Home » Maqaallo »

Dilka Muslimka Ula-kac iyo Kama’ba kuma banaana

Waxaa murugi iyo naxdinba dadkii soomaliyeed ku noqday Qaraxyada waa weyn eek a dhaca goobaha dadka isugu yimaadaan kuwaas galaaftay dad fara badan oo Muslimiin ah, waxa ayna Qaraxyadaas sabab sababeen Dad badan oo daganaa Wadanka inay ku dhaliso ninyad jab iyo qax hor ah, sidoo kalana Qaraxyadaas waxay ku beereen Soomalidii hore Qaxootiga u ahaa niyad Jab iyo inay Duli kusii ahaadaan Qurbaha!

Hadaba waxaa Dad badan isweydiinayaan side ayadoo Magacyo Diinta muujinaya la sito Diinkii loogu tumanayaa, taasoo laga yaaba wqaar inayba u qaataan in Diinta ay tahay sababta keentay Dhiinga daadanaya halkaasna uga Fidnoobaan Diinkooda waayo waxaa jira dadaal badan oo ku aadan sidii dadkan dhibaateysan dhibkooda jidka Islaamka looga leexin lahaa.

Hadaba si loo ogaado xaqiiqda Diinta Islaamka ah ku taagan tahay iyo Mowqifka Diinta Islaamka waxa Haboon in la baaro Kitaabka Quraanka iyo Sunaha Nabi Suuban hadii aysan Qaraxyadaas Daliil Sharci ah heysan macnaheedu waa in kuwa geestay ay Jeebkooda ku baneesteen Dhiigaas Diintuna shaqao aysamn ku laheyn, waayo waxaa muhiin ah in laka barto Islaamka iyo Muslimka.

Islaamku waa Diin rax badan Muqadasna ah gafna uusan ku jirin iyo Gabood fal waayo waxaa soo dajiyay Allihii Raxmada Badnaa ee Na Abuuray nicma kasta ee aan heysanana nagu Maneestay, Muslimikana waxaa la yiraahdaa Ruuxa Diinkaas ayagoo kuwa raaca ay kala duwan yihiin Wanaaga iyo Xumaanta marka loo eego, waxaa ku jiri kara kuwo Hagaagsan Xaqa Allaah iyo kan Makhluuqaadka oo dhannba tixgaliya, waxaa kaloo MUslimiinta ka mid ah kuwa Xadgudba oo aan Diinka dhowrin.

Suurada Faadhir Aayada 31-32: {Kaan kuu waxyoonay ee Quraanka ah uunbaa Xaq ah wixii ka horeeyayna u Rumeyn Eebana Adoomihiida waa ogyahay arkaana.Markaasaan Dhaxashiinay Kitaabka kuwaan dooranay oo Addoomadeena ka mid ah, waxaase ka mid ah [Addoomaha] mid dulmiyay naftiisa iyo mid dhexdhexeystay iyo mid ku hanuunay kheyrka Idinka Eebe dartiis, arintaasna waa Fadli weyn}.

Hadaba labadaadan aayadood waxa ay na barayaan Diinku inuu yahay wax xaga rabi ka yimid oo Muqadas ah, laakiin Muslimiinta waa kala darajo xaga ku dhaqanka Diinta iyo Toosnaanta araintaas waxaan ula jeedaa Diinka waxaa uu ka madax banana yahay gafafka ay galayaan dad Muslimiinta ah Qof ahaan ama koox ahaan waayo gafkoodu waxaa uu u laabanaayaa Naftooda ee Diinka Masuul kama aha Diinkana waxaa uu cadeeyay Jidka toosan ee xaqa ah laguna Dhowrayo Xuquuqaha oo dhan Xaqa Allaah iyo Kan Makhluuqaadka, marka ruuxii ka leexdaa Diinta Islaamka ee Hawadiisa iyo rabitaankiisa  Siyaasadeed Dhibaato ku geestaa asaga ayaa qaadaya Masuuliyada gafkiisa.

Mida xigta waxaan hubaa inay jiraan dad magaca Diinka Diinka ka Erya ama Diinka Nacsiiya dadka Caamada ah ee aan Aqoonta Diinta u laheyn waayo waxa ay u heestaan waxa ay dadka Dhiiga Muslimiinta daadinmayaan sameeynayaan ay tahay wax ay Diinka ka heleen, taasna wa arin Qatar ah loona baahan yahay in dadka laga wacyi galiyo lona cadeeyo Islaamka inuusan Shaqo ku laheyn Gumaadka Maatada iyo waxgaradka loo geysanayo.

