Home » Maqaallo »

Waxaaa Jirta Xikmad Caalami ah oo Dhaheeysa Marka Mukulaali Maqnaato ayuu Dooligu Ciyaaraa.

Marka xikmadani waxay ku rumoobaysaa xaalada soomalida markii la waayay qaranimadii soomalida waxaa soo baxay damacyo tiro badan oo u hanqal taagay inay qeyb ka helaan hantidii qaranka soomaliyeed.

Waxaan ku xusuyaa 3 ka mid ah damacyadaaas oo si muuqata u soo baxay waana kuwaan.

1-Qeybinta Soomalida ilaa Somaliland iyo Puntland in lagu daro Ethiopia inta kalena lagu daro Kenya, mida kale heshiiska is afgaradka ah ee lala galay keenya oo keenaya in qeyb Bada Somalida ah lagu daro Kenya, dowlad Goboleed laga dhisay Gobolada Kenya xuduuda la leh, waana tan faahfaahintii, sanadii 2009 waxay faafisay saxaafada Kenya gaar ahaan Joornaalka Daily Nation maqaal uu qoray Kipkorir waxaana uu soo jeediyay in Somaliland iyo puntland itoobiya lagu daro inta kalena Kenya, sidaan ku dhamaato mushkilada Somalia, waxaa lagu soo weeraray qoraagaa emailo iyo diiidmo fara badan iyo inkiraad oo dad kala duwan ay u soo qoreen , waxaa ka mid ahaa dadkaa xubin baarlmaanka Kenya ka mid ah oo lagu magacaabo billow keerow, waxaanu ku yiri isagoo la hadlaya kipkorir “adiga sida la ogyahay waxaad tahay nin reer Rift valley ah , hadii taladaa la fuliyana in somalida maalqabeenka ah ay kaala wareegi doonto Beerahaaga iyo dhulkaaga markay lacag kugu maansheeyaan, marka waxaa kugu haboon inaad hada raadsato meeshaad ku noolan laheeyd marka lagaala wareego hantidaaada maguurtada ah, arrimihiii laga qeeylinayay talo jeedintii kipkorir mudo ayay socotay kadib, iyadoon wax ogo’aan ah laga gaarin arrinkaas ayay iska qaboobeen lagana aamusay.

2- waxaa dhacday bishii April 2009kii in heshiiis lala galay Dowlada kenya looga Tanaazulayo qeyb ka mid ah biyaha soomaliyeed ee xuduuda la leh kenya taaasoo lagu magacaabay Cahdi is afgarad labada dowladood Cahdigasooo keenaya in qeyb weeyn oo bada soomaliyeeed looga tanaasulayo dowlada kenya kaasna wuxuu keenay muran badan oo aad looga qeeyliyay oo ay faafiyeen qalabka warbaahinta caalimiga ah waxaana ka mdi ahaa midkaan , 10kiii bisha april waxaa jiray dood wadaaag ay sameesay idaacada BBC london ee Afsoomaliga ku hadasha , waxaa ka mid aha dadkii ka hadlay xubin baarlamanka federaaliga soomaaliyeed oo lagu magacaaabo ilka xanaf hadana ah gudoomiyha maxkamada sare ee somalia , waana kan hadalkiisii dowlada kenya waxay soo qadimisay codsiyo sanoooyinkii 2005, 2006 iyo 2009 ay codsanaysay in qeyb ka mid ah biyaha kenya ay raacday soomalida , waxaanay codsatay in loo soo celiyo qeeybtaaas , heshiiskana loo biixiyay is afgarad wuxuu sheegayaa inaan dowlada soomalidu waxba ka qabin dacwada codsiga kenya ay codsatay.

Waxuu dhaliyay heshiiskaaasi qeylo dheer iyo muran badan ilaa lagu qasbay dowlada inay baarlamaanka ka ansixiso sida Dstooorku qabo, baarlamaankiina waa diiday, Qaramada midoobayna waxay raaceen go’aankii barlamaanka, halkaasuu ku joogsaday murrankii badnaa, wuxuu ku dambeeyn doonana lama oga, arrinku waxaa la moodayay inuu halkaas ku dhamaaday, laakin waxaa dhacday inuu bishaan si xoog leh usoo cusboonaaday arrinkii badda, waxaa la warsaday mas’uuliyiin madaxdii Wasaaradaha iyo wasiiradii ku shaqo lahaan jiray arrimaha badda, ilaa hadana lama oga waxa uu ku dambeeyn doono.

