lahaayeen Faregelinta Shisheeye oo aan marnaba dooneyn in soomaaliya Cagaheeda isku taagto). run baad sheegtay amiinoow soomaali tiiha alle haka saaro wallaahi tiih baan ku jirnaa, weli lama garawsan wixii dhacay, la iskamana waraysan, weli waxaa lagu hayaa annaga reer hebel ah aaway cadkeennii, subxaaaaaaanallaah, wallaahi tiih baan ku jirnaa, ee tolow ma intii reer israaiil oo kale baan ku jiri doonnaa mise ka yar mise ka badan????????/ alloow sidii roon.
qoraaga aad baan uga mahad celinayaa runtii sida weyn ee wadaniyada ku jirta ee uu uga danqanayo dalkiisa iyo waaqica dhabta ah ee kajirta oo uu si kal iyo laaba u beegsaday …
laakiin waxaan kuu sheegayaa brother dhibka ugu weyn ee maanta ina aafeeyay waa dadkeena oo naloogu adeegsanayo sidii karbaashkii nalaku timayay oo kale marka walaal … waxaan kuu sheegayaa somalideena in ay ku yadhahay wadaniyada waxa layiraahdo oo nin kastaa xukun uu wax kastaa uga doorsanayo dalkiisa marka sida dhabta ah waxa weeye
ee ina aafeeysay waa nin somali oo aad adiga aqoonyahan utaqaan oo gaalada intuu utago oranaaya aniga xil iidhiiba balana waxaa iga ah in wadanka wax kastaa oo aad uga baahataan waan idin fasaxayaa .bal in uu maan gaab yahay hadii uu dalkiisa iyo dadkiisa gato yuu madax unoqonayaa .sow isagu bari kuma sooxigo oo la oranmaayo adeer adiguna iska soco hade dadkaaga iyo dalkaaga ayaad leysay maxay tahay waxa aad inaga sugeysaa…marka waa in inta wadaniyadu kujirto ay bilaaban kacdoon ka dhana kuwa dalkii ku iisanaayo calaashaan xil laakiin yuu utali doqonka hadii dalkiisa uu uubiyo waxaas oo miiran oo maan gaaba ayaa ina haysta waa in aanu heeryada iska rognaa …adiguna dadaalkaaga hakaa kasii waad waanu kuugu taageereynaa hiil iyo hoo …
laakiin hanoqon sidii ragii hada cabdulaahi yuusuf mucaaradka ku ahaa oo wadaniyada muujinaayay markii ay mucaaradka ahaayeen kadib markiixilkii ay heleena wixii ay ku dacaayadeey nayeen cabdulaahi yuusuf iyagaab kasii liitay oo bilaabay in ay badeenii gor gortan galiyaan…
afkaaga caano iyo wax ka macaanoo khayr ah lagu qabay Amiinow, ilaahey ha badiyo adoo kale, sida runta ah shacabku ama soomaalidu kuma waana qaadannin wixii soo maray, taasoon isleeyahay waxa ugu wacan waa jahliga iyo badownimada ku badan dadkeenna, wixii ka saari lahaana aysan hayn, umadaha adduunku waxay leeyihiin waxyaabo lama taabtaan ka ah agtooda oo ay ka mideysanyihiin sida: Diinta, waddanka iyo ilaalinta sharaftooda iwm. laakiin soomaalidu wax kasta oo lama taabtaan agtooda ka ah waxaad arkeysaa maalin uun iyadoo la isku heysto oo ay isu bedeleen lataabtaan. waa in inta waxgarataa ay ka baxdo ashuun ku addanka iyo ra’yi cabbir uun inay ku ekaadaan oo ay u bedelaan howshooda wacyigalin iyo baraarujin umadda iyagoo wasaqda soo gaari kartana ka dhowrsanaya. sida qorshihii badda ee guusha laga gaaray. umaddu garashadii waddaninnimo iyo diimeed wey leedahay ee waxaa qariyey jahli iyo qabyaalad iyo badownimo ku badan.