Waxaa laga yaabaa Dadka qaar inay is yiraahdaan side ruux Diinkiisa uga fidnoobaa fal uu ruux sameeyay dartiis, taasna waxaa jawaab u ah inuu Nabiga ku canaatay Mucaad Ibnu Jabal maruu Salaad Tujinayay saxaabada qaar oo uu Salaada ku dheereeyay ayaa Nabiga looga Dacwooday inuu salaada Dadka ku Dhibay, Nabigana waxaa uu ku Canaantay Mucaad waayo waxaa ka dhalaneysa Dad badan inay Salaadii Jamaaca uga baaqdaan Imaamka Salaada Dheereeyay dartiis, waxaa uuna Nabiga yiri: Mucaadow ma dadkaan Fidneyneysaa! Waxaa uuna Muslimiinta oo dhan u dardaarmay inaysan Diinka Dadka ka Eryin waxaa uuna yiri: u sahla dadka haku Culeysanina, u Bishaareeya ha Eryina.

Marka waxaan leeyahay Magaca Diinka Kooxaha qaatay ama Shaqsiyaadka hadana Diinka ku tumanaya dadka Muslimiinta ah Diinka haka Fidneynina sababna u noqonina inaad Gacan siisaan una Howl fududeysaan Hey’adaha ka shaqeeya Dadka Muslimiinta sidii Diinka looga saari lahaa, Dilka Muslimiinta ama  Dil Xataa xawayaan si Dulmi ah kuma banaana Shareecda sida ku cad Nusuustan soo socta:

Suurada An-Nisaa Aayada 93aad: {Ruuxi dila Mu’min si kas ah Abaalkiisu waa Jahanama uu ku waari dhexdeeda wuuna u caroon Allaah wuuna lacnadi wuxuuna u Diyaarin cadaab weyn}.

Waxaana ka buuxa daliilada Shareecada Kitaabka iyo Sunnaha inaysan marna banaaneyn goynta Naf Muslim si gardara ah iyo ku Xadgudubka wax Ruux ku jiro, waxaana uu Nabiga noo sheegay in Naarta ay Haweeney ku muteysatay Yaanyuur [Mukulaal] ay Gaajo ku dhishay Darteed, waxaa kaloo mnoo sheehgay in Ruux uu Jano ku galay Eey Oomanaa uu Waraabiyay dartiis, waxaana uuna Reebay in wax dadka Dhiba lagu Tilmaamo Muslimka waxaa uuna shegay Ruux wax Muslim Dhiba karaa ku Fiiqa inuu Lacnadan yahay, marka sow Gaf iyo Godob weyn ma aha in Dad dhan oo Muslimiin ah qarax lagu Gumaado.

Suurada Al-Maaidah Aayad 32aad: {…Cidii disha Naf aan [Dilin] Naf ama Fasahaadin Dhulka waxay la mid tahay inuu dilay dadka Dhamaan…}

Waxaa dhici karta dadka qaar inay ku andacoodaan dadkan waxbay fasahaadiyen Dhulka oo ay yihiin Mujrimiin ayadoo aan Diin ohaan ogahay inuusan Sharci ahaan banaaneyn khilaafyo siyaasadeed in Dhiiga lagu baneesto arintaasna ay tahay arin ay Khawaarij Xiligii Saxaabada ku Dhiig baneysatay Saxabadii Rasuulka ayagoo u arkayay Dilka saxaabadii rasuulka Suunabaa inay tahay Cibaado ay Allaah ugu Dhawaanayaan.

Marka hadii ay dadka qaar isku qaanciyaan in koox Diinta ka baxaday ay googbta joogtay amaaan Muslimiin aheyna waxaa in la weydiiyo mudan xataa hadii ay sax tahay sidaas yaa Baneeyay Dhiiga Dadka oo dhan Xalaaleyayna Hadafkaas si naad u gaarto Naftii  Shareecda Xaaraanta aheyd in la dilo, waxaan dhageytay cajalad la yiri waxaa Duubay Wiilkii falka Qaraxa Geestay waxaana iiga muuqatay sida Hadalkiisa ku cad inuu Ogaa inuu qarxin Doono arday meel ku kulansan waxaa uuna yiri: [waxaa la leeyahay Gabadha waxaa loo wadaa Jaamacad….] Hadalkaas waxaa uu marqaati kac u yahay inuu oga ninka falka geestay inuu Gumaadi doono arday hadaba yaa baneeyay Wado [wasiilo] kasta oo lagu gaaro kawa aad ku Sheegteen Rido ama Gaal Dagaal idinkula jiro lagu gaaro!

