Home » Warar »

Bannaanbax Ballaaran oo looga soo horjeeedo Qaraxii Muqdisho ee ugu yaraan 70-ka qof ku dhinteen

iyo Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo ku soo laabtay Xamar —

Warsaxaafadeed R.wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay, booqdayna goobtii ay mashaqadu ka dhacday

Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safari uu ku soo kala bixiyay dalalka Mareykanka, Dernmark, Imaaraadka Carabta iyo weliba dalka Itoobiya, halkaasoo uu kaga soo qeybgalay shirar caalami oo looga hadlayay arrimaha dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa maanta markii ay dalka dib ugu soo laabteen waxaa garoonka diyaaraddaha ee Aadancadde si weyn ugu soo dhoweeyey golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka, maamulka gobolka iyo dadweynaha degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana ra’iisul Wasaaruhu uu halkaasi ku gacan qaaday mas’uuliyiintii soo dhoweysay.

Ra’iisul Wasaare Prof. Cabdiweli ayaa warbaahinta faah faahin ka siiyay socdaalkiisii dheeraa wuxuuna ku nuux nuuxsaday inuu guul ku soo dhamaaday, isla markaana shrikii guud ee Q/midoobay ee ay ka soo qeybgaleen isaga iyo wefdigiisu ay jawi wanaagsan ku qaateen.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Wakaaladdii Harkaha iyo Saamaha ee ay mashaqadu ka dhacday October 04,2011 kadib markii ay kooxda dhiigyacabka ah ee Khawaarijta Shabaab ay Qarax la beegsadeen halkaasna ku laayeen shacab tiradoodu kor u dhaafeysay 70 oo u badnaa Arday, wuxuuna R.wasaaruhu aad ula yaabay dhibaatada meesha ka dhacday iyo baaxada qaraxu saameeyey wuxuuna si gaar ah u dul istaagay bakhaar ay laheyd Wasaaradda Caafimaadka oo ay ku jirtay daawo taasoo ku baaba’day Qaraxa.

-DHAMAAD –

Kumannaan ka mudaaharaaday weerarkii argagixiso ee Al-Shabaab

Kumannaan mudaaharadayaal ah ayaa mudaaharaad ku sameeyay caasimadda Muqdisho si ay u muujiyaan sida iyagoo isku duuban ay uga soo horjeedaan kooxda xag-jirka ee Al-Shabaab, isla markaana ay u cambaareynayaan weerarkii is-qarxinta ahaa ee lagu dilay in ka badan 70 qof, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 100 qof ee ka dhacay xarunta Wasaaradda Waxbarashada.

Halkan ka daawo sawiro Bannaanbaxa Muqdisho

Dibedbaxayaasha ayaa isugu soo baxay Garoonka Kubadda Cagta ee Koonis ee ku yaalla degmada Cabdulcasiis, si ay u cambaareeyaan weerarkii argagixiso ee uu dhiigga badani ku daatay ee Muqdisho ka dhacay 4tii bishan.

Iyadoo ay ammaanka si aad ah u sugayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, mudaaharaadka oo socday illaa saddex saac wuxuu ku dhammaaday si wanaagsan, iyadoo shacabkuna ay wateen boorar waaweyn oo ay ku cambaareynayaan weerarka, ayna ugu baaqayeen Al-Shabaab inay joojiyaan dilka, wadahadalna ay la galaan dowladda.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ka qeybgalay dibedbaxa, isagoo la hadlayay shacabkana wuxuu yiri:

“Ma dalkeena ayaan uga tagnaa dambiilayaal baxsad ah oo dalalkooda dambi ka soo galay iyo carruur caasi-waalideyn ah? Jawaabtu waa maya.

“Waxaan ka xunnahay in Al-Shabaab ay gumaadkaas ku geysaneyso iyadoo adeegsaneyso magaca islaamka, kana dhan ah shacabka Muslimka ah. Waxaan ka xuunahay in magaca Islaamka loo adeegsanayo in lagu dilo shacabka.

“Xukuumadda Soomaaliya waxaa ka go’an inay dhammeyso sanadihii fowdada iyo burburka. Waan isku duubnaaneynaa si aan u uga guuleysano argagixisada, shacabkeenana ugu horseedno mustaqbal nabad iyo barwaaqo leh.”

DHAMMAAD

Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia


Video: Mental illness ‘rampant’ in Somalia – Al Jazeera

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Bannaanbax Ballaaran oo looga soo horjeeedo Qaraxii Muqdisho ee ugu yaraan 70-ka qof ku dhinteen "

  1. insha allah waxaa la gaaray xilligii dumarka iyo caruurtu mindiyaha u qaadan lahaayeen kooxdan arxanka daran, mar walba oo ay sameeyaan fal waxshinimo ah waa mar walba oo ay usii dhawaadeen dhammaanshahoodii.

    balse soomaaliyeey malaga waantoobay cudurkii dilaaga ahaa ee halkan ina dhigay??????????????????/

  2. kahin nur says:

    Asc waraxmah, mahad Eebe ayaa leh, naxariis iyo nabad gelyana Suubane Muxamamed, Rasuulkeenii ha ahaato. marka xiga INNAA LILLAAHI WA INNAA LILLAAHI RAAJICUUN. Wallaah Thumma Wallaah yaa uga eg AL-SHABAAB khawaarijtii la dagaalamaysay Sayidanaa CALI IBNU ABII DAALIB (R.C). WAR WALAALAYAAL WAA LA DHAMAADAY OO NOLOLI NOOMA HARIN, UBADKEENII DHAMAA, WAALIDKEEN CALOOL XUMO UMA HARIN, HOOG IYO HALAAGBA INOOMA DHINNA. MAXAY TAHAY SOOMAALIYEEY WAXA AAD SUGAYSAAN MAANTA KA DIB, WALLAAHI WAA DAMIIR XUMO IN LA SII EEGTAA CADAWGAAS GAAMURAY EE INTA UBADKEENII NOLOSHA KU GUBAY OO DHIIGOODII CABAY OO HADANA IDAACADAHA KA SHEEGAAYA INAY RABI UGU DHAWAADEEN XASUUQAA AY GEYSTEEN. WAR WALAALAHA SOOMAALIYEEDOOW INDHAHA KALA FURA OO KHAASATAN WALAALAHA REER MUQDISHOOW OGAADA WAXA NIMANKAASI IDINLA MAAGEEN. HURDADA KA KACA OO RABI LA KAASHADA IDINKOO DIB ISU BAARAYA, MAXAA YEELAY DADKAN SIADAN WAX YEELAY GURYO AYEY KA SOO TOOSAAN WAALID IYO QARAABO AY LEEYIHIIN EE WALLAAHI HADAYDAAN DIB ISKU BAARIN GUMAADKAN IYO MID KA DARANBA WAA IDINLA MAAGAN YIHIIN. YAA RABII YAA LAHUL MULKU WAL CISSATU, ILAAHAYOOW WAAD ARAGTAA ARXAN DARADA ALSHABAAB EE RABOOW NAGA QABO OO DHEXDOODA ALSHAAB ISKU SALLID ILLAA AAD KA YEESHO MID LA DILO, MID LA QABTO IYO MID LA WAAYO. AAMIIN YAA ALLAAH.