3-Ugu dambeyn waxaa laga iclaaniyay dalka Kenya dowlad goboleed cusub oo lagu magacaabay Azaaniya , waxaanany dowlaadu tahay gobolada xuduudka la leh dowlada kenya sidoo kale dowlada Kenya waxay muujisay taageero xoog leh oo xamaasadi ku dheehan tahay, waxaana la ogyahay inaan magacaaasi wax xiriiira la laheeyn taariikhda ummada soomaliyeeed , waxay sheegaan kutubka taariikhda inuu yahay magac qadiim ah oo laga helay raadad in jamaaco beeraleey ah ay daganaan jireen bariga Afrika , Mozambique, Tangayika ilaa Kenya, waxaanay taariikhdoodu dhamaatay qarnigii 14aad. waxaa aad u faahfaahiyay kitaabka loo lagu magacaabo Afrikadiii hore. Waxaana qoray Bastil Deved Smon. Waxaa carabi u tarjumay Nabiil Badri , daabacada : Daar Alqomiya : daabcaad iyo Faafinta Qaahira taariiikh lama sheegin Fiiri boga 92.
Waxaa kaloo jira in dowlada Mareeykanku ay ka soo horjeestay fikrada dowlada Goboleedka Azaniya sida ay qortay jariidaada Daily Nation ee soo baxday 7dii september 2011

Maxay u diiday dawlada Maraykanku fikradahan , waxaa laga yaabaa inaanay soomalida ugu daneeyneenin laakin arrinka ay ka fiirineysay danaheeda, maxaa yeelay iyagoo reer Anglo Saxon isla ah ayay hadana danuhu u qeeybsan yihiin :reer common wealth iyo reer Afro America, marka reer Afro America qeybtoooda ma siinayaan, reer common wealth. Fiiri kitaabka Halgan oo uu alifay qoraha maqaalkan.

Waxaa is weydiin mudan fikarahaaa kor ku xusan xiriir ma leeyihiiin mise meelo kala duwan ayay kasoo baxeen, ma maskax afrikaan ayaa iska leh mise cid kale ayaa iska leh oo ka dambeeysa?
Yaa ka faaiideeysanaya hadii fikradahaasi najaxaan? Hadii ay dhacdo in fikradaahaas lagu guuleysto muxuu ku dambeeyn dona Qaranimadii soomalida? Mida kale Amerika maxay u diiday dowlad goboleedka cusub iyo fiikradaha kaleba, waxaa laga yaabaa inaanay soomalida ugu daneeyneenin lakin arrinka ay ka fiirisay danaheeda, maxaa yeelay iyagoo reer inglasacsoon isla ah ayay hadana dadka u qeeybsan yahay marka reeer afro America qeybtoooda ma siinayaan, reer commonwealth.

Cabdiraxmaan Samatar (Abuu Xamza)
E-Mail odowa40@hotmail.com
Chairman Hurcos

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Waxaaa Jirta Xikmad Caalami ah oo Dhaheeysa Marka Mukulaali Maqnaato ayuu Dooligu Ciyaaraa. "

  1. somali-weyn says:

    dadka soomali land 1960 waxay ahaayeen dad somalininada ku weyn tahay laakiin rag baa ku xaaray oo dhibaateeyey, anigu waxaan ahay reer koonfur, reer muqdisho, waxaan leeyahay haddii dhib idin gaaray dadka dhan waa uu soo gaaray.
    haddii lakala tagana angu dhib kuma qabno oo waxaan RABBI na siiyey webiyo bad, iyo dhul shidaal oo cid RABBI ka sokeysa uma baahninn haddii aysan iyadu fahmin ((budo qabe iyo biyo qabe waa isy baahan yihiin))

  2. fareh abdu says:

    Waxan u arkaa ninka khariidaddan midabka hurdiga leh ee uu ku qoray magaca somaliya in uu yahay nin isagoo socda riyoonaya. Waa nin ay ka muuqato in aanu taariikhda somalida waxba kala socon, ama is yeel-yeelaya oo qiiqa isku qarinaya. Muxuu ku keenay in uu shantii somaliyi u kala fadhiday ee mid waliba magac u gaar ah lahayd uu u bixiyo magaca mid ka mid ah shantaa oo waliba ah ta maanta ugu liidata ee ay dacawo iyo waraabe ba ka dhergeen. Waxan ninkaa kula talin lahaa in uu khuuradada ka tooso, qarniga lagu jiraa waa 2011, somali-weyntii bari lagu riyoon jirayna in ay dhimatay oo aanay dib usoo noqonayn, waa in runta ay reer-somaliya isu sheegaan oo ay ku dadaalaan sidii ay cadawga dalkoodii ku soo duulay isaga kicin lahaayeen inta ay kolba khariidad yar oon macno ku tadhiyin web-site yada ku soo dhejinayaan.

    Talo bilaash ah