Marka waxaan leenahay marna ma Baanaana daadin Dhiig Muslim marmarsiiyana loogama helayo Diinka Islaamka falkii Waxashnimada ahaa ee lagu baneestay Dhiigii Muslimiinta Usbucaan Gudihiisa, Shareecadana waxa ay xarintay laguma Xalaashan karo Fikir Qof ama Koox gaar u leedahay, waayo Sharcciga waa mid ka weyn Hawada Kooxaha Siyaasada.

Suurada Al-Fatxi waxaa uu Allaah ku sheegay in Muslimiinta ayagoo awooda inay maka weeraraan laga reebay inay ku duulaan Makah sababtana waxay ay aheyd dad Muslimiin ah oo ku dhex jiray si aan Dhibaato loo gaarsiinin oo aysan saxaabada uga soo gaarin Cadaab Dhiigaaas Muslimiinta dartiis.

Suurada Al-Fatxi Aayada 25aad: {.. Hadeynan jirin Rag iyo Haween Mu’miniin ah [oola nool gaalada Makah] idinkana aydaan ogeyn marka aad baabi’ineysaan ayna Mashaqo idin haleesho [Eebe waa idiin Fasaxi lahaa]}.

Marka Aayadan waxa ay cadeesay in Muslimiinta ay Halis ku galeen in ay Dembi weyn ka helaan hadii ay ku Duuli lahaayeen Magaalada Makah oo ay ku dhex jireen xilagaas Muslimiin isqarineysa, ka waran Ruuxii Gumaada Muslimiin uu ogyahay kuna tala gala inuu dilo Dembigiisu muxuu yahay sida ka muuqatay Hadalka kan Qaraxa geestay inuu ogaa Ardayda goobta joogta iyo Musliimta kalaba!

Marka waxaan leeyahay waa muuqataa in loo bareeray Daadinta Dhiiga Muslimiinta waxaana lagu gaar maray Guracan Shareecda Islaamaka falkaas lagu lagu laayay waxgarad, waalidiin iyo Aradaydii Soomaliyeed ee Muslimiinta wada ahaa, mana aha wax Diinta Daliil looga helayo marna, Diinkuna waa ka weyn yahay in loo adeegsado dano Siyaasadeed iyo Aragtiyo aan sal ku laheyn Diinka, Diinka Islaamkana Masuul kama aha waxa ay geesteen Dhiigyacabka u ooman Hulibka Dadka ee dabka suray Muslimiintii ku dhawaa Labada Boqol Ruux,….

W/Q: Asad Cali
asadcnx@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dilka Muslimka Ula-kac iyo Kama’ba kuma banaana "

  1. ali says:

    Asad,

    Marka hore waad mahadsan tahay. Marka xiga aad iyo aad ayaad ula soo daahday qoraalkaaga. Waxaase ka sii nasiib xun in qoraalkaaga uu meelo hoose ku sii qoran yahay oo dadku ayan wada arki doonin.

    Waxaa jirta in qaraxaan uusan ahayn kii ugu horeeyey oo noociisa ah. Waxaa qarax sidaan oo kale ah lagu dilay araday iyo wasiiro qarkood markii hore ay kuwa wax qarxinaya wada socdeen. Waxaa kale oo uu qaraxa noocaan ah ka dhacay magaalada Baladweyne oo ummad dhan ayaa ku naf waayey. Waxuu kaloo ka dhacay Baydhabo iyada oo lala beegsaday madaxweynihii TFG(Abdullaahi Yusuf). Anigu ma hubo laakiin waxaan u malaynayaa in qarax noocaan oo kale ah uu ugu horeeyey kii Baydhabo. Markaas ayayna ahayd in si cad culimadu uga hadasho, una sheegto in diinta Islaamku ay bari ka tahay.

    Waxaa cad in fikrada qaraxyadaan ay Somali shaqo ku lahayn, horeyna loogu arki jirin Somalia. Waxaa kale oo cad in nimankaan Somalida ah ee magaca diinta wata ay wadi doonaan ficilkaan oo ayan dhag jalaq u siin doonin culimada iyo odayada Soomaliyeed. Marka qoraalku waa fiican yahay laakiin culimadu waa inay garataa dhibaatadan cusub oo ay si cad meel kasta uga sheegaan oo jimca walba salaad qudbada looga hadlaa. Dadka Soomaliyeed waa in ay iskaashi aan hore loo arag sameeyaa, oo fidnadaan cusb inta ay fikaradahooda kala duwan meel iska dhigaan wadanka ka suuliyaan.

    SomaliTalk waxaa oran lahaa aad ayaad ugu mahadsan tihiin sida aad badda Soomaaliyeed difaaceeda ugu duubateen. Lakiin, maxaad ugu aamusan tihiin arrinkan fidnada ah ee ummada Somaliyeed lagu baabi-iyey?